You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Meta oo ku dhowaad $18 bilyan ku bixinaysa heshiis lagu xallinayo eedeymo loo heysto
- Author, Imran Rahman-Jones
- Author, Kali Hays
- Role, technology reporters
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Shirkadda weyn ee baraha bulshada ee Meta ayaa oggolaatay inay bixiso $18 bilyan oo u dhiganta £13.3 bilyan, si heshiis loogaga gaaro dacwado ay u gudbiyeen gobollada iyo deegaannada Mareykanka, kuwaas oo ku eedeeyay in Facebook iyo Instagram ay carruurta waxyeello u geysteen.
Garsoore ku sugan California ayaa ansixiyay heshiiskaas oo Meta ay lacag ku siinayso 48 gobol oo ay ku jiraan Degmada Columbia iyo saddex deegaan oo Mareykanka ka tirsan, waana lacagtii ugu badnayd ee ay shirkaddu waligeed ku bixiso dacwad la xiriirta badqabka carruurta.
Meta ayaa sidoo kale dhaqan-gelin doonta tallaabooyin cusub oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internet-ka, kuwaas oo ay soo jeediyeen dowlad goboleedyadu, waxaana kamid ah in si toos ah loo xaddido waqtiga maalinlaha ah ee la isticmaalayo iyo in la hakiyo adeegga xilliga habeenkii.
"Tani waa fursad weyn oo lagu nadiifinayo warshad waqti dheer dhibaato u geysatay carruurteena," ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee California, Rob Bonta.
Iyadoo heshiiskaas qayb ka ahayd ayay Meta haddana beenisay inay wax khalad ah samaysay, waxayna Arbacadii sheegtay in lacagta ay isku af-garteen lagu bixin doono muddo dhowr sano ah oo gaaraya 10 sano.
Garsoore Yvonne Gonzalez Rogers oo ansixisay heshiiska ayaa sheegtay inuu "muujinayo tallaabo cadaalad ah, macquul ah, dhamaystiran oo niyad sami ku dhisan, oo aan ku koobnayn oo keliya bixinta magdhow lacageed, balse si gaar ah diiradda u saaraya beddelidda hab-dhaqanka si dhab ahaan wax looga qabto dhibaatooyinka ay keeneen baraha bulshada ee dacwaddan ku lugta leh."
Inkastoo heshiisku uu daboolayo ku dhawaad Mareykanka oo dhan, dacwaddii ugu horreysay waxaa 2023-dii soo gudbiyay 29 gobol oo ku andacooday in shirkaddu ay si isdaba joog ah u jabisay sharciyada federaalka iyo kuwa gobolka ee ilaaliya xogta gaarka ah ee carruurta.
New Mexico ayaa ka mid ahayd gobolladii aan heshiiskaas ku jirin.
Bishii aynu soo dhaafnay, garsoore federaal ah oo ku sugan gobolkaas ayaa soo saaray go'aan taariikhi ah oo ka dhan ah Meta, isagoo shirkadda ku tilmaamay inay tahay "khatar bulsho" oo la barbar dhigi karo wasakheynta hawada, wuxuuna ku amray inay bixiso ganaax wadartiisu ku dhowdahay hal bilyan oo doollar.
Markii toddobaadkii hore maxkamad ku saabsan kiiska ay ka furantay maxkamad federaal ah oo ku taalla Oakland, California, qareennada u doodaya gobollada ayaa sheegay in shirkadda tiknoolajiyaddu ay la socotay in malaayiin carruur ah oo da'doodu tahay 11 iyo 12 sano ay muddooyinkii la soo dhaafay isticmaalayeen Instagram iyo Facebook, balse ay "ku dhowdahay in aysan waxba ka qaban" si looga joojiyo isticmaalka barahaas.
Inkastoo maxkamaddu ay socotay shan maalmood oo keliya, qareennada gobollada waxay caddaymahooda inta badan ka soo xigteen malaayiin dukumeenti oo ka yimid gudaha Meta oo kiiskan lagu soo bandhigay. Dukumeentiyadaas waxaa ka mid ahaa daraasado ay shirkaddu gudaha ku samaysay, farriimo email ah oo shaqaalaha dhexmaray, iyo wada-hadallo gaar ah oo xitaa gaarayay agaasimaha guud ee shirkadda Mark Zuckerberg.
Mid ka mid ah daraasadihii gudaha ee Instagram lagu sameeyay ayaa lagu yiri "Dhalinyaradu waxay u hadlaan sida dadka maandooriyaha isticmaala marka ay ka sheekeynayaan sida ay u isticmaalaan baraha bulshada." Inkastoo sidaas la ogaa, gobollada ayaa ku eedeeyay Meta inay si ula kac ah u bartilmaameedsatay carruurta da'da yar.
Xeer-ilaaliye Bonta ayaa Arbacadii yiri "Maxkamaddu uma socon si ay Meta ugu roonaato."
Intii maxkamadda kooban ay socotay, Meta waxay ku celcelisay inay sannadihii u dambeeyay dadaal badan gelisay sidii ay baraha ay maamusho uga dhigi lahayd meelo ammaan u ah carruurta, iyadoo lacag iyo waqti badan ku bixisay baaritaanno, cilmi-baaris iyo abuurista qalab cusub oo badbaado ah.
Madaxa Instagram, Adam Mosseri, oo Talaadadii maxkamadda marqaati ku ahaa muddo saacad ah, ayaa yiri "Had iyo jeer waxaan ka shaqeynaa sidii aan u ilaalin lahayn badbaadada dhalinyarada."
Dacwaddii waa la soo afjaray oo heshiis ayaa laga gaaray, sidaas darteed maxkamaddii waa la joojiyay kahor inta uusan Mosseri mar labaad la soo taagin xeerbeegtida.
Intuusan Mosseri hadlin kahor, waxaa maxkamadda soo maray George Volichenko oo horay uga tirsanaan jiray kooxda cilmi-baarista ee Meta, waxaana qareenadu ay kala dul mareen farriimo iyo wada-hadallo gudaha ah oo uu isagu ku jiray, kuwaas oo ku saabsanaa dadaallada Meta ee dhinaca badbaadada.
Volichenko wuxuu sheegay in 2022-kii markii uu Meta ka shaqeynayay ay la yaab ku noqotay sababta kooxdiisa loogu diiday inay si xor ah u tijaabiyaan una hirgeliyaan astaamo cusub oo carruurta lagu ilaalinayo.
Tusaale ahaan waxaa jirtay astaan la oran jiray "quiet mode" oo habeenkii joojin lahayd ogeysiisyada dhalinyarada. Kooxdiisu waxay si fiican u ogaayeen haddii Meta ay astaantaas si iskeed ah u shidi lahayd, dhalinyaro aad u tiro badan ayaa ka faa'iidaysan lahayd.
Wuxuu sheegay in maamulihiisi uu ku yiri "ha isku mashquulin in dad yar ay isticmaalaan, kooxdaan shaqadeeda ugu weyn waa inay shirkadda ka badbaadiso dacwadaha mustaqbalka lagu soo oogi karo, ee ma aha inay si dhab ah u ilaaliso badbaadada carruurta."
Hase yeeshee, heshiiska cusub ee Arbacada la gaaray wuxuu dhigayaa in astaanta "night mode" oo joojinaysa ogeysiisyada laga bilaabo saqda dhexe ilaa 6-ka subaxnimo ay hadda si toos ah u shaqeyso. Taasina waxay ka dhigan tahay in aan qofna u baahneyn inuu gacanta ku shito, waxaana damin kara oo kaliya waalidka ama qofka ilmaha haya.
CJ Mahoney oo ah madaxa sharciga ee Meta ayaa yiri: "Heshiiska aan gaarnay wuxuu waalidiinta siinayaa awood ay si sahlan ugu xakameyn karaan sida ay carruurtoodu u isticmaalaan barahayaga."
Astaamaha kale ee cusub ee dhalinyarada loo sameeyay oo heshiiskaas qeyb ka ahaa waxaa ka mid ah:
- Maalin kasta dhalinyaradu waxay isticmaali karaan Instagram iyo Facebook wadar ahaan 2 saacadood oo keliya, haddii ay rabaan inay xadkaas dhaafaanna waa in waalidkood u oggolaadaa.
- Dhalinyarada lama tusi doono tirada like-yada, xitaa kuwa ku jira boggooda iyo boggaga ay daawadaan labadaba.
- Waxaa jiri doona hab la yiraahdo "School mode" oo joojinaya ogeysiisyada oo dhan saacadaha iskuulku socdo, laga bilaabo 8-da subaxnimo ilaa 3-da galabnimo.
- Marka dhalinyaradu 15 daqiiqo oo xiriir ah isticmaalaan app-ka waxaa u soo bixi doona digniin. Waxaa kaloo ogeysiis loo diri doonaa waalidka marka ay gaaraan 60 daqiiqo iyo 90 daqiiqo oo ay isticmaaleen maalintii.
- Dhalinyaradu waxay dooran karaan in waxa u soo baxaya aysan kala soo bixin sirdoonka macmalka ah (algorithm), ee ay u soo baxaan si caadi ah oo kala horreyn ah.
- Waxay awood u yeelan doonaan inay damiyaan muuqaallada iskood u shaqeysta, si aysan si toos ah u daaran.
- Filterrada wejiga si xad dhaaf ah u beddela ama qurxinta buunbuuniya waa laga saari doonaa, dhalinyaraduna ma isticmaali karaan.
Haddii TikTok, Snapchat iyo YouTube ay iyaguna qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo carruurta, markaa xadka 2-da saacadood ah ee Meta u dejisay dhalinyarada waxaa la dhimi doonaa oo laga dhigi doonaa 1 saac oo kaliya maalintii.
Bonta wuxuu ku dhiirrigeliyay shirkadaha kale inay tallaabadan qaadaan, wuxuuna sheegay in heshiiska lala galay Meta uu yahay tusaale fiican oo ay ku dayan karaan.
Haddii aysan sidaas yeelin, wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu hadda xoogga saari doono sidii loo beddeli lahaa dhammaan shirkadaha baraha bulshada.
Meta-na waxay sheegtay in TikTok iyo YouTube ay iyaguna tahay inay sameeyaan astaamo ammaan oo la mid ah kuwa ay u sameysay dhalinyarada.
Madaxa sharciga ee Meta, CJ Mahoney, wuxuu yiri: isbeddellada cusub ee aan ku soo kordhinay xakameynta waqtiga, habka habeenkii iyo xakameynta waqtiga iskuulka waa tallaabo sax ah oo u wanaagsan dhammaan shirkadaha baraha bulshada laakiin waxay shaqeyn doontaa oo keliya haddii shirkadaha kale ee nala midka ah ay nala qaataan.
YouTube iyo TikTok ayaa loo diray codsi ah in ay arrintan ka hadlaan.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Degmada Columbia Brian Schwalb wuxuu yiri heshiiska lala galay Meta waa guul aad u weyn oo dhinaca caafimaadka bulshada ah.
Wuxuuna intaas raaciyay, hababka cusub ee amniga ah ee lagu amray Meta inay ku xirto Instagram iyo Facebook, waxay si degdeg ah oo gebi ahaanba u beddeli doontaa qaabka ay dhalinyaradu u isticmaalaan barahaas.