Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

Doon mareysa Marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Ruth Comerford
    • Author, Ghoncheh Habibiazad
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ku qaaday laba xarumood oo ay yaalleyn qalabka laga rido gantaallada oo Iiraan leedahay jasiiradda Larak, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Tani waxay noqonaysaa duqeyntii ugu horreysay ee la ogyahay oo Mareykanku ku qaado Iiraan tan iyo dhammaadkii bishii Luulyo.

"Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa la arkayay iyagoo isu diyaarinaya inay gantaallo wata miinooyin badeed ku ridaan marinka Hormuz," ayuu yiri taliyaha Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), sida laga soo xigtay CBS News oo BBC bah-wadaag la ah.

IRGC ayaa sheegtay in weerarkii Axaddii lagu dilay laba qof, laba kalena lagu dhaawacay, iyadoo ku hanjabtay "jawaab iyo ciqaab". Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa markii dambe sheegtay in IRGC ay weerar ku qaaday bartilmaameedyo militari oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla Urdun.

BBC ayaa la xiriirtay CENTCOM si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan, balse kama soo jawaabin

Ciidanka Urdun ayaa wax yar kadib bayaanka IRGC sheegay inay soo rideen siddeed gantaal.

"Ciidamada difaaca cirka ayaa qabtay siddeed gantaal oo ku soo xadgudbay hawada Boqortooyada waaberigii maanta oo Isniin ah," ayay ciidamada qalabka sida ee Urdun ku sheegeen bayaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda ee Petra, iyagoo soo xiganaya afhayeenka ciidamada.

Duqeynta Mareykanka ayaa ah weerarkii ugu horreeyay inta ee la ogyahay oo Iiraan lagu qaado tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu hakiyay hawl-galladdii militari ee dhacay dhammaadkii bishii Luulyo. Jasiiradda Larak waxay wax yar u jirtaa dekedda muhiimka ah ee Bandar Abbas, waxayna ku taallaa si toos ah marinka Hormuz, oo ah marin-biyood muhiim u ah maraakiibta ganacsiga caalamka.

Iiraan ayaa xilligan ku qasbaysa maraakiibta shidaalka qaada inay jasiiraddan agteeda maraan si loo baaro, waxaana la sheegayaa inay maraakiibta ku qasbeyso inay bixiyaan $2 milyan (£1.5 milyan) si ay uga gudbaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hosseïn Mohebbi, afhayeenka IRGC, ayaa weerarka ku tilmaamay "khalad istiraatiiji ah oo halis ah oo uu galay taliska Trump", wuxuuna sheegay in "cadowgu uu bixin doono cawaaqibka xisaabtan-darradan dhinacyada dhaqaalaha iyo militarigaba".

Wakaaladda wararka Tasnim ee Iiraan, oo xiriir la leh IRGC, ayaa hore u sheegtay in weerarka lagu fuliyay diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

Saacado kadib, warbaahinta Iiraan ayaa baahisay bayaan ay IRGC ku sheegtay inay gantaallo ballistic ah ku weerartay saldhigyada Mareykanka ee King Hussein iyo Al-Azraq ee Urdun, taas oo ay ku tilmaantay jawaabtii weerarkii Jasiiradda Larak.

IRGC waxay sheegtay inay geysatay "khasaaro xooggan", ayna bartilmaameedsatay "kaabayaasha farsamada, xarumaha dayactirka iyo goobaha ay fadhiyaan diyaaradaha dagaalka ee cadowga", sida lagu sheegay tarjumaad ay samaysay wakaaladda wararka AFP.

Saacado kadib duqeynta, Trump ayaa bartiisa Truth Social soo dhigay muuqaallo muuqaal ahaan u ekaa kuwo AI lagu sameeyay, kuwaas oo muujinaya kaabayaal shidaal oo qarxaya.

Mid ka mid ah muuqaaladaas waxaa uu ku qoray: "Jasiiradda Kharg oo burbureysa!" Qoraalkiisa faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

Trump ayaa toddobaadkii hore sheegay in dhammaan miinooyinkii ay Iiraan dhigtay marinka Hormuz iyada oo qayb ka ah dadaalladeeda lagu xannibayo marinka, la qarxiyay ama laga saaray. Wuxuu sheegay in Iiraan looga digay in markab ama doon kasta oo dhigta miinooyin cusub "la burburin doono".

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa hadalka Trump ku tilmaamay "dacaayad iyo marin-habaabin".

Iiraan ayaa wajahaysa cadaadis dhaqaale oo cusub kadib markii Washington ay 24-kii Agoosto ku dhawaaqday olole cusub oo cunaqabateyn ah, kaas oo looga gol leeyahay in Tehran sii go'doomiso isla markaana cunaqabateynaha labaad lagu ballaariyo xulafadeeda.

Saraakiisha Iiraan iyo warbaahinta dowladda ayaa inta badan meesha ka saaray ololahan, iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay sii wadidda tallaabooyinkii hore ee dhaqaale ee Mareykanka. Waxay ku doodayaan in tallaabooyinkaas ay daba socdeen fashilka militari ee Washington kala kulantay dagaalkii dhowaan dhacay.

Mareykanka iyo Israa'iil ayaa 28-kii Febraayo qaaday duqeymo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan. Iiraan ayaa iyaduna ka jawaabtay iyadoo weerartay Israa'iil, saldhigyada Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah ee Khaliijka, waxayna si wax ku ool ah u xirtay marinka Hormuz oo ay maraakiibtu isticmaalaan.

Dagaalka Iiraan ayaa hadda dhaafay lix bilood.

Qiyaastii 20% shidaalka dunida iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ayaa marayay marinkan ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.