Tallaabadan ayaa ku timid codsi ka yimid Pakistan, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto xannibaadda ay ku hayso dekedaha Iran.
Safarkii JD Vance ku tagi lahaa Pakistaan oo la baajiyey
Xigashada Sawirka, Getty Images
Aqalka Cad ayaa hadda xaqiijiyay in safarkii madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu ku tagi lahaa Pakistan wada xaajood nabadeed la baajiyay.
Vance ayaa la filayay inuu u safro Islamabad markii labaad bishaan, isagoo imaanayay Arbacada isagoo rajeynayay inuu dhameystiro heshiis ay la galayaan Iiraan.
"Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan shirarka tooska ah waxaa ku dhawaaqi doona Aqalka Cad," sarkaal ka tirsan maamulka ayaa yiri, sida uu sheegay warbaahinta CBS
Baajintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay inuu aqbalay codsi ah in la kordhiyo xabbad joojinta Maraykanka iyo Iran.
Iiraan oo dhoolatus ka sameesay banaanbaxyo dowladda lagu taageerayo
Xigashada Sawirka, Telegram/Mehr News
Waxaan wali jawaab rasmi ah ka sugaynaa Iiraan, halkaas oo caawa ay ka dhaceen isu soo baxyo lagu taageerayo dawladda oo ay ku soo bandhigeen gantaalo ballistic ah.
Gantaalka ballistic-ga ee Iiraan ee Ghadr ayaa si buuxda loo soo bandhigay caawa xilli habeen ah isu soo bax lagu taageerayo xukuumadda oo ka dhacay fagaaraha weyn ee Tehraan, halkaas oo dadkii isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen "Ameerika ha dhacdo" waxayna ammaaneen Taliyaha Hawada Sare ciidamada islaamiga ah ee Iiraan Majid Mousavi, iyaga oo ugu baaqay inuu " weeraro Tel Aviv".
Meel kale oo ka mid ah caasimadda, gantaalka ballistic-ga ee Khorramshahr-4 ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha kale ee weyn ee Tehran.
Sawir ku lifaaqan gantaalka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku uu yahay shirkadda RasGas ee Qatar, oo ah shirkad gaaska dareeraha ah sameysa.
Bandhigyadani kuma koobna Tehraan caawa. Magaalada koonfureed ee Shiraz, magaalada Tabriz ee waqooyi-galbeed iyo bartamaha magaalada Zanjan, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gantaallo.
Isu soo baxyadan lagu taageerayo xukuumadda ayaa maalin kasta lagu qabanayay fagaarayaasha waaweyn ee dalka Iran tan iyo markii uu dagaalka billowday 28-kii Febraayo, iyadoo mas'uuliyiinta Iran iyo TV-ga dowladda ay dadka ugu baaqeen inay ka qaybgalaan.
Inta badan waxaa la qabtaa xilliyada habeenkii, isu soo baxyadan kaliya kuma eka in ay soo bandhigaan sawirka taageerada shacabka ee dowladda iyadoo dadku ay ruxayaan calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, balse sidoo kale waxa ay sii adkeynayaan in mucaaradka ay isugu soo baxaan fagaarayaasha waaweyn.
Maxaa beddelay mowqifkii Trump ee ahaa inuu weerarayo Iiraan?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhawaaqista ka timid Donald Trump ee ah inuu oggolaaday inuu si aan waqti xaddidan lahayn u kordhiyo xabbad-joojinta Iran waa isbeddel weyn marka loo eego mowqifkiisii dhowr saacadood ka hor.
Isagoo la hadlayay CNBC, Trump wuxuu yiri “waxaan filayaa inaan duqeyn bilaabi doono,” wuxuuna sheegay in milatarigu “aad ugu diyaar garoobay.” Wuxuu sidoo kale ku celiyay hanjabaaddiisii ahayd inuu burburin doono buundo kasta iyo warshad koronto oo ku taal gudaha Iran.
Hadda, iyadoo ay saacado yar uun ka harsan yihiin inta uu dhammaanayo xabbad-joojintii hore, wuxuu oggolaaday hakad dagaal oo aan lahayn waqti cayiman. Wuxuu sheegay inuu sidaas sameeyay codsi uga yimid dowladda Pakistan.
Donald Trump wuxuu isku dayay inuu cabsi geliyo nidaamka Iraan isagoo adeegsanaya hadallo dagaal kicin ah. Hadda waxay u muuqataa inuusan dhab ahaantii doonayn inuu mar kale bilaabo weerar ka dhan ah Iraan.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo Trump uga mahadceliyay muddo kordhinta
Kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu ku dhawaaqay in waqti aan cayineyn la kordhiyay xabbad-joojintii kala dhexeesay Iraan, wax yar ka hor inta aysan dhicin, muddadii hore.
“Waxaan si wayn ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Trump sida naxariista leh ee uu u aqbalay codsigeenna ku aaddan kordhinta xabbad-joojinta si loo siiyo fursad dadaallada diblomaasiyadeed ee socda inay hore u sii socdaan,” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay internetka.
“Anagoo ka duuleyna kalsoonida iyo aaminaadda nalagu qabay, Pakistan waxay sii wadi doontaa dadaalladeeda daacadda ah ee lagu gaarayo xal ah in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka,” ayaa lagu daray. “Waxaan si dhab ah u rajeynayaa in labada dhinac ay sii wadi doonaan ilaalinta xabbad-joojinta ayna awoodaan inay gaaraan heshiis nabadeed oo dhameystiran inta lagu jiro wareegga labaad ee wadahadallada ee loo qorsheeyay Islamabad, si loo soo afjaro khilaafka si joogto ah.”
Ra'iisul wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron si ay uga wada hadlaan xabbad joojinta u dhaxeysa Israa'iil iyo Lubnaan.
Salam ayaa sheegay in wadankiisu u baahan yahay €500m "si wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadantinimo lixda bilood ee soo socota". Deeqaha lacageed ee Lubnaan ilaa hadda waxay dabooshaa qayb ka mid ah baahiyaheeda, ayuu raaciyay.
Tan iyo markii ugu horeysay ee uu dagaalku ka dhex qarxay Israa'iil iyo Xisbullah ee ku sugan koonfurta Lubnaan bishii March, hoggaamiyayaasha adduunku waxay ka digayeen dhibaato bini'aadantinimo oo sii kordhaysa.
Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, in ka badan 2,200 oo qof ayaa ku dhintay in ka badan 7,500 oo kalena way ku dhaawacmeen tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka. UNICEF ayaa ku qiyaastay in ka badan hal milyan oo reer Lubnaan ah ay barokaceen.
Masuul ka tirsan dowladda Iiraan oo sheegay shardiga ay wajiga 2aad ku tagayaan inuu in la qaado Go'doominta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Safiirka Iiran ee Qaramada Midoobay Amir Saeid Iravani ayaa sheegay qaar kamid ah dowladooda ay heleen astaamo muujinaya in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu joojiyo go'doominta.
Wuxuu sheegay in marka ay taasi dhacdo, wada xaajoodka xiga uu ka dhici doono Islamabaad.
Waxa aan waydiiyay in safarka JD Vance uu yahay mid "la baajin doono" balse waxa uu sheegay in aanu wax war ah ka hayn arintaas waxa uuna ku celiyay in ay shardi u tahay Iiraan in Maraykanku uu ka qaado go'doominta uu ku hayo marin biyoodka Hormuz ka hor inta aysan dib u bilaaban wax wada hadal ah.
Waxa uu sheegay in haddii Mareykanku uu doonayo xal siyaasadeed inay diyaar u yihiin, iyo haddii ay dagaal rabaan in sidoo kale Iran ay diyaar u tahay intaba.
Iraan oo u hanjabtay goobaha saliidda ee Bariga Dhexe haddii weerar uga yimaado deriskeeda koonfureed
Taliyaha hawada ee Ciidamada islaamiga ah ee Iiraan Majid Mousavi ayaa u hanjabay wadamada dariska la ah koonfurta Iiraan fariin ay maanta daabacday warbaahinta Iran.
"Dariska koonfurta Iran waa in ay ogaadaan in haddii dhulalkooda iyo tas-hiilaadkooda ay adeegsadaan cadawgu si ay gardaro uga geystaan qaranka Iran, waa in ay macsalaameeyaan wax soo saarka saliidda ee Bariga Dhexe" ayuu yidhi.
War deg deg ah, Trump oo muddo kordhin ku sameeyey xabad joojinta iyo go'doominta Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu kordhin doono xabad joojinta Iran, kadib codsi ka yimid Pakistan, uuna sii wadi doono go'doominta uu ku hayo dekedaha Iran.
qoraalka uu daabacay ayuu Trump ku yiri "Iiyada oo xaqiiqadu tahay in Iraan dagaalka ku jabtay, taas ma ahan mid lama filaan ah, Field Marshal Asim Munir, iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, waxaa ay weydiistayn in aan dib u dhigno weerarada aan ku qaadeyno dalka Iran ilaa inta ay madaxdooda iyo wakiiladooda ay la imaan karaan hindise mideysan.
Sidaa darteed, waxaan faray Ciidankeena inay sii wadaan Go'doominta, dhinac walbana ay diyaar ahaadaan, sidaas darteedna ay kordhin doonaan Xabbad-joojinta ilaa inta laga soo gudbinayo aragtidooda, lagana wada-tashanayo, si uun ama si kale.
Amniga Islamabad oo la adkeyay inkastoo wafdiyadu aaney imaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaargarow
amni oo adag ayaa laga dareemayaa caasimadda Islamabad ee dalka Pakistaan si loogu diyaar garoobo
wareegga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.
Inkasta
oo aysan weli imaan wafdiyada ka kala socda Mareykanka iyo Iran, haddana, waxaa
shaqaalaha dowladda lagu amray inay ka shaqeeyaan guryahooda,maadama waddooyinku
xirmayaan.
Dhanka
kale, Maxkamadda Sare ee Islamabad ayaa iyaduna xirnaan doonta Arbacada, mana
jiri doono wax shaqo garsoor ah oo la qabto.
Horey,
howlgal ballaaran oo wadajir ah oo baaritaan iyo sifeyn ah ayaa laga fuliyay qaybo kala duwan oo
Islamabad ka mid ah galinkii dambe ee maanta.
Goobo
kormeer gaar ah ayaa laga sameeyay meelaha laga soo galo lagana baxo magaalada
si loo xoojiyo hubinta, halka dhammaan cutubayo ka tirsan cidamo rondo sameynaya
iyo kooxo gaar ah ay si joogto ah ugu sugan yihiin magaalada oo dhan.
Israa'iil oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadday askari burburiyay taallo Masiixiyiintu ku xusaan Nabi Ciise
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka
Israa’iil ayaa sheegay in askarigii burburiyay oo dubbaha la dhacay taallo loo
ekaysiiyay Nabi Ciise CSw gudaha Lubnaan, iyo askarigii sawirka ka qaaday
dhacdadaas, lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ciidan ah.
Ciidanka
Difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in labada askari oo aan magacyadooda
la shaacin laga saari doono hawlgallada dagaalka kadib baaritaan la sameeyay.
Sidoo
kale, lix askari oo kale oo goobta joogay balse aan wax tallaabo ah qaadin ama
aan soo sheegin dhacdada ayaa si gaar ah loola tacaali doonaa, sida lagu
sheegay warbixin la soo saaray.
Dhacdadan
oo ka dhacday tuulada Debel ee koonfurta Lubnaan ayaa dhalisay cambaareyn
ballaaran kadib markii sawirkeeda si weyn loogu faafiyay baraha internetka
toddobaadkan. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay
inuu “la yaabay oo aad uga murugooday” wixii dhacay.
War-saxaafadeed
ay soo saareen Talaadadii, milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in
baaritaanku caddeeyay in ficilka askartu uu si buuxda uga hor imanayo amarada
iyo qiyamka ciidanka, waxayna muujiyeen“qoomamo weyn” oo ku saabsan dhacdada.
Waxay
sidoo kale sheegeen in ciidamadeedu ay dib u dhiseen taalladii waxyeelladu
gaartay “iyagoo si buuxda ula kaashanaya bulshada deegaanka”.
IDF
ayaa carrabka ku adkeysay in hawlgalladeeda Lubnaan ay si gaar ah ugu wajahan
yihiin kooxda Xisbullaahi ee ay Iiraan taageerto iyo “kooxo kale oo argagixiso ay ku tilmeemeen,”.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo hadda war soo saartay xilli war laga sugayay
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa mar kale ku celisay in aan weli go’aan laga
gaarin in wadahadal lala galo Maraykanka kaasoo ka dhici lahaa magaalada
Islamabad.
Iyadoo
la tixraacayo jebinta xabbad-joojinta ee Maraykanka, afhayeenka Wasaaradda
Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa u sheegay Iran News in ka qaybgalka
wadahadalladu uusan ahayn arrinta ugu weyn, balse waxa muhiimka ahi ay tahay natiijada
wadahadallada, isagoo yiri: “Haddii wadahadalladu noqdaan kuwo natiijo ku
saleysan, Iiraan waxay go’aan ka gaari doontaa ka qaybgalka.”
Wuxuu
carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan weli go’aan ka gaarin ka qaybgalka, balse
uu sheegay in la sugayo sida ay arrimuhu u socdaan.
Wareysiga
sidoo kale wuxuu xaqiijiyay qabashada markabka shidaalka ee Tiffany, taas oo
ciidamada Maraykanku ay ku dhawaaqeen saacado ka hor, isla markaana ay sii
daayeen muuqaal muujinaya ficilkaas.
Paksitan oo baaq u dirtay dhinacyada Iiraan iyo Mareykanka
Xigashada Sawirka, ForeignOfficePk/
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Maxamed Ishaq Dar, ayaa kulan uu la yeeshay
Natalie Baker, oo ah ku-xigeenka safiirka Safaaradda Mareykanka ee Islamabad,
ku baaqay in la kordhiyo xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka.
Xabbad-joojintan,
oo ay dhexdhexaadisay Pakistan, ayaa la filayaa ku eg tahay berri oo Arbaco ah.
Wasiir
Ishaq Dar ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay “fursad siiyaan wadahadalka iyo
diblomaasiyadda.”
Intii
uu kulanku socday, Ms. Baker ayaa ku ammaantay Pakistan “doorkeeda wax-ku-oolka
ah ee wanaagsan ee ku aaddan horumarinta nabadda gobolka iyo fududeynta
wadahadalka.”
Falastiiniyiin lagu dilay Daanta Galbeed
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka
Bisha Cas ayaa sheegay in laba Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro wiil 13 jir ah,
lagu dilay weerar ay geysteen degaalamayaal Israa’iiliyiin ah oo ku sugan
Daanta Galbeed.
Ururku
wuxuu sheegay in afar qof oo kale lagu dhaawacay tuulada Al-Mughayyir, oo u
dhow Ramallah.Duqa
tuulada ayaa sheegay in ay dileen dadkaan askar Israa’iiliyiin ah. Si kastaba
ha ahaatee, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu baarayo dhacdada.
Dhammaadkii
bishii hore, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay
halkaasi ka dhacayeen weerarro.
War deg deg ah, Trump" Ma doonayo in aan xabad-joojinta kordhiyo"
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran aysan haysan wax kale oo ay
sameyso marka laga reebo inay soo dirto wafdi wada-xaajood.
Wuxuu
sheegay in Mareykanku uu ka taagabyahay meel wanaagsan wadahadallada Iiraan
isagoo intaas ku daray in “ay xakameynayaan marin-biyoodka Hormuz.”
Markii
la weydiiyay haddii xabbad-joojinta la kordhin doono, Trump wuxuu yiri, “Ma
doonayo inaan sidaas sameeyo. Waqti badan ma haysanno.” Wuxuu sheegay in Iran
ay “taasi tahay waddada saxda ah” isla markaana ay “qasab ku tahay inay
wada-xaajood gasho.”
Madaxweynaha
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in haddii Iran ay heshiis gaarto, ay “mar
kale noqon karto mid xoog leh oo noqota dal weyn.”
Trump
wuxuu kaloo sheegay in haddii aan heshiis la gaarin, duqeynta Iran dib loo
bilaabi karo.
Waxaa
si toos ah loo weydiiyay haddii uu dib u bilaabi doono weerarrada haddii wax
horumar ah laga waayo wada-hadallada soo socda ee Islamabad.
Wuxuu
ku jawaabay, “Waxaan filayaa in duqeyn jiri doonto sababtoo ah waxaan u arkaa
inay ka wanaagsan tahay in hore loo socdo.”
“Laakiin
waad ogtahay, diyaar ayaan nahay. Ciidankuna si buuxda ayuu u diyaarsan yahay,”
ayuu raaciyay.
Iiraan oo war ka soo saartay safiirka dhawaan Israa'iil u soo magacowday Somaliland
Afhayeenka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay go’aanka
Israa’iil ay ugu magacowday wakiil diblomaasiyadeed “Somaliland, iyadoo Iran ku
tilmaantay Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya.
Wuxuu
arrintaan ku tilmaamay mid caddeyn u ah, sida uu sheegay, qorshe ay Israa’iil
ku dooneyso inay xasilooni-darro ku geliso dalalka Islaamka isla markaana ay ku
abuurto kala qaybin ka dhex jirta waddamada gobolka.
Afhayeenka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay si toos
ah uga hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla
markaana ay tahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo
wadajirka dhuleed ee dal madax-bannaan.
Wuxuu
ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, iyo
dhammaan dalalka caalamka inay ka hortagaan, sida uu sheegay,
sharci-darrooyinka Israa’iil, fidinta saameynta, iyo faragelinta ay ku hayso
arrimaha gudaha ee dalalka kale.
Trump oo Iiraan mahadceln iyo baaq u diray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald
Trump ayaa dib u faafiyay sawir muujinaya siddeed haween Iraniyiin ah oo la
sheegay in ay halis ugu jiraan in la dilo, isagoo ku baaqay in la sii daayo.
Wuxuu
ku qoray baraha bulshada ee Truth Social:
“Anigoo u mahadcelinaya hoggaamiyeyaasha Iran ee dhawaan la filayo inay la
xaajoodaan wakiilladayda, waxaan si weyn ugu mahadcelin lahaa xorriyadda
haweenkan.”
Wuxuu
sidoo kale yiri: “Fadlan ha waxyeelleyn, tani waxay noqon doontaa bilow
wanaagsan oo wada-hadalladeenna ah.”
Dabayaaqadii
Janaayo, ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, madaxweynaha Mareykanka ayaa uga
mahadceliyay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxa uu ku tilmaamay
“joojinta dilka in ka badan 800 qof.”
Si
kastaba ha ahaatee, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Iran ayaa hadalladaas ku tilmaamay
kuwo aan sal iyo raad lahayn.
War deg deg ah, Degdeg: Pakistan oo shaacisay xog cusub oo wadahadallada ku saabsan
Pakistan
weli ma aysan helin jawaab rasmi ah oo xaqiijinaysa in Iran ay ka qeyb galeyso
wada-hadallada nabadda ee ka dhici doona Islamabad, sida uu sheegay wasiirka
warfaafinta dalkaas.
Attaullah
Tarar ayaa sheegay in xaaladda aysan waxba isk abadelin oo ilaa iyo hadda aaney
war ka haynin dhanka Iiraan.
Tarar
wuxuu sheegay in Pakistan, oo ah dhexdhexaadiyaha, ay “si joogto ah ula
xiriirayso Iran isla markaana ay waddo dariiqa dublamaasiyadda iyo
wada-hadalka,” isagoo intaa ku daray in go’aanka Iran ee ka qeybgalka
wada-hadallada ka hor dhammaadka xabbad-joojinta laba toddobaad ah ay tahay “muhiim”.
Wuxuu
sidoo kale sheegay in Pakistan ay “dadaallo dhab ah ku bixisay sidii ay
hoggaanka Iran ugu qancin lahayd inay ka qayb galaan wareegga labaad ee
wada-hadallada, dadaalladaasna ay weli socdaan,” sida uu ku sheegay qoraal uu
ku daabacay bartiisa X .
Iiraan oo sheegtay in fursad ay ka dhex aragto xaaladda hadda taagan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeen
u hadlay dowladda Iran ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA in Tehran ay
aragto “fursado lagu kicinayo xiisadda” inta lagu jiro wada-xaajoodyada
suurtagalka ah, isla markaana ciidamada difaaca ay ku jiraan “diyaar-garow
buuxa”.
Fatemeh
Mohajerani si toos ah uma aysan xaqiijin, mana aysan beenin, in Iran ay ka qayb
geli doonto wada-xaajoodyada xiga ee Islamabad.
Waxay
sidoo kale sheegtay in kooxda wada-xaajoodyada ee Iran aysan “si fudud uga
tanaasuli doonin danaha qaranka.”
War deg deg ah, Iiraan oo u jawaabtay Trump
Trump
ma aha qofkii ugu horreeyay ee eedeyntan ku saabsan jebinta xabbad-joojinta soo
jeediya muddadan laba toddobaad ah.
Axaddii,
ciidamada Iran waxay ku gooddiiyeen inay ka aargoosan doonaan waxa ay ku
tilmaameen “fal burcad-badeednimo oo Mareykanku sameeyay”. Markab dagaal oo
Mareykanku leeyahay ayaa ku riday rasaas markab ganacsi oo calanka Iran wata oo
ku sugnaa Gacanka Cumaan.
Washington waxay sheegtay in markabku isku
dayayay inuu ka baxsado xayiraadda badda ee lagu soo rogay.Jawaab
ahaan, xarunta ciidamada Iran waxay sheegtay in howlgalka Mareykanka uu ahaa
“jebinta xabbad-joojinta”.
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku geediyay in dagaalku dib u bilaabanayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald
Trump ayaa u sheegay Tv-ga CNN ee
Maraykanka in Iran aysan haysan wax kale oo ay sameyso marka laga reebo inay
heshiis gaarto.
Madaxweynaha
Mareykanka ayaa yiri: “Ugu dambayn waxaan gaari doonnaa heshiis weyn... waxaan
u maleynayaa inaysan lahayn wax xulasho ah, waxaan joognaa meel aad u adag
oo aan ku gorgortanno.”
Wuxuu
ka digay inuusan kordhin doonin xabbad-joojinta, isla markaana uu diyaar u
yahay inuu dib u bilaabo dagaalka.
Haddii aan heshiis la gaarinna, waxaan filayaa
“in duqeyntu ay bilaabato, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in taasi ay tahay habka
ugu wanaagsan. Diyaar ayaan u nahay, waxaan ula jeedaa in ciidamada ay si weyn
u sugayaan tallaabo la qaado.”
Saacad
ka hor, Mr. Trump ayaa mar kale ku eedeeyay Iran inay si joogto ah u jebisay
xabbad-joojinta, isagoo ku qoray baraha bulshada, balse ma uusan sheegin dhacdo
gaar ah.
Iran
wali ma aysan shaacin go’aankeeda ku aaddan ka qaybgalka wada-hadallada
nabadeed ee Islamabad, balse Maxamed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka
ahna madaxa kooxda wada-xaajoodka ee Iran, ayaa adkeeyay in “aanan aqbali
doonin wada-hadal lagu galo hooska hanjabaadaha, labadii toddobaad ee u
dambeeyayna waxaan isku diyaarinaynay inaan soo bandhigno xeelado cusub oo dagaalka ah.”
Dhanka
kale, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow hay’adaha milatariga iyo amniga,
ayaa qortay:
“Iyada
oo la tixgelinayo in uu soo dhow yahay dhammaadka muddada xabbad-joojinta lagu
heshiiyay, isla markaana tallaabooyinka xad-dhaafka ah ee Mareykanka iyo ku
dhawaaqista go’doomin badeed ay hor istaageen dib u bilaabista wada-hadallada,
Iran si buuxda ayay ugu diyaarsan tahay suurtagalnimada dagaal dib u qarxa,”.