You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Boqolaal qof oo la la’yahay kaddib markii daad ku dhufteen dalka Nepal iyo dadka qaar oo la shaaciyay dalalka ay u dhasheen

Boqolaal qof oo la la’yahay kaddib markii daad ku dhufteen dalka Nepal iyo dadka qaar oo la shaaciyay dalalka ay u dhasheen

Kooban

Tebin toos ah

  1. Gabar jirkeeda 98 boqolkiiba ay ku yaallaan 'bar' ay ku dhalatay

    Haweeney qabta xaalad maqaar oo naadir ah, oo barta lagu dhalasho ay dabooshay 98 boqolkiiba jirkeeda, ayaa ka hadashay sida ay u baratay inay aqbasho muuqaalkeeda ka dib sannado badan oo ay isku dayeysay inay qariso maqaarkeeda.

    Laura Kelly, oo 28 jir ah, waxay ku dhalatay xaalad maqaar oo naadir ah oo loo yaqaan 'melanocytic nevus' waxayna martay 14 qalliin intii ay yarayd, iyadoo ay jiraan cabsi ay dhakhaatiirtu ka qabaan inaysan noolaan karin da'da siddeed jirka.

    Laura waxay sheegtay in calaamadda dhalashada melanin ee ay ku dhalatay ay ka dhigeen inay si aad ah uga warqabto muuqaalkeeda iyo sida dadka aan aqoon ay ula dhaqmi doonaan.

    Waxay intaas ku dartay in aqbalidda muuqaalkeeda iyo kor u qaadista wacyiga ku saabsan melanocytic nevus-ka ay ku dhalatay ay siisay kalsooni dheeraad ah.

  2. Meta oo oo bilyamaad lagu ganaaxay waxyeellada caruurta dartood

    Shirkadda Meta, oo leh Facebook iyo Instagram, ayaa oggolaatay inay bixiso $18 bilyan si loo soo afjaro dacwadaha ay gobollada Maraykanku ku eedeeyeen in baraheeda bulshada ay waxyeello u geysteen carruurta.

    Garsoore ka tirsan California ayaa ansixiyay heshiiska, kaas oo Meta ku bixin doonto lacagta loo xukumay 48 gobol, Washington D.C. iyo saddex dhul oo Maraykan ah. Waa lacagtii ugu weyneyd ee Meta bixiso oo la xidhiidha dacwadaha badbaadada carruurta.

    Meta sidoo kale waxay qaadi doontaa tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo carruurta, sida xaddidaad waqti oo maalinle ah iyo in habeenkii in la xannibo isticmaalka.

    Meta waxay sheegtay in aysan qiran wax khalad ah, lacagta $18 bilyanna lagu bixin doono si sannadle ah muddo 10 sano ah.

    Dacwadda waxaa markii hore 2023 bilaabay 29 gobol, kuwaas oo Meta ku eedeeyay inay jebisay sharciyada federaalka iyo kuwa gobollada ee ilaalinta xogta iyo asturnaanta carruurta.

    New Mexico ayaa ka mid ahayd gobolladii aan qayb ka noqon heshiiskan.

  3. Soo koobid: Waa sidee xaalka Nepal oo dad badan maanta ku dhinteen?

    In ka badan 150 qof ayaa ku dhintay daadad degdeg ahaa oo Arbacadii ka dhacay xadka Nepal iyo Tibet. Aagga ay musiibadu ka dhacday waa meel caan ku ah goobo cibaado, dalxiiska iyo ku safarka buuraha.

    • In ka badan 500 dalxiise ayaa lagu la’yahay Nepal. Waxaa ka mid ah in ka badan 100 qof oo Hindiya u dhashay, 54 Maraykan ah, 33 British ah iyo in ka badan 100 qof oo Nepalese ah.
    • Tibet, warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof ay dhinteen, halka 265 qof la la’yahay.
    • Markii hore waxaa la rumaysnaa in daadadka uu sababay dhulgariir, balse hadda waxaa la sheegay in dhul-go’ uu sababay dhaqdhaqaaqa dhulka, kaas oo markaas keenay daadadka.
    • Ra’iisul Wasaaraha Nepal, Balendra Shah, ayaa sheegay in dalka oo dhan uu yahay mid “naxsan oo aad uga murugaysan” musiibada dhacday.
    • Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinaya biyo badan oo dhoobo leh oo si xoog leh u socda, buundooyin kala goynaya iyo burbur baahsan.
    • Goobta xadka Gyirong, kamaradaha CCTV-ga ayaa muujiyay dad ordaya ka hor inta aysan mawjado biyo ah ku dumin dhisme u dhawaa.
    • Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in tirada dhimashada iyo dadka la la’yahay ay sii kordhi karto maalmaha soo socda, marka la ogaado baaxadda dhabta ah ee musiibada.
  4. Dalal badan oo taageero u fidinaya Nepal kadib daadadkii haleelay

    Nepal ayaa sheegtay in in ka badan 150 qof ay ku dhinteen daadadka, halka boqolaal dalxiisayaal ahna la la’yahay, oo ay ku jiraan 33 qof oo u dhashay UK.

    Dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Nepal ka caawiyaan xaaladdaas haleeshay:

    • Hindiya: Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa sheegay in Hindiya diyaar u tahay inay Nepal siiso dhammaan noocyada gargaarka bani’aadamnimo ee ay awooddo.
    • Maraykanka: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay xidhiidh la leedahay dowladda Nepal, isla markaana ay diyaar u tahay inay caawiso.
    • Midowga Yurub: Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu kordhiyo gargaarka uu Nepal siinayo.
    • UK: Wasiirka Arrimaha Dibadda Ed Miliband ayaa sheegay in kooxaha qunsuliyadda UK ay la shaqeynayaan maamulka deegaanka si ay uga qayb qaataan gurmadka iyo caawinta dadka ay musiibadu saameysay.
    • Canada: Ra’iisul Wasaare Mark Carney ayaa sheegay in Canada ay diyaar u tahay inay Nepal taageerto.
    • Pakistan: Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa sheegay inuu aad uga murugooday musiibadaas, isagoo tacsi iyo naxariis u diray qoysaska dadka dhintay iyo dhammaan dadka ay musiibadu saameysay.
  5. New Zealand oo hubinaysa dadka u dhashay ee lagu la’yahay Nepal

    Mas’uuliyiinta New Zealand ayaa sheegay inay weli baadhayaan in muwaadiniin New Zealand ah lagu la’yahay Nepal kadib daadadkii xoogga badnaa.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga New Zealand ayaa muwaadiniinta dalkaas ee ku sugan Nepal kula talisay inay mar walba raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka, oo ay ku jiraan amar kasta oo daad-gureyn ah.

    Waxay sidoo kale dadka New Zealand-ka ah ee Nepal jooga kula talisay inay qoysaskooda iyo saaxiibadood la xidhiidhaan oo ay u sheegaan inay nabad qabaan, marka ay fursad u helaan.

  6. Maxay dad badan oo 'ajnabi' ahi ugu badan yihiin aagagga daadku ku dhufteen ee Nepal?

    Aagga ay daadadku ku dhufteen waxaa ku yaalla laba haro oo dhaadheer, kuwaas oo ah goobo xaj iyo cibaado oo ay qadariyaan Hinduuga, Buddhistaha iyo Jainism-ka.

    • Haro Mansarovar waxay ku taallaa meel u dhow buurta Kailash ee Tibet.
    • Haro Gosaikunda waxay ku taallaa degmada Rasuwa ee Nepal.

    Sannad kasta tobannaan kun oo dalxiisayaal ah ayaa mara Nepal iyagoo u socda Harada Mansarovar.

    Waqtigan oo kale ee sannadka ayaa si gaar ah loo booqdaa goobahan, waxaana dalxiisayaasha ugu badan ka mid ah Hindiya. Dad badan ayaa sida oo kale u taga Gosaikunda si ay ugu qubeystaan biyaha harada oo ay u arkaan arrin diimeed oo barakeysan.

    Pradeep Pandit, oo ah maamulaha shirkadda Alpine Kailash Trek, ayaa sheegay in waddadani tahay mid aad loo jecel yahay, gaar ahaan xilligan bisha marka dayaxu buuxsamo, taas oo diimaha qaarkood u arkaan waqti nasiib iyo barako leh.

  7. Safaaradda UK oo digniin ka soo saartay daadadka Nepal

    Safaaradda Britain ee Nepal ayaa muwaadiniinta British-ka ah ee ay daadadku saameeyeen kula talisay inay raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka isla markaana ay si dhow ula socdaan xaaladda oo isbeddelaysa.

    Baroness Winterton, oo ah wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Britain, ayaa sheegtay in dowladda UK ay si dhow ula shaqaynayso mas’uuliyiinta Nepal, kadib markii la soo sheegay in muwaadiniin British ah ay ka mid yihiin dadka la la’yahay.

    Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in 12 muwaadiniin British ah, oo ay ku jirto gabar 13 jir ah, lagu soo warramay inay ka mid yihiin dadka la la’yahay kadib daadad xooggan oo ka dhacay Nepal.

  8. War deg deg ah, Eeyo iyo diyaarado loo adeegsanayo baadigoobka dadka fatahaadaha ku maqan

    Eeyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa loo adeegsanayaa baadigoobka iyo samatabixinta Nepal.

    Booliska iyo ciidamada Nepal ayaa adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo eeyo tababaran si ay u raadiyaan dadka ku maqan fatahaadaha.

    Xaalad jaha-wareer ah ayaa ka taagan dalkaas.

  9. War deg deg ah, Sawirradii ugu dambeyay ee xaaladda Nepal oo fatahaadu ku dhufteen

  10. War deg deg ah, Daadadka Nepal : Weli waxaa ka kordhaya tirada dhimashada dadka

    Booliska Nepal ayaa sheegay in 100 qof ay ku dhinteen fatahaadaha xooggan ilaa hadda.

    Dhimashadu waxay ka kala dhacday deegaanno kal aduwan oo fatahaaddu ka dhacday.

    Warbixinnada cusub ayaa muujinaya in tirada dhimashadu weli isbeddelayso iyadoo hawlgallada baadigoobka iyo samatabixintu socdaan.

  11. War deg deg ah, Daadadka Nepal waxaa ku dhintay ilaa iyo hadda 95 qof, halka 403 dalxiisayaal ahaa oo ay ku jiraan muwaadiniin Hindi ah ahna weli la la'yahay.

  12. War deg deg ah, WHO oo ku baaqday xabad-joojin si loo xakameeyo faafitaanka Ebola

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqday in colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo lagu sameeyo xabbad-joojin lix bilood ah, si loo xakameeyo faafitaanka Ebola.

    Agaasimaha WHO ee Afrika, Mohamed Janabi, ayaa sheegay in amni-darradu carqaladeysay la socodka cudurka, gaarsiinta sahayda caafimaadka iyo shaqada shaqaalaha caafimaadka.

    Wuxuu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay fursad siiyaan nabadda, isagoo ka digay in dagaalladu kumannaan qof barakiciyeen oo ay dardar geliyeen faafitaanka cudurka.

    Cudurkan ayaa ah dillaacii labaad ee ugu weynaa taariikhda, waxaana la xaqiijiyay in ka badan 5,000 xaaladood, halka in ka badan 2,000 qof ay dhinteen.

  13. War deg deg ah, Trump oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu weli nool yahay, inkastoo uusan si guud u soo muuqan tan iyo markii uu xilka qabtay kaddib dilkii aabbihii bishii Febraayo.

    Trump ayaa sidaas u sheegay weriyaha muxaafidka ah ee Maraykanka Glenn Beck. Wuxuu sheegay in Khamenei uu si daran uga dhaawacmay dhinaca bidix ee jirkiisa, oo ay ku jiraan gacan iyo lug.

    Mojtaba Khamenei ayaa weli ah hoggaamiyaha Iran iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka iyo Israel. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa joogtada ah ee fagaarayaasha iyo saameynta sii kordheysa ee saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdiisa iyo awooddiisa hoggaamineed.

    Aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu dilay duqeymihii bilowga u ahaa weerarrada Maraykanka iyo Israel ee Iran.

    Trump ayaa marar badan sheegay in Maraykanku uu ku dhow yahay guul ka dhan ah Iran. Hase yeeshee, Maraykanku weli ma xaqiijin in Iran si buuxda u furto Marinka Hormuz ama ay ka tanaasusho hubkeeda iyo qalabkeeda nukliyeerka.

    Wareysiga, Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadiska militari iyo dhaqaale ee lagu hayo Iran uu sii dhalinayo natiijooyin.

    Wuxuu yiri: “Wax walba waxay u socdaan hab guul ah. Dhawaan waxaan halkas ka gaari doonnaa guul weyn.”

    Isagoo ka hadlayay Marinka Hormuz, oo Iran inta badan xannibtay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in marinku furan yahay, isla markaana maraakiib badan hadda loo oggolaanayo inay maraan.

    Wuxuu sheegay in miinooyinkii badda laga saaray, ayna Maraykanku weli caawinayaan maraakiibta si ay uga gudbaan marinka.

    Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uusan oggolaan karin Iran inay hesho hub nukliyeer ah, isagoo sheegay in arrintani tahay qodobka ugu muhiimsan ee colaadda.

    Wuxuu ku andacooday inuu horey laba jeer uga hortagay in Iran ay hesho hubkaas.

  14. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo qaaday tallaabooyin ka dhashay carruutii dabka ku gubatay

    Ugu yaraan 14 carruur ah oo dhawaan dhashay ayaa ku dhintay dab ka kacay mid ka mid ah isbitaallada waaweyn ee dowladda Pakistan. Dabku wuxuu ka kacay qaybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka PIMS ee Islamabad.

    Hal cunug ayaa la sheegay inuu badbaaday. Afhayeenka isbitaalka ayaa sheegay in dabku ka billowday qalabka qaboojinta hawada, kadibna uu si degdeg ah ugu faafay qaybta isku xirrada ogsijiinta.

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa muujiyay caro xooggan, wuxuuna xilka ka qaaday Xoghayaha Federaalka Caafimaadka.

  15. War deg deg ah, Meta oo heshiis la gaartay gobolladii eedeynta u jeediyay

    Wararka ka imanaya Maraykanka ayaa sheegaya in Meta, oo ah shirkadda iska leh Facebook iyo Instagram, ay heshiis la gaartay 29 gobol oo Maraykan ah oo ku eedeeyay inay carruurta waxyeello u geysatay.

    Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Meta ay bixin karto ilaa 17 bilyan oo dollar, inkastoo shirkaddu ay beenisay in ay wax khalad ah sameysay.

    Sida ay Reuters ka soo xigatay dukumiintiyada maxkamadda, Meta waxay xaddidi doontaa waqtiga ay dhalinyaradu isticmaalaan baraha iyo sidoo kale waxay habeenkii xannibi doontaa isticmaalka.

    Gobolladu waxay ku eedeeyeen Meta inay adeegyada u naqshadeysay si carruurta looga dhigo kuwo ku tiirsanaada, isla markaana ay qarisay cilmi-baaris arrintaas ku saabsan.

  16. War deg deg ah, Carruur badan oo u dhintay cudurka gowracatada

    Ugu yaraan 50 carruur ah ayaa ku dhintay cudurka diphtheria oo ka dillaacay waqooyi-galbeed Nigeria.

    Mas’uuliyiinta gobolka Kano ayaa sheegay in cudurku ku fiday lix degmo oo dowladeed, waxayna ugu baaqeen maamulka deegaanka inuu geeyo shaqaale caafimaad oo dheeraad ah, isla markaana qaado tallaabooyin degdeg ah meelaha ugu khatarta badan.

    Diphtheria oo loo yaqaanno gowracatada waa cudur bakteeriyo ah oo si fudud u kala qaada, wuxuuna sababi karaa xanuun daran iyo dhimasho, gaar ahaan carruurta aan la tallaalin.

  17. War deg deg ah, Dalalka ay u dhasheen dadka la la'yahay oo hadda la shaaciyay

    Sida aan soo sheegnay, 384 qof oo safar ku jiray ayaa la sheegay in la la’yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin 93 muwaadin Nepal u dhashay iyo 291 ajaanib ah.

    Sida uu sheegay Guddiga Dalxiiska Nepal, ajaanibta la la’yahay waxaa ka mid ah:

    • 12 muwaadin oo British ah
    • 105 Hindi ah
    • 37 Hindi ah oo aan dalka deggenayn
    • 17 Malaysian ah
    • 4 Koonfur Afrikaan ah
    • 3 Maraykan ah
    • 1 Australian ah
    • 1 Dutch ah
    • 111 qof ayaa weli jinsiyaddooda la xaqiijin.
  18. Degdeg: tiro dad ah oo dhimashadooda la xaqiijiyay

    Booliska Nepal ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ku sheegeen in 18 qof la xaqiijiyay inay dhinteen ilaa iyo hadda inta la ogyahay.

    War-saxaafadeedka ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in hal qof laga helay isagoo ku dhintay Rasuwa, toddoba qof Nuwakot, lix qof Dhading, halka afar qof oo Kalena lagu helay Gorkha.

  19. Degdeg: Boqollaal qof oo lagu la'yahay dalka Nepal iyo jaha-wareer halkaa ka taagan

    Boqolaal qof ayaa la la’yahay kaddib markii daad xooggan oo kedis ah ay ku dhufteen halkaasi kadi fatahaad ka dhalatay webiga Bhote Koshi, oo ku yaalla xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.

    Guddiga Dalxiiska Nepal ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in guud ahaan 384 qof oo safar ku jiray la la’yahay, kuwaas oo ay ku jiraan 291 ajaanib ah iyo 93 muwaadiniin Nepal ah.

    Guddigu wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay xaqiijinta halka ay dadkaasi ku sugan yihiin iyo xaaladdooda caafimaad.

    Daadku wuxuu ku dhuftay deegaanka Rasuwa aroornimadii hore ee saaka, oo waqooyi ka xigta caasimadda Nepal ee Kathmandu.

  20. War deg deg ah, Dalka Sudaan oo dad rayad ah lagu laayay

    Ugu yaraan 27 qof, oo ay ku jiraan afar carruur ah, ayaa ku dhintay rabshado cusub oo ka dhacay gobolka Koonfurta Kordofan ee Sudan.

    Wararka ayaa sheegaya in weerarradu ka dhaceen deegaannada Qardud iyo Abu Hamama, halkaas oo ay degto bulshada Otoro, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dhowr haween ah.

    Ururka Dhakhaatiirta Sudan ayaa kooxda fallaagada ah ee SPLM-N, oo uu hoggaamiyo Abdel Aziz al-Hilu, ku eedeeyay inay weerarrada geysatay. Ururku wuxuu sheegay in weerarrada lagu qaaday dadka rayidka ah ay dhaceen xilli uu sii xoogeysanayay iska horimaadka u dhexeeya kooxda iyo bulshada Otoro.

    Ururku wuxuu sheegay in weerarradu sababeen barakac ballaaran, iyadoo dad badan ay u qaxeen deegaannada Abu Hitan iyo Kadugli.

    Waxa kale oo uu ka digay in weerarrada joogtada ah ee dadka rayidka ah loogu qaadayo sabab la xiriirta kala duwanaanshaha qowmiyadeed ay isu beddeli karaan colaad qowmiyadeed oo ka sii ballaaran tan hadda. Wuxuu sheegay in weerarrada lagu qaado haween iyo carruur aan hubaysnayn ay yihiin xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.