Afar faa'iido caafimaad oo ay leedahay in aad banaanka aado xilliga roobku da'ayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga soo bilaabo udgoonka gaarka ah ilaa walxaha taban ee uu ku sii daayo hawada, roobku wuxuu faa'iidooyin cajiib ah u leeyahay jirka bini'aadamka, gaar ahaan hagaajinta niyadda.
Roobabku kaliya ma keenaan yaraynta kulaylka, laakiin daraasaduhu waxay muujinayaan inuu sidoo kale wanaajin karo niyadda, nadiifiyo hawada, kiciyo xusuusta iyo caawin karana jirka inuu dego.
Waxay ahayd maalintii lixaad oo isku xigta oo heerkulku dareemay inuu kor u dhaafay 38 darajo Celsius magaalada New Milford, Connecticut, markii cirku bilaabay inuu isu beddelo midab guduudan oo naxdin leh.
Waxa aan hoggaaminayey aqoon-is-weydaarsi bannaanka ah, waxa aan arkay ka qaybgalayaashii oo aad ula yaaban daruur dheer oo foolxun oo naga dul wareegaysa.
Isla markiiba, onkod ayaa gariiray, waxaana cirka isku shareeray hillaac sidii shabkada caarada oo aan sinnayn.













