Netanyahu oo amray in ciidamadiisa ay qaadaan "tallaabo adag" oo ka dhan ah Xisbullah

Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amar ku siiyay ciidankiisa inay qaadaan "weerar culus" oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan, laba maalmood kadib markii la kordhiyay xabbad-joojin socotay saddex toddobaad.
Weerarkan cusub ayaa imanaya kadib duqeyn ka dhacday koonfurta Lubnaan Sabtidii, taas oo lagu dilay ugu yaraan lix qof. Iska horimaadyada xuduudda ka gudba ee labada dhinac ayaa muujinaya in heshiiska xabbad-joojinta uu yahay mid jilicsan oo si fudud u burburi kara.
Xabbad-joojinta ayaa la kordhiyay intii lagu jiray wadahadallo ay wufuud ka kala socotay labada dhinac ku yeesheen Washington, D.C. Khamiistii, iyadoo dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xisbullah uu yara degey.
Sida ay werisay AFP oo soo xiganaysa Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan, Sabtidii Israa'iil waxay dishay afar qof kadib weerar lagu qaaday gaari xamuul ah iyo mooto ku sugnaa magaalada Yohmor al-Shaqif. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in laba qof la dilay, 17 kalena la dhaawacay weerar kale oo ka dhacay Safad Al Batich ee degmada Bint Jbeil.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa dhankooda sheegay inay dileen saddex xubnood oo ka tirsan Hezbollah, iyagoo tilmaamay in laba ka mid ah ay wateen gaari hub sida, halka qof kale uu saarnaa mooto.
Ciidanku waxay sidoo kale sheegeen in laba dagaalyahan oo kale lagu dilay aagga Webiga Litani intii ay socdeen hawlgalladooda milatari ee koonfurta Lubnaan.
Xaaladdu waxay weli muujinaysaa xiisad sare oo ka jirta xadka Israa'iil iyo Lubnaan, iyadoo xabbad-joojintu u muuqato mid aan weli si buuxda u xasillin xaaladda.

Xigashada Sawirka, EPA
Dhanka kale, kooxda Xisbullah ayaa beegsatay kolonyo ciidan oo Israa'iili ah oo ku sugan koonfurta Lubnaan, iyagoo sheegay inay uga aargoosanayaan weerarkii ka dhacay Yohmor al-Shaqif, sida ay werisay AFP.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib markii Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in la adkeeyo weerarrada ka dhanka ah kooxda, wakaaladda wararka dowladda Lubnaan ee (NNA) ayaa soo warisay laba duqeyn oo ka dhacay magaalada Bint Jbeil, magaalada Tahrir, iyo laba magaalo oo kale oo ku yaalla gobolka Nabatieh.
Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa sheegay inay "beegsadeen saldhigyo militari oo ay leedahay Xisbullah koonfurta Lubnaan." Waxay sidoo kale sheegeen in, "iyadoo la raacayo amarada hoggaanka siyaasadeed, ay qaadi doonaan tallaabooyin adag si looga hortago weerarro lagu qaado rayidka iyo askarta Israa'iil."
Israa'iil ayaa sii waddo howlgalladeeda militari ee koonfurta Lubnaan, iyadoo la soo sheegay in guryo badan la burburiyay.
Koox u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in weerarrada lagu hayo wariyeyaasha Lubnaan ay yihiin "wax aan la aqbali karin," kadib markii weriye lagu dilay duqeyn Israa'iil ay fulisay Arbacadii.
Ciidamada Israa'iil ayaa dhankooda beeniyay inay si ula kac ah u bartilmaameedsadeen saxafiyiinta.
Lubnaan iyo Israa'iil ayaa yeeshay wadahadalkoodii ugu horreeyay ee diblumaasiyadeed muddo soddon sano ah, kanoo ah kulan naadir ah oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo kooxda ay Iran taageerto ee Xisbullah.
Wadahadaladaasi ayaa waxaa ka soo baxay xabad jojin la dhex-dhigay labada dhinac .
Xisbullaah, oo ah koox maleeshiyo ah oo aad u hubeysan, isla markaana dhisan oo la aasaasay sannadkii 1982-kii, ayaa saameyn weyn ku leh koonfurta Lubnaan oo u badan Shiicada iyo sidoo kale hareeraha koonfureed ee caasimadda, Beirut.
Siyaasiyiinta xiriirka la leh kooxda ayaa sidoo kale labo xil oo heer wasiir ah ka haya dowladda.
Xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe ee Lubnaan ayaa noqday mid aan fiicneyn tan iyo markii kooxdu ay u dhaqaaqday inay gasho dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Iiraan, oo ah taageeraheeda ugu weyn.










