Sawirro: Boqoradda ayaa horkaceyso aaska loo sameeyey Amiir Philip

Published

Boqoradda ayaa hoggaamin doonta xubnaha qoyska boqortooyada iyo mas'uuliyiinta qaranka ee ka qayb galaya aaska loo sameynaya seygeeda geeriyooday Amiir Philip oo maanta oo sabti ah ka dhacaya Windsor Castle.

Tira kooban oo ka mid qoyska boqortooyada oo ay ka mid yihiin afar carruur ah oo uu Amiirku dhalay iyo Amiir William iyo Amiir Harry ayaa ka mid ah dadka daba soconaya naxashka Amiirka. Waxaana la sii qaadi doonaan masaafada u dhaxeysa gudaha qalcada qasriga boqortooyada ilaa iyo dhismaha St George's Chapel iyada oo naxashkana lagu qaadayo gaari Land Rover ah uu naqshadeyntiisu Amiirka gacan ka geystay.

Aamusnaan qaran oo daqiiqad ah ayaa la sameeyn doonaa saacaddu markay tahay 15:00 xilliga Ingiriiska waxyar un ka hor inta uu aasku dhicin.

Munaasabadda aaskana wuxuu ka dhici doonaa gudaha qasriga iyada oo dadweynaha laga codsaday iney ku soo uruurin goobta uu aaska ka dhacay ama qasriyada kale ee boqortooyada.

Ciidama horsafan bannaanka hore ee St George's Chapel ka hor inta uusan dhicin aaska Amiir Philip loogu sameynayo Windsor Castle

Xigashada Sawirka, Reuters

Xubnaha qoyska boqortooyada iyo xubnaha qoyska Amiirka geeriyooday ee aan sagootinta ka qayb qaadanin ayaa gaaray St George's Chapel.

Catherine, oo gaartay dhismaha St George's Chapel ee Windsor Castle oo ah halka lagu aasaya Amiirka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Catherine, oo gaartay dhismaha St George's Chapel ee Windsor Castle oo ah halka lagu aasaya Amiirka
Amiiradda Cornwall oo timid St George's Chapel.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qaar ka mid ah fardooleyda boqortooyada oo aaska ka hor dhismaha hor marayey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar ka mid ah fardooleyda boqortooyada oo aaska ka hor dhismaha hor marayey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada ilaada ee ka tirsan kooxda baambeyda oo gpoobta ku sii socda

Xigashada Sawirka, Getty Images

1px transparent line
Kooxda baambeyda ciidamada oo goobta aaska ku sugan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada boqorka iyo Fardooleyda oo ku sii wajahan Windsor Castle inta uuaaska dhicin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada boqorka iyo Fardooleyda oo ku sii wajahan Windsor Castle inta uuaaska dhicin

Xigashada Sawirka, REX / Shutterstock

Kumannaan shacab ah ayaa daawanaya ciidamada fardooleyda ee boqortooyada oo safaf dhaadheer ku socda una sii jeeda Windsor castle.

Tobanannaan ciidmada fardooleyda ah oo xiran dhar ka kooban midabbada madowga, dahabiga iyo casaanka oo hubkoodana wata ayaa iyagana ku sii socda albaabka kore ee Cambridgedhismaha laga soo galo.

Dad badan oo ku sii socda Windsor Castle ka hor inta uu aaska dhicin

Xigashada Sawirka, REX / Shutterstock

Qaar ka mid ah fardooleyda boqortooyada inta uusan dhicin aaska loo sameeynaya Amiir Philip oo geeriyooday isaga oo da'diisu ahayd 99 jir oo aaska ka hor dhismaha hor maraya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qof shacab ah oo qaddarin u muujinaya ciidamada fadooleeyda boqortooyada ee safafka dhaadheer ku socdaee ku sii jeeda Windsor Castle, Berkshire

Xigashada Sawirka, PA Media

Qaar ka mid ah ciidamada ayaa muddo daqiiqada ah bariga Windsor Castle ka gani doono madaafiic marka naxashka Amiir Philip laga qaado qarsiga oo loo wado halka lagu aasayo.

Qaar ka mid ah fardooleyda boqortooyada oo aaska ka hor dhismaha hor marayey

Xigashada Sawirka, PA Media

Qaar ka mid ah shacabka ayaa soo gaaray Windsor si ay Amiirka qaddarin ugu muujiyaan balse goobta ayaa u muuqata mid aamusan maadaamaa xayiraadaha dartood loo diiday iney dad badan iisu yimaaddaan.

Qaar ka mid ah ciidamada Fardooleyda boqortooyada oo aaska ka hor Windsor soo gaaray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dad tacsida ka qay qaadanaya oo bannaaka Windsor Castle ku sugan oo sita sawirro muujinaya Amiirka Philipka geeriyooday iyo qoyskiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Astaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar ka mid ah saxaafadda oo ku sugan bannaanka Windsor Castle si ay u tabiyaan munaasabadda aaska loo sameeynayo Seyga boqorad Elizabeth Amiir Philip oo ku 99 jir ku geeriyooday.

Xigashada Sawirka, Reuters

Amiirka laftiisa ayaa doortay in lagu aaso St George's Chapel.

Abaalmarinnada, billadaha iyo hadiyadaha uu Amiirka ka guddoomay dalka UK iyo waddamada barwaaqa sooranka ayaa sida oo kale la soo bandhigay.

Billado iyo abaalmarinno inta uu noola Amiir Philip la guddoonsiiyey oo goobta lagu aasayo lagu soo bandhigay.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qaar ka mid ah billadaha Aaiir Philip inta uu noolaa la guddoonsiiyey ee la soo bandhigay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah billadaha Aaiir Philip inta uu noolaa la guddoonsiiyey ee la soo bandhigay
Leyr laga dhex shiday Windsor CAstle oo ay biyuhu qabanayaan kaasoo loogu talagalay in lagu maamuuso aaska maanta loo sameeynaya Amiir Philip.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhammaan sawirrada waxay leeyihiin xuquuqda Sawirka.