Waa kuma Saadiq Joon?

saadaq Joon

Xigashada Sawirka, SOONA

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Waxaa maalmihii u dambeeyay si wayn baraha bulshada loogu hadal hayay Saadaq Joon, oo horey u soo noqday taliyihii booliiska gobolka Banaadir xilligii dolwadii madaxwayne Farmaajo.

Waxaa lagu xusuustaa in xilligii dolwaddii madaxwayne Farmaajo uu ka horyimid muddo kordhintii uu sameystay madaxwaynaha.

Hadaba waa kumaa Saadiq Joon

Saadaq Joon, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993 uu usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena 2002 ugasii gudbay dalka Kenya kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ka sii aaday London. Waxaana uu dalka dib ugusoo noqday sannadkii 2014.

Markii uu dalka dib ugusoo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, sida oo kalena sannadkii 2017-kii loo magacaabay taliyaha nabadsugiddaiyo sirdoonka qaranka ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee haayadda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

"Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo bilaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyaynaynin, go'aan qaadashadiisuna fiicnayd"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer Warbaahinta ka weeraray Saadaq Joon, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mida ilaaladiisa, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.

Saadaq ayaa lagu beddelay xilligaasi taliyihii ciidanka Harimacad, Farxaan Qaroole oo noqday Taliyaha cusub ee ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.

Madaxwayne Farmaajo booqanaya ciidamada (SAWIR HORE)

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Daraja ka xayubintii uu Farmaajo ku sameeyay

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii 2021 darajooyiinka ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon, oo xilligaasi ahaa taliyihii booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu ka qaaday dhammaan xuquuqdii ciidan.

Xil ka xayuubintiisa ayaa timid ka dib markii uu xilligaas soo saaray amar uu ku sheegayo in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka.

Saadaq Joon, isla maalinkaa ayaa laga qaaday xilkii taliyaha booliska Gobolka Banaadir.

Daraja ka xayuubinta ee madaxweynaha uu ku sameeyay Saadaq Joon waxaa xilligaas ka dhashay muran badan.

Qaar ka mid ah dadka aadka ugu xeel-dheer arrimaha ciidamada ayaa dhankooda sheegay in daraja ka xayuubinta "aan loo marin waddadii loo baahnaa ee saxda ahayd".