SDF: Ciidammadii Kurdiyiintu hoggaamin jirtay ee Suuriya oo la kala diray

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF), Mazloum Abdi, ayaa ku dhawaaqay in ciidamadii uu hoggaaminayay loo kala diray ciidan madax-bannaan ahaan, kaddib heshiis ay la gaadheen dowladda Suuriya ee Dimishiq.
Abdi wuxuu sheegay in SDF ay dhammaystirtay ku biirista ciidanka Suuriya, isla markaana aysan mar dambe u shaqayn doonin ciidan gaar ah oo madax-bannaan.
SDF waxay horey u maamuli jirtay dhul ballaadhan oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya, waxayna ahayd xulafadii ugu muhiimsanayd ee Maraykanka ee dagaalka lagula jiray ISIS. Si kastaba, waxay lumisay inta badan dhulkii ay haysteen, kadib weerar ay dowladda Suuriya qaadday bishii Janaury, taas oo horseeday heshiiska isku-darka ciidamada.
Abdi wuxuu sheegay in tallaabadani ay Suuriya u furayso bog cusub oo ku saabsan nabad, xasillooni iyo dib-u-dhis, isagoo rajaynaya in dalka looga gudbo dagaal iyo hub una gudbo nabad iyo dhisid.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Ahmed al-Sharaa uu taageeray xaqa Kurdiyiinta ee waxkubarashada afkooda hooyo, isla markaana la qorsheynayo in waxbarashada af-Kurdiga la hirgeliyo sannadkan.
Diblomaasiga Maraykanka Tom Barrack ayaa ku ammaanay Madaxweyne Trump, isaga oo sheegay in hoggaankiisu fududeeyay ku biirista nidaamsan ee SDF ee dowladda Suuriya














