Markii Einstein diiday inuu noqdo madaxweynaha Israa'iil

Albert Enstein

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Ka dib xasuuqii Holocaust, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu sannadkii 1947 ansixiyay qorshe lagu kala qaybinayo Falastiin laba dal: mid loogu talagalay Yuhuudda iyo mid loogu talagalay Carabta. Madaxweynihii ugu horreeyay ee dawladda Yuhuudda ee Israa'iil wuxuu ahaa Haim Weizmann, oo ahaa saynisyahan.

Kadib geeridiisii 1952, saynisyahankii ugu caansanaa dunida xilligaas, Albert Einstein, ayaa loo soo bandhigay xilka madaxtinnimada.

Einstein si xushmad leh ayuu u diiday dalabkaas, isaga oo sheegay in aanu lahayn waayo-aragnimo hoggaamineed oo siyaasadeed, isla markaana aanu isu arkin qof ku habboon maamulka dadka iyo hawlaha dawliga ah.

Einstein waxaa loo soo bandhigay jagada Madaxweynaha Israa'iil, balse wuu diiday isagoo tilmaamay xaddidaadaha uu naftiisa ku arkayay, inkasta oo uu weli xiriir la lahaa dhaqdhaqaaqii Sahyuuniyadda (Zionist movement).

Israa'iil iyo madaxweynaheeda

Israa;iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Israa'iil waxay ku dhawaaqday jiritaankeeda inay tahay dowlad madax-bannaan sannadkii 1948, hase yeeshee Falastiiniyiintu weli ma laha dowlad madax-bannaan oo si buuxda u shaqaysa, inkastoo ay aqoonsadeen in ka badan 140 dal.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Israa'iil, Haim Weizmann, wuxuu ahaa saynisyahan ku takhasusay cilmiga bayookimistariga. Wuxuu ku dhashay Boqortooyadii Ruushka, wuxuuna hore u ahaa muwaadin British ah. Wuxuu caan ku ahaa hal-abuurkiisii la xiriiray soo saarista acetone.

Maaddadan ayaa door aad u muhiim ah ka ciyaartay arrimaha milateriga sannadihii 1910-meeyadii. Acetone waxaa loo isticmaali jiray soo saarista cordite, oo ah walax qaraxeed ay si weyn u adeegsatay Boqortooyada Ingiriiska intii lagu jiray dagaalkii kowaad ee adduunka.

Doorkiisa siyaasadeed ayaa ka sii weynaa sumcaddiisa saynis. Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu muhiimsanaa dhaqdhaqaaqii Sahyuuniyadda (Zionism), oo ahaa dhaqdhaqaaq qaranimo oo soo baxay dabayaaqadii qarnigii 19aad, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in dowlad Yuhuud ah laga dhiso Falastiin.

Madaxweyne Weizmann wuxuu geeriyooday qiyaastii afar sano kadib markii la aasaasay Israel.

Wuxuu helay fursad uu ku noqdo madaxweye isagoo da'diisu tahay 73 sano jir

Isreal

Xigashada Sawirka, Hulton Archive/Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Abba Eban wuxuu ahaa safiirka Israa'iil u fadhiyey Maraykanka. Isaga ayaa la xiriiray Albert Einstein si loogu soo bandhigo xilka madaxtinnimada Israa'iil.

Saynisyahanka Jarmalka ahaa ee Einstein wuxuu ku noolaa Maraykanka tan iyo 1933. Sannadkaas ayaa Adolf Hitler talada la wareegay, waxaana bilaabmay cadaadiskii iyo silcintii lagu hayay Yuhuudda ku noolayd Jarmalka.

Abba Eban wuxuu Einstein u qoray warqad isaga oo ku hadlaya magaca David Ben-Gurion.

Wuxuu ku yiri: "Israa'iil dhul ahaan waa dal yar, laakiin waxay noqon kartaa dal weyn sababtoo ah waxay matalaysaa dhaqammadii ruuxiga ahaa iyo aqooneed ee ugu sarreeyay ee ummadda Yuhuudda, kuwii hore iyo kuwa casriga ahba."

Abba Eban sidoo kale wuxuu caddeeyay in Einstein aanu khasab ku ahayn inuu ka tago shaqadiisa sayniska. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga filayay inuu ka guuro New Jersey oo uu dego Israa'iil. Waqtigaas wuxuu ku noolaa kana shaqaynayay machadka ku yaalay Princeton.

Einstein wuxuu markaas jiray 73 sano. Wuxuu diiday dalabkaas. Si edeb leh ayuu uga jawaabay, wuxuuna muujiyay mahadnaq uu u hayo casuumaadda, balse wuxuu sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qaado masuuliyaddaas weyn.

Jawaabtii Einstein: waa murugsanahay , laakiin....

Isreal

Xigashada Sawirka, Keystone/Getty Images

Wuxuu ku dooday in uusan lahayn aqoonta iyo shahaadooyinka lagama maarmaanka u ah jagadaas, sida uu sheegay Zeif Rosenkranz, oo ah maamulaha kaydka Einstein ee Hebrew University of Jerusalem isla markaana ah qoraaga buugga Einstein's Notebooks, kaas oo ururinaya waraaqihii gaarka ahaa iyo sawirradii fiisigisyahanka.

Albert Einstein wuxuu ku jawaabay:

"Aad ayaan uga mahadcelinayaa dalabkan ay ii fidisay dowladda Israa'iil, balse waxaan dareemayaa murugo iyo xishood inaanan aqbali karin."

Wuxuu sii raaciyay:

"Noloshayda oo dhan waxaan ka shaqeynayay dhibaatooyin ku saleysan xaqiiqooyin la taaban karo. Ma lihi kartida dabiiciga ah iyo waayo-aragnimada lagama maarmaanka u ah inaan si habboon ula macaamilo dadka ama u guto mas'uuliyadaha dowladeed. Sababahaas awgood, kuma habbooni inaan qaato mas'uuliyadda jago sidan u sarreysa."

Wuxuu sidoo kale qoray:

"Xaaladdan ayaa i sii xanuujinaysa sababtoo ah xiriirka aan la leeyahay bulshada Yuhuudda wuxuu ahaa xiriirka bini'aadantinimo ee ugu xooggan tan iyo markii aan si buuxda u fahmay xaaladdayda nugul ee aan ku dhex leeyahay quruumaha dunida."

Maxay ahayd jawaata Israa'iiliyiinta?

Isreal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Alice Calaprice, oo qortay dhowr buug oo ku saabsan Einstein, waxay sheegtay in Ben-Gurion uu oggolaaday diidmadan.

Waxa uu ku qoray buuggiisa "Einstein Encyclopedia": "Ben-Gurion waxa uu ka walwalsanaa in hadallada siyaasadeed ee Einstein ee cad-cad ay ku khasbi karaan inuu ku dhaqmo si ka hor imanaysa damiirkiisa."

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu u sheegay Madaxa Shaqaalihiisa, Isaac Nafon (oo markii dambe noqday Madaxweynaha Israa'iil intii u dhaxaysay 1978 ilaa 1983): "Ii sheeg waxa aan samayn lahaa haddii uu 'haa' dhihi lahaa. Waa inaan u soo bandhigo jagada sababtoo ah ma suurtagelin inaanan u bandhigin. Laakiin haddii uu aqbali lahaa, dhibaato ayaa ina soo wajahday."

Warqadii Einstein u qoray Nehru

Isreal

Xigashada Sawirka, brandstaetter images / Contributor

Tani macnaheedu ma ahayn in Albert Einstein uusan fiiro gaar ah siin jihada siyaasadeed ee Israa'iil.

Michel Garman, oo ah taariikhyahan iyo borofisar ka tirsan Jaamacadda Federaalka ee Rio de Janeiro, wuxuu leeyahay: "Einstein wuxuu ka mid ahaa dhaqdhaqaaqa Sionism-ka. Wuxuu si dhow ula xiriiray Weizmann tan iyo 1921, wuxuuna matalayay garab bidix oo Sionism ah oo taageersanaa in Falastiin laga dhiso dowlad laba-qoomiyadood ah oo xuquuq qaran siisa Carabta iyo Yuhuudda."

Garman waa cilmi-baadhe ka shaqeeya arrimaha la xiriira Sionism-ka iyo khilaafka Israa'iil iyo Falastiin.

Wuxuu sharxayaa in waraaqaha Einstein ay naga caawinayaan fahamka arrintan. Kadib madaxbannaanidii Hindiya ee 1947, wuxuu warqad u qoray Ra'iisul Wasaaraha cusub, Jawaharlal Nehru.

Wuxuu ku qoray farriin hambalyo ah oo ku saabsan rumaysadkiisa: "Waxaan qaatay arrinta Sionism-ka sababtoo ah waxaan ku arkay waddo lagu saxayo khalad taariikhi ah oo cad."

Markii Israa'iil la aasaasay sannadkii xigay, wuxuu dareemay nafis ka dib tobanaan sano oo colaad ah. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka soo horjeestay falalka kooxo xagjir ah oo ka tirsan Israa'iil.

Dabayaaqadii 1948, isaga iyo qaar kale oo ka mid ah indheergaradkii Yuhuudda, waxay qoreen warqad furan oo loo diray New York Times, iyagoo dhaleeceynaya booqashada siyaasiga Israa'iil Menachem Begin ee Mareykanka.

Menachem Begin wuxuu ahaa hoggaamiyihii Ururka Irgun, oo ahaa koox milatari oo Sionist ah oo fulisay weerarro argagixiso ah oo ka dhan ahaa Falastiiniyiinta iyo Ingiriiska ka hor aasaaskii Israa'iil.

Isla sannadkaas, Irgun waxay fulisay xasuuq ka dhacay tuulada Deir Yassin oo u dhow Quddus, halkaas oo lagu dilay in ka badan boqol rayid Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen rag, haween iyo carruur.

Muddo ka dib, Menachem Begin wuxuu ka sameeyay ururkaas xisbi cusub oo la oran jiray Herut (Af-Cibraani: "xorriyad").

"Booqashada Menachem Begin, oo ah hoggaamiyaha xisbigaas, ee Mareykanka waxaa si cad loogu talagalay in lagu abuuro aragti ah inuu heli doono taageero Mareykan ah doorashooyinka Israa'iil ee soo socda," ayay tiri warqadda oo uu New York Times helay.

Qoraayaasha warqadda waxay si cad u muujiyeen aragtidooda ku saabsan Herut qaybteeda koowaad. Waxay qoreen: "Xisbigan wuxuu si xooggan ugu egyahay xisbiyadii Nazi-ga iyo Faashiistaha marka loo eego hab-dhiskiisa, habkiisa hawlgal, falsafaddiisa siyaasadeed, iyo saameyntiisa bulsho."

Sannadkii 2024, warqaddan ayaa mar kale lagu faafiyey baraha bulshada ee Brazil ee dadka bidixda u janjeera; tani waxay dhacday markii Madaxweynaha Brazil Luiz Inácio Lula da Silva uu Israa'iil ku barbardhigay falalka ay ka waddo Gaza iyo Holocaust-ka.

Haddii hadalladan laga akhriyo macno la'aan ama xaalad la'aan, waxay u ekaan karaan in Einstein uu ka soo horjeeday Israa'iil.

Taariikhyahanka Ingiriiska Richard Crockatt wuxuu buuggiisa "Einstein and Twentieth-Century Politics" ku qoray: "Einstein mar waxaa loo soo bandhigay inuu yahay dhaleeceeye Sionism-ka iyo Dawladda Israa'iil, marna waxaa loo soo bandhigay inuu yahay taageere. Aragtiyadan waxaa badanaa adeegsada dad doonaya inay u adeegsadaan magaciisa taageero u ah mowqifyadooda."