Madaxweynaha Maraykanka Donald
Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba
Khamenei, uu weli nool yahay, inkastoo uusan si guud u soo muuqan tan iyo
markii uu xilka qabtay kaddib dilkii aabbihii bishii Febraayo.
Trump ayaa sidaas u sheegay
weriyaha muxaafidka ah ee Maraykanka Glenn Beck. Wuxuu sheegay in Khamenei uu
si daran uga dhaawacmay dhinaca bidix ee jirkiisa, oo ay ku jiraan gacan iyo
lug.
Mojtaba Khamenei ayaa weli ah
hoggaamiyaha Iran iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka iyo Israel. Si
kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa joogtada ah ee fagaarayaasha iyo saameynta
sii kordheysa ee saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa
dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdiisa iyo awooddiisa hoggaamineed.
Aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei,
ayaa lagu dilay duqeymihii bilowga u ahaa weerarrada Maraykanka iyo Israel ee
Iran.
Trump ayaa marar badan sheegay in
Maraykanku uu ku dhow yahay guul ka dhan ah Iran. Hase yeeshee, Maraykanku weli
ma xaqiijin in Iran si buuxda u furto Marinka Hormuz ama ay ka tanaasusho
hubkeeda iyo qalabkeeda nukliyeerka.
Wareysiga, Trump wuxuu carrabka ku
adkeeyay in cadaadiska militari iyo dhaqaale ee lagu hayo Iran uu sii dhalinayo
natiijooyin.
Wuxuu yiri: “Wax walba waxay u
socdaan hab guul ah. Dhawaan waxaan halkas ka gaari doonnaa guul weyn.”
Isagoo ka hadlayay Marinka Hormuz,
oo Iran inta badan xannibtay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in marinku furan
yahay, isla markaana maraakiib badan hadda loo oggolaanayo inay maraan.
Wuxuu sheegay in miinooyinkii
badda laga saaray, ayna Maraykanku weli caawinayaan maraakiibta si ay uga
gudbaan marinka.
Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku
adkeeyay in Maraykanku uusan oggolaan karin Iran inay hesho hub nukliyeer ah,
isagoo sheegay in arrintani tahay qodobka ugu muhiimsan ee colaadda.
Wuxuu ku andacooday inuu horey laba
jeer uga hortagay in Iran ay hesho hubkaas.