You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kaneeco diyaarad soo raacday oo dad ku dishay Jarmalka
- Author, André Rhoden-Paul
- Author, Joe Coughlan
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Labo shaqaale oo ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Frankfurt ayaa u dhintay duumo ka dib markii cudur naadir ah uu sababay in lix shaqaale ah ay qaadaan cudurka halista ah ee ay faafiso kaneecada.
Waxaa la rumeysan yahay in kaneecadu ay diyaarad ku timid garoonka ugu mashquulka badan Jarmalka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dadweynaha ee Jarmalka, taasoo keentay cudur faafa oo markii ugu horreysay la ogaaday bishii Luulyo.
Afhayeen u hadlay shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Fraport ayaa BBC-da u sheegay in shaqaale uu u dhintay cudurka, halka saraakiisha caafimaadka dadweynaha ay sheegeen in labo ka mid ah shakhsiyaadka uu saameeyay ay dhinteen.
Dabinno ayaa lagu rakibay garoonka diyaaradaha, kaneecada la qabtayna waxaa lagu baari doonaa shaybaar si loo ogaado nooca iyo asalka halka ay ka yimaadeen.
"Waxaan dhammaan shaqaalaha siinnay macluumaad dhammaystiran, waxaana ku dhiirrigelinnay inay la tashadaan dhakhtar haddii ay dareemaan wax calaamado ah," ayuu afhayeenka Fraport u sheegay BBC-da.
Cudurkan dillaacay ayaa waxaa baaraya Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Frankfurt.
BBC-du waxay fahamsan tahay in lix shaqaale oo rag ah oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha, kuwaas oo qabta shaqooyin kala duwan kana shaqeeya meelo kala duwan oo garoonka ah, uu cudurku ku dhacay. Saraakiishu waxay falanqaynayaan muunado dhiig ah si ay u ogaadaan in dhammaantood ay qaniintay hal kaneeco iyo in ay ahaayeen lix kaneeco oo kala duwan.
Arbacadii gelinkeedii dambe, saraakiisha caafimaadka dadweynaha ee Frankfurt ayaa warbaahinta u diray warqad ay ku sheegeen in labo ka mid ah dadka uu cudurku saameeyay ay dhinteen.
"Dadka ku nool Frankfurt, khatarta cudurkan waxaa loo arkaa mid aad iyo aad u hooseysa. Cudurku qofba qofka kale uguma gudbo, balse mar walba waxaa gudbiya kaneeco," ayay warqaddu intaas ku dartay.
Waxay sheegtay in baaritaannada shaybaarka ee lagu ogaanayo halka uu cudurku ka yimid aan la filayn in natiijadoodu la helo dhowr toddobaad.
Bishii July ayaa la soo sheegay in cudurku ku dhacay afar shaqaale.
Machadka Robert Koch oo ah hay'ad federaali ah oo ka tirsan dowladda Jarmalka, isla markaana ah machad cilmi-baaris oo qaabilsan xakamaynta cudurrada iyo caafimaadka dadweynaha, ayaa hore u sheegay in afarta shaqaale ay xanuunsadeen intii u dhaxaysay 4-ta iyo 6-da July, ayna kaneecadu diyaaraddan ku timid.
Machadku wuxuu sheegay in duumada ka jirta Jarmalka ay ku dhowaad gebi ahaanba ku dhacdo dadka safarrada dhaadheer gala ee cudurka ka qaada meelaha ay duumadu ku badan tahay, halka duumo lagu kala qaado gudaha garoon diyaaradeed oo Jarmal ah ay tahay arrin naadir ah.
"Safar aan qofku hore u gelin meelaha duumadu ku badan tahay ayaa keeni kara in cudurka si daahsan loo ogaado. Ogaanshaha cudurka oo dib u dhaca wuxuu kordhiyaa khatarta ah in cudurku si daran u saameeyo qofka," ayuu machadku ku sheegay warbixintiisa cudurrada faafa.
Machadku wuxuu intaas ku daray in kiiskii ugu dambeeyay ee duumo ka dillaacda garoon diyaaradeed uu dhacay 2023, sidoo kalena uu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Frankfurt.
Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO), duumadu waa cudur ay faafiyaan noocyo ka mid ah kaneecada marka ay dadka qaniinaan, waxaana inta badan laga helaa waddamada kulaylaha ah.
Caabuqan, oo laga hortagi karo lana daaweyn karo, waxaa sababa dulin, mana aha cudur qofba qofka kale ugu gudba. Si kastaba ha ahaatee, calaamadihiisu waxay noqon karaan kuwo fudud ama kuwo nafta halis gelin kara.