"The price for a dream": Qisada filim ka hadlaya wiil Soomaali ah oo riyadiisa Maraykanka u maraya wax uusan fileyn

    • Author, Farah Lamaane
    • Role, BBC News
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Inglewood Films LLC iyo Waryaa Films ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu soo bixi doono filim nooca Drama-da ah oo la yiraahdo "The Price for a Dream", kaas oo ay jilayaan Muuse Cali Aadan iyo Damarr Jones, lana soo gabagabeeyay duubistiisa .

Marka laga yimaado Muuse oo ah jilaaga hogaaminaya filimka waxaa isna kaalintaas kula jira Damarr Jones oo ku jilaya Dr Solomon. Sidoo kale waxaa kaalin ku leh filimka Charla Bocchicchio, Louis Boakye iyo Jerry Chidester. Dhanka hogaaminta waxaa sameeyey JD Allen oo ah agaasimaha filimka oo ka socda Inglewood Films iyo soo saarayaasha oo ah laba nin oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo Xuseen daahir iyo Cabdirashiid Jaamac, halka ay Muuse iyo Shyinia Crayton si gaar ah u sameeyeen qoraalka sheekada.

Filimka oo ku hadlaya afka Ingiriiska hadda wuxuu marayaa heerka shaqada ka dambeysa duubista (post-production), iyadoo la qorsheynayo in lagu soo bandhigo xafladaha filimada; waxaana tallaabadaas lagu bilaabi doonaa filim gaaban oo laga soo jaray muuqaallada filimkan dheer sida lagu xusay qoraal ay shirkadda filimka duubtay la wadaagtay BBC.

Jilaaga ugu weyn ee filimkan waa Muuse Cali Aadan oo hore uga soo qayb qaatay filimada "Malbatt: Misi Bakara" iyo "Little America" oo laga helo Apple TV.

Muuse ayaa filimka ku jilaya magaca Rashad oo ah muhaajir uu hamigiisu u horseeday inuu arko isagoo dhexda u galay dhabbaha dano ganacsi oo awood badan.

"Riyada Rashad way sii weynaanaysaa, qiimaha ku baxayana sidoo kale. Taasi waa sheekada dad badan oo halkan u yimaada inay nolol dhisaan, aniguna waxaan doonayay inaan hormuud ka noqdo sheekadaas" ayuu yiri muuse.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey BBC ayuu ku sheegay Muuse in Filimka oo gabi ahaantii lagu sameeyey gobolka Utah ee dalka Maraykanka uu diiradda saarayo dhibka loo soo maro in Maraykanka la yimaado iyo xaqiiqda lala kulmo. "Dadka halkan soo aada, Soomaali ama dad kale, ma oga rafaadka ka horreeya" ayuu yiri isagoo intaa ku daray in uu filimku iftiiminayo nolosha dhabta ah ee ay dadku la kulmayaan.

"Dadku marka ay Maraykanka yimaadaan, waxay maskaxda ku hayaan nolol iyo shaqo wanaagsan ayaad helaysaa, waxaasna kaama soo horreeyaan. Marka aad Maraykanka timaado waa in aad shaqaysataa. Dawladdu bilaash kuguma siinayso guri. Adigoon wax hubsan ha imaan, haddaad timaadana waad ku rafaadaysa. Dad badan ayaa jira oo darbiga ka soo booday oo ilaa hadda garan la' wax ay sameeyaan" ayuu ku sheegay Muuse waraysiga. Arrimahaas ayaa qayb ka ah waxyaabaha uu filimkan ka turjumayo.

Wuxuu kaloo Muuse u sheegay BBC in hadda lagu jiro jarjaridda filimka, ayadoo ka dibna la geyn doono meelaha aflaamta lagu qiimeeyo tayadooda. Hore wuxuu filimku u soo maray muddo 3 sano ah qoritaanka qisada iyo duubitaanka.

Xilliga la sii deyn doono filimka ayuu sheegay Muuse inuu yahay sannadka foodda nagu soo haya. "Marka hore shineemooyinka ayuu ka soo baxayaa ka hor inta uusan online-ka gelin sannadka 2027" ayuu yiri.

Halkan ka dhegeyso waraysiga ay BBC la yeelatay Muuse Cali Aadan

Waa kuma Muuse Cali Aadan

Muuse Cali Aadan wuxuu BBC u sheegay in uu bilaabay jilidda filimada qiyaastii 5 sano ka hor. Fanaanka K'naan ayaa gobolka aan joogo iigu yimid isagoo filim samaynaya, ka dibna wuu i shaqaaleysiiyey si aan ula jiló, xilligaasna ma aanan aqoonin jilidda, isaga ayaa i baray" ayuu yiri.

Wuxuu sii raaciyey "meeshaas ayaan ka bilaabay jilayaal waaweyn ayaan la kulmay. Ilaa hadda waxaan sameeyey filimmo qaarna ay soo baxeen qaarna aysan soo bixin" ayuu yiri Muuse.

Wuxuu tusaale u soo qaatay filim ka soo baxay Apple TV kaasoo la yiraahdo camel on a stick oo uu wax jilay. Wuxuu kaloo wax ka jilay The Graduate.

Qof ahaan wuxuu isku sifeeyey mar u sanooyin ka hor u warramay BBC "qof waddankiisa u dadaala. Muuse Cali Aadan ahaan iima fiiriyaan ee waxay arkaan qof Soomaali ah, waxaanan u dagaallamaa waddankayga. Magacayga wuu fiican yahay, laakinse waxaa iiga muhiimsan dalkayga" ayuu sii raaciyey Muuse.

Ilaa 30 filim ayaa hadda si fiican suuqa u galay, kuwaasoo dhamaantood uu doorar kala duwan ku lahaa Muuse, isagoo sheegay in qaar kalena samayntooda gacanta lagu hayo.