30 sano kadib: Hoggaamiye koox burcad ah oo lagu helay dilkii sanadkii 1996-dii loo geystay fanaankii Tupac Shakur

Tupac Shakur

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Duane "Keffe D" Davis, oo ahaa madaxii hore ee burcadda Crips, ayaa lagu helay inuu ka dambeeyay dilkii fanaankii Tupac Shakur. Tani waa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah oo xukun laga gaaro kiiskan oo aad u soo jiitay taageerayaasha hip-hop-ka.

Xeerbeegtida ayaa Duane Davis ku heshay inuu ka dambeeyay dilkii fannaankii caanka ahaa ee heesaha rap-ka, Tupac Shakur, kaas oo 7-dii September 1996 lagu toogtay isagoo gaari saarnaa gudaha magaalada Las Vegas, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday hub culus.

Isagoo xiran suut madow, odayga 63-jirka ah ayaa aamusnaan ku dhex taagnaa maxkamadda Las Vegas xilligii xukunka la akhrinayay, waxaana uu sheegay inuu racfaan qaadan doono. Dhanka kale, ehelada Shakur ayaa is gacan-qabsaday, qaarkoodna duubay muuqaal iyagoo ilmeynaya.

Tupac Shakur wuxuu ahaa 25 jir markii la dilayay, xilli uu ku jiray heerkii ugu sarreeyay ee xirfaddiisa, isagoo ka mid ahaa fannaaniinta ugu saameynta badan dunida rap-ka, waxaana uu adduunka ku iibiyay in ka badan 75 milyan oo nuqul oo heesihiisa ah.

Nin xiran dhar madoow oo wejigiisu caro ka muuqato.

Xigashada Sawirka, STEVE MARCUS / POOL / AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin xiran dhar madoow oo wejigiisu caro ka muuqato.

Intii ay maxkamaddu socotay, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku doodeen in Davis, oo ahaa madaxii hore ee kooxda South Side Compton Crips, uusan ahayn qofkii toogtay Shakur, balse uu isagu bixiyay amarka iyo qorigii uu u dhiibay abtigiis uu ahaa ee Orlando Anderson, kaas oo toogashada fuliyay.

Waxay maxkamadda u sheegeen in Davis uu toogashada u abaabulay si aargoosi ah, kadib markii Anderson iyo Shakur iyo kooxdiisu ay isku dhaceen saacado un ka hor dilkii ka dhacay Las Vegas.

Muddo 30 sano ah, kiiskani wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu caansan uguna adkaa in la xalliyo ee Mareykanka, wuxuuna abuuray mala-awaal shirqool, hase yeeshee ilaa maanta cid looma xukumin.

Dilka Shakur wuxuu dhacay xilli ay jirtay colaad xooggan oo u dhaxeysay fannaaniinta rap-ka ee Xeebta Bari iyo Xeebta Galbeed, iyo iska hor-imaad u dhexeeyay burcadihii Bloods iyo Crips, kuwaas oo xilligaas saameyn weyn ku lahaa dhaqanka hip-hop-ka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Geerida fanaankan la yiraa Tupac Shakuur ayay dad kala duwan shaki u geliyeen siyaabo kala duwan. Warar warbaahinta reer galbeedka ku faafay ayaa sidoo kale tibaaxay in Shakuur lagu arkay Soomaaliya 'dilkiisa' kadib iyada oo laga dhigayo in uu halkaas ku dhuumanayo.

Toogashada ayaa dhacday Sebtembar 1996-kii, xilli Shakur uu ka soo baxayay ciyaar feerka ah oo ka dhacday Las Vegas. Waxa uu saarnaa gaari uu waday madixii hore ee ninka soo saaray cajalada Diiwaanka Dhimashada oo lagu magacaabo Suge Knight markii uu gaari kale agtooda ka soo baxay oo uu rasaas badan ku riday dhinaca rakaabka ee gaarigooda.

Qoyska Shakur ayaa maxkamadda dhexdeeda ku muujiyay shucuur xooggan, waxaana la arkayay walaashiis oo xeer-ilaaliyaha isku duubtay markii xukunka la akhriyay kadib, halka xubnaha kale ee qoyska ay fadhiyeen iyagoo ilmeysanaya.

Bannaanka maxkamadda, taageerayaasha aadka u jecel Shakur ayaa oohin iyo farxad isku daray.

Caddaynta ugu culus ee kiiska waxay ahayd qirashada Davis laftiisa, oo marar badan si fagaare ah u sheegay inuu saarnaa gaarigii caddaa ee nooca Cadillac-ga ee laga soo riday rasaastii lagu dilay Shakur.

Wuxuu kaalintiisa ku aaddan dhimashada Shakur u sheegay saraakiisha booliska, xilli wareysi qarsoodi ah laga qaaday sanadkii 2008-dii oo ku saabsanaa baarista dilka fannaanka kale ee Notorious B.I.G., oo magaciisa dhabta ahi yahay Christopher Wallace.

Sidoo kale, Davis wuxuu si faahfaahsan uga hadlay doorkii uu ku lahaa dilkaas, isaga oo ku qoray buugiisa taariikh-nololeedka ah ee uu daabacay 2019-kii, kaas oo lagu magacaabo Compton Street Legend.

Hase yeeshee, buuggii uu qoray iyo wareysiyadii uu warbaahinta siiyay ayaa jabiyay heshiiskii difaaca ahaa ee uu horey ula galay saraakiisha, kaas oo ka hortagayay in dacwad lagu soo oogo, waxaana maxkamaddu ay go'aamisay in wareysigii uu booliiska siiyay loo adeegsan karo dacwadda dilka ah ee ka dhanka ah isaga.

Dooddii ugu dambeysay, xeer-ilaaliye Binu Palal wuxuu xeerbeegtida ka codsaday inay Davis ku soo oogaan dambi iyagoo ku saleynaya hadalladiisa.

Wuxuu ku dooday in muddo sanado ah uu Davis dadka u sheegayay inuu isagu ka dambeeyo dilkii Tupac Shakur, isagoo arrintaas ka sheegayay documentaries, buuggiisa xusuus-qorka ah, podcastiyo iyo wareysigii uu booliiska siiyay.

Sawir 1996 ah oo muujinaya fannaanka Tupac Shakur (L) iyo Marion "Suge" Knight oo lagu soo bandhigay maxkamadda dilka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir 1996 ah oo muujinaya fannaanka Tupac Shakur (L) iyo Marion "Suge" Knight oo lagu soo bandhigay maxkamadda dilka.

Tupac Shakur waxaa uu ahaa shaqsi saamayn leh

 Tupac

Muusiggiisu waxa uu ka tarjumayay caro ku wajahan saboolnimada iyo rabshadaha uu soo maray jiilkiisa. Dhimashadiisa ayaa keentay in su'aalo badan laga jawaabo waayo, taageerayaashuna waxay raadinayaan jawaabo ilaa hadda.

Waxaa uu kusoo koray nolol adaag. Sida uu ku cabiray heesihiisa qaarkood.

Shakur hooyadii, Afeni Shakur, waxay ahayd Black Panther iyo dhaqdhaqaaqe siyaasadeed. Waxa uu ku koray isaga oo aaminsan in aabbihiis uu ahaa nin daroogada ka ganacsada oo loo yaqaanay legs oo u dhintay wadne xanuun markii uu Tupac ahaa 15.

Ka dib, markii Shakur uu ku jiray cisbitaalka ka dib toogashadii New York ee lagu dhawaacay, nin Black Panther hore u ahaa oo lagu magacaabo Billy Garland ayaa ugu yimid sariirtiisa si uu ugu sheego inuu yahay aabihiis dhabta ah. "Waxay ahayd inaan halkaas joogo," Garland ayaa ii sheegay. "Waxaan rabay kaliya si uu u ogaado in aan danaynayo."

Shakuur waxa uu soo weynaaday isaga oo u malaynayay in aanu aabbe lahayn, waana mawduuc uu ku soo noqday ereyadiisa. Waxaan xusuustaa isaga oo arrinkaas kala hadlay maalin kale isaga oo jooga gurigiisa oo ku yaalla Wilshire Boulevard.

si aan ugu dhawaaqo inuu yahay aabihiis dhabta ah, "Waxay ahayd inaan halkaas joogo," Garland ayaa ii sheegay "waxa aan rabay in aan ogeysiiyo in aan daneeyo ." maadama uu wilkeyga yahay.Mararka qaar erayadiisa heesaha ayuu kumiijin jiray arrinkan.

In kasta oo uu wakhtigu sii dheeraaday, amarkii baarista ee dhawaan soo baxay waxa uu abuuraya rajo ah in caddayn cusub la soo saari karo, taas oo iftiiminaysa duruufaha ku xeeran dilka Shakuur.