TOOS, Maraykanka iyo Iiraan waxay ka wada hadlayaan qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, iyo walaac ka taagan kordhinta xabad-joojinta

Maraykanka iyo Iiraan waxay ka wada hadlayaan qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, iyo walaac ka taagan kordhinta xabad-joojinta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xog ku saabsan wafdiga Pakistan ka socda ee Tehran ku sugan

    Tehran

    Xigashada Sawirka, Government of Iran

    Wafdi ka socda Pakistan, ah dowladii dhexdhexaadisay wadahadalladii asbuucii hore Iiran iyo Maraykanka ku dhexmaray Islamabad ayaa gaaray magaalada Tehran.

    Waxaa wafdiga ka mid ah Field Marshal Asim Munir oo uu hore Donald Trump ugu tilmaamay inuu yahay “mid uu aad u jecel yahay” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohsin Naqvi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay ergada Pakistan ee Qaramada Midoobay.

    Mar sii horreysay, warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB ayaa sheegtay in wafdigu uu gudbinayo farriin ka timid Maraykanka isla markaana uu qorsheynayo wareeg labaad oo wadahadallo ah. Wareeggii koowaad ee ka dhacay Islamabad dhammaadkii usbuucii hore ma keenin heshiis.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif, ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, si uu “aragti uga wada hadlo xaaladda gobolka,” sida ay sheegtay xafiiskiisa.

    Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Bakistaan Muhammad Shehbaz Sharif ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya, si uu "isweydaarsi fikradeed ugala yeesho xaaladda gobolka," sida uu sheegay xafiiskiisa.

  2. Ruushka oo weerarro diyaarado loo adeegsaday ku qaaday Ukraine iyo faahfaahin soo baxaysa

    Ruushka iyo Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ruushka ayaa ku Ukraine qaaday mowjado weerarro ah oo isugu jiray diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ka dhan ah, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyo dhaawaca ugu yaraan 90 kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

    Wiil 12 jir ah ayaa ka mid ahaa afar qof oo ku dhintay caasimadda Kyiv, halka saddex kale lagu dilay magaalada Dnipro ee koonfur-bari dalkaas.

    Dhanka xadka Ruushka, laba carruur ah oo da’doodu ahayd 5 iyo 14 sano ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ukraine ka fulisay gobolka Krasnodar Krai ee Ruushka, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Veniamin Kondratyev oo Telegram ku baahiyay qoraal.

    Weerarradan ayaa yimid kadib xabbad-joojin kooban oo socotay inta lagu jiray dabaaldegga Ciidda Orthodox Easter, taas oo labada dhinac ay mid walba ku eedeeyeen kan kale inuu ku xadgudbay boqolaal jeer.Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in marka laga reebo dhimashada caasimadda, mas’uuliyiintu ay ka soo badbaadiyeen hooyo iyo ilmo burburka dhisme 16 dabaq ah oo ku dumay degmada Podilsky ee Kyiv.

    Waqooyiga Kyiv, afar shaqaale caafimaad oo ka tirsan kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay duqeymo isdaba joog ah.

    Weerarka magaalada Dnipro waxaa lagu dilay saddex qof, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Oleksandr Ganzha oo ah madaxa maamulka gobolka. Sawirro la faafiyay ayaa muujiyay dhismayaal gubanaya magaalada dhexdeeda.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Lubnaan oo beenisay war Tump ka soo yeeray

    Sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Lubnaan ayaa BBC u sheegay in Lubnaan aysan ka warqabin wax wadahadallo degdeg ah oo ay la yeelaneyso Israa’iil, inkastoo Donald Trump uu horey ugu sheegay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada in ay suurtagal tahay wada-hadallo dhex mara hoggaamiyeyaasha Lubnaan iyo Israa’iil.

    Dhanka kale weli Israa'iil waxey sii waddaa duqeymaha ay ku hayso dalka Lubnaan, iyadoo xaaladda dadka ku barakacay duqeymaha laga deyrinayo xaaladooda dhanka nolosha.

  4. Madaxweynaha Turkiga oo si adag ugu jawaabay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil

    Recep Tayyip Erdoğan

    Xigashada Sawirka, Raşit Aydoğan/Anadolu Agency/Getty Images

    Madaxweynaha Turkiga ahna Guddoomiyaha xisbiga AKP, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa dhaliilay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku wajahnaa Turkiga iyo isaga laftiisa.

    Isagoo la hadlayay xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa, Erdoğan wuxuu yiri: “Jamhuuriyadda Turkiga ma aha dowlad caadi ah. Ma jirto awood farta ku fiiqi karta Turkiga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.”

    11-kii Abriil, Netanyahu ayaa bartiisa X ku qoray: “Hoggaankayga hoostiisa, Israa’iil waxay sii wadi doontaa la dagaallanka nidaamka argagixisada Iran iyo kooxaha la shaqeeya. Taas beddelkeeda, Erdoğan wuxuu caawinayaa iyaga xitaa wuxuu xasuuqayaa muwaadiniintiisa Kurdiyiinta ah.”

    Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalladaas si adag uga jawaabay:“Xitaa iyagoo aan eegin dhiigga 73,000 Falastiiniyiin reer Gaza ah ee gacmahooda ka da’ya iyo wajiyadooda , waxay si aan xishood lahayn uga soo baxaan oo ay dalkeenna u caayayaan iyaga oo adeegsanaya walaalaheen Kurdiyiinta. Walaalaheyga qaaliga ah, kuma dhici doonaan dabinkan.”

    Erdoğan sidoo kale wuxuu taabtay qoraallada iyo hanjabaadaha ay mas’uuliyiinta kale ee Israa’iil u jeediyeen Türkiga:“Hana u oggolaanin qofna inuu dabeecaddeena deggan iyo garaadkeenna toosan u fasirto inaan nahay dad la adeegsan karo;.

  5. Lubnaan waxaa ka taagan xaalad lagu tilmaamay mid aan horey loo arag

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxa hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay, Barham Salih, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u bixiyaan “taageero iyo gargaar degdeg ah” oo la gaarsiiyo Lubnaan.

    In ka badan hal milyan oo qof oo ah shan meelood meel shacabka Lubnaan, ayaa ku barakacay colaadda, taas oo Salih ku tilmaamay “mid aan hore loo arag.”

    “Lubnaan ma mudna inay ku xannibnaato wareeg soo noqnoqda oo rabshado ah; waxay mudan tahay taageero iyo xasillooni,” ayuu Salih yiri kadib kulan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

    In ka badan 2,100 oo qof ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil fulisay tan iyo 2-dii bishii Maarso, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

    Israa’iil waxay sheegtay in howlgalladeeda Lubnaan ay ujeedadoodu tahay wiiqidda kooxda Xisbullaah ee ay taageerto Iiraan, iyo ka ilaalinta muwaadiniinteeda weerarro kaga yimaada Kooxda.

  6. Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil oo hanjabaad diray xilli dedaallo nabdeed ay socdaan

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, ISRAEL PM OFFICE

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in inkastoo wadahadallo nabadeed ay la yeesheen Lubnaan, haddana ciidamada Israa'iil ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah Xisbullah, ayna ku dhow yihiin inay la wareegaan Bint Jbeil oo ku taal koonfurta Lubnaan, oo uu ku tilmaamay inay tahay xarunta ururka Xisbullaah.

    Muuqaal uu baahiyay Netanyahu wuxuu ku sheegay inuu faray militariga inay sii xoojiyaan aagga amniga ee koonfurta Lubnaan, halka wadahadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo lala galayo Bayruut ay socdaan.

    "Wadahadalladani ma dhicin 40-kii sano ee la soo dhaafay. Hadda suurtagal ayay noqonayaan sababtoo ah waan xoog badannahay dalalkuna way noo imaanayaan, ma aha oo kaliya Lubnaan," ayuu yiri.

    Sida uu sheegay Netanyahu, Israa'iil waxay leedahay laba yool oo muhiim ah wadahadalladeeda Lubnaan: kan koowaad waa ciribtirka Xisbullaah kan labaadna waa nabad waarta, oo uu sheegay in lagu gaari doono "xoog."

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay hadda diiradda saarayaan Bint Jbeil, oo uu ku tilmaamay caasimadda Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

    "Waxaan ku dhownahay baabi'inta xaruntan weyn ee Xisbullah," ayuu yiri.

  7. Shiinaha oo shaaciyay mowqifkiisa Marinka Hormuz

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa ku boorriyay dhiggiisa Iiraan, Cabbaas Caraqji, inuu sameeyo dadaallo lagu soo celinayo hannaan maraakiibtu ay si caadi ah ugu gudbaan Marinka Hormuz.

    Wang wuxuu sheegay in iyadoo la ixtiraamayo lana ilaalinayo madax-bannaanida iyo amniga Iiraan ee Marinka Hormuz, ay sidoo kale tahay in la hubiyo xorriyadda iyo badbaadada maraakiibta ku safaraya marin-biyoodkaas.

    Wuxuu intaas ku daray in ay jirto dan guud oo loo qabo oo ah in marinka dib loo furo.

    Wang ayaa sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu taageerayo ilaalinta xabbad-joojinta iyo dib u bilaabidda wada-hadallada.

  8. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay safiirka Israa'iil u magacowday Somaliland

    Somaliland iyo Isreal

    Xigashada Sawirka, Reuters/ Social

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil oo ku saabsan magacaabista safiirkaoo Israa’iil u soo magacowday Somaliland.

    Soomaaliya ayaa sheegtay “in tallaabadan ay si cad u jebinayso madaxbannaanida, midnimada iyo amniga dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay, Mabaadi’da Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay tahay hal dal oo madax-bannaan oo aan la kala qaybin karin, xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay”.

    Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri: dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda dowladda. Gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan (Somaliland) weli waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dadaal kasta oo lagu muujinayo inuu yahay dal gaar ahna ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka beesha caalamka".

    Safiirkan Israa'iil u soo magacowday Somaliland waxaa lagu magacaabaa Michael Lotem.

    Israa’iil ayaa bishii December ee sanadkii la soo dhaafay Somaliland u aqoonsatay dal madax bannaan, taasoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid. Somaliland qudheeda waxey sheegtay in ay wakiil u magacowday Israa'iil.

  9. War deg deg ah, Mareykanka oo qabtay markab wata calanka Iiraan

    Markab

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Taliska Dhexe ee Maraykanka ee Centcom ayaa sheegay inuu qabtay markab xamuul ah oo wata calanka Iran, kaas oo isku dayay inuu ka baxsado xayiraadda ay saareen dhammaan maraakiibta galaysa ama ka baxaysa dekedaha Iran.

    Centcom waxay sheegtay in markabka la qabtay Talaadadii kadib markii uu ka baxay magaalada dekedda ah ee Bandar Abbas isla markaana uu ka gudbay marin-biyoodka Hormuz.

    Waxay intaas ku dartay in markabka ciidamada badda ee Maraykanka USS Spruance u uku guuleystay inuu leexiyo markabka”, kaas oo hadda dib ugu laabanaya Iran.

    Centcom waxay sidoo kale sheegtay inay hadda dib ugu celisay Iran 10 markab, ayna jirin wax markab ah oo jebiyay xayiraadda tan iyo markii la hirgeliyay Isniintii.

  10. War deg deg ah, Aqalka Cad oo ka hadlay halka wax marayaan hadda

    Aqalka Cada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Karoline Leavitt ayaa la weydiiyay arrinta xabbad-joojinta Iran, waxayna sheegtay in wararka sheegaya in Maraykanku codsaday in si rasmi ah loo kordhiyo “aanay run ahayn”.

    “Waxaan weli si buuxda ugu hawlan nahay wadahadalladan,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in wada wadahadalku yahay “mid wax ku ool ah oo weli socda”.

    Marka laga hadlayo wararka sheegaya in la qorsheynayo wadahadallo fool-ka-fool ah, waxay tiri “wadahadalladaas way socdaan, balse wax rasmi ah ma aha ilaa aad naga maqashaan annaga Aqalka Cad”.

    “Waxaan ku qanacsanahay rajada heshiis la gaaro,” ayay Leavitt tiri, iyadoo ku dartay in ay “danta ugu wanaagsan ee Iran ku jirto” inay aqbasho dalabaadka Trump, taasoo ay sheegtay inuu si “aad ah” u muujiyay.

    Haddii wadahadallo dhacaan, waxay sheegtay inay “u badan tahay” in lagu qabto isla goobtii hore oo ah magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

  11. War deg deg ah, Weerar kale oo toogasho ah oo Turkiga ka dhacay

    Ugu yaraan siddeed arday iyo hal macallin ayaa la dilay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii rasaas lagu furay dugsi ku yaalla koonfurta Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mustafa Cifci.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday Dugsiga Sare ee Ayser Calik ee ku yaalla deegaanka Kahramanmaras, halkaas oo Cifci uu sheegay in 13 qof oo kale ay sidoo kale dhaawacmeen, lix ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u liidato.

    Qofka weerarka geystey oo 14 jir ahaa ayaa isna la dilay intii uu weerarku socoday, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

    Arrintan ayaa timid maalin kadib markii 16 qof ay ku dhaawacmeen weerar uu geystay arday hore oo rasaas ku furay dugsi sare oo kale oo ku yaalla isla koonfurta dalka, ka hor inta uusan is dilin.

    Sababta ka dambeysa weerarkii Arbacadaii weli lama oga, waxaana la bilaabay baaritaanno.

    Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in qofka weerarka gaystay oo la rumeysan yahay inuu arday ahaa, uu galay laba fasal isla markaana uu watay shan qori iyo toddobo qasnadood oo rasaas ah.Guddoomiyaha gobolka, Mukerren Unluer, ayaa ku eedeeyay in hubkaasi uu lahaa aabaha ardayga oo hore uga tirsanaa booliska.

  12. War deg deg ah, Xog ku saabsan wadahadalladii Iiraan iyo Mareykanka

    Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images/Reuters

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa ka wada hadlaya qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, halka ciidanka Israa’iil ay ku dhawaaqeen in koonfurta Lubnaan ilaa wabiga Litani loo aqoonsaday “aag xabaddu aaney ka joogsan”.

    Mareegta The Wall Street Journal ayaa sheegtay in labada dhinac ay gaareen heshiis hordhac ah oo lagu qabanayo kulan, iyada oo aan la cayimin waqtiga ama goobta, halka Tehran ay sheegtay in “isbeddelka iyo is-khilaafka mowqifyada Maraykanka ay ka dhigayaan kalsoonida sii socoshada heshiis kasta mid caqabad wajaha.”

  13. War deg deg ah, Iiraan oo Washinton farriin u dirtay

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in dhammaystirka iyo xoojinta xabbad-joojin dhammaystiran oo ka hirgasha Lubnaan ay noqon doonto natiijada adkaysiga iyo halganka Xisbullaah iyo midnimada waxa loo yaqaan “xudunta iska-caabinta”.

    Qalibaf waxa uu intaas ku daray in Maraykanka ay waajib ku tahay inuu ixtiraamo heshiiska, isaga oo tilmaamay in “iska-caabinta iyo Iiraan ay yihiin hal jir, ha noqoto xilli dagaal ama xilli xabbad-joojin.”

    Wuxuu ugu baaqay Washington inay ka noqoto waxa uu ku tilmaamay “qaladka siyaasadda ee Israa’iil galisay.”