Madaxweynaha Kenya oo amray in baaritaan lagu sameeyo ganacsatada ajaanibta ah

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in dadka ajaanibta ah ee ku hawlan ganacsiyada yaryar gaar ahaan iibinta badeecadaha tafaariiqda ee dalka Kenya ay joojiyaan, isagoo sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin lagu ilaalinayo ganacsatada gudaha, lagana hortagayo tartanka aan caddaaladda ahayn.
Isagoo ka hadlayay kulan uu Arbacadii, 2-dii Sebtembar, Qasriga Madaxtooyada ee Nairobi kula yeeshay ganacsatada ganacsiyada yaryar, kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn (MSME), Ruto wuxuu soo hadal qaaday walaac laga muujiyay in qaar ka mid ah dadka ajaanibta ay dalka ka sameysteen ganacsiyo ay ku iibiyaan badeecado ay ka mid yihiin bustayaal iyo alaabooyin kale, taas oo ay si toos ah ugu tartamayaan ganacsatada yaryar iyo kuwa tafaariiqda iibiya ee gudaha.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hindise-sharciyeed haatan horyaalla Baarlamaanka Kenya uu ujeedkiisu yahay in laga hor istaago muwaadiniinta ajaanibta ah inay ku lug yeeshaan noocyo ganacsi oo gaar ah oo dalka ka jira.
Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo daneeyayaasha kale inay ka doodaan sharciga la soo jeediyay ka hor inta aan la ansixin, si loo hubiyo in la xiro dhammaan meelaha sharciga ka baxsan ee u oggolaan kara ajaanibta inay ku lug yeeshaan ganacsiga tafaariiqda iyo ganacsiyada kale ee yaryar.
“Waxaa jira hindise-sharciyeed Baarlamaanka horyaalla oo qeexaya in ay jiraan qaar ka mid ah hawlaha ganacsi ee aysan ajaanibtu ka samayn karin Kenya. Sida uu sharcigu dhigayo, waxaan rabaa inaad fariisataan oo aad ganacsatada kala tashataan, maadaama aan weli la ansixin, si aan u xirno dhammaan meelaha sharciga ka baxsan si uusan qof Shiinaha ka yimid uga noqon ganacsade tafaariiqle ah,” ayuu yiri Ruto.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xitaa inta dowladda ay sugayso in Baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo sharciga la soo jeediyay, la qaadi doono tallaabooyin maamul oo lagu wajahayo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka shaqeeya tafaariiqda iyo ganacsiyada yaryar.


