Madaxweyne hore oo lagu helay inuu lacag lunsaday oo xabsi lagu xukumay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynihii hore ee Ecuador Lenín Moreno ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush.
Moreno ayaa ku dooday inuusan wax lacag ah ka qaadan shirkad laga leeyahay Shiinaha oo qandaraas ku heshay dhismaha warshad koronto-dhalisa.
Moreno oo 73 jir ah ayaa xukunkiisa ku qaadanaya xabsi guri, sababo la xiriira da'diisa oo weyn iyo inuu yahay naafo.
Qareennadiisa ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go'aanka maxkamad ku taalla caasimadda Quito, taas oo Moreno iyo 19 qof oo kale ku heshay dambiyo musuqmaasuq.
Moreno, oo madaxweyne ka ahaa Ecuador intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021, ayaa noqday madaxweynihii saddexaad ee hore ee dalkaasi lagu helo dambi musuqmaasuq.
Kiiska ayaa la xiriira sida shirkadda dowladda Shiinaha laga leeyahay ee Sinohydro ay ku heshay qandaraaska dhismaha biyo-xireenka korontada ee Coca Codo Sinclair.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeeyeen shirkadda inay bixisay $76.1 milyan oo laaluush ah oo la siiyay dadkii ku lug lahaa qandaraaska, iyadoo lacagaha loo marinayay shirkado loo sameeyay ujeeddadaas.
Dadka kale ee xukunka lagu riday waxaa ka mid ah xaaska Moreno, gabadhiisa iyo walaalkiis, iyo sidoo kale dad maamulayaal horey uga ahaa warshadda, wakiillo ka socday Sinohydro iyo safiirkii Shiinaha u fadhiyay Ecuador.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in inkastoo Moreno uu helay lacag aad u yar oo ka mid ah lacagihii musuqmaasuqa, haddana xubno ka tirsan qoyskiisa ay heleen tobannaan kun oo doollar.
Dhammaan eedeysanayaasha lagu helay dambiga ayaa lagu amray inay bixiyaan saddex jeer lacagtii laaluushka ahayd ee ay heleen, halka Moreno laga mamnuucay gebi ahaanba inuu qabto xil dowladeed.
Madaxweynihii hore ayaa marar badan beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa dambiga. Taa beddelkeeda, wuxuu eedda dusha ka saaray madaxweynihii hore Rafael Correa, oo uu Moreno ku-xigeen madaxweyne u ahaa, isla markaana 2020-kii lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ah kiis kale oo musuqmaasuq ah.
Moreno wuxuu sheegay in madaxweyne Correa uu oggolaaday mashruuca Coca Codo Sinclair. Wuxuu intaas ku daray in markii uu Correa ka dambeeyay oo uu madaxweyne noqday, uu bilaabay baaritaan lagu sameeyay dhibaatooyinkii ka dhashay dhismaha biyo-xireenka.
Dowladda Ecuador ayaa 2021-kii dacwad ka dhan ah shirkadda Sinohydro gudbisay, kadib markii biyo-xireenka laga helay dildilaacyo iyo cillado kale oo farsamo. Horaantii sanadkan, waxaa shirkadda iska leh lala gaaray heshiis $400 milyan ah si loo soo afjaro dacwadda.
BBC ayaa la xiriirtay Sinohydro iyo safaaradda Shiinaha ee Ecuador, si ay uga jawaabaan eedeymaha loo jeediyay.













