Maxaan ka naqaannaa Cabdullaahi Ikhlaas, madaxiii sirdoonka al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya ay sheegta in la dilay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah ay dileen dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa sirdoonka, walxaha qarxa iyo hawlgallada maleeshiyada, intii lagu guda jiray hawlgallo milateri oo wadajir ah oo dhawaan la sameeyay.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ka dhacay magaalada Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in mid ka mid ah hawlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Xirsi (oo loo yaqaannay Ikhlas), kaas oo ay dowladdu ku tilmaamtay madaxa qaybta sirdoonka ee al-Shabaab.
"Ikhlaas waxaa lagu dilay 23-kii Agoosto hawlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah," ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasim.
Kumuu ahaa Ikhlaas?

Xigashada Sawirka, Reuters
"Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dwoladda.
Sida uu sheegay wasiir Qaasim, Ikhlaas wuxuu ahaa 46 jir ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku biiray kooxda al-Shabaab sanadkii 2006-dii.
Ninkan ayaa muddo ka badan dhowr iyo toban sano ka mid ahaa tiirarka muhiimka u ah al-Shabaab isagoo xilka madaxa sirdoonka ee kooxda hayey sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Cabdisalaan Guuleed Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ah horreyna us oo noqday taliye xigeenka hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xusay in Ikhlaas uu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda uuna ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee ka nool raggaas.
Dilkiisa ayuu Guuleed sheegay inay ka dhigtay "Guul weyn oo u soo hoyatey Soomaaliya. Waxay ka dhigan tahay dhibaato weyn oo miisaan culus ah oo al-Shabaab soo gaartay," ayuu yiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas raaciyey in Cabdullaahi Xaashi Ikhlaas uu muddo ka badan dhowr iyo toban sano uu ahaa madaxa sirdoonka ee kooxda, kaas oo aan la beddelin taasna ay muujinayso muhiimaddiisa uu u lahaa.
"Xogta aan hayno haddii aanan khaldanayn wuxuu ku magacownaa madaxda sirdoonka ciidanka, sirdoonkaas marka ciidanku wuxuu ka awood badnaa alshaab, sirdoonkooda caadiga ee kuwa amniyaadka," ayuu BBC-da u sheegay Cabdisalaan Guuleed.
Isagoo ka hadlay weerarradii uu abaabuley intii hayey xilka sirdoonka kooxda al-Shabaab, Cabdillaahi Xaashi Ikhlaas, ayuu ka xusay: "weerarkii ka dhacay Westgate Kenya, Ceelcadde, weeraradii Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ee dowladda Soomaaliya iyo lagu qaadayey kuwii Jubaland, waxaas oo dhan ninkii isagu go'aankeeda lahaa, farasameeda, hagiddeeda mas'uul ka ahaa ayuu ahaa. Afar sano ee la soo dhaafay wuxuu aha tiirka ciidan ee howlgal ee alshabaab ku tiirsanaayeen" ayuu ahaa
Cabdisalaan, wuxuu sheegay in ninkan uu sidoo kale ka duwan yahay madaxdii hore looga dilay al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen madaxii qaraxyada iyo maaliyadda oo dowladda Soomaaliya horey u sheegtay inay dishay.
"Dilkiisu wuxuu hoos u dhigayaa isku haynta, howlgalladii ayay hoos u dhigaysaa, aaminaaddii ayay hoos u dhigaysaa, jug weyn bay u geysanaysaa, haddii dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeedu fursadahaas ka faa'iideystaan." Ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.















