TOOS, Iiraan oo sheegtay inay 'si buuxda' ugu diyaar garoowday cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka

Taliska Hawlgallada Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa sheegtay in markab shidaal qaada uu wakaaladda u sheegay in lagu dhuftay “gantaal ama walax aan la aqoonsan”, taasina ay keentay inuu istaago xili uu marayay Gacanka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

    Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.

    Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.

    Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?

    Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.

    Jilbo xanuunka oo kale waxaa maqaal bartaasi lagu qoray lagu sheegay inuusan sidoo kale saameyn weyn ku lahayn daweynteeda.Paracetamol-ka, ayaa sidoo kale la ogaaday inuusan gacan weyn ka geysan yareynta madax-xanuunka nooca migraines iyo xanuunka kaddib qalliinka ilmaha lagu dhalo.

    lagu sameeyo hooyada and postpartum and post-surgical pain .

    Waxay dhaqaatiirtu ku taliyaan mar walba in la raaco talooyinka dhaqtarka, oo aan la iska oso iibsan kaniinigan iyo dawooyin kale oo badan.

    Kaniinigan ma sababaa saameyn daran?

    Maaddaama caadiyan uu 500 milligrams ka kooban yahay kaniiniga amaba 1 garaam oo maaddada ku jirta ah, tan waxay ka dhigan tahay in qofka qaangaarka ah uusan afar ilaa siddeed ka badsna karin 24 saac gudahood.

    Balse xaaladdu way ka adag tahay sida ay u muuqato, sababoo ah dawooyin badan ayaa waxaa ku jira paracetamol iyo sidoo kale waxyaabo kale. Marka, qofku haddii uu hayo duray ama qabow, tusaale ahaan, wuxuu qaadanayaa dawooyin kala duwan si looga daweeyo calaamadaha (xanuun, qandho, sanka oo xiran, iyo waxyaabo kale.) waxaana laga yaabaa inuu xaddiga ka badsado.

    Dhibaatada ugu weyn waxay ku dhaceysaa beerka, oo qaabilsan xakameynta dawada. Ilaa 5% dawadan waxay isu beddeshaa quinoneimine, oo ah maaddo sun u ah jirka.

    Xaddi yar (oo ka hooseeya 4 garaam oo paracetamol ah), beerku wuu awoodaa inuu caadi ka dhigo khatarta. Si kastaba, marka ay xaddi badan tahay quinoneimine, xubintan ayaa joojisa shaqadii laga filayay.

    Tan waxay sababtaa inuu gebi ahaan beerku shaqada gabo, taasoo keenta in qofka isbitaal la dhigo, waxayna sababi kartaa geeri.

  2. SDF: Ciidammadii Kurdiyiintu hoggaamin jirtay ee Suuriya oo la kala diray

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hoggaamiyaha Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF), Mazloum Abdi, ayaa ku dhawaaqay in ciidamadii uu hoggaaminayay loo kala diray ciidan madax-bannaan ahaan, kaddib heshiis ay la gaadheen dowladda Suuriya ee Dimishiq.

    Abdi wuxuu sheegay in SDF ay dhammaystirtay ku biirista ciidanka Suuriya, isla markaana aysan mar dambe u shaqayn doonin ciidan gaar ah oo madax-bannaan.

    SDF waxay horey u maamuli jirtay dhul ballaadhan oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya, waxayna ahayd xulafadii ugu muhiimsanayd ee Maraykanka ee dagaalka lagula jiray ISIS. Si kastaba, waxay lumisay inta badan dhulkii ay haysteen, kadib weerar ay dowladda Suuriya qaadday bishii Janaury, taas oo horseeday heshiiska isku-darka ciidamada.

    Abdi wuxuu sheegay in tallaabadani ay Suuriya u furayso bog cusub oo ku saabsan nabad, xasillooni iyo dib-u-dhis, isagoo rajaynaya in dalka looga gudbo dagaal iyo hub una gudbo nabad iyo dhisid.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Ahmed al-Sharaa uu taageeray xaqa Kurdiyiinta ee waxkubarashada afkooda hooyo, isla markaana la qorsheynayo in waxbarashada af-Kurdiga la hirgeliyo sannadkan.

    Diblomaasiga Maraykanka Tom Barrack ayaa ku ammaanay Madaxweyne Trump, isaga oo sheegay in hoggaankiisu fududeeyay ku biirista nidaamsan ee SDF ee dowladda Suuriya

  3. Toddobada daah-fur ee ugu muhiimsan uguna yaabka badan dunida ee soo baxay sannadkii 2025-ka

    Daah-furrada sayniska waa natiijooyin cusub oo beddela qaabka aynu u fahanno dunida. Waxay ku yimaadaan cilmi-baaris saynis, male-awaal, ama mararka qaarkood nasiib saafi ah.

    Si kastaba ha ahaatee—ha noqoto mid wanaagsan ama mid xun—halkan waxaa ku xusan toddobo guul-wadeen oo waaweyn oo la gaaray sannadkii 2025-ka, kuwaas oo beddelay nolosheenna

  4. Ciyaaryahannadii sannadka ee xilli ciyaareedkii hore ee Ingiriiska oo la bixiyey

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kabtan-ka Manchester United Bruno Fernandes iyo weeraryahanka Manchester City Khadija Shaw ayaa ku guuleystay abaalmarinnada Ciyaaryahanka Sanadka ee PFA ee ragga iyo dumarka.

    Labadooduba hore ayaa loogu doortay ciyaartoyda sanadka ee ragga iyo dumarka ee Ururka Qorayaasha Kubadda Cagta (FWA) xilli-ciyaareedkii 2025-26.

    • Bruno Fernandes: Xilli-ciyaareedkii hore wuxuu dhigay rikoor cusub oo Premier League ah, isagoo sameeyay 21 caawin (assists) hal xilli-ciyaareed. Waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Manchester United ah ee ku guuleysta abaalmarintan tan iyo Wayne Rooney 2010.
    • Khadija Shaw: Tani waa markii labaad ee ay ku guuleysato abaalmarintan saddex xilli gudahood. Waxay sidoo kale markii saddexaad oo xiriir ah ku guuleysatay Golden Boot-ka WSL, iyadoo dhalisay 21 gool, xilli Manchester City ay ku guuleysatay horyaalka.

    Abaalmarinnada ciyaartoyda da’da yar

    Difaaca Manchester City Nico O'Reilly, oo 21 jir ah, ayaa loo magacaabay Ciyaaryahanka Da’da Yar ee Sanadka ee ragga, isagoo beddelay Morgan Rogers.

    O'Reilly wuxuu xilli-ciyaareedka ka qayb qaatay 34 kulan oo horyaalka ah, isagoo lahaa 8 saameyn gooleed (5 gool) iyo 9 kulan oo kooxdiisu aanay gool laga dhalin. Wuxuu sidoo kale dhaliyay laba gool, waxaana loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulankii City ay Arsenal kaga adkaatay finalka League Cup-ka.

    Dhanka dumarka, Olivia Smith oo Arsenal ka tirsan ayaa mar kale ku guuleysatay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee sanadka. Waxay noqotay ciyaaryahankii labaad, kadib xiddiga England Lauren Hemp, ee abaalmarintan ku guuleysta in ka badan hal mar.

    Smith oo 22 jir ah kana tirsan xulka Canada ayaa dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan, kadib markii Arsenal ay £1 milyan kaga soo iibsatay Liverpool xagaagii hore.

  5. Maxay tahay sababta uu isu casilayo madaxweyne-ku-xigeenkii Tansaaniya?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne-ku-xigeenka Tanzania, Emmanuel Nchimbi, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, toddobaadyo kadib markii la sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

    Nchimbi oo 54 jir ah ayaa bartiisa Instagram-ka ku daabacay warqad gaaban oo is-casilaad ah, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ixtiraamo rabitaanka madaxweynaha. Xafiiskiisa iyo madaxtooyada Tanzania ayaa xaqiijiyay is-casilaadda.

    Wuxuu sheegay inuu ka fariisan doono siyaasadda iyo nolosha adeegga dadweynaha dhammaadka toddobaadka soo socda. Taas ayaa ka dhigaysa madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyay ee taariikhda Tanzania ee xilka isaga taga, iyadoo uu xilka hayay wax ka yar 10 bilood.

    Nchimbi wuxuu ahaa ku-xigeenkii Samia doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay ee bishii Oktoobar ee sannadkii hore. Labadooda waxaa xilka loo dhaariyay bishii Nofeembar, kadib markii lagu dhawaaqay inay heleen 98% codadka.

    Doorashada kadib waxaa dalka ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata, waxaana baaritaan rasmi ah lagu sheegay in ugu yaraan 500 qof ay dhinteen. Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ciidamada ammaanka ku eedeeyay inay si xooggan u caburiyeen dadka mudaharaadayay.

    Nchimbi wuxuu sheegay inuu hore ugu ballanqaaday Samia inuu xilka ka degi doono haddii madaxweynuhu doonayo madaxweyne-ku-xigeen kale, wuxuuna yiri: “Waxaan ku qancay in madaxweynuhu doonayo isbeddel, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan fuliyo ballanqaadkaygii.”

  6. Canada oo ugu danbayn cashuuro aargoosi ahaan ah ku soo rogay Maraykanka

    Kanada ayaa ku dhawaaqday canshuuro aargoosi ah oo gaadhaya 50% oo lagu soo rogi doono badeecooyin kala duwan oo Maraykanku leeyahay, kadib canshuurihii cusub ee Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay badeecooyinka Kanada.

    Canshuuraha Kanada waxay khuseyn doonaan badeecooyin Maraykan ah oo qiimahoodu ku dhow yahay 28 bilyan oo doollar oo Kanada ah (qiyaastii $20 bilyan oo Maraykan ah). Badeecooyinka waxaa ka mid ah birta, alaabta guryaha, tuna cusub iyo funaanadaha suufka ah.

    Mas’uuliyiinta Kanada ayaa sheegay in liiska badeecooyinka la beegsanayo loo sameeyay si uu ula mid noqdo badeecooyinka Kanada ee Maraykanku canshuuraha saaray. Canshuuraha cusub ee Kanada waxay dhaqan geli doonaan 8-da Sebtembar.

    Tallaabadan ayaa ah koror cusub oo xiisadda ganacsi ee labada dal ah, kadib markii wada-hadalladii ganacsi ee Maraykanka iyo Kanada ay burbureen dhammaadkii toddobaadkii hore. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sameeyay dalabyo aan macquul ahayn daqiiqadihii ugu dambeeyay.

    Wasiirka Maaliyadda Kanada, François-Philippe Champagne, ayaa sheegay in tallaabada Kanada ay jawaab u tahay canshuuraha 50% ah ee maamulka Trump ku soo rogay badeecooyinka Kanada.

    Wuxuu sheegay in canshuuraha Maraykanku saameyn dhab ah ku yeelan doonaan shaqaalaha, ganacsiyada iyo bulshooyinka Kanada, sidaas darteedna Kanada ay qasab ku tahay inay ka jawaabto.

  7. Madaxa CIA-da Maraykanka oo si qarsoodi ah ugu safray Moscow

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxa Hay’adda Sirdoonka Dibedda ee Maraykanka (CIA), John Ratcliffe, ayaa la sheegay inuu talaadadii u safray magaalada Moscow ee Ruushka, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin Ruush ah wada-hadallo aan horay loo shaacin, sida ay werisay CBS oo ah bah-wadaagta BBC ee Maraykanka.

    Ilaa hadda, Washington iyo Moscow midkoodna ma xaqiijin sababta safarka ama cidda Ratcliffe uu la kulmay. Wada-hadallada fool-ka-foolka ah ee dhex mara mas’uuliyiin sare oo Maraykan iyo Ruush ah ayaa ah kuwo aad u dhif ah.

    Xogta laga helay nidaamyada raadraaca diyaaradaha ayaa muujisay in diyaarad militari oo weyn oo Maraykan ah, nooca C-17, ay Talaadadii ka duushay Maraykanka kuna tagtay Ruushka iyadoo sii martay Latvia. Diyaaraddu markii dambe waxay dib ugu laabatay Riga.

    Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda C-17 oo ku soo dhowaanaysa garoonka diyaaradaha Vnukovo ee Moscow.

    Sida xogta FlightRadar24 lagu sheegay, diyaaradda waxay ka duushay garoonka Riga 05:50 GMT, waxayna u muuqatay inay Moscow gaartay qiyaastii 07:04 GMT. Waxay dib ugu laabatay Riga wax yar ka hor 17:00 GMT.

    Sidoo kale, muuqaallo kale oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la sheegay inay muujinayeen kolonyo gaadiid diblomaasiyadeed oo dhex maraysa magaalada Moscow.

    BBC ayaa xiriir la samaysay CIA-da, Aqalka Cad iyo Pentagon-ka si ay uga hesho faahfaahin dheeraad ah

  8. War deg deg ah, Degdeg: War cusub oo Trump sheegay iyo Marinka Hormuz

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Marinka Hormuz laga nadiifiyay miinooyinka, isla markaana ciidamada Maraykanka ee loo yaqaan “Space Force” ay kormeerayaan dhammaan marinka.

    Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray in Ciidanka Badda Maraykanku u sheegeen in dhammaan miinooyinkii ku jiray biyaha caalamiga ah ee Marinka Hormuz laga saaray ama la qarxiyay.

    Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu Iran uga digay in markab kasta oo isku daya inuu miinooyin dhigto si “degdeg ah oo nidaamsan” loo burburin doono. Wuxuu intaas ku daray in haddii Iran ay jebiso amarkaasi, loola dhaqmi doono sidii loogu dhaqmay “Koh Kalinga” iyo saddex xarumood oo kale oo nukliyeer ah.

    Trump ayaa marar badan sheegay inuu si buuxda u maamulo Marinka Hormuz, wuxuuna ku dhawaaqay in marinku yahay dhul Maraykanku leeyahay.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa dhankooda sheegay in dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marinkan uu ku socdo oo keliya iyadoo ay Iran maamusho oo kormeerto.

  9. War deg deg ah, War cusub oo ka Canada ka soo yeeray kuna wajahan Mareykanka

    Waxaan waxaa hadda la soo warinayaa war cusub oo ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda Canada, François-Philippe Champagne.

    Canada ayaa sheegtay in canshuuro aargoosi ah ay saari doonto birta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, qalabka guryaha iyo badeecooyin kale oo badan oo laga keeno Maraykanka.

    Tallaabadan ayaa jawaab u ah canshuuraha 50% ah ee maamulka Trump uu Jimcihii ku soo rogay qayb yar oo ka mid ah badeecooyinka Canada, kaddib markii ay burbureen wada-hadalladii ganacsiga. Tani waxay dheer tahay canshuurihii hore ee Maraykanku saaray birta, aluminiumka, baabuurta iyo alwaaxda laga keeno Canada.

    Canada ayaa canshuur ku soo rogi doonta badeecooyin Maraykan ah oo qiimahoodu gaarayo ku dhowaad 28 bilyan oo dollar oo Canada ah, oo u dhiganta qiyaastii 20 bilyan oo dollar oo Maraykan ah.

    Canshuuraha cusub waxay u dhexeeyaan 15% ilaa 50%, waxaana la filayaa inay dhaqan galaan saqda dhexe ee 8-da Sebtembar.

  10. War deg deg ah, Canada iyo Mareykanka oo xaalkoodu sii cakirmayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Marka laga hadlayo Donald Trump, waxaa la oran karaa waa sax in la filan karo wax kasta oo lama filaan ah.

    Hase yeeshee, madaxweynaha Maraykanka ma ahayn qofkii soo afjaray wada-hadalladii ganacsiga; Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa isagu go’aansaday inuu marka hore ka baxo wada-hadallada.

    Arrintani waxay hadda labada dal ee deriska ah, oo muddo dheer xulafo ahaa isla markaana tobannaan sano ku naaloonayay ganacsi xor ah, gelinaysaa xaalad aan hore loo arag, waana khatar siyaasadeed oo uu Carney qaatay.

    Wuxuu haystaa taageerada aqlabiyadda dadka Canada, balse wuxuu wajahaya awoodda dhaqaale oo ah dalka leh dhaqaalaha ugu weyn adduunka.

    Inkasta oo hadallada kulul ee labada dhinac ay sii xoogeysanayaan, waxaa loo fasiran karaa inay qayb ka yihiin istaraatiijiyad wada-xaajood, oo ugu dambayn labada dhinac dib ugu soo laaban karaan miiska wada-hadallada si ay heshiis u gaaraan.

    Sida aan horay u soo aragnay, waqtiyada kama dambaysta ah waa la kordhin karaa, tanaasulna waa la samayn karaa.

    Hanjabaaddii ugu dambeysay ee Trump ee ahayd in Maraykanku canshuuro dheeraad ah saaro baabuurta lagu sameeyo ama laga soo dejiyo Canada waxay leedahay waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Janaayo, taas oo labada dhinac siinaysa waqti dheer oo ay arrimuhu ku isbeddeli karaan.

  11. War deg deg ah, Madaxweynaha Nigeria oo bixiyay amar lagu soo samatabixinayo dad la afuubtay

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Nigeria Bola Axmed Tinubu ayaa ciidamada, booliska, hay’adda sirdoonka DSS iyo hay’adaha kale ee amniga ku amray inay bilaabaan hawlgal lagu soo samatabixinayo tobannaan qof oo lagu afduubtay weerar ka dhacay gobolka Niger ee bartamaha dalka.

    War-saxaafadeed uu soo saaray Bayo Onanuga ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu aad uga xumaaday afduubka iyo dilka qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ay geysteen kooxo hubeysan oo gobolka ka howlgala. Wuxuu sheegay in dadka ka dambeeyay weerarrada aysan ka baxsan doonin ciqaabta sharciga.

    Tinubu wuxuu yiri: “Dadka geystay weerarkan foosha xun ee lagu qaaday dadka Nigeria waa cadowga nabadda iyo cadowga aadanaha, mana ka baxsan doonaan ciqaabta.”

    Tinubu ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu aysan nasan doonin ilaa carruurta, waalidiinta iyo dadka kale ee la afduubtay si nabad ah loogu celiyo qoysaskooda.

    Wuxuu madaxda hay’adaha amniga ku amray inay si joogto ah ugu soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan horumarka hawlgalka samatabixinta, ilaa dhammaan dadka la afduubtay laga soo helo.

    Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka ay dowladda gobolka Niger siin doonto dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah si loogu guuleysto hawlgalka samatabixinta.

  12. War deg deg ah, Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe iyo sababta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maraykanku wuxuu qorsheynayaa inuu diblomaasiyiintiisa kala soo baxo Bariga Dhexe sababo la xiriira dagaalka Iran, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

    Warbaahinta ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa dukumiintiyo gudaha ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ay baahisay, in wasaaraddu dib ugu soo celinayso Maraykanka diblomaasiyiintii ka tirsanaa safaaradaha Bariga Dhexe intii uu dagaalku socday iyo ka hor.

    Tallaabooyinka la xiriira dib ugu soo celinta diblomaasiyiinta iyo habraacyada xaaladaha degdegga ah ayaa la bilaabay horaantii toddobaadkan.

  13. War deg deg ah, Madaxda Tigray oo shuruudo ku xiray wadahadl ay la galaan Xukuumadda Abiy Axmed

    Tigray

    Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa shuruudo ku xiray dib u bilaabista wada-hadallada ay la yeelanayaan dowladda dhexe ee Addis Ababa.

    Waxay doonayaan in:

    • Ciidamada dowladda ay soo afjaraan waxa ay ku tilmaameen go’doomin lagu hayo Tigray.
    • In la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee gobolka.
    • In dib loogu soo celiyo TPLF aqoonsigeedii sharci ee xisbi siyaasadeed.

    Dalabyadan ayaa lagu soo bandhigay kulan ay mas’uuliyiinta Tigray la yeesheen ergayga Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

    Weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhawaan ka dhacay goobo dadku ku badan yihiin ayaa sii kordhiyay xiisadda. Tigray ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inay ku guuldarreysatay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii sokeeye ee 2022-kii.

    Dagaallo cusub oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa billowday bishan Agoosto, taas oo walaac ka abuurtay in colaaddii Tigray ay mar kale si weyn u soo laaban karto.

  14. War deg deg ah, Trump oo yiri "Iran mushaaradka ciidamdeeda ma bixin karto"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran aysan awoodin inay bixiso mushaharka qayb weyn oo ka mid ah ciidamada qalabka sida.

    Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu maanta ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee dhaqaale ahaan burbursan” aysan bixin mushaharka qayb ka mid ah ciidamadeeda, iyadoo isla markaana ay si aan hore loo arag u dilayso dibadbaxayaal, iyo xitaa dad aan dibadbaxayn.

    Trump wuxuu sheegay in xaaladdu tahay “dhibaato bani’aadamnimo oo aad u weyn”, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo.

    Maamulka Trump ayaa sidoo kale kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Iran, iyadoo Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent uu dhawaan ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu cadaadinayo dhaqaalaha Iran.

    Isniintii, Trump wuxuu sidoo kale Truth Social ku qoray in Iran ay qarka u saaran tahay burbur guud.

  15. War deg deg ah, Madxweyne ku xigeenka Tanzania oo ku dhawaaqay inuu is casilay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne ku-xigeenka Tanzania, Emmanuel Nchimbi, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, isagoo sheegay inuu bilaabay diyaar-garowga uu kaga fariisanayo siyaasadda.

    Nchimbi ayaa warqad uu u diray Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan, oo uu ku daabacay bartiisa Instagram, ku sheegay in iscasilaaddiisu dhaqan geli doonto 4-ta Sebtembar 2026. Xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa sidoo kale BBC u xaqiijiyay iscasilaadda.

    Nchimbi ayaa xilka Madaxweyne-ku-xigeenka loo dhaariyey 3-dii November 2025, taas oo ka dhigan inuu xilka hayay wax ka yar hal sano. Iscasilaaddiisa ayaa ka dhigaysa Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Tanzania ee si iskii ah xilka isaga taga isagoo weli haya jagada.

    Nchimbi wuxuu taageeray Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan doorashadii Oktoobar 2025, oo ay hareeyeen rabshado iyo dibadbaxyo, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 500 qof, sida lagu sheegay warbixinnada.

    Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ciidamada ammaanka ku eedeeyay inay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah oo ka dhan ah dibadbaxayaashii dowladda kasoo horjeeday.

    Warbaahinta Tanzania ayaa sidoo kale dhawaan soo tabisay khilaafyo iyo ismaandhaaf u dhexeeyay Madaxweyne Saamiya iyo ku-xigeenkeeda. Warbixinnada ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Nchimbi uu iscasilaaddiisa ku sababeeyay inuu aaminsanaa in madaxweynuhu doonayso isbeddel, isla markaana uu fulinayo ballan uu hore ugu qaaday inay xilka ka tegi doono marka loo baahdo isbeddel.

  16. War deg deg ah, Shiinaha oo Mareykanka u jawaabay iyo waxa uu sameyn doono

    Shiinaha

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Shiinaha ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo cunaqabateyn hal dhinac ah oo sharci-darro ah, kaddib markii Maraykanku uga digay dalalka sii wada ganacsiga Iran inay la kulmi doonaan cawaaqib.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, ayaa sheegay in dagaal dhaqaale iyo siyaasadda cadaadiska ugu badan aysan waxba ka tari doonin xalinta dhibaatooyinka, balse ay sii hurin karaan colaadda. Wuxuu sheegay in Beijing ay ilaalin doonto danaha dalkeeda.

    Shiinaha ayaa ah iibsadaha ugu weyn ee saliidda Iran, halka Tehran ay sheegtay inay ku kalsoon tahay in dalalka ay ganacsiga la leedahay ay iska caabin doonaan cadaadiska maamulka Trump.

    Mas’uul amni oo Iran ah, Mohsen Rezaei, ayaa sheegay in Tehran ay diyaar u tahay inay joojiso dhammaan dhoofinta saliidda ee dalalka Khaliijka, haddii ay uga aargoosanayso cadaadis ama tallaabooyin ka dhan ah Iran.

    Isniintii, Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in bangiyada, shirkadaha iyo dalalka ganacsi la sameeya Iran ay iyaguna wajihi doonaan go’doomin, haddii ay diidaan inay xiriirka u jaraan Tehran.

  17. War deg deg ah, Weli waxaad nagala socotaan BBCSomali, waxaanahalkaan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeyay ee dunida . Soo dhawaada mar kale akhristayaasha meel kasta oo aad joogtaan.

  18. War deg deg ah, Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo xaalkiisa laga walaacsanyahay iyo dalka uu ku wajahanyahay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Markabka dagaalka ee Maraykanka ee USS Abraham Lincoln ayaa toddobaadka soo socda gaari doona deked ku taalla Thailand, kaddib hawlgal dheer oo uu ku joogay Bariga Dhexe, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Thailand.

    Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen walaacyo ku saabsan xaaladda askarta saaran markabka, oo ay ku jiraan dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda iyo xaaladaha nololeed ee dadkaas.

    Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa sheegay in markabku dhigay rikoor, isagoo in ka badan 200 maalmood oo xiriir ah badda ku jiray isaga oo aan deked ku hakan.

    Mas’uul Thai ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ku dhowaad 5,000 askari iyo badmaaxiin ay Thailand imaan doonaan, halkaas oo ay ku nasan doonaan kaddib muddo dheer oo ay badda ku jireen.

    Milatariga Thailand kama uusan jawaabin codsi loo diray oo ku saabsanaa faallo ku saabsan arrintan.

  19. War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay wadahadallada Mareykan iyo Iran

    IRAN

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Pakistan waxay sheegtay in horumar weyn laga sameeyay wada-hadalladii ay wakiilladeeda kula yeesheen madaxda Iran magaalada Tehran, kuwaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo heli lahaa waddooyin lagu soo afjaro colaadda loona gaaro nabad.

    Taliyaha guud ee ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayaa hoggaaminayay wafdiga Pakistan ee booqashada ku tagay Tehran.

    Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Iran, wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay diiradda saareen joojinta sii xoogeysanaya colaadda, dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in Field Marshal Munir uu la hadlay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka hor inta uusan u safrin Tehran. Trump ayaa Pakistan ka codsaday inay adeegsato saameynteeda si ay Iran ugu dhiirrigeliso inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadallada.

    Si kastaba ha ahaatee, Washington illaa hadda kama aysan hadlin natiijada wada-hadallada.

  20. War deg deg ah, Faa'iidooyinka caafimaad ee basasha ay u leedahay qofka

    Waxay xoojisaa difaaca jirka: Faytamiin C-ga ku jira basasha wuxuu ka caawiyaa jirka inuu la dagaallamo caabuqyada.

    Waxay wanaajisaa caafimaadka wadnaha: Basashu waxay ka kooban tahay maaddooyin loo yaqaan flavonoids, sida quercetin, kuwaas oo gacan ka geysan kara dhimista kolestaroolka iyo cadaadiska dhiigga.

    Waxay ka caawin kartaa xakamaynta sonkorta dhiigga: Maaddooyin ay ka mid yihiin allyl propyl disulfide ayaa laga yaabaa inay ka caawiyaan hoos u dhigista heerarka sonkorta dhiigga.

    Waxay leedahay awood ka hortagta bararka iyo bakteeriyada: Maaddooyinka sulfur-ka dabiiciga ah ee ku jira basasha ayaa ka caawin kara jirka la dagaallanka bakteeriyada iyo yaraynta bararka.

    Waxay taageertaa dheefshiidka: Basashu waxay leedahay fiber iyo prebiotics oo quudiya bakteeriyada wanaagsan ee ku jirta mindhicirka.

    Waxay ka caawin kartaa ka hortagga kansarka: Daraasado ayaa muujiyay in dadka si joogto ah u cuna basasha ay yeelan karaan khatar hoose oo kansarro gaar ah, taas oo lala xiriiriyay maaddooyinka antioxidant-ka ah ee basasha ku jira.