TOOS, Trump oo loo bandhigayo qorshe ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo laga qaado Iran”

Saraakiil milatari ah ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshahaan oo ay la wadaagi doonaan Trump, balse lama oga waxa uu ka oron doono

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Hawada Tehran oo ay dul-heehaabayaan diyaarado iyo Iiraan oo feejignaan gashay

    Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim News Agency, ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka ee Iran ay ka hawlgaleen si ay u qabtaan diyaarado yaryar iyo diyaarado sahamin ah oo dulmarayay qaybo ka mid ah caasimadda Tehran.

    Sida warbixintu sheegtay, difaaca cirka ayaa la furay kadib markii la arkay drones yaryar oo ku wareegayay hawada Tehran, gaar ahaan aagagga qaar ee magaalada.

    Waxa kale oo la sheegay in rasaasta difaaca cirka laga maqlayay qaybo kala duwan oo magaalada ka mid ah, sida galbeedka, bartamaha iyo koonfur-bari Tehran.

  2. Trump maskax ahaan ma u qalmaa in uu noqdo taliyaha guud Ciidanka Mareykanka?

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka Iran hortagey Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Arbacadii, halkaas oo uu su'aalo kaga jawaabay sharci-dejiyeyaasha Dimuqraadiga.

    Dhageysigan oo socday lix saacadood ayaa waxaa ka dhacay su'aalo kulul, jawaabo adag iyo hadallo xanaf leh.

    Markii Pete Hegseth uu hortagay guddiga, waxaa la socday Abbaanduulka Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, Jeneraal Dan Keane, iyo Madaxa Maaliyadda ee Wasaaradda gaashaandhigga, Jules Hurst.

    Ujeeddada dhageysigan waxay ahayd in laga jawaabo su'aalaha ku saabsan codsiga miisaaniyadda milatariga Mareykanka ee gaaraya $1.5 trillion, kaas oo loo soo bandhigay Kongareeska si dib loogu eego loona ansixiyo. Halkan ka akhi wax badan.

  3. Maxaa ugu wacan Arsenal in aysan weligeed ku guulaysan Champions League?

    Cayaartii kama dambaysta ahayd ee Champions League - Arsenal Vs Barcelona

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Arsenal waligeed kuma guuleysan Champions League iyo Europa League. Hadda waxay soo gaartay Semifinalka, waxayna barbarro 1-1 ah la gashay Atletico Madrid oo ay marti ugu ahayd gurigeeda lugtii hore ee labada cayaarood ee semifinalka, ayadoo lugta labaad loo ballansan yahay todobaadka dambe magaalada London.

    Liverpool waxay qaadday lix jeer, Manchester United seddex jeer, Chelsea labo jeer iyo Manchester City hal mar.

    Tottenham sidoo kale waxay haysataa hal koob oo Europa League ah. Arsenal waligeed kuma guulaysan koobkan.

    Arsenal ayaa rikoor fiican ka heysata Champions League. Haddaba maxay samayn kareen laakinse aysan samayn si ay koobka u qaadaan.

  4. War deg deg ah, Trump oo sheegay hadda xog cusub oo kale oo ku saabsan xaaladda Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku si buuxda u burburiyey awoodda nukliyeerka ee Iran, si aysan u helin bam nukliyeer ah.

    Isagoo kula hadlayay warfidiyeennada gudaha Aqalka Cad, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay: “Waxaan idiin sheegi karaa in Iran ay aad u doonayso inay heshiis sameyso.”

    Wuxuu sidoo kale ku andacooday in Mareykanku burburiyay ciidamada badda iyo kuwa cirka ee Iran, isla markaana 82% ka mid ah warshadaha drones-ka ama diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo 90% ka mid ah warshadaha gantaallada la burburiyay.

    Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan burburinay gantaallo badan oo iyaga u yaallay.”Donald Trump ayaa sheegay inuusan marnaba oggolaan karin in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.

    Isagoo ka hadlayay xannibaadda badeed ee Iran, wuxuu ku andacooday in “dhaqaalahoodu burburayo,” isla markaana “xannibaaddeennu ay aad u shaqeysay, Iran-na aysan hadda wax dakhli ah ka helin saliidda” ayuu yiri.

    Akhri sheekooyin kale:

  5. War deg deg ah, Iiraan oo si adag uga hadashay weerarkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah ee London

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Safaaradda Iran ee ku taal dalka Ingiriiska ayaa si adag u beenisay eedeymaha sheegaya in Iiraan ku lug leedaha “falal rabshado ah ama dhacdooyin ka dhacay gudaha UK,” kadib weerarkii ka dhacay Golders Green shalay.

    Bayaan ay ku daabacday barta X, safaaraddu waxay ku sheegtay in “eedeymahan aaney sal iyo raad lahay oo aan loo lahaynin wax caddeyn ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay u muuqdaan kuwo u adeegaya dano siyaasadeed oo gaar ah.”

    Shalay, koox lala xiriirinayo Iran ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah. Horey, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Shabana Mahmood, ayaa u sheegtay BBC in aysan “caadi ka ahayn” in kooxo noocaas ah ay sheegtaan mas’uuliyadda, isla markaana baaritaanku weli socdo.

    Sidoo kale, madaxa booliska Magaalada London Mark Rowley, ayaa Arbacadii sheegay in ay “wali goor hore tahay in la sheego” haddii Iran ay ku lug leedahay weerarka.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, oo ka hadlayay Downing Street maanta, ayaa sheegay in dowladdu soo bandhigi doonto “awoodo cusub oo adag si wax looga qabto khatarta xun ee ay keeni karaan dowlado sida Iran,” isagoo ku eedeeyay inay doonayaan “inay waxyeelleeyaan Yuhuudda British-ka ah.”

    Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah dedejinta sharciyo cusub oo awood u siinaya dowladda inay si adag ula tacaasho shaqsiyaadka ama kooxaha u shaqeeya hay’ado ay dowlado taageeraan.

    Akhri sheekooyin kale:

  6. Nin la sheegay inuu dhintay oo maalin ka dib markii la aasay dib ugu soo laabtay gurigiisa

    Godwin Baguma

    Xigashada Sawirka, Daily Monitor

    Dadka ku nool degmada Masindi Municipality ayaa si weyn uga naxay kadib markii nin la sheegay inuu dhintay uu dib u soo noqday isagoo nool, saacado yar kaddib markii la aasay mayd loo malaynayay inuu isagu yahay.

    Sida ay sheegtay Warbaahinta Daily Monitor, Godwin Baguma oo deganaa deegaanka Kijana wa Kijura ee gobolka Bartamaha Uganda, ayaa la waayey dhowr toddobaad, taasoo walaac weyn ku abuurtay qoyskiisa iyo deriskiisa.

    Qoyskiisa ayaa sheegay in Baguma, oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka maskaxda ah, uu si lama filaan ah uga baxay guriga isaga oo aan cidna u sheegin, taasoo keentay in si weyn loo baadi-goobo.

    Arrintu waxay is beddeshay dhammaadka toddobaadkii la soo dhaafay, markii qoysku helay war sheegaya in booliisku ay Jimcihii ka heleen mayd si xun isu badalay oo laga helay beer ku taalla deegaanka Kisanja.

    Maydkaas ayaa loo qaaday qolka maydka ee Isbitaalka Masindi, halkaas oo la dhigay ogeysiisyo loogu talagalay dadka ay ehelkoodu maqan yihiin si ay u yimaadaan oo u aqoonsadaan maydka.

  7. Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in tallaabooyina Mareykanka ay fashil ku dambeyn doonaan

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian,

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian,

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in xannibaadda badeed ee uu Mareykanku ku soo rogay dekedaha Iran ay sii kordhin doonto amni darrada ka jirta Gacanka, isla markaana uusan gaari doonin ujeeddooyinkiisa.

    War-qoraal ah oo maanta ka soo baxay madaxweynaha Iran wuxuu ku yiri: “Isku day kasta oo lagu soo rogo xannibaad badda ama cunaqabateyn kasta oo ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah waa mid fashil ku dambeyn doonta,” sida ay werisay BBC Arabic.

    Masoud Pezeshkian ayaa intaa ku daray in tallaabooyinka noocaas ah “aysan kaliya ku guuldareysan doonin inay xoojiyaan amniga gobolka, balse ay dhab ahaantii horseedi doonaan xiisad iyo inay wiiqaan xasilloonida Gacanka.”

  8. War deg deg ah, Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan oo farriin u diray Mareykanka

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in aysan jirin meel ay ku habboon yihiin shisheeyaha fidinaya qalalaasaha, iyagoo ku saleynaya dano gaar ah, marka laga reebo gunta hoose ee Gacanka Faaris, xilli ay ka joogaan kumannaan kiiloomitir meel fog.

    Wuxuu hadalkan soo saaray munaasabadda Maalinta Gacanka Faaris. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, Islamic Republic News Agency ayaa baahisay warkiisa.

    War-saxaafadeedka hoggaamiyaha Iran wuxuu ku yiri: “Iran waxay furi doontaa bog cusub oo ku saabsan Gacanka Faaris iyo marin-biyoodka Hormuz.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay: “Mustaqbalka Gacanka Faaris wuxuu noqon doonaa mid ka madax-bannaan Mareykanka.”

    Mojtaba Khamenei ayaa intaa ku daray in mustaqbalka ifaya ee gobolka aysan jiri doonin “faragelin Mareykan ah,” isla markaana “nidaamka cusub” ee marin-biyoodka Hormuz uu faa’iido u yeelan doono dhammaan dalalka.

    Ugu dambayn, wuxuu ku dooday in sababta ugu weyn ee amni darrada ka jirta Gacanka Faaris ay tahay joogitaanka Mareykanka ee halkaas.

  9. War deg deg ah, Mareykanka oo sii wada dib u celinta maraakiibta Iiraan

    Badda

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka, ciidamada badda Mareykanka ee saaran markabka USS New Orleans ayaa ka howlgalaya Badda Carabta iyagoo qayb ka ah hawlgallada xannibaadda badeed ee ka dhanka ah Iran.

    Warkan oo ah qoraal kooban oo la soo saaray ayaa intaas ku daray in ilaa hadda 44 markab oo ganacsi lagu amray inay dib u laabtaan ama ku noqdaan dekedihii ay ka yimaadeen.”

  10. Shiinaha oo muujiyay in Khatarta ugu weyn ee xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka ay tahay arrinta Taiwan

    Shiinaha iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa maanta ku boorriyay Mareykanka inuu “ilaaliyo xiriirka laba geesood ah oo si deggan loo siiyo muhiimad gaar ah” kadib wada hadal dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Mareykanka, Marco Rubio, sida ay sheegtay Beijing.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in Wang uu sidoo kale u sheegay Rubio intii lagu jiray wadahadalkaas, oo dhacay laba toddobaad ka hor safarka qorshaysan ee Donald Trump uu ku tegi lahaa Shiinaha, in arrinta Taiwan ay tahay “qodobka ugu weyn ee khatarta ku ah” xiriirka u dhexeeya labada dal.

    Safarka Trump ee Shiinaha ayaa markii hore loo qorsheeyay dhammaadka bishii Maarso, balse dib ayaa loo dhigay ilaa bartamaha bisha May sabab la xiriirta dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, oo ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Beijing.

  11. War deg deg ah, Duqa London oo ka hadlay weerarkii la sheegay inuu gaystay nin Soomaali ah

    Sadiq Khan

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa ka hadlay kororka heerka khatarta argagixisada, isagoo sheegay inuu doonayo inuu “u xaqiijiyo dhammaan dadka London ku nool iyo kuwa booqashada ku jooga in la samaeynayo wax kasta oo suurtagal ah si loo aan ilaaliyo amniga magaaladeenna oo aan u hubinno badbaadada dhammaan bulshooyinkeenna.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in adeegyada degdegga ahi ay isu diyaariyaan xaaladaha noocan oo kale ah “maalin kasta, maalin walba,” ayna leeyihiin “qorshayaal si wanaagsan loo hagaajiyay,” iyadoo saraakiil khibrad leh ay shaqeynayaan “habeen iyo maalin.”

    Wuxuu intaa ku daray: “Maalmaha soo socda waxaa jiri doona booliis dheeraad ah oo lagu arki doono waddooyinka London, oo ay ku jiraan askar hubeysan oo dheeraad ah, kuwaas oo halkaas u joogaya inay ka caawiyaan booliiska ilaalinta badbaadada dhammaanteen.”

  12. War deg deg ah, Muxuu yahay qorshaha ka dhanka ah Iiraan ee ay wadaan milatariga Mareykanku

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee milatariga Mareykanka, oo uu ka mid yahay Admiral Brad Cooper, taliyaha Taliska Dhexe, ay Madaxweyne Donald Trump gelinka dambe ee xilliga Mareykanka u soo bandhigi doonaan faahfaahinta qorshe suurtagal ah oo tallaabo militari ah oo ka dhan ah Iran.”

    Arrintaan wax badan oo faahfaahin ah lagama hayo hase-yeeshee waxaa ay ku soo aadaysaa xilli ay weli jirto xabad-joojin u dhaxeeysa Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Sidoo kale waxaa weli lagu jaha-wareersanyahay wadahadallada labada dhinac iyo sababha ay u bilaaban la’yihiin.

    Waxaa sidoo kale aan la ogeyn waxa uu Trump ka dhihi doono qorshahaan marka hoggaamiyaasha milatarigu ay la wadaagaan.

  13. Ninkii lagu eedeeyay in uu weeraray labada nin ee yahuudda ah oo magaciisa la shaaciyay

    .

    BBC-da ayaa fahansan in tuhmanaha la hayo kadib weerarkii mindi loo adeegsaday ee Golders Green shalay uu yahay Essa Suleiman oo 45 jir ah oo ka degan koonfurta bari ee London.

    Waxa uu ku dhashay Soomaaliya, laakiin waxa uu yimid Ingiriiska isaga oo caruur ah horraantii sagaashamaadkii. Si sharci ah ayuu ku yimid, haddana wuxuu haystaa dhalashada Ingiriiska.

    Taliyaha Bilayska Weynta Mark Rowley ayaa hore u sheegay inuu leeyahay "taariikh rabshadaha halista ah iyo arrimaha caafimaadka dhimirka.

    Waxa loo gudbiyay barnaamijka ka hortagga argagixisada ee dawladda sanadka 2020.

    Markii la xiray ka dib, Suleymaan ayaa muddo kooban lagu daweeyay isbitaalka, waxaana uu hadda ku xiran yahay xabsiga.

  14. Caasimadda Mali oo wali go'doonsan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa sii adkaanaya go’doominta lagu hayo caasimada Mali ee Bamako.

    Koox jihadi ah oo lagu magacaabo JNIMI ayaa xiray dhowr waddo oo gala magaalada.

    Weeraro abaabulan oo ay qaadeen kooxo jihaadiyiin ah iyo kuwo gooni-u-goosata ah dhammaadkii toddobaadka ayaa dharbaaxo weyn gaarsiiyay dowladda milatariga ee Mali.

    WARAR DHEERAAD AH

  15. War deg deg ah, Ciidamada badda Israa'iil oo qabtay kolonyo doonyo gargaar u waday Qaza

    Ciidamadab badda Israa’iil ayaa qabtay kolonyo doonyo ah oo gargaar u waday Qaza, xilli ay gooshayeen biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebaha Crete.

    Wasaaradda Arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in ku dhowaad boqol iyo toddobaatan qof oo u dhaqdhaqaaqayaal bulsho ah la xiray.

    Qabanqaabiyayaasha socdaalkaasi ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid burcad-badeednimo.

    WARAR DHEERAAD AH

  16. War deg deg ah, Britain oo Malaayiin doolar ku bixinaysa ka hortaga Yahuud nacaybka

    Booliska magaalooyinka waaweyn ayaa samaynaya roondo deegaanada bulshooyinka Yahuuda qaarkood, kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Booliska magaalooyinka waaweyn ayaa samaynaya roondo deegaanada bulshooyinka Yahuuda qaarkood, kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil

    Dowladda Britain ayaa sheegtay inay maalgelin dheeraad ah ku samaynayso oo gaaraysa ilaa 34 milyan oo doolar difaaca bulshada Yahuuda ee Ingiriiska. Ku dhawaaqistan ayaa dabasocota weerarkii mindida ee shalay oo ilaa laba rag ah oo Yahuud ah lagu dhaawacay deegaanka Yahuuda ee Waqooyiga ee London.

    Weerarka ugu dambeeyay ayaa dabasocda rabshado xiriir ah oo Yahuud nacayb ah oo ka dhacay Britain muddooyinkii u dambeeyay.

    Lacagta ayaa lagu bixinayaa kordhinta roondada booliska ee aaggaga deegaanka dadka Yahuuda, gaar ahaan ciidamada gaarka ugu takhasusay iyo kuwa difaaca ammaanka. Xarumaha bulshada iyo iskuulada.

    Dadka dhaliila ayaa sheegaya inay ula macaamilayaan arrintan sida calaamadaha Yahuud nacaybka oo aysan ahayn waxa Sababa.

    WARAR DHEERAAD AH

  17. War deg deg ah, Tuhmanaha asalkiisu Soomaaliga yahay oo horay loogu gudbiyay laanta la dagaalanka xagjirnimada

    Tuhmanaha

    Xigashada Sawirka, Supplied

    Qoraalka sawirka, Tuhmanaha

    Tuhmanaha looga shakisan yahay fulinta weerarkii mindida ee Golders Green ayaa horay loogu gudbiyay barnaamijka dowladda Ingiriiska ee ka hortagga xagjirnimada, sida ay fahansan tahay BBC.

    Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 45 sano ayaa ku dhashay Soomaaliya, wuxuuna yimid dalka Ingiriiska isaga oo carruur ah horraantii 1990-meeyadii. Waxa uu ku yimid sifo sharci ah, haddana waa muwaadin British ah.

    Taliyaha booliska magaalada Mark Rowley ayaa sheegay inuu lahaa ‘’taariikh rabshado culus iyo dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda.’’

    Cinwaanka guri ku yaala Koonfur-Bari London ayaa hadda la baarayaa.

    Kadib xiritaankiisa, tuhmanaha ayaa si kooban loogu dabiibayaa cisbitaalka, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta booliska.

    Waxaa loo cuskaday xiritaankiisa laanta caddeymaha dambiyada iyo booliska, waxaana sidaas darteed aragti ahaan lahayn karaa muddo 96 saac ah, haddii booliska ay helaan oggolaanshaha garsoorka, inkasta oo ay suutagal tahay in aan looga baahnayn xaalada kiiskan.

    WARAR DHEERAAD AH

  18. Koox Iiraan taageerta oo sheegatay in ay ka dambeeyeeen weerarkii ka dhacay waqooyiga London

    Shabana

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Shabana

    Shabana Maxamuud xogahayaha arrimaha Gudaha Ingiriiska oo ka qeyb-galeysay barnaamijka Today ee BBC Radio 4 ayaa la weydiiyey sheegasho ka timid koox xiriir la leh Iraan oo sheegatay inay mas’uul ka yiihin weerarkii ka dhacay Golders Green.

    Waxay sheegtay Shabaana in aysan ahayn wax cusub in kooxaha noocaas ahi ay sheegtaan mas’uuliyadda weerarradan, balse asalka iyo ujeeddada weerarka weli la baarayo.

    Harakat Ashab al-Yamin al-Islamiya (Hayi), ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarka Golders Green, inkastoo aysan weli soo bandhigin wax caddeyn ah

  19. War deg deg ah, Maxaa kasoo kordhay eedeysanaha weererkii London?

    Eedeesanaha oo mindi wata

    Xigashada Sawirka, Supplied

    Qoraalka sawirka, Eedeesanaha oo mindi wata

    Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood oo BBC-da la hadlay ayaa sheegtay in eedeysanaha oo ah muwaadin British ah oo ku dhashay Soomaaliya, uu yimid UK “si sharci ah isagoo carruur ah”.

    Guddoomiyaha Booliska Metropolitan Sir Mark Rowley ayaa isna sheegay in eedeysanuhu leeyahay diiwaan hore oo rabshado ah iyo xanuuno maskaxda ah.

    Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay baarayaan iska horimaad ka dhacay guri ku yaala koonfur-bari London horaantii Arbacadii, kaas oo la rumeysan yahay inuu sameeyey isla eedeysanahan.

    Intii la xirayay, askartu waxay ka cabsi qabeen in eedeysanuhu watay qalab qarxa, waxayna adeegsadeen Taser iyagoo sheegay inuu sii waday isku dayga inuu weeraro oo uu mindi ku dhufto, ayuu yiri Rowley.

    Kadib xiritaankiisa, eedeysanaha waxaa si kooban loogu daweeyay isbitaal, wuxuuna hadda ku jiraa gacanta booliska.

    Sii akhri

  20. Markabka ugu weyn maraakiibta diyaaradaha xambaara oo hawlgal ka wada Badda Cas

    MARKABKA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, MARKABKA

    Sida ay Taliska Dhexe ee Mareykanka uu ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay bogga X ‘Markabka Dagaalka ee USS Gerald Ford ayaa "sii wadi doono howlgalladiisa" Badda Cas, iyadoo ay sii socoto hubanti la'aanta ku saabsan xaaladda dagaalka iyo xabad joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

    Tan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo saaka, dhowr warbaahin oo Mareykan ah oo ay ku jirto Washington Post, ay tebinayeen bilowga geeddi-socodka dib soo laabashada markabka Mareykanka ka dib markii uu dhammeeyay hawlgal dheer oo soconayey 10 bilood.

    Sii akhri