You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Kansar lagu daaweeyo tufta': Dadka Afgaanistaan oo ka niyad jabay adeegyada caafimaadka oo maciin biday daaweeyayaal ruuxi ah
Tobannaan dad ah ayaa isugu soo ururay bannaanka guri yar oo ku yaalla duleedka magaalada koonfureed ee Kandahar, iyagoo rajeynaya in laga daweeyo cudurro khatar ku ah noloshooda.
Gudaha qol darbiyadiisu midabbo dhalaalaya lagu xardhay, waxaa lagu arkayaa rag, dumar iyo carruur buka oo fadhiya ama jiifa, inkasta oo dhammaantood aysan ku jirin xaalad halis ah.
Qolka gasadiisa waxaa fadhiya Nida Muhammad Qadri oo ah qofka ay dadkani u yimaadeen. Isaga oo xiran cimaamad cad, Qadri wuxuu isu yaqaan "Peer" ama Dabiib.
Qadri wuxuu cantuugayaa biyo dhalo ku jira, kadibna wuxuu ku tufayaa dadka hortiisa fadhiya. Wuxuu ku andacoodaa in ficilkan fudud uu Ilaah ku ku daaweeyay dad badan oo qaba cudurro ay ka mid yahay Kansar-ku.
Qadri ma lahan waxbarasho diimeed oo rasmi ah ama tababar caafimaad. Illaa dhowr sano ka hor wuxuu ahaa cunto kariye, balse wuxuu sheegay in xilligaasba ay dadku u imaan jireen, si ay xirsi xir uga helaan — walxo yaryar oo qaar ay aaminsan yihiin inay leeyihiin awood dabiici ah.
Sida uu sheegay ururka caafimaadka adduunka (WHO), in ka badan 24,000 oo qof oo ku nool gudaha Afganistaan ayaa sanad kasta laga helaa Kansar, halka qiyaastii 17,000 ay u dhintaan cudurkan sanadkii.
Khubarada ayaa sheegaya in tirada dhabta ah ay aad uga badan karto, maadaama bukaanno badan aan si rasmi ah loo ogaan cudurkooda, taas oo ay sabab u tahay isbitaallada, xarumaha caafimaadka, iyo shaqaalaha caafimaadka oo gabaabsi ah.
Dadku si sii kordheysa ayay maciin bidayaan daaweeyayaal ruuxi ah, sababo la xiriira yaraanta adeegyada caafimaad ee saxda ah iyo kharashka sare ee xarumaha yar ee jira.
Khubaradu waxay sheegayaan in heerka kansarka ee Afghanistan uu ka sarreeyo kan dalalka kale ee gobolka, taas oo la xiriirta arrimo nololeed sida cunista cunto cusbo badan, isticmaalka tubaakada aan la cabin ee loo yaqaan "naswar," iyo wasakhowga hawada oo aad u sarreeya.
Gargaarka caalamiga ah ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegeen 2021. Tusaale ahaan, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa joojisay taageeradii ay siin jirtay Isbitaalka Mir Wais Hospital oo ah xarun caafimaad ee ugu weyn gobolka, iyadoo sabab uga dhigtay dhaqaale la'aan.
Kadib marka la joojiyay taageeradii dhaqaale, isbitaalka waxaa soo wajahday gabaabsi daran oo dhanka daawada iyo daryeelka caafimaadka ah, taas oo ku qasabtay bukaannada in ay iyagu iibsadaan xitaa daawooyinka iyo agabka aasaasiga ah.
Qaar ka mid ah gobollada koonfurta Afghanistan waxaa dhanka daawada qayb ahaan ka caawin jiray dalka deriska ah ee Pakistan. Illaa 18 bilood ka hor, dadka Kandahar waxay si fudud ugu gudbi jireen xadka iyagoo aan fiiso u baahnayn si ay isugu daaweeyaan isbitaallo si fiican u qalabaysan oo ku yaal Pakistan.
Laakiin hadda arrintaas way istaagtay. Ka dib shaqaaqo dhex martay Afghanistan iyo Pakistan, waxaa la xiray marinnada xadka ee Chaman iyo Spin Boldak, waxaana Afghanistaan la saaray xayiraado adag oo xaddidaya dawooyinkii hore looga keeni jiray Pakistan.
Arrimahan oo dhan waxay sii kordhiyeen cadaadiska saaran nidaamka caafimaadka ee Afghanistan oo horeyba u liitay.
Xaaska Nazir Ahmed Maiwandwal oo lagu magacaabo Shukria, waxay qabtaa madax-xanuun daran oo hayey in ka badan hal sano. Wuxuu u geeyay Pakistan, halkaas oo lagu sameeyay qalliin kadib markii laga helay buro maskaxda ah.
"Qalliinka kadib xaaladdeedu way soo roonaatay. Wax walbana waxay u ekaayeen kuwo ka soo raynaya, laakiin muddo ka dib caafimaadkeedu mar kale wuu xumaaday," ayuu yiri Maiwandwal.
Isagoo quus ah, wuxuu qorsheeyay in uu mar kale u laabto Pakistan talo dhakhaatiir darteed, balse xilligaas xadka ayaa la xiray.
"Waxaan saddex jeer codsaday fiisaha Pakistan, laakiin mar walba waa la ii diiday," ayuu yiri Maiwandwal oo intaas ku daray: "Waxaan aaday Kabul, laakiin halkaasna daaweynta shucaaca (radiotherapy) lagama helin xarunta kansarka. Waxaan ku soo noqday guriga anigoo niyad jabsan."
Ugu dambayn, waxay geeriyootay bishii Maarso, iyadoo jirta 24 sano oo keliya.
Dadku wali waxay ku qulqulayaan guriga Nida Muhammad Qadri ee Kandahar, qaar badan oo ka mid ahna waxay raadinayaan rajadii ugu dambeysay.
"Bukaannada kansarka waxay iiga yimaadaan meel kasta oo Afghanistan ka mid ah — 250 ilaa 300, mararka qaar ilaa 400 ayaa maalin kasta ii yimaada," ayuu yiri Qadri.