Dal u jaangooynaya dadkiisu in uusan dhaafin 10 Milyan iyo dood weyn oo ka taagan

Xigashada Sawirka, Reuters
Ma dal ayaa xad go'an u dejin kara tirada dadkeeda? Taasi waa su'aasha ay dadweynaha Switzerland ay uga jawaabi doonaan codbixin la qabanayo Axadda, markaas oo ay go'aan ka gaadhi doonaan hindise lagu doonayo in tirada dadka dalka lagu xaddido 10 milyan.
Arrintan ayaa iftiimisay kala qaybsanaanta ka jirta dalkaas buuroleyda ah ee ku saabsan socdaalka.
Hindisahan waxaa taageeraya Xisbiga Dadka Switzerland (Swiss People's Party) oo garabka midigta siyaasadda ka tirsan, kaas oo ku tilmaamay "hindise jiritaan" oo loogu talagalay in lagu yareeyo culayska saaran guryaha, adeegyada dadweynaha iyo deegaanka.
Dawladda, xisbiyada kale ee siyaasadda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo ururrada shaqaaluhu waxay hindisahan ugu yeedheen "hindise fowdo", iyaga oo ku doodaya inuu isbitaallada iyo hudheelada ka waayi doonaan shaqaale aad loogu baahan yahay, isla markaana uu dhaawici doono xidhiidhkii adag ee Switzerland la lahayd Midowga Yurub (EU), taasoo dalka ka dhigi karta mid go'doon ku noqda adduun khatar badan leh.
Tirada dadka Switzerland si degdeg ah ayay u korodhay tan iyo sannadkii 2002, markaas oo ay ahayd 7.3 milyan. Hadda waxay gaadhay 9.1 milyan, waxaana 27% ka mid ah dadka deggan ay yihiin dad ku dhashay dibadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nidaamka dimuqraadiyadda tooska ah ee Switzerland wuxuu dhigaya in go'aannada waaweyn lagu gaadho codbixin dadweyne. Dadka ololeeya waxay u baahan yihiin oo keliya inay soo ururiyaan 100,000 saxeex si loo qabto afti qaran.
Dad badan oo codbixiyayaal ah ayaa ka walaacsan tareennada cidhiidhiga ah, kirada guryaha oo qaali noqotay, iyo kharashaadka caafimaadka oo sii kordhaya.
Ra'yi ururintii ugu dambaysay waxay muujinaysaa in codbixintani noqon karto mid aad isugu dhow.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sahanadu waxay tilmaamayaan in dadka diidan hindisaha ay si yar uga badan yihiin kuwa taageersan, iyadoo 52% ay kasoo horjeedaan. Hase yeeshee, 45% ayaa taageersan, waxaana weli jira tiro badan oo aan go'aankooda qaadan.
Helin Genis iyo Nils Fiechter waxyaabo badan ayay wadaagaan, balse aragtidooda gebi ahaanba iska soo horjeedda ee ku saabsan xaddididda tirada dadka Switzerland ayaa muujinaysa sida aftidani u kala qaybisay bulshada.
Labaduba waa siyaasiyiin da'yar oo ka soo jeeda qoysas soo-galooti ah. Fiechter waa 29 jir, halka Genis ay tahay 31 jir. Waalidiinta Helin waxay asal ahaan ka soo jeedaan Turkiga, halka hooyada Nils ay ka timid Kanada, isaga oo haysta laba dhalasho.
"Waxaan luminay xakamayntii," ayuu ku cabanayaa Fiechter, oo xisbigiisa uga wakiil ah baarlamaanka gobolka Bern. "Socdaalka aan la xakameynin wuxuu sababayaa in Switzerland aysan sii ahaan Switzerland."
Wuxuu aaminsan yahay in dhibaatooyinka dalka ka jira sida uu sheegay "guryo yari, taraafik xanniban, dugsiyo culays badan saaranyhay iyo adeegyo bulsho oo cadaadis ku jira" ay si toos ah uga dhasheen socdaalka.
Genis, oo ka tirsan xisbiga Social Democrats kana tirsan golaha deegaanka magaalada Bern, waxay doodahaas ku tilmaamaysaa eedayn lagu saarayo koox gaar ah.
Waxay BBC News u sheegtay:
"Muhaajiriintu ma go'aamiyaan heerka kirada guryaha. Iyagu ma kordhiyaan lacagaha caymiska caafimaadka. Sidoo kale ma aha iyaga kuwa go'aamiya siyaasadaha la xidhiidha guryaha, kaabayaasha dhaqaalaha ama maalgelinta adeegyada bulshada."
Waxay intaas ku dartay in "dhibaatooyinka lagu eego muraayadda socdaalka aysan xal keenayn, balse ay horseedaan kala qaybsanaan."
Dadka aan weli go'aankooda gaadhin, su'aasha muhiimka ahi waa sida saxda ah ee xaddidaadda tirada dadka loo hirgelin lahaa.
Dal kale weli ma tijaabin inuu si rasmi ah xad adag ugu sameeyo tirada dadka deggan, inkastoo Shiinuhu uu hore isugu dayay inuu yareeyo koritaanka dadka isaga oo adeegsanaya siyaasadda hal-ilmo ah ee hadda la joojiyay.
Hindisaha Switzerland wuxuu sheegayaa in tirada dadka aysan ka badan karin 10 milyan ka hor sannadka 2050, wuxuuna dawladda ku amrayaa inay tallaabooyin qaaddo marka tiradu gaadho 9.5 milyan.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid noqon kara in la xaddido tirada dadka magangelyada la siiyo iyo in la joojiyo xuquuqda isu keenista qoysaska ee shaqaalaha ajaanibta ah.
Haddii tirada dadku gaadho 10 milyan, heshiisyada caalamiga ah ee Switzerland saxeexday, oo ay ku jirto xorriyadda isu socodka dadka ee Midowga Yurub, waa in la baabi'iyaa.
Arrintani waxay walaac weyn ku abuurtay ururka ganacsatada Switzerland.
Madaxa dhaqaaleyahannada ururkaas, Rudolf Minsch, wuxuu sheegay in haddii hindisuhu meel maro, Switzerland ay "la kulmi karto caqabado ku yimaadda xidhiidhkeeda Midowga Yurub."
Sababta ayaa ah in Brussels muddo dheer uga digaysay dalalka aan xubnaha ka ahayn Midowga Yurub inaysan si fudud uga faa'iidaysan karin suuqa wadajirka ah iyaga oo ka baxsanaya waajibaadyada sida xorriyadda isu socodka dadka.
"Midowga Yurub weli waa lammaanaha ganacsi ee ugu muhiimsan Switzerland," ayuu sharxayaa Minsch, isaga oo intaas ku daraya inay "dan u tahay Switzerland inay la yeelato xidhiidh deggan oo cad jaalkeeda ganacsi ee ugu weyn."
Loo-shaqeeyayaasha Switzerland sidoo kale waxay ka walaacsan yihiin yaraanta shaqaalaha iyo inay lumiyaan helitaanka shaqaale xirfad leh oo ka yimaadda guud ahaan Yurub.
Kala badh shaqaalaha ka shaqeeya hudheelada Switzerland waa soo-galooti. Isbitaallada iyo xarumaha daryeelka dadka waayeelka ahna waxay si weyn ugu tiirsan yihiin shaqaale ajaanib ah.
Xisbiga Dadka Switzerland wuxuu ku doodayaa in socdaalku kaliya kordhinayo baahida sariiraha isbitaallada iyo boosaska dugsiyada, isla markaana xaddididda socdaalku ay yareyn doonto culayskaas.
Kuwa ka soo horjeeda waxay arrintaas ku tilmaamayaan mid aan dhab ahayn, iyagoo tilmaamaya in 20% dadka Switzerland ay hadda ka weyn yihiin 65 jir.
Waxay ka digayaan in shaqaale da'yar iyo canshuur-bixiyeyaal da'yar loo baahan yahay si loo daboolo baahiyaha bulshada sii gabobaysa, halka Switzerland aysan kaligeed soo saarayn shaqaale ku filan.
"Xidhiidhka Yurub ma la jebiyaa xilli sidan oo kale ah?"
Jon Pult, oo ah mudane baarlamaan oo ka tirsan Social Democrats, wuxuu sheegay in cabsi weyn oo uu ka qabo xaddidaadda dadka ay tahay in Switzerland ay ku dambayso "kaligeed adduun aan degganayn oo khatar badan leh."
Switzerland, sida dalalka kale ee Yurub, waxay kordhinaysaa kharashaadka difaaca, inkastoo ay tahay dal dhexdhexaad ah, waxayna qorshaynaysaa iskaashi difaac oo dhow la yeelato deriskeeda.
Dalku wuxuu saameyn ku yeeshay korodhka qiimaha shidaalka ee ka dhashay duullaankii Ruushka ee Ukraine iyo sidoo kale xiisadaha Iran. Waxa kale oo badeecadihiisa lagu soo rogay canshuuro culus oo Maraykanku dejiyay.
Pult wuxuu ka digayaa in Switzerland ay khatar gelin karto heshiisyadeeda Midowga Yurub isla markaana ay lumin karto kalsoonida iyo taageerada Brussels.
Fiechter wuxuu arrintaas ku tilmaamayaa cabsi-gelin, isagoo leh:
"Waxaan hubaa in Midowga Yurub uusan oggolaan doonin inay taasi dhacdo," isagoo ku doodaya in heshiisyada Switzerland ay "si buuxda dan ugu yihiin Midowga Yurub laftiisa."
Si kastaba ha ahaatee, cabsida go'doonka ayaa laga yaabaa inay noqoto arrin go'aamisa codadka qaar.
Dadka Switzerland aad ayay uga naxeen markii Washington ay badeecadahooda ku soo rogtay canshuuro dhan 39%, iyadoo heshiis lagu dhimayo oo gaadhsiinaya 15% aan weli la dhammaystirin.
Hadda boodhadhka lagu dhiirrigelinayo dadka inay diidaan xaddidaadda dadka waxay muujinayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyadoo gadaashiisa ay ka muuqdaan sawirrada Vladimir Putin ee Ruushka iyo Xi Jinping ee Shiinaha.
Cinwaanka boodhadhku wuxuu leeyahay:
Fiechter wuxuu ku adkaysanayaa in xaddidaadda dadka ay ku saabsan tahay ilaalinta hab nololeedka Switzerland.
Wuxuu yiri:
"Qof kasta oo jecel Switzerland, ha ahaado qof asal ahaan muhaajir ah ama aan ahayn, wuxuu rabaa inay sii ahaato meel lagu noolaan karo, ammaan ah oo barwaaqo ah. Taas ayaana hindisahani ku saabsan yahay."
Laakiin Genis wax faa'iido ah kama aragto hindisaha:
"Su'aasha muhiimka ahi ma aha sida dadka looga reebo dalka... balse waa sida aan u abuuri karno guryo jaban oo ku filan, u xaqiijin karno xaalado shaqo oo wanaagsan, una maalgelin karno adeegyo dadweyne oo xooggan.
"Sidaa darteed waxaan ku qanacsanahay in hindisahani uu Switzerland u keeni doono dhibaato ka badan faa'iidada."














