Sida dagaalka Iran oo uga sii daray xaalka caruurta nafaqa-darradu hayso ee Soomaaliya

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Carruurta ay nafaqo-xumada hayso ee Soomaaliya, oo ay horeba u haysatay masiibooyinka mataanaha ah ee macaluusha iyo dhimista gargaarka shisheeye, ayaa dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran waxa uu uga dhigan yahay in ka badan qiimaha shidaalka ee sare u kacay; waa nolol iyo geeri.

yaraanta cuntooyinka naf-badbaadinta ah ee ay uga sii dartay carqaladaynta maraakiibta ayaa ku qasbaysa rugaha caafimaadka inay ka waji dadbaan carruurta nafaqo-xumada ba'an warbixinta Reuters ayaa muujisay.

Ku dhawaad nus milyan carruur ah oo da'doodu ka yar tahay 5 sano ayaa la ildaran "nafaqo-xumo ba'an" nooca ugu badan ee gaajo nafta halis gelisa, dib u dhacyada ayaa iyana ka sii daraya saamaynta dhimista gargaarka.

Caruurta Soomaaliyeed ee ku tiirsan gargaarka sii yaraanaya

Howlwadeennada caafimaadka ee Baydhabo iyo Muqdisho ayaa sheegay in ay ku qasbanaadeen in ay fidiyaan kayd yar oo caano gaar ah iyo buskud nafaqo leh oo la sameeyo lawska oo muhiim u ah badbaadinta carruurtan.

"Maadaama baahidu ay badan tahay oo aanan haysan wax badan, waxaan ku qasbanahay inaan sii wadno dhimista xaddiga aan carruurta siino," ayuu yiri kalkaaliye caafimaad Xasan Yaxye Kheyre.

225-ka kartoon ee buskudka lawska ka samaysan ee ku haray rugtiisa, oo lagu daweeyo in ka badan 1,200 oo carruur ah, waxay u badan tahay inay ku dhammaan doonaan laba toddobaad gudahood, sida uu sheegay Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah, ee taakuleysa xarunta.

IRC waa mid ka mid ah saddex kooxood oo gargaar oo sheegay in dib u dhaca gaadiidka iyo sare u kaca kharashaadka ee ku xiran dagaalka Iran ay ka dhigayaan xaalada mid xun oo markii horeba sii cakiranayd.

Xarun caafimaad oo ku taalla Koonfgalbeed Soomaaliya oo ay maamusho hay'ad xulado la ah ICRC oo lagu magacaabo READO, ayaa hooyo Muumino Aadan Aamin oo sagaal carruur ah haysata isku dayday in ay gabadheeda Ruweydo oo 11 bilood jir ah u hesho buskudka lawka ka samaysan.

Ruweido waxay siticmaaleysay saddex bac maalintii, laakiin Aamina laba jeer ayaa la diiday sababtoo ah rugta caafimaadka ayay ka dhammaanaysay buskudkaan nafaqada leh.

Aamina waxay ku dhowaatay inay gabadheeda Anisa gaajo ku weyso markii abaar hore ay Soomaaliya qarka u saartay macaluul 2017 kii. "Lafo iyo maqaarka kaliya," ayay ahayd, waxay ku badbaaday buskudka lawska laga sameeyoayay tiri Aamina.

Sagaal sano ka dib, abaar cusub ayaa 6.5 milyan oo qof, ama, mid ka mid ah saddexdii qof ee Soomaali ah, ku riixday gaajo daran, kooxaha gargaarkuna waxay si quus ah isugu dayayaan inay gargaar fidiyaan.

Amar IRC ay bixisay oo ku aadanaa keenista buskud quudin lahaa in ka badan 1,000 carruur ah ayaa labo bilood ka hor ku xayiran dekedda Mundra ee Hindiya, maadaama shixnado la leexsaday oo aysan awoodin in ay ku xirtaan Khaliijka, ayay tiri Shukri Cabdulqaadir, Isuduwaha IRC ee Soomaaliya.

Ka dib markii loo sheegay in buskudka lawska, ee lagu sameeyay Hindiya, ay qaadan doonto ugu yaraan 30 maalmood oo kale si ay u soo gaarto Soomaaliya, IRC way joojisay dalabkii.

Waxay si degdeg ah u dalbatay 400 oo kartoon oo laga keenay Nairobi, waxayna sahayda Muqdisho geynaysaa Baydhabo iyadoo la sugayo tii hore.

Laakiin kororka ku yimid qiimaha xamuulka iyo wax soo saarka ayaa qiimaha hal kartoon ka dhigay $200 halkii ay ka ahayd $55, sida ay sheegtay hay'adda CARE International, oo dalabkeedii ugu dambeeyay ee hadda iibsanayo uu ku filan yahay 83 carruur ah oo keliya halkii uu ka ahaan lahaa 300.