TOOS, Tirada dhimashada Nepal oo gaartay 389 qof, iyadoo "dhoobadu waxkasta qarisay"

Shaqaalaha samatabbixintu waxay la tacaalayaan sidii ay ku gaari lahaayeen deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha degdegga ah ee ka dhacay xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.

Tebin toos ah

  1. Nepal: Boqollaal qof oo la soo badbaadiyey

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nepal ayaa sheegay in 350 qof laga soo badbaadiyey hog dheer oo ku dhow Webiga Trishuli.

    Dadka laga soo badbaadiyey aaggaas, oo qayb ka ah warshad korontada ka dhalisa biyaha, waxay ahaayeen shaqaale iyo dad deegaanka ah, sida lagu sheegay warbixinta.

    Ciidanka Nepal ayaa weli wada dadaallada lagu soo badbaadinayo 100 qof oo kale oo ku jira gudaha tunnel-ka.

  2. Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?

    Ninka lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001 ee ka dhacay Maraykanka, Khaalid Sheekh Maxamed, ayaa maxkamad la horgeyn doonaa bisha Juun 2028, in ka badan 25 sano kaddib weerarkii ay dowladda Maraykanku ku tilmaantay "weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee abid ka dhaca gudaha dalka."

    Garsooraha maxkamadda ciidamada milatariga ayaa go'aamiyay in dacwaddu bilaabato labo sano gudahood, isagoo sheegay in codsiga xeer-ilaalintu ku doonaysay in maxkamaddu bilaabato 2027 uu ahaa mid xilli hore ah.

    Khaalid ayaa dalbaday in la gaaro heshiis u oggolaanaya inuu qirto dambiyada lagu soo oogay, iyadoo loo ballanqaadayo in aan lagu xukumin dil. Hase yeeshee, maxkamad federaali ah oo racfaan qaadda ayaa diidday codsigaas. Waxaa la qabtay sanadkii 2003, waxaana lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay tan iyo Sebtembar 2006.

    Khaalid Sheekh Maxamed ayaa hore u qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, laga bilaabo billowgiisii ilaa dhammaadkiisii.

  3. Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh

    Tirada dadka ku dhintay Nepal kadib fatahaadihii degdegga ahaa ayaa kor ugu kacday 389 qof, sida ay sheegeen booliiska Nepal.

    Tani waa koror marka loo eego tiradii hore ee 359 qof ee ay mas’uuliyiintu sheegeen dhowr saacadood ka hor.

    Wararkii ugu dambeeyay waxay sidoo kale sheegayaan in ay jirto cabsi laga qabo fatahaad kale, kadib markii biyo ku xannibmeen meel sare oo ay sameeyeen haro weyn oo laga yaabo inay karkaarada jabsato.

  4. Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA

    Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino (midig), ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaaday.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino (midig), ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaaday.

    UEFA waxay waddaa dacwad dambiyeed sharci oo ka dhan ah madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, taas oo la xiriirta qorshihii hadda la joojiyay ee ahaa in saamiyo laga iibiyo Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee FIFA maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.

    Dukumentiyo ay aragtay BBC Sport ayaa muujinaya in hay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ay gudbisay codsi ay ku doonayso in loo oggolaado helitaanka caddaymo iyo dukumentiyo loo adeegsan doono dacwad ka socota Switzerland oo ka dhan ah madaxweynaha cadaadiska badan wajahaya. UEFA waxay Infantino ku eedaynaysaa “maamul-xumo dambiyeed”.

    Wax yar kaddib Koobka Adduunka ee xagaagan, Infantino wuxuu soo jeediyay in la abuuro shirkad cusub oo lagu magacaabo Fifa Forward Enterprise (FFE), taas oo saamiyo ka iibin lahayd tartamada kubadda cagta ee FIFA maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.

    Qorshahaas ayaa la joojiyay kaddib markii uu si weyn uga dhashay cambaareyn iyo mucaaradad.

    Codsiga caddaymaha, UEFA waxay ku andacoonaysaa in Infantino uu qorshahan u sameeyay si uu isaga iyo maal-gashadayaasha suurtagalka ah uga faa’iideystaan dhaqaale.

    Codsiga UEFA ayaa lagu sheegay:

    “Run ahaantii, waxay ahayd dariiq uu Infantino iyo koox yar oo isaga ku dhow ay ku heli lahaayeen saamiga joogtada ah ee hantida ugu qiimaha badan FIFA, isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen, taas oo waxyeello u geysan lahayd FIFA, xubnaheeda iyo dhinacyada kale ee qoyska kubadda cagta.”

    UEFA waxay sidoo kale sheegtay in Infantino qorshaha ku meel mariyay nidaamka gudaha ee FIFA maalmo yar ka hor, isagoo qabtay kulan si degdeg ah loo abaabulay. Kulankaas, tiro kooban oo ka mid ah maamulayaasha iyo shaqaalaha FIFA qaarkoodna aan waligood hore u maqal, qorshahaayaa la siiyay saacado kooban oo keliya si ay u ansixiyaan qorshe aan horay loo arag oo ku kacayay balaayiin doollar.

    UEFA waxay sidoo kale ku andacoonaysaa in qiimaha saamiyada la iibin lahaa aan si madax-bannaan loo xaqiijin, isla markaana lagu iibin lahaa qiime aad uga hooseeya kii ay dhab ahaan mudnaayeen. Waxay iibka la qorsheeyay ku tilmaantay “qiime si khiyaano ah suuqa uga hooseeya oo Infantino u riixayay danihiisa gaarka ah.”

    Codsiga ayaa intaas ku daraya in, sida uu Infantino ku dhawaaqay, maal-gashadayaashu ay heli lahaayeen dano dhaqaale oo joogto ah oo ku saabsan qaybta ganacsi ee FIFA, iyagoo ku bixinaya $4.2 bilyan. Tani, sida UEFA sheegtay, waxay ka dhignaan lahayd in shirkaddaas lagu qiimeeyay oo keliya qiyaastii $20 bilyan, taas oo ay ku tilmaantay qiime aad u hooseeya. UEFA waxay sheegtay in qiimahaasi uusan ka dhalan tartan furan oo iib ah, sidoo kalena uusan hubin qiimeeye madax-bannaan.

    Codsiga, UEFA waxay maxkamad ku taalla Florida ka codsanaysaa inay u oggolaato inay hesho faylal ay hayaan laba shirkadood oo FIFA leedahay FIFA Americas iyo FWC2026—si dukumentiyadaas loogu isticmaalo, marxalad dambe, dacwadda ciqaabeed ee ka socota Switzerland.

    Labada shirkadoodba waxay ku yaallaan Florida.

    UEFA waxay sheegtay in 55-ka waddan ee xubnaha ka ah UEFA ay suurtagal tahay inay waxyeello ka soo gaarto qorshihii iibka saamiyada. Waxa kale oo ay sheegtay inay suuragal tahay inay dacwado ciqaabeed ka gudbiso saraakiil kale oo FIFA ah, marka laga reebo Infantino.

  5. Ninkii loo yaqaaney “Kawaanlihii Bosnia”, ee amray dilka dad badan oo geeriyooday

    Hoggaamiyihii hore ee ciidamada Serbiyiinta Bosnia, Ratko Mladic, ayaa geeriyooday. Ninkan oo 84 jir ahaa ayaa xabsi daa’im ku qaadanayay magaalada Hague, kadib markii lagu helay dambiyo xasuuq ah iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo uu geystay horraantii sagaashamaadkii.

    Mladic, oo loo yaqaanay “Kawaanlihii Bosnia”, ayaa ciidamadiisa ku amray inay geystaan gaboodfalladii ugu xumaa ee Yurub ka dhacay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Wuxuu lahaa go’doomintii arxan-darrada ahayd ee k adhacday magaalada Sarajevo halkaas oo lagu dilayi kumannaan rag iyo wiilal Muslimiin Bosniay ah.

    Ha yeeshee , weli wuxuu geesi dagaal u yahay qaar badan oo ka mid ah Serbiyiinta waddaniyiinta ah; xarun telefishan oo Serbia ah ayaa geeridiisa ku tilmaantay “ceeb aan weligeed ka tirmayn caddaaladda caalamiga ah.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed

    Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.

    Markan, si ka duwan sidii xilligii aaska, waxay u muuqatay inaanay dadweynuhu si gaar ah u filayn inuu goobjoog ka ahaado hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah; taas oo u muuqata inay ka dhigan tahay in qarsoodiga u uku jira aanay hadda kicinayn dareenkii iyo falcelintii warbaahinta ee hore u jiri jiray.

    Sababta ugu weyn ee afhayeenka dowladda u uku sheegay cudur-daarka maqnaanshahiisa waa arrimaha amniga. Aragtidooda ugu weyn ayaa ah in baahinta muuqaal laga duubay hoggaamiyaha cusub ay daaha ka qaadi karto halka uu ku sugan yahay, taas oo khatar gelin karta noloshiisa. Marka laga jawaabayo su'aasha ku saabsan sababta aan loo baahinayn ugu yaraan wax cod ah oo laga hayo Mojtaba Khamenei, warbaahinta dawladdu waxay ku doodaysaa in xitaa codkiisu uu daaha ka qaadi karo halka uu ku sugan yahay.

    Waa run in marka si taxaddar leh loo falanqeynayo faylka codka, in ay suurtagal noqon karto in la ogaado macluumaad muhiim ah, sida astaamaha qalabka wax lagu duubo, tilmaamaha shabakadda korontada, ama qaar ka mid ah muuqaallada iyo kuwa deegaanka ee goobta wax lagu duubayay. Hase yeeshee, haddii sababta ugu weyn ee loo qariyay muuqaalka iyo codka hoggaamiyaha ay ahayd arrimo la xiriira amniga, waxa jirtay siyaabo wax looga qaban karo khataraha dhicia kara.

    Tusaale ahaan, hay'adaha dawladdu si fudud ayay uga fogaan kareen adeegsiga qalabka kombuyuutarka si ay u duubaan codka Mojtaba Khamenei, iyagoo isticmaali karay qalabkii ka horreeyay kuwan casriga dhijitaalka ah sida cajaladaha iyo qalabkii hore ee cod-duubista.

  7. War cusub oo laga soo sheegay magaalada St Petersburg Ruushka

    Wararka ka imanaya Ruushka ayaa sheegaya in sarkaal milatari lagu dilay kadib markii gaarigiisa uu ku qarxay magaalada St Petersburg. Xaaskiisa ayaa la sheegay inay si xun ugu dhaawacantay.

    Ninka dhintay magaciisa lama shaacin, balse warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay inuu ahaa gaashaanledhexe. Mas’uuliyiintu weli ma sheegin waxa sababay qaraxa, waxayna sheegeen oo keliya in gaarigu dab qabsaday, iyadoo baaritaan la bilaabay.

    Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Ruushka ka dhaceen weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo shaqaale milatari. Moscow ayaa marar badan weerarrada noocan ah ku eedeysay Ukraine, inkastoo Kyiv aysan sheegan mas’uuliyadda dhammaan weerarradaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Pakistan oo beeniyey warar laga faafiyey socdaalka taliyaha ciidamada dalkaas uu ku tagay ku tagay

    Pakistan ayaa beenisay wararka sheegaya in Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, General Asim Munir, uu dhawaan booqday Iran isagoo ahaa ergay uu soo diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo wararkaasi lagu tilmaamay kuwo “marin-habaabin ah oo xaqiiqada ka fog.”

    Tahir Andrabi, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, ayaa maanta shir jaraa’id oo toddobaadle ah ku qabtay Islamabad ku sheegay in sheegashada ah in madaxa difaaca Pakistan uu Iran u tegay isagoo ergay u ah Trump ama Mareykanka ay tahay mid been ah. Wuxuu sheegay in safarkaasi uu si gaar ah ugu gaar ahaa Pakistan oo dhex-dhexaadinaysay labada dhinac.

    Wuxuu sheegay in Asim Munir uu Tehran u safray 24-kii Agoosto, taas oo qayb ka ahayd dadaallada diblomaasiyadeed ee Pakistan ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, isla markaana gacan looga geysto dib u furista marin-biyoodka Hormuz.

    Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, wada-hadalladii booqashada ayaa diiradda lagu saarayay yareynta xiisadaha gobolka, sidii loo soo afjari lahaa ismari-waaga militari iyo sidii loo raadin lahaa xal wada-hadal lagu gaaro oo lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Wuxuu intaas ku daray in booqashadu muujisay doorka Islamabad ee “daacadnimada iyo wax-dhiska leh” ee lagu yareynayo khilaafaadka u dhexeeya Washington iyo Tehran.

    Afhayeenku wuxuu sheegay in Pakistan, oo ay weheliyaan dalal ay ku tilmaantay “walaalo”, ay sii wadi doonaan dadaallada isku-duwan ee lagu xallinayo dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe, ayna taageeri doonaan dhammaan dadaallada dhab ah ee lagu dib loogu bilaabayo wadahadallada nabadda laguna gaarayo xal dhammaystiran, caddaalad ah oo waara.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Liverpool oo qarka u saran helista ciyaaryahan tayo sare leh iyo qiimo ay ku doonayso

    Liverpool
    Qoraalka sawirka, Liverpool

    Liverpool ayaa ku dhow inay la soo saxiixato Bradley Barcola oo ka tirsan Paris Saint-Germain, iyadoo lacagta heshiisku gaari karto £120 milyan.

    Ilo wareedyo ayaa BBC Sport u sheegay in wada-hadalladu horumar sameeyeen 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxaana hadda la filayaa in heshiis buuxa laga gaaro weeraryahanka xulka France.

    PSG waxay ku qiimeysay 23-jirkan £145 milyan, balse Liverpool ayaa diyaar u ah inay heshiiska ku gaarto xirmo lacag ah oo ugu yaraan £100 milyan ah, taas oo gaari karta £120 milyan iyadoo ku xiran guulo waaweyn oo la gaaro ciyaaryahanka iyo kooxda.

    Barcola waa lugta midig, balse wuxuu doorbidaa inuu ka ciyaaro garabka bidix. Imaatinkiisa ayaa shaki dheeraad ah gelinaya mustaqbalka Cody Gakpo ee Anfield.

    Ilo wareedyo badan ayaa BBC Sport u sheegay in Tottenham Hotspur iyo Manchester City ay labaduba xiiseynayaan weeraryahanka reer Netherlands.

    Liverpool sidoo kale waxay suuqa uga jirtaa garab midig, iyadoo ay horay u sahamisay inay la soo wareegto Yankuba Minteh oo ka tirsan Brighton iyo Ismaïla Sarr oo ka tirsan Crystal Palace.

  10. Tirada dadka lagu la’yahay masiibadii Nepal iyo kuwa ku dhintay oo korortay

    Hay’adda Qaranka Nepal u qaabilsan Yareynta iyo Maareynta Khatarta Masiibooyinka ayaa sheegtay in 910 qof la la’yahay, isla markaana aan lala xiriiri karin kadib fatahaadaha.

    Kuwa la la’yahay waxaa ka mid ah 517 qof oo ajaanib ah, 44 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Nepal iyo 28 askari oo ka tirsan Booliska Nepal.

    Hay’addu waxay intaas ku dartay in ilaa hadda la helay meydadka 258 qof, halka 351 qofna la badbaadiyey.

    Wararkeennii ugu dambeeyay, waxaan soo sheegnay tirooyin ay bixiyeen Booliska Nepal oo sheegayay in tirada dhimashadu gaartay 289 qof. Labada hay’adoodba waxay si gooni-gooni ah u soo gudbinayaan xogta ku saabsan howlgalka samatabbixinta, iyadoo xaaladdu isbeddelayso.

  11. War deg deg ah, Tirada dadka lagu la'ayahay daadadka Nepal oo korodhay

    Tirada dadka la la’yahay ee daadadka Nepal ayaa gaartay 826 qof, iyadoo weli ay socdaan hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta.

    Sida ay sheegtay Hay’adda Qaranka Nepal u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka iyo Maareyntooda, 826 qof ayaa la xaqiijiyay inay maqan yihiin. Dadka la la’yahay waxaa ku jira shaqaale amni, dalxiisayaal iyo dad rayid ah.

    Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in in ka badan 500 ajaanib ah ay ka mid yihiin dadka la la'ayahay ee Nepal, iyadoo tirada dalxiisayaasha maqan ay tahay boqolaal.

    Hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ayaa weli socda, iyadoo helikobtarrada loo adeegsanayo meelaha ay daadadku go’doomiyeen.

    Dhanka kale, tirada dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan 165 qof. Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in tiradani ay sii kordhi karto maadaama kooxaha samatabbixintu ay weli soo saarayaan meydad. RReuters

    Waxaa sidoo kale la soo sheegay in boqolaal Hindi ah ay ka mid yihiin dadka maqan; wararkii ugu dambeeyay waxay tirada dadka Hindiya u dhalatay ee la waayay ku qiyaaseen ku dhowaad 180.

  12. Lix qaab oo aad uga hortagi karto bidaarta

    Bidaar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Bidaar

    Saddex sano ka hor, waxaa la hadal hayay dawo cusub oo loo helay nooc ka mid ah xanuunnada timaha madaxa ka dhammeeya.Qaar ka tirsan warbaahinta ugu waawayn UK ayaa tabinayay wararka ku saabsan dawadaas cusub oo la sheegay in ay tahay guul wayn oo la gaaray.

    Seynisyahannada ayaa sheegay in dawada oo ah kaniini maalintii labo jeer la isticmaalayo ay u baahan tahay muddo lix bilood ah, si ay dhammaan timaha usoo wada noqdaan.

    Sidee hadaba ragga qudhooda ay uga hor tagi karaan bidaarta ama ay xal ugu heli karaan timaha ka go'aya?

    Halkan waxaan ku eegeynaa toddobo qaab oo kaa caawin kara marxaladdaas.

    Burutiin badan. Maadaama ay timaha ka samaysan yihiin maaddada burutiinka, waxaad u baahan tahay inaad xaqiijiso sidii uu jirkaaga usoo gali lahaa burutiin kugu filan oo laga helo cuntooyinka qaar.

    Taasi waxay kaa caawinaysaa in timahaaga ay awood yeeshaan caafimaadkooduna uu kordho.

    Fitamiinno dhowr ah. Seynisyahannada dhinaca caafimaadka ayaa ku taliyay in dhowr fitamiin ay kaalin ka qaataan xannaanada timaha iyo ka hortagidda bidaarta.

    Waxaa Fitamiinnadaas ka mid ah noocyada A.B,C iyo D.

    Waxaa sidoo kale soo raaca maaddooyinka iron, selenium, iyo zinc oo iyagana la sheegay in ay muhiim u yihiin koboca iyo caafimaadka timaha.

    Cuntada Mediterranean-ka. Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in raashinka loo yaqaanno "Cuntada Mediterranean-ka" ayuu kaalin wayn ka qaato yareynta halista la xiriirta cudurka timaha ka daadida haweenka iyo bidaarta caadiga ah ee gasha ragga.

    Masaajayn. Daraasad yar oo loogu kuur galay caafimaadka ilaa sagaal nin ayaa lagu ogaaday in masaajaynta madaxa oo maalintii la sameeyo ilaa 4 daqiiqo ay ka qayb qaadan karto koritaanka timaha.

    Dhaqid joogto ah.In la dhaqo madaxa maalin walba waxay ka ka hor tagaysaa inay timaha daataan, maadaama meesha ay timaha ku yaallaan ay nadiif ahaanayso, caafimaadkeeduna wanaagsanaanayo.

    Dawooyin. Waxaa jira dawooyin badan oo loo adeegsado ka hortagda timaha daata ama bidaarta, kuwaasoo laga heli karo xarumaha lagu iibiyo dawooyinka.

    Dhowr sano ka hor waxaa lasoo saaray daraasad muujinaysa in ragga bidaarta leh ay ka soo jiidasho badan yihiin kana kaslooni badan yihiin kuwa aan bidaarta lahayn.

  13. Trump: Waxaan aamin sanahay inuu weli nool yahay hogaamiyaha sare ee Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu weli nool yahay, inkastoo uusan si guud u soo muuqan tan iyo markii uu xilka qabtay kaddib dilkii aabbihii bishii Febraayo.

    Trump ayaa sidaas u sheegay weriyaha muxaafidka ah ee Maraykanka Glenn Beck. Wuxuu sheegay in Khamenei uu si daran uga dhaawacmay dhinaca bidix ee jirkiisa, oo ay ku jiraan gacan iyo lug.

    Mojtaba Khamenei ayaa weli ah hoggaamiyaha Iran iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka iyo Israel. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa joogtada ah ee fagaarayaasha iyo saameynta sii kordheysa ee saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdiisa iyo awooddiisa hoggaamineed.

    Aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu dilay duqeymihii bilowga u ahaa weerarrada Maraykanka iyo Israel ee Iran.

    Trump ayaa marar badan sheegay in Maraykanku uu ku dhow yahay guul ka dhan ah Iran. Hase yeeshee, Maraykanku weli ma xaqiijin in Iran si buuxda u furto Marinka Hormuz ama ay ka tanaasusho hubkeeda iyo qalabkeeda nukliyeerka.

    Wareysiga, Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadiska militari iyo dhaqaale ee lagu hayo Iran uu sii dhalinayo natiijooyin.

    Wuxuu yiri: “Wax walba waxay u socdaan hab guul ah. Dhawaan waxaan halkas ka gaari doonnaa guul weyn.”

    Isagoo ka hadlayay Marinka Hormuz, oo Iran inta badan xannibtay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in marinku furan yahay, isla markaana maraakiib badan hadda loo oggolaanayo inay maraan.

    Wuxuu sheegay in miinooyinkii badda laga saaray, ayna Maraykanku weli caawinayaan maraakiibta si ay uga gudbaan marinka.

    Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uusan oggolaan karin Iran inay hesho hub nukliyeer ah, isagoo sheegay in arrintani tahay qodobka ugu muhiimsan ee colaadda.

    Wuxuu ku andacooday inuu horey laba jeer uga hortagay in Iran ay hesho hubkaas.

    Sidoo kale akhri:

  14. Waxa kala qabsaday dagaalyahankii CIA-da iyo injineerkii al-shabaab

    Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabaab

    Bishii November ee sanadkii 2020-kii gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

    Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

    Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

    Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

    Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.

    Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.

    Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.

  15. Ilaa 160 qof oo ay daadad ku laayeen dalka Nepal

    Nepal

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Nepal

    In ka badan 160 qof ayaa ku dhintay Nepal, boqolaal dalxiisayaal ahna weli waa la la’yahay, kaddib markii daad xooggan oo aan la fileyn iyo dhul-go’ uu ku dhuftay dalkaas.

    Dalxiisayaasha la la’yahay waxaa ka mid ah in ka badan 100 qof oo ka yimid Hindiya, 47–54 qof oo Maraykan ka yimid, 34 qof oo Australian ah, iyo 33 qof oo British ah, iyo sidoo kale in ka badan 100 qof oo u dhashay Nepal. Deegaanku wuxuu caan ku yahay dadka buuraha dalxiiska u taga.

    Maraykanka, Shiinaha, Midowga Yurub iyo Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ballanqaaday inay gargaar bixiyaan ama diray sahayda gurmadka.

    Tobanaan askarta Booliiska Nepal iyo ciidamada milatariga ayaa sidoo kale la la’yahay, sidoo kalena waxaa la la’yahay shaqaale ka shaqaynayay mashaariicda korontada.

    Haweeney ayaa tiri: “Qoyskayga ayaa anoo arkaya daadku qaaday.” Iyadu iyo wiilkeeda ayaa ka badbaaday iyagoo fuulay saqafka guri.

    Mas’uuliyiintu markii hore waxay u malaynayeen in dhulgariir uu ka horreeyay daadadka. Hase yeeshee, Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS) ayaa markii dambe sheegtay in tamarta gariirka la diiwaangeliyay uu ka dhashay dhul-go’ weyn, halkii uu ka ahaan lahaa dhulgariir.

  16. Kulanti wacan akhyaareey, ku soo dhowaada tebinteenna tooska ah ee maanta. Halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaaliduba