Koox diimeed ku nool Kenya oo ku guuldarreystay isku day ay ku doonayeen in xashiishka la sharciyeeyo

Nin Rastafarian ah ayaa gacanta ku haya sigaar uu qiiq ka baxayo.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Bulshada Rastafarian-ka ayaa sheegaysa in mamnuucidda sigaarka xashiishadda ay ku xad-gudbayso xuquuqdooda ku aaddan xorriyadda diinta.
    • Author, Wycliffe Muia
    • Author, Akisa Wandera
    • Reporting from, Nairobi
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa diidday codsi ay gudbiyeen koox ka tirsan bulshada Rastafari oo doonaysay in la sharciyeeyo isticmaalka xashiishadda ujeeddooyin diimeed.

Bulshada Rastafari waxay ku doodeen in mamnuucidda cabbidda xashiishaddu ay ku xadgudbayso xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda diinta iyo caqiiddada.

Go'aan taariikhi ah oo uu soo saaray Garsoore Bahati Mwamuye ayaa lagu sheegay in bulshadaasi ay ku guuldarreysatay inay caddeyso in sharciyada la dagaallanka maandooriyeyaashu ay ku xadgudbayaan xuquuqdooda dastuuriga ah. Si kastaba ha ahaatee, garsooruhu wuxuu qiray in loo baahan yahay dood qaran oo ballaaran oo ku saabsan siyaasadda xashiishadda ee Kenya.

Waxaa muddooyinkan socday dadaallo lagu doonayo in xashiishadda laga sharciyeeyo Kenya, iyadoo taageerayaashu ay ku doodayaan in beeristeeda iyo ganacsigeeda oo si nidaamsan loo maamulo ay abuuri karaan shaqooyin, kordhin karaan dakhliga canshuuraha, isla markaana ay taageeri karaan isticmaalkeeda warshadeed iyo midka caafimaad.

Sida uu dhigayo Sharciga Kenya ee Xakamaynta Maandooriyeyaasha iyo Walxaha Maskaxda Saameeya, haysashada xashiishaddu weli waa dembi ciqaabeed.

Qofka lagu helo dambiga haysashada xashiishad loogu talagalay isticmaal shakhsiyeed oo keliya waxa lagu xukumi karaa xabsi gaaraya shan sano ama ganaax gaaraya $800 (qiyaastii £600).

Beerista xashiishadda waxaa lagu mutaysan karaa ganaax dhan $1,900 ama saddex jibbaar qiimaha suuqa ee dalagga la beeray, midka weyn ayaa la qaadanayaa, iyo/ama xabsi gaaraya 20 sano.

Ciqaabo ka sii adag ayaa lagu soo rogaa dambiyada la xiriira ka ganacsiga xashiishadda iyo dambiyada kale ee la xiriira maandooriyeyaasha.

Koox ka tirsan Rastafariyiinta oo isugu soo baxay bannaanka maxkamad ku taal Nairobi

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Qareen u hadlay Ururka Rastafari ee Kenya ayaa sheegay in kooxdu ay racfaan ka qaadan doonto go'aanka maxkamadda.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Codsigoodii, Ururka Rastafari ee Kenya wuxuu ku dooday in xashiishaddu ay tahay cibaado qudduus ah oo diintooda ka mid ah, wuxuuna dalbaday in taageerayaashooda loo oggolaado inay si gaar ah u beertaan, u haystaan, uguna isticmaalaan xilliyada cibaadada iyaga oo aan ka baqayn in la xiro.

Ururku wuxuu sheegay inuusan dalbanayn in xashiishadda guud ahaan dalka laga sharciyeeyo, balse uu codsanayo ka-dhaafitaan kooban oo u gaar ah ujeeddooyin diimeed, laguna isticmaali karo guryaha gaarka ah iyo goobaha cibaadada ee loo asteeyey.

Qoraalkii ay maxkamadda u gudbiyeen, Rastafariyiintu waxay ku doodeen in cabbidda xashiishaddu ay qayb ka tahay caqiiddadooda diineed, sidaas darteedna ay tahay in la ixtiraamo lana ilaaliyo.

Hase yeeshee, dowladda ayaa ka soo horjeesatay codsigaas, iyadoo ku doodday in bixinta ka-dhaafitaan diimeed ay wiiqi doonto hirgelinta sharciyada Kenya ee la dagaallanka maandooriyeyaasha, isla markaana ay abuuri karto daldaloolo ay ka faa'iideystaan dadka sida sharci darrada ah uga ganacsada xashiishadda.

Garsoore Bahati Mwamuye ayaa sidoo kale sheegay in caddeymaha la horkeenay maxkamadda ee muujinaya muhiimadda xashiishaddu u leedahay diinta Rastafari ay ahaayeen kuwo is khilaafsan oo aan ku filnayn in lagu caddeeyo in isticmaalkeedu yahay tiir lama huraan u ah diintaas.

Garsooruhu wuxuu ansixiyay waafaqsanaanta dastuurka ee sharciyada mamnuucaya beerista, haysashada iyo isticmaalka xashiishadda, taasoo dhabarjab weyn ku noqotay halgankii sharci ee Rastafariyiinta oo socday muddo lix sano ah.

Waxa kale oo uu xusay in ka-dhaafitaan kasta oo oggolaanaya isticmaalka xashiishadda ujeeddooyin diimeed uu u baahan yahay saldhig adag oo dastuur iyo sharci ku dhisan.

"Waa in aan yeelanno wada-hadallo furan oo ku saabsan xashiishadda iyo jihada ay tahay in aan qaadanno," ayuu yiri Garsoore Mwamuye.

"Arrintani ma aha su'aal ku kooban bulshada Rastafari oo keliya. Waa arrin qaran oo taabanaysa dhammaan qaybaha bulshada," ayuu raaciyay.

Qareenka bulshada Rastafari, Danstan Omari, ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go'aanka maxkamadda.

"Kenya ma noqon karto waddanka keliya ee dhibaateeya dadka Rastafari. Waxaa naga go'an inaan beddelno go'aankan maxkamadda oo aan dib u soo celinno sharafta iyo karaamada Rastafariyiinta Kenya," ayuu yiri.

Go'aankan ayaa yimid toddobo sano kadib markii Maxkamadda Sare ay xukun kale ku aqoonsatay diinta Rastafari inay tahay diin si sharci ah loo ilaaliyo oo ka jirta gudaha Kenya, iyadoo go'aamisay in iskuul ardayad uga eryay timaha dreadlocks-ka ay ku xadgudbeen xuquuqdeeda dastuuriga ah.

Tirada Rastafariyiinta ku nool Kenya si rasmi ah looma oga, balse waxaa la rumeysan yahay in dhaqdhaqaaqoodu sii kordhayo, gaar ahaan dhallinyarada.

Dhaqankooda ah deysashada timaha ayaa sidoo kale xiriir la leh taariikhda halgankii Kenya ee ka dhanka ahaa gumeysiga, maadaama dagaalyahannadii Mau Mau ee la dagaallamay gumeysiga Ingiriiska sannadihii 1950-meeyadii ay timahooda u dhaafi jireen dhaadheer oo isku duuban, taasoo astaan u ahayd iska caabbinta iyo kacdoonka.