TOOS, Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka wuxuu horseedaya in Hormuz dib loo furo, Iran ayaa tiri

Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah faahfaahinta heshiiska, iyagoo sheegay in faa'iidooyinka dhaqaale ee Iran ay ku xiran tahay Tehran oo ay ka soo baxdo waajibaadkeeda.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Shiinaha iyo Ruushka oo looga warbixiyay heshiiska ay wadagali rabaan Iran iyo Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Iran

    Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in uu la kulmay safiirada Shiinaha iyo Ruushka u jooga Tehran oo uu kala hadlay wadahadalka Iran iyo Mareykanka.

    Kazem Gharibabadi ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X waxa uu ku yiri, “Kulankan intii uu socday, waxa lagaga wada hadlay oo la is waydaarsaday horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira qabyo qoraalka Islamabad”.

    Pakistan oo dhexdhexaadin ka ah xabad joojinta Iran iyo Mareykanka iyo saxiixa suurtagalnimada isfaham dhexmara labada dal ayaa ku dhawaaqday in heshiiskan ay u badan tahay in la dhameystiro maalmaha iyo habeenada soo socda.

    Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa yiri: "Iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iran, Shiinaha iyo Ruushka iyo isku xirka iyo isdhexgalka saddexda dal wuxuu ku sii socon doonaa si xoog leh."

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa xalay u sheegay telefiishanka Iran in Tehran ay si joogto ah ugala tashanayso Shiinaha xaaladda marin biyoodka Hormuz iyo habka cusub ee loo maareynayo.

  2. Wararka ku saabsan in gantaal uu ku dhacay markab shidaal oo soo baxaya

    Hay’adda ganacsiga badaha ee Britain ayaa sheegtay in markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Cumaan ay waxyeelo ka soo gaartay madfac aan la aqoonsan uu ku dhacay qeybta hore ee markabka.

    Sida laga soo xigtay kooxda dabagalka ee ciidamada badda ee Britain, shilkan ayaa dhacay shalay, meel qiyaastii 11 KM dhanka bari ka xigta xeebta Cumaan.

    Wararka ayaa sheegaya in dhamaan shaqaalihii saarnaa markabka ay bad qabaan, lamana soo sheegin wax waxyeelo deegaanka ah.

    Markabka ayaa la sheegay in uu kusii jeeday Dekadda uu u socday.

    Ma jirto faah faahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay halka uu ka yimi gantaalkan.

  3. Pakistan: Maraykanka iyo Iran waxay gaari doonaan is-afgarad 24-ka saac ee soocota

    Shahbaz Sharif

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in Iran iyo Mareykanka ay si ka duwan sidii hore ugu dhow yihiin heshiis nabadeed.

    Shahbaz Sharif ayaa qoraal uu daqiiqado ka hor ku soo qoray Shabakadda X waxa uu ku sheegay in 24-ka saac ee soo socda la filayo in la soo gabagabeeyo heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka.

    Waxa uu sheegay in Pakistan ay samaynayso qabanqaabada lagama maarmaanka ah ee "saxiixa elektaroonigga ah" ee dukumeentiga, ka dib "wadahadallada farsamada" ayaa bilaaban doona.

    Horay ayaa saraakiil sarsare oo Mareykan ah iyo Iran u sheegeen in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay saxiixaan heshiis horseedi doona, iyo arrimo kale, dib u furista marin biyoodka Hormuz.

    Waxaa la filayaa in saxiixa heshiiskan ka dib la qabto wareeg cusub oo wadahadal ah oo looga hadlayo arrimaha ugu waaweyn ee lagu muransan yahay oo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo qaadista cunaqabateynta.

    Warar dheeraad ah:

  4. Israa'iil oo weerar ku qaaday Lubnaan xilli Iran sheegtay In Heshiiska Maraykanka uu meel dhow marayo

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in Israa’iil ay weerar ku qaaday koonfurta dalkaasi.

    Weeraradan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay soo saareen digniin ku aadan in laga baxo 20 goobood oo ku yaala koonfurta Lubnaan oo ay ku jirto magaalada Nabatieh.

    Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Lubnaan dhawr goobood oo laga soo saaray digniinta guuritaanka ah ayaa la beegsaday, waxaana ka mid ah tuulooyinka Rayhan iyo Sajd, kuwaas oo ku yaala meel u dhaw magaalada Nabatieh.

    Shalay ayaa ururka Xisbullah waxa uu ku dhawaaqay in ciidamadooda ay la dagaalameen askarta Israel oo ku sii siqaya magaalo xuduudeedka koonfurta Lubnaan.

    Hadalka Hezbollah ayaa lagu sheegay in askarta Israa’iil ay ku sii siqayeen magaalada xudduudda ku taal ee Majdal Zun, markaasoo “lagu qasbay inay dib u gurtaan weerarro gantaallo ah oo soo noqnoqday dartood.

    Khilaafka u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa weli sii socda, halka Iran iyo Maraykankuna ay ku dhawaaqeen inay ku dhow yihiin inay saxeexaan heshiis is-afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    Faahfaahinta heshiiskan si rasmi ah looma shaacin, balse Iran ayaa mar walba ku adkaysanaysa in heshiis kasta oo nabadeed ay waajib tahay in lagu daro Lubnaan.

    Warar dheeraad ah:

  5. Wasiirkii hore ee difaaca Israel:Heshiiska Washington iyo Tehran waa masiibo marka Israel loo eego

    Avigdor Lieberman

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Avigdor Lieberman, oo ah hogaamiyaha xisbiga garabka midig ee "Israel Our Home" wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, ayaa ku tilmaamay heshiiska suurtagalka ah ee Mareykanka iyo Iran "guul dhameystiran oo u soo hoyatay Ayatollah".

    Waxa uu fariin ku qoray Shabakadda X ku sheegay in heshiiskani uu yahay "musiibo" marka loo eego dhinaca Israa'iil.

    Lieberman waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in "mas'uuliyadda boqolkiiba boqol" ee heshiiskan oo kale ay saaran tahay Benjamin Netanyahu.

    Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa horay u sheegay in Donald Trump uu doonayo in uu heshiis la gaaro Iran marka loo eego danaha Mareykanka.

    Katz ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Israa’iil ay xaqiijiso in ay si madax banaan uga hortagi karto Iran in ay hesho hub nukliyeer ah.

    Warar dheeraad ah:

  6. Qiimaha shidaalka oo hoos ugu dhacay halkii ugu hooseysay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qiimaha shidaalka ceyriin ee Brent ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay tan iyo horraantii bishii Maarso (qiyaastii afar bilood ka hor) iyadoo ganacsatadu ay aad ugu kalsoon yihiin in heshiis nabadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran uu soo dhow yahay.

    Qiimaha saliida ceyriin ee Brent ayaa gaaray $87.33 halkii foosto, taasoo hoos uga dhacday $3.05 (ama 3.4%) maalintii ka horreysay.

    Saliida US West Texas ayaa sidoo kale hoos u dhacday $2.83, ama 3.2 boqolkiiba, ilaa $84.88 foosto, qiimihii ugu hooseeyay ee ceyriinka Texas tan iyo bishii Abriil (qiyaastii saddex bilood ka hor).

    "Arrinta suuqa hoos u dhigtay ayaa ah hadaladii Iiraaniyiinta ee ahaa in uu jiro heshiis is-afgarad ah oo ay la leeyihiin Mareykanka," ayuu yiri John Kilduff, oo la shaqeeya shirkadda maalgashiga ee Again Capital.

    Warar dheeraad ah:

  7. Maraykanka oo saddex haween Iraaniyiin ah ka masaafuriyay dalkiisa geeyayna Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qareenka u doodaya haweenay u dhalatay dalka Iran oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha dimuquraadiyadda ayaa sheegay in Maraykanku uu u musaafuriyay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, isagoo sheegay inay tahay tallaabo halis gelinaysa nolosha macmiilkiisa.

    Sida uu sheegay qareenka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu sheegay in qofka u ololeeyaha ah ay noloshiisa halis ku jirto, sababo la xiriira rabshadaha iyo nabad la’aanta ka jirta dalka Afrikada dhexe.

    Sanduuqa Difaaca Sharciga ee Maraykanka ayaa sheegay in saddex dumar ah oo Iraniyiin ah oo dalkooda ka cararay ay halis ugu jireen in laga masaafuriyo Maraykanka.

    Warar dheeraad ah:

  8. Elon Musk oo si rasmi ah u noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee trillionnaire noqda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Elon Musk ayaa taariikh sameeyay kadib markii uu noqday qofkii ugu horeeyay aduunka ee gaara hanti ks gaaraysa in ka badan hal tirilyan oo dollar, kadib markii saamiyada shirkadiisa SpaceX ay sare u kaceen maalintii ugu horaysay ee liiska sarifka saamiyada ee Nasdaq.

    Sida laga soo xigtay Bloomberg Rich List, Musk hantidiisu waxa ay gaartay $1.11 trillion, taas oo xoojisay mansabkiisa shakhsiga ugu qanisan adduunka. Guusha waxa sii huriyay SpaceX's IPO oo ku qiimeeyay $2.2 trillion.

    Saamiyada shirkadu waxa ay ku bilaabmeen ganacsi dhan $150, waxaanay gaadheen $176.50 muddo gaaban gudaheed, taas oo ay ugu wacan tahay xamaasad xoogan oo maalgashi.

    Musk wuxuu leeyahay 42 boqolkiiba SpaceX, iyadoo qiimaha saamiyadiisa shirkadda lagu qiyaasay in ka badan $ 767 bilyan. Waxa kale oo uu leeyahay saamiyada Tesla qiimihiisu yahay boqolaal bilyan oo doolar.

  9. Hoggaamiyaha Wefdiga Xulka Qaranka Kubadda Cagta Iran: Madaxweynaha FIFA ma uusan fulinin ballamihiisii

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, ISNA

    Hoggaamiyaha wefdiga xulka qaranka kubadda cagta Iran ayaa dhaleeceeyay Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, isagoo ku eedeeyay inuusan fulin ballamihii uu ka bixiyay xiriirka kubadda cagta Iran.

    Mehdi Mohammad Nabi, oo ka mid ah 15 xubnood oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Iran ee aan helin fiisaha ay ugu safri lahaayeen Mareykanka, ayaa sheegay: “Madaxweynaha FIFA wuu ku guuldareystay inuu fuliyo ballamihiisii ahaa in Xiriirka Kubadda Cagta Iran la siiyo helitaan buuxa oo ku saabsan saddexda ciyaarood ee kooxda ee lagu qabanayo Mareykanka.”

    Waxa uu sidoo kale sheegay in “waxaan rajeynaynaa in Mr. Infantino uu dhab ahaantii u fulin doono hadallada iyo ballamihii uu u sameeyay xulka qaranka Iran. Xeerarka iyo hab-raacyada FIFA waa in si sax ah ay u ilaaliyaan xiriirrada xubnaha ka ah iyo dalalka martida loo yahay.”

    Isagoo tixraacaya dhibaatooyinka ka dhashay habka bixinta fiisaha, Mr. Mohammad Nabi wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrintani ay carqaladeysay diyaar-garowga xulka qaranka, isla markaana ay Iran gelisay xaalad ka adag tan kooxaha kale.

    Warar dheeraad ah:

  10. Trump oo ka maqnaa cayaarta Mareykanka ee Koobka Adduunka

    Koobka Adduunka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jawiga ka hor kulanka koowaad ee Mareykanka ee Koobka Adduunka FIFA World Cup ayaa ahaa mid aad u firfircoon saacado badan, iyadoo cimilada diiran ee California iyo kumannaan taageerayaal ah oo xulka qaranka Mareykanka ah ay sugayeen maalintan muddo sannado ah. Tani waa markii ugu horreysay ee ay awood u yeeshaan inay Koobka Adduunka ku arkaan gudaha dalkooda.

    Dhanka kale, maqnaanshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale la dareemay.

    Wuxuu marar badan ku faanay in martigelinta Koobka Adduunka 2026 iyo Olombikada Los Angeles inay tahay calaamad muujinaysa awoodda iyo meeqaamka Mareykanka intii uu xilka hayay. Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Cad ayaa shaaciyay in Mr. Trump uusan ka qaybgalayn tartanka.

    Si kastaba, waxaa la filayaa in Madaxweynaha Mareykanka uu daawado final-ka Koobka Adduunka, kaas oo lagu qaban doono garoonka MetLife Stadium ee New Jersey.

    Dhowr maalmood ka hor, Donald Trump wuxuu sidoo kale ka soo muuqday ciyaar ka tirsan final-ka NBA NBA Finals oo ka dhacday Madison Square Garden, halkaas oo uu kala kulmay falcelinno kala duwan oo ka yimid daawadayaasha.

    Arrintan waxay muujisay in Trump, inkastoo uu ku dhashay kuna koray New York, uu weli yahay shaqkhi si aad ah uga aragti duwan magaaladaas.

    Warar dheeraad ah:

  11. Mareykanka oo dilay hoggaamiyihii kooxda Tren de Aragua ee Venezuela

    Venezuela

    Xigashada Sawirka, Truth Social

    Ciidamada Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii kooxda burcadda ah ee Venezuela Tren de Aragua kadib weerar dhanka cirka ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump.

    "Aniga jihadeyda, taliska koonfureed ee Mareykanka wuxuu sameeyay weerar degdeg ah si uu si guul leh u fuliyo dilka Niño Guerrero," ayuu Trump ku soo qoray baraha bulshada.

    Niño Guerrero, oo magaciisa buuxa uu yahay Héctor Rusthenford Guerrero Flores, wuxuu ahaa hoggaamiyihii muddada dheer ee Tren de Aragua.

    Kooxdan burcadda ah ayaa ka mid ah kooxaha dambiilayaasha ah ee caanka ka ah Latin America, waxaana ay bartilmaameed u ahaayeen maamulka Trump.

    Madaxweynaha ayaa kooxda ku eedeeyay in ay "dagaal aan joogto ahayn" kula jiraan Mareykanka oo uu ku tilmaamay urur argagixiso oo ajnabi ah.

    Trump ayaa soo bandhigay muuqaalka wax u muuqda duqeynta cirka, isagoo muujinaya dhismo cagaaran oo daar u dhow oo la qarxiyay, burbur hawada u duulaya.

    Trump waxa uu sheegay in falkan millatari uu si dhow ugala shaqeeyay saaxiibbada Venezuela, kuwaas oo aanu si wanaagsan ula shaqaynayno, ayuu yiri.

    Maamulka Venezuela ayaa xaqiijiyay ku lug lahaanshaha waxa ay ku tilmaameen "hawlgal wadajir ah".

    Warar dheeraad ah:

  12. Xisbullah: Waxaan isku dhacnay ciidamada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan

    Xisbullah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xisbullaah-da Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in ciidamadoodu ay isku dhaceen askar Israa’iili ah oo u sii socday magaalada xuduudda ee Majdal Zun ee koonfurta Lubnaan.

    Kooxdu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay habeenkii Khamiista dhowr gantaal ku rideen ciidamada Israa’iil, taas oo ku qasabtay inay dib u gurtaan, kadibna Jimcihii ay la dagaallameen iyagoo adeegsanaya hub fudud, mid dhexdhexaad ah iyo gantaallo.

    Xisbullah waxay sidoo kale sheegatay inay fulisay weerarro kale oo ka dhan ah ciidamada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan.

    Dhanka kale, ciidanka Israa’iil ayaa soo saaray digniin ka daadgureyn ah oo ku socota dadka deggan saddex tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, halka warbaahinta rasmiga ah ee Lubnaan ay sheegtay in weerarro isdaba joog ah ay ka dhaceen qaybo kala duwan oo ka tirsan koonfurta dalka.

    Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay qaraxyo waaweyn iyo duqeymo madaafiic ah oo ka dhacay agagaarka buuraha Ali Taher, kuwaas oo ka dul eegaya magaalada Nabatieh.

    Warar dheeraad ah:

  13. 22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

    Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo dhowr dal oo Yurub ah, ayaa Khamiistii soo saaray bayaan wadajir ah oo ay uga digeen Iiraan inay joojiso weerarrada ka dhanka ah dadka ku sugan "dhulkooda." Waxa kale oo ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen "shirqool" ay kooxo ay Iiraan taageerto ku doonayaan inay ku weeraraan dad ku sugan dalalkooda.

    Bayaankan waxaa lagu eedeeyay hay'adaha amniga ee Iiraan inay "isticmaalayaan shabakado dembiileyaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah si ay uga fuliyaan qorshayaal Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Australia."

    Dalalkan ayaa bayaankooda ku xusay weerarro lala beegsaday bulshooyinka Yuhuudda, suxufiyiin Iiraaniyiin ah, iyo suxufiyiin Mareykan ah, iyagoo sheegay in mas'uuliyadda falalkan ay sheegatay kooxda lagu magacaabo Ashab al-Yamin al-Islamiya Movement, taas oo lagu sheegay inay "la safan tahay Iiraan."

    Kooxdan oo aan si weyn loo aqoon ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarro dab- lagu qabadsiiyay goobo macbad ah iyo xarumo bulsho oo ku yaalla Golders Green magaalada London, halkaas oo ay ku nool yihiin mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuudda ee ugu ballaaran London.

  14. Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka wuxuu horseedaya in Hormuz dib loo furo, Iran ayaa tiri

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Heshiis lala galo Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka ka socda Iiraan ayaa aad ugu dhow in la gaaro, waxaana ka mid ah dib u furista Marinka Hormuz, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan.

    Seyed Abbas Araghchi ayaa u sheegay telefishinka dowladda in heshiiska uu sidoo kale ku jiro qaadista cunaqabatayn uu Mareykanku saaray Iiraan, balse wada-hadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay bilaaban doonaan waqti dambe.

    Saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah faahfaahinta heshiiska, iyagoo sheegay in faa’iidooyinka dhaqaale ee Iiraan ay ku xirnaan doonaan in Tehran ay fuliso waajibaadkeeda ku cad heshiiska.

    Dagaalku wuxuu billowday kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen guud ahaan Iiraan 28-kii Febraayo, taasoo keentay in Iiraan ay weerarto Israa’iil iyo dowlado Khaliijka ku yaal oo xulafo la ah Mareykanka, isla markaana ay si wax ku ool ah u xirto Marinka Hormuz, oo ah marin badeed muhiim u ah dhoofinta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee dunida.

    Warar dheeraad ah: