Burcad-badeed xeebaha Soomaaliya ku afduubtay markab shidaal siday

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Mohamed Dahir

Qoraalka sawirka, Falalka burcad-badeednimada ka dhaca xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacday kadib sanadkii 2011, kaddib faragelin caalami ah, balse sanadihii u dambeeyay ayay mar kale dib u soo cusboonaatay
    • Author, Mohamed Gabobe
    • Reporting from, Mogadishu
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Burcad-badeed ayaa afduubtay markab shidaal siday oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kaas oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay BBC-da u sheegeen dhowr sarkaal oo amni.

Sida ay saraakiishu sheegeen, markabka oo lagu magacaabo Honour 25 ayaa habeenkii Arbacada la qabsaday kadib markii lix nin oo hubeysan ay xoog ku galeen, xilli uu ku sugnaa qiyaastii meel 30 mayl-badeed badda uga baxsan xeebta.

Ilaa saddex sano ka hor, burcad-badeednimadu waxay si weyn uga yaraatay qaybtan Badweynta Hindiya oo horey caan ugu ahayd afduubyada maraakiibta, balse waxay dib u soo laabatay sanadihii u dambeeyay, iyadoo la beegsanayo maraakiib kalluumeysi ama kuwa xamuulka qaada.

Qabsashada markabkan oo ku sii jeeday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la filayaa inay kordhiso welwelka ka jira magaalada, halkaas oo qiimaha shidaalku uu saddex jibbaarmay tan iyo billowgii dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran.

Markabka la afduubay ayaa siday 18,500 fuusto oo shidaal ah, sida ay BBC-da u sheegeen saraakiil amni oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Markabkan ayaa ka baxay dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland 20-kii Febraayo, waxaana uu gaaray meel u dhow xeebaha Imaaraadka Carabta wax yar kadib markii uu bilowday khilaafka, sida laga soo xigtay website-ka ShipAtlas.

Khariidadda maraakiibta ayaa sidoo kale muujisay in markabku uu ku wareegayay biyaha u dhow Marinka Hormuz, ka hor inta uusan dib u soo noqon 2-dii Abriil, isagoo u socday dhinaca Muqdisho.

Markabkan oo hadda ay gacanta ku hayaan burcad-badeed, isla markaana siday 17 shaqaale ah — 10 Pakistani ah, 4 Indonesian, 1 Hindi, 1 Sri Lankan iyo 1 Myanmar ah — ayaa la sheegay inuu ku xirtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, inta u dhaxaysa magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafuun iyo Bander Beyla.

Shan nin oo hubeysan oo dheeraad ah ayaa markii dambe ku biiray markabka Honour 25, sida ilo xog ogaal ahi sheegeen.

Saraakiisha ayaa aaminsan in afduubayaasha ay ka soo dhaqaaqeen aag fog oo u dhow Bander Beyla, balse lama yaqaan sida ay u suurtagashay inay dhexda u galaan oo ay ula wareegaan markabka shidaalka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, kuwaas oo ka shaqeeya la dagaallanka burcad-badeedda biyaha Soomaaliya.