Sidee looga hortagi karaa wasakhda ilkaha maxayse yihiin talooyinka ay ansaxiyeen dhakhaatiirta ilkaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad istaagto qeybta cadayada ee dukaan kasta, oo aad baarto baakadaha, waxaad arki doontaa in intooda badan ay muujinayaan sifooyinka la xiriira cadaynta ilkaha.
Waxay muuqataa inaan ka walaacsanahay dhalaalka ilkahayaga marka loo eego sidii hore.
Sida laga soo xigtay Hay'adda Caafimaadka Afka ee fadhigeedu yahay UK, 42% oo naga mid ah ayaa dhahaya waxaan doorbidi lahayn ilkaha cad marka loo eego wax kasta oo kale.
Laakiin xalku ma yahay kaliya in ilkaha la caddeeyo? Cuntooyinka aan cunnase ma ka caawin karaan ilkahayaga inay si fiican u caddaadaan?
Maxaa sababa wasakhda ilkaha?
Toby Hancock oo ah dhakhtarka ilkaha, wuxuu sharraxayaa in ay jiraan laba nooc oo wasakhda ilkaha ah: gudaha iyo dibadda.
Waskhada gudaha waxay dhacdaa marka midabku ka soo baxo gudaha ilkaha.
Tani waxaa sababi kara xaalado hidde sida oo saameyn kara midabka dhaldhalaalka ilkaha, ama falcelinta daawooyinka qaarkood.
Wasakhda dibadda, sida aad qiyaasi karto, waxay ka timaaddaa dibadda ilkaha. Tusaale ahaan, sigaarka, nadaafadda ilkaha oo liidata, iyo cuntooyinka iyo cabitaannada qaarkood ayaa sababi kara tan.
Cuntooyinka ugu xun ee waskheeyaa ilkaha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hancock wuxuu leeyahay waxyaabaha ugu badan ee keena waa waxyaabaha aan inta badan hore u naqaanay: cabitaannada iyo waxyaabo dabiici ah oo laga helo dhirta.
"Khamriga cas, qaxwada, shaaha. Kuwani waa wakiilada ugu muhiimsan ee wasakheeya. Espresso si gaar ah ayey ugu dhegtaa ilkaha," ayuu yiri Hancock.
Sida laga soo xigtay ururka caafimaadka gaarka loo leeyahay ee Bupa, midab-beddelku waxa kale oo sababi karaa cuntooyinka iyo cabitaannada midab macmal ah leh, sida koolada, miraha madow, khalka shukalaatada madow iyo geedka loo yaqaan Beetroot.
Xitaa midabada xooggan ee ku jira maraqa yaanyada iyo maraqa soy waxay kaga tagi karaan wasakh ilkahayaga.
Xawaashyada qaar ayaa sidoo kale sababi kara wasakh.
Dhammaanteen waxaan aragnay wasakhda jaalaha ah ee ku taal suxuuntayada ka dib markii aan cunno cunto leh huruudda. Tani waa calaamad muujinaysa waxa huruuddu ay ku samayn karto ilkahayaga sidoo kale.
"Dabcan, dhaldhalaalka iyo ilkuhu aad bay isugu egyihiin marka loo eego qaab-dhismeedkooda yar yar, kuwaas oo soo jiita wasakhda," Hancock ayaa sidaasi sharraxaya:
"Wax kasta oo saxankaaga wasakhayn kara ayaa sidoo kale ilkahaaga wasakhayn doona."

Xigashada Sawirka, BBC Food
Talooyin fudud oo cuntooyinka ah si looga hortago midab-beddelka ilkaha.
In kasta oo cadayashada ilkahaaga isla markiiba ka dib cunista ay tahay habka ugu wanaagsan ee looga hortago wasakhda, haddana had iyo jeer ma noqon karto wax la sameeyo.
Laakiin wali waxa ay kaa caawin kartaa ka hortagga wasakhda xitaa marka aadan haysan cadayga burushka ah.
Hancock wuxuu leeyahay cunto fudud oo adag ayaa laga yaabaa inay taabato:
"Cunto kasta oo adag ayaa si wax ku ool ah u nadiifin doonta ilkahaaga. Markaad qaniinto waxyaabaha sida karootada cayriin ama jirida celery, cuntooyinkani waxay u dhaqmi karaan sidii xoqid huurada ilkahaaga."
Qofku waa inuu ka taxaddaraa miraha; aashitada ku jirta waxay dhaawici kartaa lakabka sare ee ilkaha ilaaliya, taasoo sahlaysa wasakhda.
Farmaajadu waxay noqon kartaa dooarsho ka wanaagsan. Kaliya hubi inaad doorato nooca saxda ah.
Hancock wuxuu ku sharaxay sidan soo socota:
"Farmaajada adag aad ayeey ugu fiican yahay [nadiifinta]. Markaad qaniinto farmaajooyinkan, waxaad arki kartaa calaamadaha ilkahaaga ee farmaajo. Farmaajada dhegdheg leh saameyn isku mid ah ma lahan; waxay ku dhegaan ilkahaaga."
Qaabka loo Caddeyo ilkaha ee uu dhakhtarka ilkuhu ansixiyay.
Qaabka loo Caddeyo ilkaha ee uu dhakhtarka ilkuhu ansixiyay
Hancock wuxuu leeyahay habka ugu waxtarka badan ee lagu gaari karo ilkaha cad waa in marka hore la nadiifiyo.
Waxaan u baahanahay inaan cadayno ilkaha ugu yaraan laba jeer maalintii si aan u nadiifinno. Si kastaba ha ahaatee, nadiifinta ka dib cuntada ayaa sidoo kale caawin karta.
"Way adkaan doontaa in wasakhdu ku dhegto dhaldhalaal ilko qurux badan oo dhalaalaya," ayuu sharraxay Hancock.
"Tusaale ahaan, koobka shaaha ee aadka loo nadiifiyya waa mid u adkaysta wasakhda. Laakiin marka rinjigu uu xog-xogmo ,wasakhdu si fudud ayay u muuqan kartaa."
Waxay u muuqataa in ka hortaggu uu yahay hab ka wanaagsan daaweynta - gaar ahaan marka aad tixgeliso sida daaweynta caddaynta ilkuhu qaali u noqon karto.
Waxaa sidoo kale jira siyaabo fudud oo la yaab leh oo looga hortagi karo wasakhda, gaar ahaan kuwa ku raaxaysta cabitaan ay ku badan tahay tannin.
Hancock wuxuu kugula talinayaa inaad afkaaga luqluqdo ka dib marka aad cabto kafeega ugu dambeeya.
Markaa, waxaa jira waxyaabo badan oo aad isku dayi karto ka hor intaadan bilaabin daaweynta ilkaha cad.
Maqaalkan waxaa markii ugu horreysay la daabacay Janaayo 2026.











