Waa kuwee saldhigyada Maraykanka ee Iiraan ay sheegtay inay beegsatay

Xigashada Sawirka, U.S. Central Command
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in ay beegsadeen Saldhigga Amiir Xasan ee dalka Urdun, Saldhigga Ciidamada Cirka ee Sheikh Isa ee Baxreyn iyo Saldhigga Ciidamada Cirka ee Ali Al Salem iyo Axmed Al Jaber ee Kuwait, xilli Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay in la soo afjaray mowjado cusub oo weerar ah oo ka dhan ah Iiraan.
Bayaan uu soo saaray xafiiska xiriirka dadweynaha ee ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in la burburiyay xaruntii taliska iyo xarumihii laga hagayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo ku yaalla Baxreyn, halka dhowr kayd oo gantaallo ah iyo kaydad shidaal oo waaweyn oo ku yaalla saldhigga milateri ee dalka Urdun la gubay iyadoo la adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Kuweyt, Ilaalada Kacaanku waxay ku dhawaaqeen inay "gebi ahaanba" burburiyeen taangiyada shidaalka iyo nidaamyada difaaca hawada ee Patriot ee saldhigga Maraykanka ee "Ali Al Salem", iyo sidoo kale nidaamka istaraatiijiga ah ee ilaalinta dabka ee saldhigga Axmed Al Jaber.
Isla mar ahaantaana, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in ay soo afjareen mowjado cusub oo weerarro ah oo ka dhan ah Iiraan, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday tobanaan goobood oo ku yaalla meelo badan oo ay yaalleen saanadda saxda ah, iyada oo ujeedadu tahay in la wiiqo awoodda Iiraan ay ku sii wadi karto weerarka maraakiibta caalamiga ah ee mara marinka Hormuz.
War saxaafadeedka oo lagu daabacay taliska dhexe ee barta X, ayaa intaa ku daray in ciidamada Maraykanku ay beegsadeen nidaamka difaaca cirka ee militariga Iiraan, goobaha raadaarka ee xeebaha, gantaalada iyo awooda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo doomaha yar yar, iyadoo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, maraakiibta dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee cirka iyo badda markii ugu horreysay.
Wakaaladaha wararka Iiraan oo soo xiganaya ciidamada badda ee ilaalada kacaanka ayaa sheegay in ay joojiyeen laba "markab oo gardarro ku socday" kuwaas oo halis geliyey socodka iyaga oo curyaamiyay nidaamkooda, kuna socday dariiq sharci darro ah ka hor weerarka Maraykanka, taas oo Tehran ay ku hanjabtay in ay ka dhigi doonto isha ay ka helaan bartilmaameedka saxda ah ee weerarrada "difaaca" ee militariga Iiraan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Baxrayn ayaa ku dhawaaqday in seeriga laga dhawaajiyey laba jeer saacad gudaheed, iyadoo ku boorisay muwaadiniinta iyo dadka deegaanka inay isdejiyaan, isla markaana aadaan meesha ugu dhow ee nabdoon, oo ay wararka kala socdaan kanaalada rasmiga ah.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay barta X in ciidamadooda ay billaabeen weerarradan 21:00 GMT, iyadoo uu amar ku bixiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan ee IRNA ayaa ku warrantay in hal qof uu ku dhintay afar kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn uu Mareykanku ka geystay xarun biyo-mareen ah oo ku taal magaalada Mahshahr ee Iiraan.
Telefishinka Iiraan ayaa sheegay in uu maqlay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay meel u dhow Sirik iyo gobollada Qeshm iyo Jask ee koonfurta, wakaaladda wararka Iiraan ee Mehr ayaa ku dhawaaqday in warbixinnada bilowga ah ay tilmaamayaan in qaraxyo laga maqlay qaybo ka mid ah gobolka Bushehr ee koonfurta dalka.
'Weerarrada waxay kala dhantaaleen dadaalladii diblomaasiyeed'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaanka ayaa intaa ku daray in ciidamada Mareykanka, oo ay ku tilmaameen "argagixiso," ay "si ficil ah" u rogeen dalalka gobolka "dagaal sharci darro ah oo dambiyeed oo ka dhan ah dadka Iiraan," iyagoo adeegsanaya dhulalka iyo xarumaha dalalka ku yaal geeska koonfureed ee Khaliijka "si ay ugu diyaar garoobaan gardarrada milatari ee ka dhanka ah Iiraan."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ka digtay ka qaybgalka ama iskaashiga "dhinacyada gardarrada," iyadoo ku nuuxnuuxsatay waddamada deriska ah baahida loo qabo in la raaco sharciga caalamiga ah si looga hortago in dhinacyada gardarrada wada ay isticmaalaan dhulkooda iyo xarumahooda si ay u qaadaan gardarrada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, iyadoo intaas ku dartay in asalka iyo isha weerarrada lagu qaadayo Iiraan ay noqon doonto bartilmaameed sharci ah oo loogu talagalay weerarrada "difaaca" ee ciidamada Iiraan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in waxa madaxweynaha Mareykanka uu ka sheegay natiijooyinka wadahadallada Muscat Sabtidii ay ahaayeen "been abuur," iyadoo wadahadallada Masqat ay diiradda saareen inta badan qabanqaabada maaraynta Marinka Hormuz iyo marinnada maraakiibta, isagoo intaa ku daray in Mareykanka "uu ka hortagay in la gaaro go'aan arrintan ku saabsan, isla markaana uu cadaadis cad iyo mid qarsoon ku saaray Saldanadda Cumaan".
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale lagu yiri: "Nidaamka Mareykanka ayaa sidoo kale sababay soo laabashada amni darrada Marinka Hormuz wuxuuna carqaladeeyay marinnada ganacsiga caalamiga ah iyadoo faragelin cad ku haysa hirgelinta Iiraan ee qabanqaabada lagama maarmaanka ah ee Marinka Hormuz."
Duqeynta Mareykanka ayaa timid ka dib markii Taliska Dhexe uu bartiisa X ku qoray, isagoo beeniyay waxa warbaahinta Iiraan ay ka sheegtay dilka saddex askari oo Mareykan ah oo ka dhacay Kuwait taasoo ka dhalatay weerarrada Iiraan.
Taliska Dhexe wuxuu sheegay in tani aysan "sax ahayn," iyo inaysan jirin warbixino sheegaya dhimasho ama dhaawac ku yimid ciidamada Mareykanka ee aagga, dhammaanna shaqaaluhu ay badqabaan.
Qiimaha saliidda ayaa si weyn kor ugu kacay Isniintii bilowgii toddobaadka ganacsiga cusub, ka dib dhammaadkii usbuuca oo ay soo ifbaxday xiisad militari oo cusub oo u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka iyo ku dhawaaqista Tehran ee ah inay xiri doonto Marinka Hormuz.
Qiimaha saliidda Brent ee la keenayo Sebtembar ayaa kor u kacay 3.75 boqolkiiba ilaa $78.86 barmiil qiyaastii 22:10 GMT Axaddii. Saliidda West Texas Intermediate (WTI) ee keenista bisha Agoosto ayaa sidoo kale kor u kacday, iyadoo korodhay 3.65 boqolkiiba ilaa $74.02 fuusto kasta.
QM oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada
Dhanka kale, afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay kororka iyo iska horimaadyada milateri ee kasoo cusboonaaday Khaliijka, oo ay ku jiraan weerarrada Iiraan ay ku qaaday maraakiibta mara marin-biyoodka Hormuz, weerarrada Mareykanka ee Iiraan, iyo weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso bartilmaameedyada dalalka deriska ah.
Bayaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la joojiyo dhammaan weerarradan, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, lagana fogaado wax kasta oo sii xumaanaya, oo ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu dejinayo.
Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay in dib ugu soo laabashada colaadaha baaxadda leh ay cawaaqib xun ku yeelan doonto dadka gobolka, nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, iyo dhaqaalaha caalamka, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay baahida loo qabo in dib loo soo celiyo xorriyadda buuxda ee socdaalka marin biyoodka Hormuz.
Isagoo ka jawaabaya hadalkaas, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Ismail Baghaei ayaa daabacay warqad uu u diray afhayeenka Qaramada Midoobay, isagoo ku macneeyay in waxa dhacaya aysan ahayn " iska hor imaad ciidan" balse ay tahay " sii socoshada fal gardaro ah oo aan cudur daar lahayn oo cad" oo ay bilaabeen Mareykanka iyo Israa'iil 28-kii Febraayo.
Dhambaalka oo uu soo dhigay barta X, Baqai waxa uu intaa ku daray in Iiraan aanay "weerar wadin" isla markaana beegsiga ay ku hayso saldhigyada iyo xarumaha millatariga Maraykanka ee ku yaala gacanka koonfureed ay tahay "si sharci ah oo ay u adeegsanayso xaqa ay u leedahay inay is difaacdo marka loo eego sharciga caalamiga ah".
Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay inay ku booriso dalalka ay khusayso inay si degdeg ah u joojiyaan oggolaanshaha Maraykanka inuu u isticmaalo dhulalkooda si ay u bilaabaan gardarrada ka dhanka ah Iiraan, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Tehran aan lagu eedayn inay difaacday madax-bannaanideeda.
Af hayeenka Iiraan waxa uu si maldahan u sheegay diidmadiisa ku aaddan adeegsiga af-hayeenka Qaramada Midoobay ee ereyga "Gulf" ee farriintiisa la daabacay, isagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la isticmaalo ereyga "Khaliijka Persia," oo ku waajib ah dhammaan qoraallada Qaramada Midoobay.
Ciidamada Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale isweydaarsanaya rasaas, iyadoo ay jiraan hadallo iska soo horjeeda oo labada dhinac ka soo baxayaan in marin biyoodka Hormuz uu furan yahay iyo in kale.














