Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS , Sacuudiga oo soo saaray digniin iyo Xuutiyiinta oo aargoosi ku hanjabay

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa dadka rayidka ah uga yeeray inay ka baxaan aagaga dekedda Xudeydah, iyadoo Xuutiyiintuna ku hanjabeen aargoosi haddii la weeraro dekadda

Kooban

  • Golaha Khaliijka oo difaacay Imaaraadka, dhaleeceeyayna dowladda Soomaaliya
  • "The price for a dream": Qisada filim ka hadlaya wiil Soomaali ah oo riyadiisa Maraykanka u maraya wax uusan fileyn
  • Maxay Soomaaliya ugu amartay safiirka Imaaraadka Carabta inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah?

Tebin toos ah

  1. Trump oo ka hadlay arrinta Iiraan ka dib markii uu ku laabtay Maraykanka

    Bilowgii shirkiisa jaraa’id, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaga oo ka hadlayay qiimaha shidaalka yiri:

    “Waxaad dhawaan arki doontaan qiimayaal aad iyo aad u hooseeya. Qiimaha baatroolku wuu hooseeyay wax yar ka hor howlgalkayagii, oo ahaa tallaabo milatari oo xaddidan oo aan ku qaadnay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Laakiin qiimaha baatroolka wixii hadda ka dambeeya wuxuu qayb ahaan ku xirnaan doonaa sida aan ula macaamilno Iiraan. Waxay doonayaan inay heshiis galaan, balse ma doonayaan heshiis aniga ii cuntami kara.”

    Trump ayaa intaas ku daray: “Waxaan doonaynaa heshiis dhab ah, ee ma doonayno heshiis been-abuur ah, kaas oo ay samaynayeen muddo 51 sano ah. Hadda ma aha 47 sano sidii ay dadka qaar sheegaan, ee waa 51 sano. Mudadaas oo dhan waxay dadka oo dhan gelinayeen khatar.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Denmark oo qaadaysa tallaabo ka dhan ah Ruushka

    Denmark ayaa dalka ka ceyrinaysa diblomaasi Ruush ah, kaddib markii ay sheegtay inay fashilisay qorshe lagu dilayay fanaanka caanka ah ee reer Ukraine, Kyivstoner.

    Qorshaha dilka ayaa soo shaac baxay intii lagu guda jiray dacwad maxkamadeed oo ka dhan ah laba nin oo u dhashay Denmark, kuwaas oo lagu eedeeyay in sirdoonka Ruushka uu u qortay fulinta falkaas.

    Labada eedeysane ayaa bishii Sebtembar la xiray xilli ay ku sii jeedeen goob lagu qabanayay bandhig faneed, oo ku taalla waqooyiga magaalada Copenhagen. Waxaa la sheegay inay siteen tigidhada bandhigga, qoryo rasaas ku jiraan iyo mindiyo.

    Labada nin ayaa beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.

    Laamaha ammaanka Denmark ayaa hore loogu wargeliyay suurtagalnimada weerarro lagu qaado Kyivstoner. Waxaa sidoo kale jiray isku day hore oo lagu doonayay in lagu dilo fannaanka, kaas oo ka dhacay Poland.

    Dhanka kale, mas'uuliyiinta Ruushka ayaa fannaanka ku eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe la xiriiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo lagu doonayay in lagu fuliyo falal waxyeello iyo kharbudaad ah gobolka Moscow.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. War deg deg ah, Warar sheegaya in qarax laga maqlay jasiiradda Qeshm ee Iiraan

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in dhawaqa qarax laga maqlay hawada sare ee jasiiradda Qeshm.

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay dad goobjoogayaal ah oo sheegay in iftiin xooggan uu cirka ka muuqday.

    Arrintan ayaa imaneysa xilli wakaaladda wararka ee Tasnim ay sheegtay in gantaal Mareykan ah uu ku dhacay duleedka magaalada.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Sacuudiga oo hadda war cusub shaaciyey ka dib digniintii ay hore u soo saareen

    Ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen oo burburiyeen laba gantaal oo kuwa riddada dheer ah, kuwaas oo Xuutiyiinta Yemen ay ku ganeen gobolka Jizan ee Sacuudiga.

    Sida uu sheegay isbahaysigu, firirka ka dhashay burburinta gantaallada ayaa ku dhacay deegaanka Al-Shaqiq.

    Horey ayay Xuutiyiintu u shaaciyeen inay bartilmaameedsanayaan warshad koronto oo ku taalla Al-Shaqiq.

    Turki Al-Maliki, oo ah afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ay khusayso ay gaareen goobta, isla markaana ay wax ka qabanayaan xaaladda.

    Ilaa waqtiga warkan la qorayay, wax war ah lagama soo saarin khasaaraha nafeed, burburka hantida ama in waxyeello soo gaartay warshadda korontada.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  6. War deg deg ah, Warar sheegaya in markab xamuul lagu weeraray biyaha Yemen

    Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in markab xamuul ah rasaas lagu furay isaga oo marayay biyaha Yemen.

    Bayaan ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in markabka lagu weeraray meel 176 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Mukalla ee Yemen.

    Sida ay hay’addu sheegtay, lix nin oo hubeysan oo wata doon dheereysa ayaa ku soo dhowaaday dhinaca bidix ee markabka, iyaga oo dhowr xabbadood ku riday.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in kooxda amniga ee markabka ay rasaas ugu jawaabtay doonta.

    Markabku wuxuu sii watay safarkiisa, halka doontii weerarka geysatay ay goobta ka dhaqaaqday.

    Ilaa hadda ma jiraan warar sheegaya in markabka ama shaqaalihiisa ay waxyeello soo gaartay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. 'Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira wadne xanuunka'

    Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da'doodu ka hooseyso 40 jirka.

    Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badana waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.

    Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay 2017-kii, waxaana laga shaaciyay shirweynaha ururka dhaqaatiirta wadnaha ee Hindiya.

    Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadnaha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd.

  8. Dal ku yaalla Afrika oo 600 boqol oo haweena lagu dilay saddex bilood gudahood

    Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in ku dhowaad 600 oo haween ah la dilay intii u dhexeysay bilihii Luulyo iyo Sebtembar ee sannadkan.

    Tiradaas waxaa ku jira 13 haween ah oo meydadkooda dhawaan lagu kala helay goobo kala duwan oo ku dhow magaalada Johannesburg.

    Booliiska ayaa tan iyo markaas xiray siddeed qof oo lala xiriirinayo dilalkaas, kuwaas oo baaritaankooda loo wajahayo inay yihiin dambiyo la xiriira tacaddiyada ku saleysan jinsiga iyo dilka haweenka.

    Tirokoobkii ugu dambeeyay ee dambiyada dalka ayaa sidoo kale muujinaya in muddadaas saddexda bilood ah guud ahaan dalka laga diiwaangeliyay in ka badan 5,000 oo dil.

    Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka leh heerarka ugu sarreeya ee dilalka adduunka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Sacuudiga oo digniin soo saaray iyo Xuutiyiinta oo aargoosi ku hanjabay

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa dadka rayidka ah uga digay inay ka baxaan dekedda Xudeydah, kaddib toddobaadyo ay duqeymo ka socdeen agagaarka dekedda.

    Daqiiqado gudahood kaddib markii Riyadh ay digniintaas ku baahisay baraha bulshada, Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan weerar aargoosi ah haddii Sacuudigu duqeeyo dekedda istaraatiijiga ah ee ku taalla Badda Cas.

    Waxay sidoo kale dadka uga digeen inay ka fogaadaan dekedaha Sacuudiga, iyaga oo shirkadaha maraakiibta ugu baaqay inay maraakiibtooda kala baxaan Badda Cas.

    Labada dhinac ayaa sii wada is-weydaarsiga weerarrada. Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu hawada ku burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaal ballistic ah.

    Khamiistii, weerar ay Xuutiyiintu qaadeen ayaa waxyeello kooban u geystay dhismaha ugu dheer caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Saadaal tilmaamaysa in Islaamku uu dhaafi doono Masiixiyadda sanadka 2035

    Sida saadaal ay soo saartay xarunta cilmi-baarista Pew (Pew Research Center), diinta Islaamka ayaa la filayaa inay sannadka 2035-ka dhaafto diinta Kiristaanka, isla markaana noqoto diinta ugu badan adduunka la haysto.

    Pew, oo muddo 25 sano ah soo saareysay warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan tirada dadka diimaha kala duwan haysta, ayaa ogaatay in inkasta oo Islaamka iyo Kiristaankuba ay sii kordhayaan, haddana tirada Muslimiinta ay si aad uga dhakhso badan u kordhayso.

    Xaruntu waxay sheegtay in sababta ugu weyn ay tahay in Muslimiintu guud ahaan dhalaan carruur ka badan dadka haysta diimaha kale ee waaweyn. Arrintan waxaa lagu faahfaahiyay saadaal ay xaruntu soo saartay 9-kii Nofeembar.

    Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, khabiirka sare ee tirakoobka dadweynaha ee Pew, Conrad Hackett, wuxuu sharraxay in qaadashada diin kale iyo isbeddellada kale ee diinta ay saameyn aad u yar ku leeyihiin heerka dhalmada.

    Xogta Pew ayaa muujinaysa in muddadii u dhexeysay 2020 iyo 2025, celceliska tirada carruurta ay haweeney Muslimad ahi dhasho uu ahaa 3.1 carruur ah, halka haweenka Kiristaanka ahi ay celcelis ahaan dhaleen 2.5 carruur ah.

  11. Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyey inay beegsadeen doon siday dad rayid ah

    Falaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudiga ku eedeysay inuu weeraray doon ay saarnaayeen dad rayid ah, halkaas oo ay ku dhinteen 19 qof, xilli dagaalka sokeeye ee Yemen uu dib u billowday kaddib muddo ay xaaladdu degganayd.

    Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta, Anis Asaby, ayaa cambaareeyay weerarka maanta dhacay, isaga oo sheegay: “Diyaaradaha dalkaas ayaa bartilmaameedsaday doon rayid ah oo ay saarnaayeen in ka badan 25 qaxooti ah, waxaana weerarka ku dhintay 19 qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.”

    “Beegsiga dadka rayidka ah iyo qaxootiga waa dembi dagaal oo culus, waana xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee bani'aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.”

    Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sidoo kale bartiisa X, ku sheegay in doontu ay ka soo ambabaxday deegaanka Ras al-Ara, kuna sii jeedday magaalada Hays ee koonfurta Yemen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Xildhibaan Iiraani ah oo sheegay war culus oo ka jira gudaha dalkaas

    Axmad Bakhshiish Ardestaani, oo ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in qayb ka mid ah bulshada iyo ra'yul caamka Iiraan ay sii kordhayaan dadka taageersan in dalku helo hub nukliyeer ah.

    Wuxuu sheegay in cadaadiska sii kordhaya ee Mareykanka uu sii huriyay doodda ku saabsan in Iiraan ay samaysato hub nukliyeer ah, isla markaana ay u muuqato in ra'yul caamka dalka uu ilaa xad diyaar u yahay in mowqifkiisa uu arrintan ku aaddan isbeddelo.

    Axmad Bakhshiish Ardestaani,ayaa sheegay in inkastoo qaar ka mid ah dadka iyo kooxaha ay aaminsan yihiin in hubka nukliyeerku uu Iiraan u yahay hab ay ku xoojin karto awooddeeda difaac iyo ka hortagga weerarrada cadowga, haddana ay jiraan dad arrintan walaac iyo shaki ka qaba.

    Wuxuu sheegay in dalalka saaxiibka la ah Iiraan, sida Shiinaha iyo Ruushka, ay kula talinayaan inay arrintan taxaddar ka muujiso, isla markaana aysan hadda u dhaqaaqin samaynta hub nukliyeer ah.

    Sida uu sheegay, kooxaha taageersan in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah ayaa aaminsan in tallaabadaasi ay kordhin karto awoodda dalka ee ka hortagga weerarrada cadowga.

    Doodaha ku saabsan siyaasadda nukliyeerka Iiraan iyo suurtagalnimada inay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka-hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT) ayaa sidoo kale sii xoogaystay toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Dhowr mas'uul oo ka tirsan siyaasadda, milatariga iyo diinta ee Iiraan ayaa mowqifkooda ka dhiibtay arrintan, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah mawduucyada ugu waaweyn uguna muranka badan doodaha siyaasadeed ee dalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Maraykanka oo soo saaray digniin dhanka safarka ah oo ku aadan Itoobiya

    Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan waqooyiga Itoobiya, kadib warar sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ay ciidamo iyo hub ku daabulayaan xuduudda labada dal.

    Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Maraykanka ay ka fogaadaan gobollada Amxaarada, Tigray iyo Cafar, sababo la xiriira iska horimaadyo weli ka socda miyiga gobolka Tigray, gaar ahaan deegaannada u dhow xuduudda Eritrea.

    Safaaraddu waxay sheegtay in xaaladda amni ee gobolka ay isbeddeli karto wakhti kasta.

    Waxay sidoo kale kula talisay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan deegaannadaas inay halkaas ka baxaan haddii ay awoodaan inay sidaas sameeyaan iyaga oo aan khatar gelinayn naftooda.

    Warbixinno ay dhawaan baahiyeen wakaaladaha Reuters iyo AFP ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ay isu jiraan masaafo u saamaxaysa inay weerarro ka fuliyaan xuduudda labada dal.

    Warbixinnada ayaa intaas ku daray in weerarro loo adeegsado hubka culus iyo ciidamo si dhuumaaleysi ah uga gudba xuduudda ay sii hurin karaan xiisadda labada dal.

    Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya iyo Eritrea midkoodna weli kama hadlin wararkan.

    Digniinta safaaradda Maraykanka ayaa timid xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo isku dhacyo ka dhaca xuduudda labada dal.

    Safaaraddu waxay sidoo kale muwaadiniinteeda kula talisay inay dib uga fiirsadaan qorshe kasta oo ay ugu safrayaan deegaannadaas.

    Warar dheeraad

  14. Cabbaas Araqchi oo si jees-jees ah ugu jawaabay safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi , ayaa si jees-jees ah uga falceliyay hadal uu jeediyay safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka, Yechiel Leiter.

    Araqchi ayaa yiri: “Ma aannaan ogeyn in safiirka Israa’iil ee Washington uu sidoo kale yahay taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka.”

    Falcelintiisa ayaa timid kadib markii safiirka Israa’iil, oo wareysi siinayay telefishinka Newsmax, wax laga weydiiyay farriinta uu u hayo qoysaska askarta Maraykanka.

    Safiirka ayaa ku jawaabay in askarta Maraykanku ay qoysaskooda ku laaban doonaan marka Iran laga adkaado.

    Abbas Araqchi ayaa hadalkaas kaga falceliyay baraha bulshada, isaga oo ku jees-jeesay safiirka, isla markaana si dadban u sheegay in Israa’iil ay go’aaminayso hawlgallada milatari ee Maraykanka, halkii go’aannadaas laga gaari lahaa Washington.

    Warar dheeraad

  15. Dalalka Yurub oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Ruushka kala xaajoodaan soo afjaridda dagaalka Ukraine

    Hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ruushka kala xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.

    Waxay tallaabadan ku doonayaan in Yurub ay door muuqda ku yeelato wada-hadallada nabadda, isla markaana ay muujiso taageerada xooggan ee ay siiso Kyiv.

    Hase yeeshee, Ruushka ayaa qaba aragti ka duwan tan Yurub, gaar ahaan qaabka loo wajahayo wada-hadallada iyo dammaanadaha amni ee Ukraine.

    Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa arrintan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Berlin, kaas oo ay isugu yimaadeen dalalka taageera Ukraine, ee loo yaqaan (Coalition of the Willing).

    Ra’iisul Wasaaraha UK, Andy Burnham, ayaa sheegay in Yurub ay wada-hadallada u leedahay mowqif cad, joogto ah oo ay si wadajir ah uga mideysan tahay.

    Warar dheeraad

  16. Warbixin ka digtay in shaqaala dhimista xigta ee BBC-da ay si weyn u dareemi doonaan daawadayaasha iyo dhageystayaasha

    Warbixin cusub ayaa ka digtay in shaqaalaha oo la dhimo iyo barnaamijyo cusub oo la xiro BBC-da ay saameyn muuqata ku yeelan doonaan daawadayaasha iyo dhageystayaasha, marka loo eego tallaabooyinkii hore ee kharash-dhimista.

    BBC-da ayaa horaantii sannadkan ku dhawaaqday qorshe ay ku dhimayso ku dhowaad 1,800 shaqo, isla markaana ay ku xirayso qaar ka mid ah barnaamijyadeeda iyo adeegyadeeda.

    Hase yeeshee, waxaa weli u harsan dhimista kharashyo dheeraad ah si ay u gaarto yoolkeeda ah in ay kaydiso 500 oo milyan oo gini.

    Warbixinta Xafiiska Hantidhowrka Qaranka Britain (NAO) ayaa saadaalisay in wareegga xiga ee tallaabooyinka kharash-dhimista BBC-da uu ka adkaan doono sidii hore, isla markaana ay si weyn u dareemi doonaan dhageystayaasha iyo daawadayaashu.

    BBC-da ayaa soo dhaweysay warbixinta, iyada oo sheegtay inay muddo dheer ku doodeysay in qaabka hadda loo maalgeliyo BBC-da uusan sii jiri karin, loona baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo.

    Warbixinta NAO ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinka hadda socda la filayo inay saddex sano gudahood ku yareeyaan tirada shaqaalaha BBC-da boqolkiiba 11.

    Gareth Davies, oo ah madaxa Xafiiska Hantidhowrka Qaranka, ayaa yiri: “Maaddaama BBC-du ay wax ka yar sannad iyo bar u jirto cusboonaysiinta axdigeeda, shaki kuma jiro inay horyaallaan go'aanno adag.”

    Xaaladda dhaqaale ee BBC-da ayaa sannadihii u dambeeyay sii xumaanaysay, taas oo ay sabab u yihiin hoos u dhaca dakhliga ka soo gala lacagta rukhsadda daawashada telefishinka iyo kororka kharashaadka soo saarista barnaamijyada.

    Xafiiska NAO ayaa sheegay in BBC-du ay ilaa hadda kharashka ku yaraysay dhimista tirada shaqaalaha, yareynta hantida iyo xarumaha ay maamusho, casriyeynta teknoolojiyadda, fududeynta habraacyada shaqada iyo wax ka beddelka noocyada iyo baaxadda barnaamijyada iyo adeegyada ay bixiso.

    BBC-da ayaa hore ugu dhawaaqday qorshe ay kharashaadkeeda ku dhimayso ku dhowaad 10%, taas oo ay ku jiraan dhimista barnaamijyada waaxyaha wararka, adeegyada dalalka iyo gobollada Britain, iyo qaybaha kale ee soo saara barnaamijyada.

    Warar dheeraad

  17. Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudiga ku eedeeyay dilka 19 qof oo saarnaa doon rayid ah.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii ku eedeeyay ciidamada Sacuudiga inay weerareen doon rayid ah, ayna ku dileen 19 qof, xilli dagaalka sokeeye ee Yemen uu dib u xoogeysanayo kaddib muddo uu hakad ku jiray.

    Anis Asaby, afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta, ayaa cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay bartilmaameedsadeen doon rayid ah oo ay saarnaayeen in ka badan 25 qof oo qaxooti ah.

    Waxa uu sheegay in weerarka lagu dilay 19 qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

    Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in bartilmaameedsiga dadka rayidka ah iyo qaxootigu uu yahay dembi dagaal oo culus, isla markaana uu si cad uga hor imanayo shuruucda caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.

    Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa bartiisa X ku sheegay in doontu ay ka soo amba-baxday deegaanka Ras al-Ara, kuna sii jeeday magaalada Xays ee koonfurta Yemen.

    Dagaalka sokeeye ee muddada dheer ka socday Yemen, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida, ayaa yaraaday kaddib markii xabbad-joojin la dhaqan geliyay sannadkii 2022. Hase yeeshee, bilihii ugu dambeeyay ayuu mar kale dib u billowday.

    Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ayaa hadda ku soo dhowaaday magaalada Cadan, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay. Waxay sidoo kale qabsadeen dhul ballaaran tan iyo markii dagaalku dib u billowday.

    Tirakoobka Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in in ka badan 1,600 oo qof lagu dilay dagaallada cusub, halka tirada dadka barakacay ay kor u dhaaftay 300,000 oo qof.

    Warar dheeraad

  18. Pakistan oo sannadka 2070 noqon doonta dalka ay Muslimiintu ugu badan ku nool yihiin dunida.

    Daraasad cusub oo ay samaysay xarunta cilmi-baarista ee Pew Research Center ayaa muujisay in tirada dadka Muslimiinta ah ee dunida ku nool ay ka badan karto tirada dadka masiixiyiinta ah.

    Daraasaddu waxay saadaalisay in marka la gaaro sannadka 2070, Pakistan ay noqon karto dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan dunida, halka tirada Kiristaanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay ka badnaan karto tan Mareykanka.

    Saadaasha Pew ayaa tilmaamaysa isbeddel ballaaran oo ku saabsan tirada dadka iyo diimaha Koonfurta Aasiya.

    Pakistan ayaa la filayaa inay Indonesia kala wareegto kaalinta koowaad ee dalka ay Muslimiintu ugu badan yihiin, halka Hindiya ay kaalinta labaad geli doonto. Bangladesh ayaa sidoo kale la filayaa inay si weyn u kordhotirada dadka Muslimiinta ah.

    Daraasaddu waxay saadaalisay sida ay diimaha dunidu noqon karaan 50-ka sano ee soo socda. Waxay ku salaysan tahay xog laga soo ururiyay 201 dal iyo deegaan, kuwaas oo daboolaya ku dhowaad dhammaan dadka dunida ku nool.

    Warar dheeraad

  19. Sacuudiga oo xaqiijiyay in weerar Xuutiyiintu fuliyeen uu waxyeelleeyay dhismaha ugu dheer Riyadh

    Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in dhismaha ugu dheer magaalada Riyadh, oo ku yaalla xarunta ganacsiga ee caasimadda, uu waxyeello ka soo gaartay weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen.

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dhowr dabaq oo ka mid ah dhismaha, oo xarun u ah Sanduuqa Maalgashiga Qaranka Sacuudiga, ay waxyeello soo gaartay.

    Saacado ka hor, afhayeen u hadlay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in burburka gantaal la qabtay uu waxyeello ka geystay magaalada Riyadh.

    Dhanka kale, dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen waxyeellada gaartay dhismaha.

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan magaalooyinka Sacuudiga.

    Daqiiqado ka dib markii warkan la shaaciyay, wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay si xooggan ugu cambaareysay weerarrada joogtada ah ee ka dhanka ah Sacuudiga, kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay aagga ganacsiga ee Boqor Cabdalla ee magaalada Riyadh.

    Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa sheegtay in weerarku yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga.

    Jaasim Al-Budeywi, xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, ayaa isaguna cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay qaataan mowqif caalami ah oo degdeg ah oo go'aan adag leh, si Xuutiyiinta loola xisaabtamo.

    Warar dheeraad

  20. Sacuudiga oo qabtay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu ku soo rideen koonfurta dalka

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Jimcihii sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen gantaal nooca ballistic-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen koonfurta Sacuudiga.

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu qabtay hawada koonfurta dalka.

    Hay’addu waxay digniino hore ka bixisay dhowr deegaan oo ay ka mid yihiin Jizan, Abha iyo Khamis Mushait, balse markii dambe waxay sheegtay in khatartii la baabi’iyay.

    Dhanka Yemen, telefishinka Al-Masiirah ee ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa Jimcihii sheegay in duqeymo cirka ah oo Sacuudigu fuliyay ay ku dhaceen caasimadda Sanca.

    Sacuudiga weli kama uusan hadlin wararka sheegaya in duqeymo uu ka fuliyay Yemen.

    Weerarrada isaga gudba xuduudda ee labada dhinac ayaa weli socda, mana muuqato in ay yaraanayaan. Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan magaalooyinka Sacuudiga.

    Sacuudiga ayaa shalay xaqiijiyay in weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen uu waxyeello gaarsiiyay dhismaha ugu dheer magaalada Riyadh, kaas oo ku yaalla xarunta ganacsiga ee caasimadda.

    Warar dheeraad