Nin ku sigtay in uu ka dhaco diyaarad markii ay jabtay daaqaddii uu fadhiyay

Ryanair

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Rakaabka diyaarad ay leedahay shirkadda Ryanair ayaa sheegay in intii ay duullimaadka ku jireen ay daaqadda diyaaraddu jabtay, taas oo keentay in nin rakaab ka mid ahaa uu ku dhowaado in uu dibadda ugu soo baxo madax-madax kaddib markii uu cadaadiska hawada dibadda u soo jiiday.

Xogta raadraaca duullimaadka ayaa muujinaysa in diyaaraddu markii ay hawada ku jirtay qiyaastii 10 daqiiqo, ay si lama filaan ah hoos ugu soo dhacay masaafo dhan 9,000 oo feet (2,700 mitir). Rakaabka ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ay maqleen dhawaaq u eg "qarax".

Masuul ka tirsan isbitaal ku yaalla dalka Giriigga ayaa sheegay in nin 61 jir ah oo u dhashay dalka Serbia uu soo gaadhay dhaawac, haddana lagu daawaynayo isbitaalka. Michalis Giannakos ayaa sheegay in ninka xaaskiisa ay qiyaastii shan daqiiqo haysay lugihiisa si aanu cadaadiska hawada awgeed daaqadda uga bixin.

Shirkadda Ryanair ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duullimaadkan oo Maalintii Jimcaha ka ambabaxay magaalada Thessaloniki ee dalka Giriigga kuna sii jeeday Memmingen ee dalka Jarmalku, uu dib u soo laabtay wax yar kaddib markii uu kacay, intii aanay daaqad u dhowayd mid ka mid ah rakaabka aanay meesheedii ka bixin intii ay duullimaadka ku jireen.

Shirkadda duullimaadka ee laga leeyahay dalka Ireland ayaa sheegtay in diyaaraddu ay si caadi ah u soo degtay, rakaabkiina ay ku laabteen terminal-ka. "Hal rakaab ah ayaa ka codsaday gargaar caafimaad, magaalada Thessaloniki, waxaana la siiyay gargaarkii caafimaad ee uu u baahnaa." Shirkadda ayaa intaas ku dartay in diyaarad kale oo beddel ah loo diyaariyay rakaabka dhowr saacadood kaddib si loo geeyo Memmingen.

Rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ninka jidhkiisa ilaa garbaha uu madax-madax uga laalaaday daaqadda dibaddeeda. Sida ay sheegeen, rakaabka ayaa ninka qabtay oo dib ugu soo jiiday gudaha diyaaradda.

Dadka qaar oo diyaaradda saarnaa ayaa sidoo kale sheegay in daaqaddu ay u jabtay kaddib markii ay ku dhaceen firidh ka dhashay matoorka. Si kastaba ha ahaatee, Ryanair kama bixin wax faallo ah arrintan.

Ryanair

Christina oo saarnayd isla duullimaadkaas ayaa u sheegtay Idaacadda Radio Thessaloniki: "Waxaan isla markiiba ogaannay in cadaadiskii hawada ee gudaha uu hoos u dhacay. Qaylo iyo baryo ayaa bilaabantay... Daqiiqad gudaheed waxaan u maleeyay in qof uu si lama filaan ah u furay albaabka gurmadka degdegga ah."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay intaas ku dartay: "ogsajiinta ayaa hoos u soo dhacay, waxaana la dareemayay ur aad u xooggan. Hal rakaab ah madaxiisana iyo garbahiisa waxay jireen daaqadda dibaddeeda. Nasiib wanaag, muu furin suunka badbaadada ee kursigiisa."

Rakaab kale oo la yiraahdo Sofia ayaa iyaduna u sheegtay Radio Thessaloniki: "Markii ay ogsajiinta hoos u soo dhacday, ma aanan ogayn waxa dhici doona. Ma aanan hubin in aan dib u laaban doono iyo in kale. Waxaan fadhinnay qaybta dambe ee diyaaradda, waxaana dareennay in uu dhacay nooc qarax ah."

Diyaaradda shilku ku dhacay ayaa la rumeysan yahay in ay jirto 18 sano, waxaana maamulaysay shirkadda Malta Air oo ay wadaagaan shirkadda Ryanair.

Shirkadda Fraport Greece oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Thessaloniki, ayaa sheegtay in Hay'adda Badbaadada Cirka iyo Tareennada ee Hellenic ay baadhitaan ku hayso dhacdadan. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in hay'addu ay si buuxda ula shaqaynayso dhammaan dhinacyada ay khuseyso, islamarkaana la hawlgaliyay nidaamkii gurmadka degdegga ah kaddib markii ay diyaaraddu si degdeg ah dib ugu soo laabatay.

Hay'adda Duullimaadyada ee Ireland ayaa hore u sheegtay in ay ka warhayaan dhacdadan, ayna siin doonaan baadhayaasha caawimaad kasta oo ay u baahan yihiin.

Chris Brady oo ah duuliye hawlgab ah, ayaa u sheegay in ay dhacdadani "noqon lahayd mid ka sii daran" haddii aanan suunka badbaadada loo xidhi lahayn rakaabka. Chris Brady wuxuu sheegay in kabtannada diyaaraduhu ay had iyo jeer ka codsadaan rakaabka in ay suunka badbaadada xidhnaadaan inta ay duullimaadka ku jiraan xitaa marka ay damiso calaamadda muujinaysa xidhashada suunka, taasi oo ah tallaabo taxaddar ah.

Wuxuu intaas ku daray in taladan loo bixiyo si looga hor tago dhacdooyinka noocan oo kale ah ama ruxanka daran ee ka dhasha hoos u dhaca degdegga ah ee cadaadiska hawada. "Sidaas darteed, in suunka badbaadadu uu mar walba kuu xidhnaado waa caado wanaagsan."

Sannadkii 2018, duullimaad ay lahayd shirkadda Southwest Airlines ee dalka Mareykanka, ayaa daaqad ka mid ah daaqadaheedu ay u jabtay firidh ka dhashay matoor ka mid ah matoorada diyaaradda, taas oo keentay in haweenay rakaab ahayd ay qayb ahaan dibadda ugu soo baxdo, taasina ay sababto geerideeda.