Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS , Madaxa Mossad oo ku baaqay weerarro cusub oo wadajir ah oo Iiraan lagu qaado

Wargeyska Maraykanka ee The Wall Street Journal ayaa warbixin cusub ku qoray in madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Roman Goffman, uu ku baaqay in dib loo bilaabo weerarrada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa’iil

Kooban

  • Golaha Khaliijka oo difaacay Imaaraadka, dhaleeceeyayna dowladda Soomaaliya
  • "The price for a dream": Qisada filim ka hadlaya wiil Soomaali ah oo riyadiisa Maraykanka u maraya wax uusan fileyn
  • Maxay Soomaaliya ugu amartay safiirka Imaaraadka Carabta inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah?

Tebin toos ah

  1. Cabbaas Araqchi oo si jees-jees ah ugu jawaabay safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi , ayaa si jees-jees ah uga falceliyay hadal uu jeediyay safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka, Yechiel Leiter.

    Araqchi ayaa yiri: “Ma aannaan ogeyn in safiirka Israa’iil ee Washington uu sidoo kale yahay taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka.”

    Falcelintiisa ayaa timid kadib markii safiirka Israa’iil, oo wareysi siinayay telefishinka Newsmax, wax laga weydiiyay farriinta uu u hayo qoysaska askarta Maraykanka.

    Safiirka ayaa ku jawaabay in askarta Maraykanku ay qoysaskooda ku laaban doonaan marka Iran laga adkaado.

    Abbas Araqchi ayaa hadalkaas kaga falceliyay baraha bulshada, isaga oo ku jees-jeesay safiirka, isla markaana si dadban u sheegay in Israa’iil ay go’aaminayso hawlgallada milatari ee Maraykanka, halkii go’aannadaas laga gaari lahaa Washington.

    Warar dheeraad

  2. Dalalka Yurub oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Ruushka kala xaajoodaan soo afjaridda dagaalka Ukraine

    Hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ruushka kala xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.

    Waxay tallaabadan ku doonayaan in Yurub ay door muuqda ku yeelato wada-hadallada nabadda, isla markaana ay muujiso taageerada xooggan ee ay siiso Kyiv.

    Hase yeeshee, Ruushka ayaa qaba aragti ka duwan tan Yurub, gaar ahaan qaabka loo wajahayo wada-hadallada iyo dammaanadaha amni ee Ukraine.

    Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa arrintan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Berlin, kaas oo ay isugu yimaadeen dalalka taageera Ukraine, ee loo yaqaan (Coalition of the Willing).

    Ra’iisul Wasaaraha UK, Andy Burnham, ayaa sheegay in Yurub ay wada-hadallada u leedahay mowqif cad, joogto ah oo ay si wadajir ah uga mideysan tahay.

    Warar dheeraad

  3. Warbixin ka digtay in shaqaala dhimista xigta ee BBC-da ay si weyn u dareemi doonaan daawadayaasha iyo dhageystayaasha

    Warbixin cusub ayaa ka digtay in shaqaalaha oo la dhimo iyo barnaamijyo cusub oo la xiro BBC-da ay saameyn muuqata ku yeelan doonaan daawadayaasha iyo dhageystayaasha, marka loo eego tallaabooyinkii hore ee kharash-dhimista.

    BBC-da ayaa horaantii sannadkan ku dhawaaqday qorshe ay ku dhimayso ku dhowaad 1,800 shaqo, isla markaana ay ku xirayso qaar ka mid ah barnaamijyadeeda iyo adeegyadeeda.

    Hase yeeshee, waxaa weli u harsan dhimista kharashyo dheeraad ah si ay u gaarto yoolkeeda ah in ay kaydiso 500 oo milyan oo gini.

    Warbixinta Xafiiska Hantidhowrka Qaranka Britain (NAO) ayaa saadaalisay in wareegga xiga ee tallaabooyinka kharash-dhimista BBC-da uu ka adkaan doono sidii hore, isla markaana ay si weyn u dareemi doonaan dhageystayaasha iyo daawadayaashu.

    BBC-da ayaa soo dhaweysay warbixinta, iyada oo sheegtay inay muddo dheer ku doodeysay in qaabka hadda loo maalgeliyo BBC-da uusan sii jiri karin, loona baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo.

    Warbixinta NAO ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinka hadda socda la filayo inay saddex sano gudahood ku yareeyaan tirada shaqaalaha BBC-da boqolkiiba 11.

    Gareth Davies, oo ah madaxa Xafiiska Hantidhowrka Qaranka, ayaa yiri: “Maaddaama BBC-du ay wax ka yar sannad iyo bar u jirto cusboonaysiinta axdigeeda, shaki kuma jiro inay horyaallaan go'aanno adag.”

    Xaaladda dhaqaale ee BBC-da ayaa sannadihii u dambeeyay sii xumaanaysay, taas oo ay sabab u yihiin hoos u dhaca dakhliga ka soo gala lacagta rukhsadda daawashada telefishinka iyo kororka kharashaadka soo saarista barnaamijyada.

    Xafiiska NAO ayaa sheegay in BBC-du ay ilaa hadda kharashka ku yaraysay dhimista tirada shaqaalaha, yareynta hantida iyo xarumaha ay maamusho, casriyeynta teknoolojiyadda, fududeynta habraacyada shaqada iyo wax ka beddelka noocyada iyo baaxadda barnaamijyada iyo adeegyada ay bixiso.

    BBC-da ayaa hore ugu dhawaaqday qorshe ay kharashaadkeeda ku dhimayso ku dhowaad 10%, taas oo ay ku jiraan dhimista barnaamijyada waaxyaha wararka, adeegyada dalalka iyo gobollada Britain, iyo qaybaha kale ee soo saara barnaamijyada.

    Warar dheeraad

  4. Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudiga ku eedeeyay dilka 19 qof oo saarnaa doon rayid ah.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii ku eedeeyay ciidamada Sacuudiga inay weerareen doon rayid ah, ayna ku dileen 19 qof, xilli dagaalka sokeeye ee Yemen uu dib u xoogeysanayo kaddib muddo uu hakad ku jiray.

    Anis Asaby, afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta, ayaa cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Sacuudigu ay bartilmaameedsadeen doon rayid ah oo ay saarnaayeen in ka badan 25 qof oo qaxooti ah.

    Waxa uu sheegay in weerarka lagu dilay 19 qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

    Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in bartilmaameedsiga dadka rayidka ah iyo qaxootigu uu yahay dembi dagaal oo culus, isla markaana uu si cad uga hor imanayo shuruucda caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.

    Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa bartiisa X ku sheegay in doontu ay ka soo amba-baxday deegaanka Ras al-Ara, kuna sii jeeday magaalada Xays ee koonfurta Yemen.

    Dagaalka sokeeye ee muddada dheer ka socday Yemen, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida, ayaa yaraaday kaddib markii xabbad-joojin la dhaqan geliyay sannadkii 2022. Hase yeeshee, bilihii ugu dambeeyay ayuu mar kale dib u billowday.

    Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ayaa hadda ku soo dhowaaday magaalada Cadan, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay. Waxay sidoo kale qabsadeen dhul ballaaran tan iyo markii dagaalku dib u billowday.

    Tirakoobka Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in in ka badan 1,600 oo qof lagu dilay dagaallada cusub, halka tirada dadka barakacay ay kor u dhaaftay 300,000 oo qof.

    Warar dheeraad

  5. Pakistan oo sannadka 2070 noqon doonta dalka ay Muslimiintu ugu badan ku nool yihiin dunida.

    Daraasad cusub oo ay samaysay xarunta cilmi-baarista ee Pew Research Center ayaa muujisay in tirada dadka Muslimiinta ah ee dunida ku nool ay ka badan karto tirada dadka masiixiyiinta ah.

    Daraasaddu waxay saadaalisay in marka la gaaro sannadka 2070, Pakistan ay noqon karto dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan dunida, halka tirada Kiristaanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay ka badnaan karto tan Mareykanka.

    Saadaasha Pew ayaa tilmaamaysa isbeddel ballaaran oo ku saabsan tirada dadka iyo diimaha Koonfurta Aasiya.

    Pakistan ayaa la filayaa inay Indonesia kala wareegto kaalinta koowaad ee dalka ay Muslimiintu ugu badan yihiin, halka Hindiya ay kaalinta labaad geli doonto. Bangladesh ayaa sidoo kale la filayaa inay si weyn u kordhotirada dadka Muslimiinta ah.

    Daraasaddu waxay saadaalisay sida ay diimaha dunidu noqon karaan 50-ka sano ee soo socda. Waxay ku salaysan tahay xog laga soo ururiyay 201 dal iyo deegaan, kuwaas oo daboolaya ku dhowaad dhammaan dadka dunida ku nool.

    Warar dheeraad

  6. Sacuudiga oo xaqiijiyay in weerar Xuutiyiintu fuliyeen uu waxyeelleeyay dhismaha ugu dheer Riyadh

    Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in dhismaha ugu dheer magaalada Riyadh, oo ku yaalla xarunta ganacsiga ee caasimadda, uu waxyeello ka soo gaartay weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen.

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dhowr dabaq oo ka mid ah dhismaha, oo xarun u ah Sanduuqa Maalgashiga Qaranka Sacuudiga, ay waxyeello soo gaartay.

    Saacado ka hor, afhayeen u hadlay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in burburka gantaal la qabtay uu waxyeello ka geystay magaalada Riyadh.

    Dhanka kale, dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen waxyeellada gaartay dhismaha.

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan magaalooyinka Sacuudiga.

    Daqiiqado ka dib markii warkan la shaaciyay, wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay si xooggan ugu cambaareysay weerarrada joogtada ah ee ka dhanka ah Sacuudiga, kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay aagga ganacsiga ee Boqor Cabdalla ee magaalada Riyadh.

    Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa sheegtay in weerarku yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga.

    Jaasim Al-Budeywi, xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, ayaa isaguna cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay qaataan mowqif caalami ah oo degdeg ah oo go'aan adag leh, si Xuutiyiinta loola xisaabtamo.

    Warar dheeraad

  7. Sacuudiga oo qabtay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu ku soo rideen koonfurta dalka

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Jimcihii sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen gantaal nooca ballistic-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen koonfurta Sacuudiga.

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu qabtay hawada koonfurta dalka.

    Hay’addu waxay digniino hore ka bixisay dhowr deegaan oo ay ka mid yihiin Jizan, Abha iyo Khamis Mushait, balse markii dambe waxay sheegtay in khatartii la baabi’iyay.

    Dhanka Yemen, telefishinka Al-Masiirah ee ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa Jimcihii sheegay in duqeymo cirka ah oo Sacuudigu fuliyay ay ku dhaceen caasimadda Sanca.

    Sacuudiga weli kama uusan hadlin wararka sheegaya in duqeymo uu ka fuliyay Yemen.

    Weerarrada isaga gudba xuduudda ee labada dhinac ayaa weli socda, mana muuqato in ay yaraanayaan. Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan magaalooyinka Sacuudiga.

    Sacuudiga ayaa shalay xaqiijiyay in weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen uu waxyeello gaarsiiyay dhismaha ugu dheer magaalada Riyadh, kaas oo ku yaalla xarunta ganacsiga ee caasimadda.

    Warar dheeraad

  8. Golaha Khaliijka oo difaacay Imaaraadka, dhaleeceeyayna dowladda Soomaaliya

    Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jaasim Maxamed Al-Budeywi, ayaa cambaareeyay hadallo uu ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad ku dhisnayn iyo olole warbaahineed oo uu sheegay in lagu bartilmaameedsanayo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

    Bayaan lagu baahiyya bogga rasmiga ee golaha khaliijka ayuu Al-Budeywi ku sheegay in Imaaraadku door weyn ka qaatay xoojinta amniga iyo xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadalka dalalka.

    Waxa uu tusaale u soo qaatay martigelinta Imaaraadka ee wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada Ruushka iyo Ukraine, isaga oo sheegay in tallaabadaasi muujinayso doorka Imaaraadka ee raadinta nabadda iyo xasilloonida heer gobol iyo heer caalami.

    Waxa uu intaa ku daray in eedeymaha ka dhanka ah Imaaraadku ay wiiqayaan dadaallada dalkaasi ugu jiro xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga gobolka iyo caalamka.

    Xoghayaha guud ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijku ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo horumarka, isla markaana ay si adag uga soo horjeedaan olole kasta oo warbaahineed oo lagu waxyeellaynayo sumcadda dal ka tirsan golaha.

    Imaaraadka Carabta ayaa dhankeeda dhaleeceeyay go’aanka Soomaaliya ay safiirkeeda dalka uga ceyrisay, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo aan sabab lahayn oo muujinaysa cadaawad.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu taageero maamullada gobollada ee ka soo horjeeda dowladda federaalka ee Muqdisho.

  9. Wall Street Journal: Madaxa Mossad oo ku baaqay weerarro cusub oo wadajir ah oo Iiraan lagu qaado intii uu booqashada ku joogay Washington

    Wargeyska Maraykanka ee The Wall Street Journal ayaa warbixin cusub ku qoray in madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Roman Goffman, uu ku baaqay in dib loo bilaabo weerarrada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadaan Iiraan, intii uu booqashada ku joogay Maraykanka toddobaadkii hore.

    Wargeysku waxa uu sheegay in dad xog-ogaal u ah wadaxaajoodyada ay u sheegeen in arrintani timid xilli la sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fiirsanayay tallaabooyinka uu ka qaadi karo Tehran.

    Roman Goffman, oo ah madaxa Mossad isla markaana ay isku dhow yihiin Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa Jimcihii Washington kula kulmay saraakiil ka tirsan maamulka Trump. Saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ahaa John Ratcliffe, agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

    Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen The Wall Street Journal, Goffman ayaa kulankaas ku soo bandhigay xog sirdoon oo Israa’iil ka heshay barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

    Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in madaxa Mossad uu ku baaqay olole cusub oo duqeymo cirka ah oo Iiraan lagu qaado, kaas oo soconaya dhowr maalmood.

    Iiraan ayaa ka digtay in aan la hurin dagaal cusub.

    Saraakiisha siyaasadda iyo milatariga dalkaas, oo uu ku jiro Mohsen Rezaei oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, ayaa sheegay in haddii dagaal mar kale qarxo, Iiraan ay ballaarin doonto xuduudaha colaadda si ay uga gudubto gobolka.