Sideen cunista xad-dhaafka ah u joojin karnaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cabitaanada ku jira dhalooyinka waa weyn ee soodhada, beegarada iyo saxamada cuntada ka buuxdo aad ayey u soo badaneyeen 50-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana la socday in dadka ay aad ugu furmeysay wax cunista.
Haddaba sidee annagoo aan si xad-dhaaf ah wax u cunin ku joogi karnaa nolol caafimaad leh, iyadoo ay jiraan cuntooyin soo jiidasho leh.
Waxaa kordhay cadadka cuntada laga cuno dalka Mareykanka laga soo bilaabo 1980-kii., markaas oo dadku aad ugu bateen in ay bannaanka wax ka cunaan, tartanka u dhexeeya makhaayaduhuna uu sii xoogeystay.
"Haddii maqaayad baasto iibisa ay bixiso qayb yar, halka mid kalena bixiso qayb weyn, dadka badankoodu waxay dooranayaan meesha laga bixiyo qaybta weyn", ayey BBC-da u sheegtay Dr. Lisa Young oo ka tirsan Jaamacadda New York.
"Sidoo kale marka cuntadu jaban tahay, waa faa'iido labada dhinacba ah. Soo-saareyaashu waxay ku siinayaan laba jibbaar iyagoo wax yar oo dheeraad ah kaa qaadaya. Adiguna waxaad moodaysaa in aad gorgortan fiican heshay, iyaguna lacag badan ayay helayaan," ayay raacisay hadalkeeda Dr. Lisa Young.
Sida uu sheegay Dr. Marle Alvarenga oo ka tirsan Jaamacadda Sao Paulo, isbeddelladan waxaa sidoo kale lagu arkayaa dalalka soo koraya sida Brazil.
"Tani waxay si gaar ah uga muuqataa cuntooyinka baakadeysan iyo kuwa warshadaysan. Cuntooyinka caadiga ee dadka markii hore cuni jireen ee dabiiciga way ka duwan yihiin.
Dr. Young ayaa ku sheegtay in cuntada badan ay tahay dhaqan ka yimid Mareykanka.
"Waxaa sii weynaanaya cabirka cuntooyinka Mareykanka sida McDonald's iyo qaar ka mid ah nanacyada dalalka kale. Taasina waxay kuugu keeneysaa in aad qaadato xadi badan oo ilaa 500 oo kolori ah" ayey tiri Dr. Young
Ma cunto badan ayaan cunnaa marka la sii kordhiyo?
Sida uu sheegay khabiir cilmi-nafsiga oo BBC-da la hadashay, waxaa jira caddeyn xooggan oo muujinaysa in dadku ay wax badan cunaan marka la siiyo qaybo waaweyn. Hal daraasad ayaa qiyaastay in dadku ay cunaan 35% oo dheeraad ah marka qaybaha cuntada la labanlaabo.
Sida uu sheegay Prof. Lenny Vartanian oo ka tirsan Jaamacadda New South Wales ee Sydney, Australia, qayb weyn oo dhibaatada ka mid ahi waa in ay adag tahay in la ogaado inta la cuni karo, sababtoo ah jirkeennu mar walba ma bixiyo calaamado lagu kalsoonaan karo. Marka in la hubiyo cabbirka qaybaha cuntada ayaa noqon karta tilmaanta la raacayo.
"Badanaa ma dhacdo xaalad aan aad u gaajaysannahay ama aan aad u dhergannahay, waxaa jirta meel dhexe", ayuu yiri Prof. Vartanian.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wax ma tarayaa hadii saxan yar oo wax lagu cuno?
Mar ayaa la aaminsanaa in yareynta cabbirka saxanka ay noqon karto xal fudud. Tani waxay ka dhigan tahay in saxan weyn la saaro cunto yar, taas oo abuureysa khiyaano muuqaal ah. Haddii isla cuntadaas laguu saaro saxan yar, waxay u muuqanaysaa mid badan, waxaadna dareemi kartaa dherag, waxaadna yareyneysaa cunista. Nidaamkan ma ahan mid cilmi-baaris ku yimid ee waa wax ay dadku sameeyaan.
"Cabirka saxanka wax saameyn ah kuma yeelanayo sida dadku wax u cunaan, waxa muhiimka ah waa hadii cunto dheeri ah ay jirto", ayuu yiri Prof. Vartanian.
Haddii la heli karo cunto diyaarsan waxay ka dhigan tahay in dadku cunto badan qaadan karaan intee doonto hala ekaatee.
" Xalku waa in la diyaariyo hal qayb oo keliya, inta kalena indhaha laga qariyo, iska qaad si aadan markale ugu noqon" ayuu yiri Prof. Vartanian.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee u xakameyn kartaa inta aad cuneyso?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegeen khubaradu, waxa ugu muhiimsan ee dadku samayn karaan waa in ay diiradda saaraan astaamaha gaajada iyo in ay si miyir leh uga warqabaan waxa ay cunayaan.
"Dadku fiiro uma yeeshaan waxa saxankoodu saaran, lamana socdaan gaajadooda. Ma eegayaan in ay dhergeen iyo in kale," ayay tiri Dr. Lisa Young oo ka tirsan Jaamacadda New York.
Dhibaato kale ee jirta waa khaladka ku yimaada aragtida cabbirka qaybaha cuntada. Kororka cadadka cuntada ayaa beddeleysa waxa dadku u arkaan in ay tahay qadarka caadiga ah.
"Taladeydu waa fiiro u yeesha, eega waxa ku qoran iyo cadadka. Isku daya in aad fahamtaan suuqgeynta iyo hababka kale ee ganacsigaas" ayuu yiri Dr. Marle Alvarenga oo ah khabiir aqoon u leh nidaamka ay dadka wax u cunaan.
"Haddii aad cunayso cuntooyin dabiici ah oo leh faybar badan sida tufaaxa ama miraha kale, muhiimad weyn ma lahan inta aad ka cuneyso, sababtoo ah waa cunto caafimaad leh oo aan baakad ku jirin", ayey tiri Dr. Young.
Laakiin haddii aad iibsanayso cunto baakadaysan, waxaa ku qoran inta loo tixgeliyo hal qayb oo caadi ah. Waa in aad cuntada ka soo saartaa baakadka oo aad barbar dhigtaa qaybta caadiga ah iyo inta aad dhab ahaantii cuneyso.
"Dadku waxay yiraahdaan, 'Waxaan quraacda ku cunaa baaquli yar.' Laakiin marka aad weydiiso in ay sheegaan inta ay cunayaan oo aad barbar dhigto qaybaha caadiga ah ee ku qoran baakadka, waxaad arkaysaa in ay cunayaan saddex jibbaar,"















