You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo sheegay in uu ogyahay arrinta ka dhex socota madaxda Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay sii socoto nadiifinta miinooyinka marin biyoodka Hormuz ee maraakiibta Maraykanku, waxaanu ku dhawaaqay inuu go'aansaday inuu saddex jibaaro xawliga hawlahaasi.
Wax yar ka dib, Trump waxa uu soo dhigay qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa bulshada, isaga oo qoray in uu jiro loolan hoggaamineed oo ka socda Iran dhexdeeda:
"Halgankan gudaha ah ee u dhexeeya muxaafidka oo sun 'XUN' looga adkaanayo iyo qunyar socodka ka fog dhexdhexaadnimada (laakin ixtiraam helaya) waa waalli!"
Qoraalkan ka hor, Trump waxa uu sidoo kale bartiisa X soo dhigay qoraalka qoraa u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Marc Thiessen oo u dhignaa sidan: "Haddii Iran ay laba garab ka jiraan, midna wuxuu doonayaa heshiis, kan kalena wuu ka soo horjeedo, aan dilno kan ka soo horjeeda."
Trump waxa uu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan marin biyoodka Hormuz, isla markaana aanu markab ogolaansho la'aan soo geli karin kana bixi karin, isaga oo intaa ku daray inay taasi sii socon doonto ilaa Iran ay heshiis ka saxeexdo.
Geesta kale, Iran ayaa iyaduna go'aan ku soo rogtay marinka Hormuz sababo la xiriira go'doominta ciidamada badda ee Maraykanka.
Iran ayaa ku dhawaaqday inay go'aansan doonto maraakiibta ay ogolaanayso inay maraan, isla markaana ay ka qaadi doonaan lacago badan oo ay ku maraan.
Iran: Lacagta ugu horeysa ee gaadiidka waa la ururiyay
Bayaan uu soo saaray 23-kii Abriil, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Iran Hamitreza Haji Babayi wuxuu ku sheegay in khidmadii ugu horreysay ee gaadiidka laga qaaday lagu shubay bangiga dhexe ee Iran.
BBC ma aysan awoodin inay si madax banaan u xaqiijiso arrintan.
Inkastoo aan la shaacin lacagta ay Iran ka qaadayso markabka, ayaa haddana warar hore oo warbaahinta qaarkeed tabisay lagu sheegay in Iran ay dalbatay 2 milyan oo dollar markabkiiba.
Siyaasiga sare ee Iran Alireza Selimi oo la hadlay wakaalada wararka Iran ee Tasnim ayaa sheegay in qarashka laga qaadayo uu kala duwan yahay iyadoo ku xiran nooca markabka, xadiga shixnadaha ay sidaan iyo heerka qatarta.
Weriyaha BBC ee Amniga Frank Gardner ayaa soo sheegaya in dhaqankani uu ka dhigan yahay isbeddel aasaasi ah oo ku yimid qaabka ganacsiga caalamiga ah ee ka jiray Gacanka Faaris tan iyo 1968dii.
Maraykanka oo markab shidaalka ku qabtay badwaynta Hindiya
Saacado uun ka hor hadalka Trump, wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay diyaarad helicopter ah ku dul dajiyeen markab siday saliida Iran oo marayay badweynta Hindiya, ayna la wareegeen markabka, iyagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan faragelinta ka dhanka ah maraakiibta caawinaya Iran.
Weriyaha BBC-da ee Tehran Lyse Doucet ayaa intaa ku dartay in labada waddan midkoodna uusan muujin wax calaamad ah oo ah in uu tanaasulo:
"Maraykanku waxa uu rumaysan yahay in caqabado dhaqaale oo waaweyn awgood, Tehran ay ku qasbanaan doonto in ay ku soo laabato miiska wada xaajoodka, Iran waxa hubaal ah in ay bixinayso qiimo aad u badan. Waxaan aragnaa tan inta aan ku dhex wareegayno magaalada, dadku waxa ay ka walaacsan yihiin shaqo la'aanta iyo kor u kaca qiimaha."
"Laakin hogaamiyayaasha Iran ma aqbali doonaan in laga hadlo, taasi kuma jirto DNA-da nidaamkan."
Doucet waxay intaas ku dartay inuu rumeysan yahay haddii hoggaamiyeyaasha Iran ay u adkeysan karaan xanuunkan, Mareykanka ayaa lagu qasbi doonaa inuu ka laabto.
Ma aha kaliya saraakiisha Iran kuwa sidaas u fekeraya.
Safiirkii hore ee Ankara: Iran waxay sii jiri doontaa waqti dheer
David Satterfield, oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Turkiga, lana taliyey maamulkii hore ee madaxweyne Joe Biden, ayaa BBC-da u sheegay in dagaalkani uu ku xiran yahay cidda sii adkaysan karta.
"Qiimayntayda, Iran waxay sii jiri kartaa waqti dheer."
"Awoodda ay ugu adkeysan karaan xanuunka dhaqaalaha ayaa ka weyn kan Mareykanka iyo Madaxweyne Trump."
Satterfield waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu halis ugu jiro in uu ku dhaco "dabin xiisadaha sii xumaanaya," haddii ay taasi dhacdona ay Iran u geysan karto dhibaato intaas ka sii weyn oo ay u geysato dalalka Khaliijka.