War deg deg ah, Heshiisku ma qaadi doonaa xannibaadaha saaran Marinka Hormus?
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, BBC, Somali

Xigashada Sawirka, Reuters
Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaadhay heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna qaadayayo xannibaadaha maraakiibta ee marinka Hormus, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu weli ansixin, warbaahinta dowladda Iiraan-na ay sheegtay in aan weli la dhammeystirin.
Sida ay sheegeen afar ilo oo arrintan xog-ogaal u ah, heshiiskan ayaa kordhinaya xabbad-joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana u oggolaanaya isu-socodka maraakiibta marinka biyaha istiraatiijiga ah, iyadoo wada-xaajoodyo lagu xallinayo arrimo adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay sii socdaan. Haddii ay ansixiyaan hoggaanka Washington iyo Tehran, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weyneyd ee loo qaaday dhanka nabadda tan iyo markii colaaddu bilaabatay 28-kii Febraayo.
Wararka ku saabsan heshiiskan suurtagalka ah ayaa yimid kadib is-weydaarsi weerarro ah oo ay labada dal is-dhaafsadeen, taas oo ah dhacdadii ugu dambeysay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay horraantii Abriil.
Siday qortay Reuters Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump aanu weli ansixin heshiiska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo bixiyo, halka Iiraan ay sidoo kale aanay weli ka hadlin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay baahisay Axios.


