11 nuuc oo kansar ah oo ku faafaya dhallinyarada - saynisyahanno

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sababaha kororka kansarka ee dhalinyarada da'doodu tahay 20, 30s iyo 40 ayaa ka yaabiyay saynisyahannada sanado badan.
Bradley Coombes, oo ka soo jeeda Portsmouth, wuxuu jiray 23 jir markii uu u dhintay kansarka mindhicirka. Hooyadii, Caroline Mousdale, ayaa sheegtay in inkasta oo uu lahaa qaar badan oo ka mid ah calaamadaha "khatarta ah" ee kansarka, hadana wiilkeeda in badan waa la iska indhatiray sababtoo ah waxaa loo tixgeliyey in uu aad u yar yahay oo uusan cudurka qaadin.
Waxa uu sheegay in uu ahaa "nin yar oo caafimaad qaba" oo qarka u saaran in uu saxiixo qandaraas uu ku ciyaaro kubada cagta oo ku raaxaysanaya nolosha. Ma jirin wax muuqda oo isaga khatar geliyay, ayay tiri.
Laakiin ka dib sannadkii ugu horeeyay ee kulliyadda, wuxuu bilaabay inuu si weyn u dhimo miisaanka oo uu la kulmo calool xanuun. Dabadeed waxa ku dhacay shuban iyo dhiig soo raacay saxaradiisa.
18 bilood ayaa calaamaduhu muuqdeen ah ka hor inta aan laga helin cudurka. Markii uu maray baaritaan raajo oo laga qaaday mindhicirkiisa, oo loo yaqaan colonoscopy, waxaa muuqatay in kansarku aad u koray oo wuxuu xannibay in kaamradu xitaa soo gasho.
Qalliinka iyo daawaynta shucaaca waxay awoodi waayeen inay joojiyaan burada, Bradley Coombesna wuu dhintay.

Xigashada Sawirka, Caroline Mousdale
Kow iyo toban nooc oo kansar ah ayaa ku soo badanaya da'yarta UK, daraasad weyn ayaa muujisay.
Sababaha saxda ah ee kor u kaca heerarka kansarka weli si buuxda looma fahmin. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in cayilka sii kordhaya uu door ka ciyaari karo, inkastoo aysan ahayn sababta kaliya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saynis yahano ka tirsan machadka cilmi baarista kansarka iyo koleejka Imperial ee London ayaa carabka ku adkeeyay in kansarka ku dhaca dhalinyaradu uu wali naadir yahay, qof walbana uu yarayn karo khatartiisa isagoo ku nool qaab nololeed caafimaad qaba.
"Runtii waxaan dareemay, sida waalid kastaa dareemayo, inuu ku guuleysan doono riyooyinkiisa kubbadda cagta, inuu heli doono nolol aad u wanaagsan, taasna waa laga qaaday isaga, sababtoo ah bilawgii hore ee kansarka mindhicirka ayaa ahaa mid aan la ogaan," ayay tiri Caroline Mousdale.
Waa dhif in si sax ah loo ogaado sababta uu qof u qaaday kansar. Si kastaba ha ahaatee, koox saynisyahano ah ayaa falanqeeyay isbeddellada kansarka qaranka oo ay la socdaan qaab nololeedka dadka si ay u ogaadaan haddii ay aqoonsan karaan qaabab kasta.
Waxay muujiyeen in kansarka mindhicirka ka sokow, kansarka qanjirka thyroid, myeloma, beerka, kelyaha, xameetida, beeryarada, endometrium, afka, naaska iyo ugxan-yari ay sidoo kale sii kordhayaan.
Kansarrada mindhicirka iyo naasaha ayaa ah kansarka ugu badan ee ku dhaca dadka da'da yar, wadartooduna waxay gaaraan 11,500 oo xaaladood sannadkii, halka kansarka ganaca iyo xameetidu ay naadir yihiin. Keliya kansarka mindhicirka iyo ugxan-sidaha ayaa la arkay inay ku sii badanayaan dhalinyarada keligood, halka sagaalka kale ay sidoo kale ku sii kordhayaan dadka waaweyn.
Daraasadda, oo uu sameeyay Machadka Cilmi-baarista Kansarka iyo Imperial College London, ayaa sidoo kale falanqeeyay dhaq-dhaqaaqyada dabeecadaha horay loogu yaqaanay inay kordhiyaan khatarta kansarka.

Xigashada Sawirka, John Angerson
Laakiin waxay muujisay in heerarka sigaarka, cabbitaanka khamriga, heerarka dhaqdhaqaaqa jirka, isticmaalka hilibka gaduudan iyo hilibka la warshadeeyey, iyo cunto yar oo fiber ah ayaa dhammaantood soo fiicnaanaya ama sii ahaanaya sidii hore.
Dabeecadahan oo dhan waxay gacan ka geystaan inay sababaan kansarka, laakiin si buuxda uma sharxi karaan sababta uu kansarku u sii kordhayay.
Warbixintu waxa ay sheegtay in xogta kaliya ee la socota kororka kansarka ay tahay heerka miisaanka xad-dhaafka ah, kaas oo sii kordhayay tan iyo 1990-yadii.
Waxaa loo maleynayaa in dufanka badan ee jirka uu beddelo hormoonnada sida insulinta, taas oo kordhin karta khatarta kansarka.
Si kastaba ha ahaatee, xitaa sharaxaaddani ma dhamaystirna.
Tusaale ahaan, kansarka mindhicirka, cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in 100 kiis oo dheeraad ah, qiyaastii 20 ay dhici karto inay sababto miisaan xad dhaaf ah, halka 80ka kale ay yihiin kuwo aan la sharraxin.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen inay muhiim tahay in laga hortago dhammaan noocyada kansarka. Waxaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 40 kansarka adduunka lagaga hortagi karo iyada oo loo marayo doorashada hab-nololeedka, sida sigaar la'aanta.
Cilmi-baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in inkasta oo kansarka ku dhaca dhalinyarada ay sii kordhayaan, haddana ay muhiim tahay in la xasuusto in ay weli aad u yar yihiin marka loo eego kansarka dadka da'da ah.
Waxay sheegeen in 1,000kii dhallinyaro mid ka mid ah (kuwa 20-ka, 30-ka iyo 40-jirka ah) laga helo kansarka sannad walba, marka la barbardhigo 100kiiba mid ka mid ah dadka da'da weyn (kuwa 50s, 60s iyo 70s).












