War deg deg ah, Dowladda Qadar oo ka dacwootay Iiraan kana dalbatay magdhow

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Qadar ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Iiraan weerarradii lagu qaaday dalkeeda isla markaana ka codsatay inay bixiso magdhowga dhammaan khasaaraha ka dhashay.
Warqadahaas, Qadar waxay ku sheegtay in Iiraan ay 7-dii Luulyo weerartay markab shidaal oo ku sugnaa meel u dhow Marinka Hormuz, ka hor inta aysan gantaallo kale u soo ridin dalka 12-kii iyo 17-kii Luulyo.
Mas'uuliyiinta Qadar ayaa sheegay in saddex qof, oo uu ku jiro hal cunug, ay ku dhaawacmeen weerarkii 12-kii Luulyo, kaddib markii burburka gantaallo qarxay uu ku dhacay xaafado ay dad rayid ahi deggan yihiin.
Qadar waxay sheegtay in weerarradani ay yihiin xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo qarannimadeeda, isla markaana ay halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida dalka.
Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ku celisay inaysan ka laba labeyn doonin qaadista tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, amniga qaranka iyo muwaadiniinteeda.
Dhankeeda, Iiraan ayaa sheegtay in weerarradeeda ka dhanka ah dalalka gobolka ay beegsanayaan saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo ciidamadiisa ku sugan waddamadaas.











