U diyaar garowga saacadda qiyaamaha: Ma dhamaadkii dunida ayaa lagu dhawaaday?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madooneysaa inaad ka mid noqoto dadka isku diyaarinaya dhammaadka adduunka? Haddii jawaabtu haa tahay, halkeed ka bilaabaysaa?
Bishii February 2025, khubarada Jaamacadda Chicago waxay saacaddii Qiyaamaha u soo dhaweeyeen 89 ilbiriqsi uun ka hor saqda dhexe. Waa heerkii ugu halista badnaa abid ee laga digay sababtoo ah waligeed sidan uguma dhawaan waqtigii lagu tilmaamay dhammaadka.
Sidoo kale, Janaayo 27, 2026, Alexandra Bell, oo ah madaxweynaha iyo agaasimaha guud ee Bulletin of the Atomic Scientists, ayaa ku dhawaaqay in saacada qiyaamaha (Doomsday) loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi.
Warsidaha wuxuu soo saaray digniintiisii ugu xoogganayd weli. Saacadda Doomsday oo loo arko calaamad cabbiraysa sida ugu dhow ee bini'aadanku ugu soo dhawaaday inay is burburiyaan tan iyo bilowgii xilligii Nukliyeerka - ayaa loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi, waana meesha ugudhow taariikhda siddeed iyo toban sano.
Tani looguma dhawaaqin sidii riwaayad oo kaleama war caadi ah oo keliya, laakiin sida ay u weyn tahay iyo digniinta ay bixinayso ayaa keenay in lagu degdego. Saynisyahano,siyaasad qaabeeyeyaal iyo saynisyahanno ku guulaystay abaalmarinta Nobel ayaa wakhtiga cayimay, waxayna si deggan uga hadleen khatarta sii kordhaysa ee caalamiga ah, wada shaqaynta sii xumaanaysa, iyo guul-darrooyinka hoggaamineed ee bini'aadamka oo si wadajir ah qarka ugu saaran masiibo. Waxay xusuusiyeen caalamka in saqda dhexe aysan ahayn qaddar lama huraan ah balse ay tahay digniin ay tahay in la fiirsado oo la fahmo.
Si loo fahmo sababta ay saacada Qiyaamaha u dhaqaaqday sanadkii hore, iyo waxa dhaqdhaqaaqani dhab ahaantii astaan u yahay, waa in aan eegnaa wax dhaafsiisan tirada ilbiriqsiyada ee lagu sheegay hordhaca. Saacadda qiyaamaha maaha saadaasha dhammaadka adduunka, mana aha tirinta dhabta ah ee naga xiga qiyaamaha. Waa sheeko ka soo bilaabatay dagaalkii labaad ee aduunka, ka soo baxday dagaalkii qaboobaa iyo isbeddelka cimilada, oo hadda soo food saartay mustaqbal ay qaabeeyeen sirdoonka macmalka, iyo jilicsanaanta daciifnimada kalsoonida caalamka.
Haddaba marka xaaladda adduunka maanta la eego, yaa khubaradan ku eedayn kara isku dayga ay ku cabbirayaan masiibooyinka iyo khataraha inagu soo wajahan?
Khubarada cimiladu waxay ka digayaan in laga gaabiyay yoolalkii lagu xakameyn lahaa isbeddelka cimilada ee khatarta ah. Garaadka macmalka ah (AI) wuxuu u socdaa si xowli ah oo aan loo joojin karin, inkastoo khubaro badan ay ka digayaan khatartiisa, oo ay ka mid yihiin digniinihii horay loogu arkay filimada Hollywood-ka. Dhanka kalena, hargabka shimbiruhu wuxuu u muuqdaa inuu dib u soo laabanayo.
Sidaas darteed, maahan wax la yaab leh in dad badan aysan sugeynin masiibada soo wajahan oo dhici karta.
Dadka walaacsan iyo dowladuba waxay lacag badan ku bixinayaan hoy dhulka hoostiisa ah, si ay halkaasi ugu sii noolaadaan haddii musiibo weyn dhacdo oo adduunka ku habsata.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka caanka ah ee lagu sheego inay sameysanayaan hoygan dhulka hoostiisa ah waxaa ka mid ah ninkii aas-aasay Facebook, Mark Zuckerberg, oo wararku sheegayaan inuu dhulkiisa Hawaii ka dhisayo guri dhulka hoostiisa ah oo weyn oo asaga u gaar ah, kaas oo leh nidaam u gaar ah oo soo saara cuntada iyo korontada. Sidoo kale, madaxii hore ee shirkadda Microsoft, Bill Gates, ayaa la sheegay inuu guryihiisa ku yaal California iyo Washington hoostooda ku leeyahay hoy dhulka hoostiisa ah oo aad u waaweyn.
Dabayaaqadii 2024-kii, dalka Switzerland wuxuu shaaciyey qorshe uu ku dayactirayo shabakadda ballaaran ee guryaha dhulka hoostiisa ah oo gaaraya 360,000, kuwaasoo la dhisay waagii Dagaalkii Qaboobaa, islamarkaana qaadi kara in ka badan sagaal milyan oo qof. Switzerland gudaheeda, muwaadin kasta wuxuu sharci ahaan xaq u leeyahay inuu helo gabbaad dhulka hoostiisa ah, iyadoo uu jiro sharci arrintaas dhigaya oo la meel mariyey sanadkii 1963-kii.
Dhanka kale, dalka Finland gaar ahaan magaalada Helsinki waxaa badanaa lagu tilmaamaa tusaalaha ugu fiican ee sida loo qorsheeyo difaaca shacabka ee dhulka hoostiisa ah. Waxay leedahay meelo aad u ballaaran oo loo sameeyay in aan lagu isticmaalin xaaladaha degdegga ah oo kaliya, laakiin sidoo kale dadku ay u adeegsadaan nolol maalmeedka caadiga ah, kuwaas oo ay ku jiraan barkado lagu dabaasha iyo maqaayadaha cuntada.
Dalka Ingiriiska wuxuu leeyahay tiro gabbaadyo dhulka hoostiisa ah oo la dhisay xilligii Dagaalkii Qaboobaa, hase yeeshee khubaradu waxay leeyihiin intooda badan hadda ma aha kuwo loo isticmaali karo si waxtar leh. Dowladda ayaan u muuqan mid qorsheyneysa inay dhisto kuwo cusub, sidaas darteed dadka qaarkood waxay u jeesteen shirkadogaar loo leeyahay ah si ay ugu dhisaan goobo ay ku noolaadaan oo dhulka hoostiisa ah.
Wuxuu sheegay in isbeddelkan uu soo baxay wixii ka dambeeyey markii uu dagaal ka qarxay Ukraine, isla markaana uu hadda dhisayo guryo gabaad ah oo si gaar ah loo nashqadeeyey, gudaha Ingiriiska iyo meelo ka baxsanba. Balse ma ahan oo keliya dadka hodanka ah ee arrintan sameynaya.












