Maxaynu ka ognahay safarkii qarsoodiga ahaa ee madaxa CIA uu ku tegay Ruushka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in safarka John Ratcliffe ee Ruushka uu ahaa booqasho "ahayd safar caadi ah". Hase yeeshee, ma jirto wax caadi ah oo ku saabsan madaxa ugu sarreeya CIA-da oo si qarsoodi ah ugu safra Moscow, safar ku dhow 10,000 mayl ah.

Ratcliffe ayaa Talaadadii Moscow kula kulmay saraakiil ka tirsan sirdoonka Ruushka, gaar ahaan dhiggiisa Ruushka ee hay'adda sirdoonka dibadda, Sergei Naryshkin. Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay in Ratcliffe uu Moscow ku tegay diyaarad milatari oo Mareykan ah, iyadoo safarkiisa aan horay loo shaacin.

Waxaa ku dhowaad shan sano laga joogaa markii madaxa CIA-da ee ka horreeyay, William Burns, uu safar noocan ah ku tagay Moscow. Xilligaasna xaaladdu waxay ahayd mid aad u kacsan, iyada oo Ruushku diyaarinayay qorshayaashii duullaankii Ukraine. Sidaas darteed, safarkan cusub ayaa loo arkaa inuu yahay arrin muhiim ah.

Dowladda Mareykanka weli si rasmi ah uma aysan sheegin sababta Ratcliffe u aaday Moscow. Si kastaba, warbixinno badan ayaa sheegaya inuu halkaas u tagay inuu Moscow uga digo in aysan xaaladda Ukraine sii xumeyn, gaar ahaan iyada oo laga cabsi qabo in Ruushku tallaabo ka qaado dalalka xubnaha ka ah NATO.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in kulanka Ratcliffe uu ugu horreyn ahaa digniin loo dirayay Ruushka, si uusan tallaabo militari uga qaadin dalalka Baltic-ga.

Xiisadda NATO iyo Ruushka

Ruushka ayaa sida oo kale hadallo hanjabaada u jeedinaya dalalka NATO. Britain-na waxay sheegtay inay dhankeeda ay jirto khatari. Khamiistii, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegay in Ruushku weerari karo bartilmaameedyo militari oo British ah, isaga oo kaga aargoosanaya weerarro ay Ukraine ku qaaday Ruushka xilli ay adeegsanaysay gantaallo British ah.

Dhanka kale, diyaarad aan duuliye lahayn oo qarax sidday oo laga helay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Leipzig, Jarmalka, ayaa khubaro amni ku qiimeeyeen inay u badan tahay inay Ruushku lahaa.

Safarka Ratcliffe wuxuu sida oo kale yimid kaddib warbixinno sheegayay in sirdoonka Mareykanku qiimeeyay in Madaxweyne Vladimir Putin laga yaabo inuu qorsheynayo weerar xaddidan oo lagu qaado waddan ka tirsan NATO.

Cadaadiska gudaha Ruushka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Putin waxaa saaran cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya si uu wax uga beddelo ismariwaaga dagaalka Ukraine. Weerarrada Ukraine ee gudaha Ruushka, gaar ahaan kuwa ay adeegsato drones-ka riddada dheer, waxay waxyeello u geysteen warshadaha tamarta Ruushka.

Weeraradan waxay sidoo kale dagaalka si toos ah ugu soo dhoweeyeen shacabka Ruushka. Safaf dhaadheer oo shidaal ah iyo qiiq ka baxaya warshadaha saliidda ayaa muujinaya saameynta dagaalka.

Kremlin-ka ayaa weerarradan u arka inay yihiin dagaal dadban oo NATO ay kula jirto Ruushka, iyadoo Ukraine loo adeegsanayo wakiil.

Sidee ayuu Ruushku uga jawaabi karaa?

Waxaa jira dhowr siyaabood oo Ruushku uga jawaabi karo. Mid ka mid ah waa inuu kordhiyo weerarrada gantaallada ballistic-ka ah ee uu ku hayo Ukraine, oo ay ku jiraan badhtamaha Kyiv, iyada oo Ukraine ay wajahdo suququl daran oo ku saabsan gantaallada Patriot ee loo adeegsado difaaca cirka.

Ruushku wuxuu kaloo kordhin karaa waxa loo yaqaan weerarro gaar ah oo laga shakisan yahay inuu u qorshaynayo dalalka NATO. Taas waxaa ka mid noqon kara weerarro internetka ah, drones lagu soo geliyo hawada dalalka kale iyo falal qarsoodi ah oo lagu waxyeelleeyo warshado ama xarumo militari.

Xaaladda ugu khatarta badan waxay noqon kartaa haddii Ruushku isku dayo weerar xaddidan oo ka dhan ah mid ka mid ah dalalka Baltic-ga: Estonia, Latvia ama Lithuania. Saddexdan waddan waxay hore uga tirsanaayeen Midowgii Soofiyeeti, balse maanta dhammaantood waa xubno NATO ah.

Putin wuxuu ogyahay in Madaxweyne Trump mararka qaar si adag uga hadlo NATO. Sidaas darteed, waxaa laga yaabaa in Moscow ay u malayso in weerar yar oo lagu qaado dal sida Lithuania uusan si buuxda u kicin doonin qodobka 5-aad ee NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal xubin loo arko weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha.

Suurtagalnimada hubka nukliyeerka

Falanqaynta guud waxa ay sida oo akle sheegaysaa khatarta hubka nukliyeerka ee xeeladaysan. Hubkan waa kuwo aad u burbur badan, waxaana muddo dheer Ruushka looga digayay inuusan jebin xeerka caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka hubka nukliyeerka.

Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah kuwa ku adag dowladda Ruushka ay Putin ku cadaadiyaan inuu isticmaalo hanjabaad nukliyeer si uu Ukraine ugu qasbo inay aqbasho shuruudaha Moscow.

Si kastaba ha ahaatee, sababta dhabta ah ee Ratcliffe loogu diray Moscow weli si rasmi ah looma xaqiijin. Waxaa laga yaabaa inuu kala hadlay Ruushka xiriirka militari ee uu la leeyahay Iran, is-weydaarsiga maxaabiista ama xitaa qorshe cusub oo lagu kordhinayo ciidamada Ruushka.