TOOS, Maraykanka iyo Iiraan oo is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo

Weeraradan ayaa dhacay maalin kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu colaadda ku tilmaamay “arrin aan sidaas u weynayn”, iyadoo aysan muuqan wax horumar la taaban karo oo laga sameeyay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka lixda bilood socday.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Markabka dagaalka Abraham Lincoln oo ka ambabaxay Thailand

    Markabka diyaaradaha ee Abraham Lincoln ayaa Axaddii ka ambabaxay Thailand ka dib markii uu shan maalmood hakad ku jiray.

    Markabkan waxaa loo diray Gacanka Faaris markii uu bilowday dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay la galeen Iiraan.

    Dan Keeler, oo ah taliyaha USS Abraham Lincoln, ayaa uga mahadceliyay Thailand "soo dhawaynta ay u fidisay" bayaan uu soo saaray.

    Hawlgallada maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka waxay caadi ahaan socdaan lix ilaa sagaal bilood, laakiin muddadan waxaa laga yaabaa in la kordhiyo waqtiyada dagaalka.

    Markabkan ku shaqeeya nukliyeerka, oo ay saaran yihiin shaqaale gaaraya shan kun, ayaa ka qayb qaatay dagaalkii lala galay Iiraan iyo xayiraadda ciidamada badda iyo hawlgallada militariga Mareykanka.

    Abraham Lincoln ayaa Arbacadii gaaray Thailand, isagoo ay weheliyaan dhowr markab oo kale oo ciidamada badda Mareykanka ah. Thailand waa xulafada kaliya ee heshiiska difaaca Mareykanka ee dhul-weynaha Koonfur-bari Aasiya. Mas'uuliyiinta Thailand ayaa sheegay in safarku uu socon doono shan maalmood.

    Warar dheeraad ah:

  2. Aqalka Cad: Ergada Trump waxay wada-hadalladii Putin ku tilmaameen kuwo “muhiim ah oo dhab ah”

    Aqalka Cad ayaa wada-hadalladii ay Moscow kula yeesheen Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ergeyda sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tilmaamay kuwo “muhiim ah oo dhab ah”, kuwaas oo looga gol lahaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.

    Sida uu sheegay Aqalka Cad, Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa Moscow kula hadlay Mr. Putin, iyagoo ka wada hadlay “qorshayaal gaar ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga”. Faahfaahinta qorshahaasi weli lama shaacin.

    Hore, kaaliyaha Putin, Yuri Ushakov, ayaa saddexda saacadood ee wada-hadalladii uu la yeeshay Steve Witkoff iyo Jared Kushner ku tilmaamay kuwo “furan oo daacad ah”.

    Mr. Ushakov ayaa sheegay in Putin uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in meesha laga saaro dhammaan sababihii waaweynaa ee salka u ahaa colaadda. Hadalladan ayaa muujinaya in Putin uusan ka tanaasulin dalabyadiisa ugu sarreeya.

    Mr. Ushakov ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen suurtagalnimada ah in Ruushka iyo Mareykanka ay hirgeliyaan mashaariic waaweyn oo wadajir ah.

    Mr. Witkoff iyo Mr. Kushner ayaa hadda ku sii jeeda Kyiv, halkaas oo ay Axadda maanta ah wada-hadallo kula yeelan doonaan Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Aqalka Cad ayaa muujiyay rajada ah in wada-hadallada labada ergey ee Mareykanka ay la yeelanayaan Ukraine ay “u noqdaan kuwo wax-ku-ool ah” sida kulankoodii Moscow.

    Tani waa safarkii ugu horreeyay ee ay ergeyda sare ee Mr. Trump ku tagaan Kyiv. Horay ayay dhowr jeer ugu safreen Ruushka.

    Warar dheeraad ah:

  3. Araqchi oo khadka taleefanka kula hadlay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Turkiga

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Turkiga, isagoo kala hadlay horumarrada gobolka iyo dadaallada diblomaasiyadeed.

    Sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan, Mr. Araqchi ayaa si gaar ah taleefan kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

    Waxay ka wada hadleen arrimaha labada dal, horumarrada gobolka, iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee ugu dambeeyay ee lagu doonayo in xasillooni laga abuuro gobolka, iyo sidoo kale xaaladda Marinka Hormuz.

    Warar dheeraad ah:

  4. Cunnooyinka ay Soomaalidu isticmaasho ee aan u fiicneyn beerka

    Shalay oo kale 28 July, waxaa caalamka laga xusaa maalinta ka hortagga iyo wacyigelinta cagaarshowga, oo saameeya dadyow badan oo dunida ku nool.

    Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xuska maalintan, iyo macluumaad ku saabsan cagaarshowga iyo bulshada Soomaalida.

    Xuska Maalinta Cagaarshowga Adduunka waxaa lagu muujiyaa muhiimadda beerku u leeyahay nolol caafimaad qabta, iyo baahida loo qabo in sare loo qaado ka-hortagga fayraska cudurkan.

    Soomaaliya waxay ka mid tahya dalalka hiigsanaya ciribtirka cagaarshoowga wixii loo gaaro sanadka 2030.

    Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah “Hal Nolol, Beer".

  5. Safiirka Maraykanka ee Israa’iil oo cambaareeyay “sharci-darrada” Israa’iiliyiinta deggan Daanta Galbeed

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mike Huckabee, safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, ayaa sheegay in muwaadiniin Maraykan ah oo ku nool deegaanka la dejiyay ee Termeziya ay kulan ay golaha deegaanka yeesheen ugu sheegeen sheekooyin ku saabsan guryo la burburiyay, hanjabaado loo jeediyay carruurta, iyo rabshado iyo cabsi-gelin.

    Deegaankan ayaa ku yaalla Ramallah ee Daanta Galbeed, waxaana ku nool tiro badan oo Maraykan ah.

    “Waxaan aaminsanahay in Israa’iiliyiinta ku nool Judea/Samaria (oo ah magaca ay Israa’iil u isticmaasho Daanta Galbeed ee la haysto) ay xaq u leeyihiin inay halkaas ku noolaadaan, waana taageersanahay arrintaas, balse qof kasta oo Bible-ka aaminsan ma taageero sharci-darro,” ayuu Mr Huckabee ku qoray qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee X.

    Degsiimooyinka Israa’iiliyiinta ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto waxaa loo arkaa kuwo sharciga caalamiga ah ka baxsan.

    Warar dheeraad ah:

  6. Maraykanka iyo Iiraan oo is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa Sabtidii is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib, taasoo ahayd wareeggii ugu dambeeyay ee weerarrada tan iyo markii dagaalku toddobaad ka hor dib uga qarxay muddo bil ah oo xasillooni ahayd.

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in uu “si joogto ah u naafeeyay” laba booyadood oo shidaal oo xiriir la leh Iiraan, oo uu ku jiro mid ku dhow Jasiiradda Kharg, isla markaana uu “si buuxda u burburiyay” booyad saddexaad oo ku jirtay Gacanka Cumaan.

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay weerarrada, waxayna sheegtay in Tehran ay jawaab ahaan u weerartay saddex markab oo xiriir la leh Maraykanka, sidoo kalena ay weerartay saddex booyadood oo shidaal ah oo marayay Marinka Hormuz iyagoo isticmaalaya waddo ay Iiraan ku tilmaantay “aan la oggolayn.”

    BBC ayaa la xiriirtay Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom) si ay uga hesho faallo ku saabsan sheegashadii ugu dambeysay ee Iiraan ee ahayd in ay bartilmaameedsatay maraakiib Maraykan ah.

    Weeraradan ayaa dhacay maalin kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu colaadda ku tilmaamay “arrin aan sidaas u weynayn”, iyadoo aysan muuqan wax horumar ah oo la taaban karo oo ku aaddan soo afjaridda dagaalka lixda bilood socday. Trump wax faallo ah kama uusan bixin weerarradii Sabtidii.

    Warka ku saabsan aargoosigii ugu dambeeyay ee Iiraan ayaa yimid saacado kaddib markii Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth uu baraha bulshada ku qoray: “Arrintu waa sahlan tahay: haddii Iiraan ay rasaas ku furto maraakiibta Maraykanka, waxaan burburin doonnaa (oo quusin doonnaa) booyadahooda shidaalka.”

    Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom), laba markab oo dagaal oo Maraykan ah ayay Iiraan bartilmaameedsatay ka hor inta uusan Maraykanku weerarin saddex booyadood oo shidaal oo xiriir la leh Iiraan.

    Warar dheeraad ah: