Dal kale oo xaqiijiyey kiis cudurka Ebola ah

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Nigeria ayaa xaqiijisay kiis Ebola ah oo laga helay haweeney ka soo safartay dalka Uganda ee Bariga Afrika, tagtayna magaalada Abuja, caasimadda dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.
Wasiirka Caafimaadka Nigeria, Muhammad Ali Pate, ayaa sheegay in baaritaannada shaybaarka ay xaqiijiyeen in bukaanku uu qabo cudurka.
Ilo caafimaad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haweeneydu aysan u dhalan Nigeria, isla markaana ay tahay xaaska diblomaasi. Waxaa lagu karantiilay isbitaal ku yaalla Abuja, halkaas oo ay ku qaadanayso daryeel caafimaad.
Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), haweeneydu waxay calaamadaha cudurka isku aragtay Arbacadii, 7-dii Oktoobar, afar maalmood kaddib markii ay dalka timid.
Hay’adaha caafimaadka ayaa bilaabay raadraaca dadka ay la xiriirtay haweeneydu, si looga hortago faafitaanka cudurka. Ilaa hadda, waxaa la aqoonsaday 44 qof oo xiriir dhow la yeeshay bukaanka.
Nigeria ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Galbeedka Afrika ee soo sheega kiis la xiriira dillaaca Ebola ee hadda ka jira Bariga Afrika. Dalkaasi wuxuu si guul leh u xakameeyay dillaac hore oo cudurka ah sannadkii 2014.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa adkaysay in xilligan aysan jirin kiisas Ebola ah oo si rasmi ah looga xaqiijiyay dalkaas, kuwaas oo weli firfircoon.

















