TOOS, Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran oo sii korortay kaddib markii la soo riday diyaarad helikobtar ah uu Mareykanku leeyahay

Kaddib markii Mareykanka uu weeraray koonfurta Iran isagoo ka jawaabayay diyaarada laga soo riday, ayey ciidamada Iran iyagana weerareen saldhigyada Mareykanka ee Baxreyn, Urdun iyo Kuwait.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran waxay sheegtay in ay dib u eegi doonto sii wadista wadahadallada kaddib weerarada Mareykanka

    Iran iyo Mareykan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in dalkiisa uu dib u eegi doono sii wadista wadahadallada iyadoo la eegayo weerarrada cusub ee Maraykanka.

    Esmail Baghaei, oo hadlay kaddib weerarada ayaa sidan yiri, “Habka diblomaasiyadeed kuma yimaado sidan, hannaan diblomaasiyadeed kasta inta uusan dhicin waxaa loo baahan yahay ugu yaraan jawi ku filan oo shaqada lagu sii wadi karo.”

    Baghaei wuxuu ku eedeeyay Maraykanka in uu “waxyeello u geystay geeddi-socodka wadaxaajoodka, wuxuuna dirayaa farriimo is-khilaafsan, si joogto ah uyuu u beddelayaa mowqifyadiisa iyo dalabaadkiisa, isla markaana marar badan wuxuu jabiyay xabbad-joojinta.”

    Mareykanka wuxuu saakay qaaday weerar cirka ah oo lagu beegsaday goobo ku yaalla koonfurta Iran, taas oo jawaab u ahayd ridistii mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee uu lahaa Maraykanka oo ku dhacday Badda Cumaan.

    Saldhigga Khatam al-Anbiya wuxuu sheegay in weeraro jawaab ah ay qaadeen ciidamada ilaalada kacaanka.

    Dhanka kale, Mareykana wuxuu ku dhawaaqay in la soo afjaray howgalka looga jawaaabyay diyaaradii laga soo riday.

    Sii Akhri

  2. ‘Carruurteyda in ay nabad helaan oo kaliya ayaan doonayaa’

    Rabshadaha Belfast

    Anselme Shima wuxuu ku nolaa bariga magaalada Belfast muddo 13 sano ah, hal waddo ayuuna deganaa ku dhawaad 10 sano.

    Shima wuxuu saakay BBC-da u sheegay in uu dareemayo “xaalad murugo leh”

    Wuxuu sheegay in falka ka dhacay waqooyiga Belfast ee mindiyeynta uu ahaa “mid aad u argagax badan”, isaga oo intaas ku daray in “qofna uusan taageeri doonin, qofna uusan u dulqaadan doonin arrintaas”.

    “Wax kasta oo dhacay ee rabshado ah, waa wax laga xumaado”

    Shima oo ah aabo saddex carruur ah haysta ayaa sheegay in qiiqa baskii la gubay uu soo gaaray gurigiisa.

    Wuxuu sheegay in saakay uu soo aaday wadada si uu arko hadii la furay, ayna ammaan tahay in carruurta la geeyo iskuulka.

    Shima wuxuu BBC-da u sheegay in ay "adag tahay” in uu u sharaxo carruurtiisa sababta ay waxaan u dhacayaan markii ay weydiiyeen iyo hadii ay la xiriirto midabkooda.

    Wuxuu kaloo sheegay in xaaladda ay ka sii dartay, isagoo sheegay in uu doonayo ammaan.

    Sii akhri:

  3. Pakistaan oo weerar ku qaaday Afqaanistan

    Pakistan ayaa sheegtay in xeryaha iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda TTP ee laga mamnuucay aagga xadka Pakistan iyo Afgaanistaan ​​si sax ah loo beegsaday

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Pakistan ayaa sheegtay in xeryaha iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda TTP ee laga mamnuucay aagga xadka Pakistan iyo Afgaanistaan ​​si sax ah loo beegsaday

    Maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa sheegay in Pakistan ay duqeymo cirka ah ka fulisay saddex gobol, kuwaas oo lagu dilay 13 qof, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Afhayeen u hadlay Taliban ayaa weerarradaas ku tilmaamay “dembi bani’aadantinimo.”

    Duqeymaha la sheegay ayaa yimid kadib markii kooxda Pakistani Taliban ay weerar ku qaadday bar-koontarool oo ay leeyihiin ciidamada ammaanka oo ku dhow magaalada Peshawar, halkaas oo ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada paramilitary-ga lagu dilay.

    Pakistan ayaa dhankeeda xaqiijisay weeraro lagu qaaday goobaha sharci darada ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) ee ku yaala deegaanada xuduuda ah ee ku dhagan Afgaanistaan, iyadoo sheegtay in 26 mintidiin ah lagu dilay weeraro “si sax ah”.

    Pakistan ayaa muddo dheer ku eedeynaysay Afghanistan inay hoy siiso dagaalyahanno hubeysan, taasoo Afghanistan ay beenisay.

    Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo ay ka dhaceen isku dhacyo dhimasho sababay oo ka dhacay xadka labada waddan.

  4. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qarax laga maqlay magaalada Qeshm

    Wakaaladda Wararka ee Iran ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo maxalli ah, sheegtay in qarax laga maqlay agagaarka magaalada Qeshm.

    Wakaaladda Mehr News Agency ayaa qortay: “Inkasta oo aan weli si cad loo garanayn nooca saxda ah ee codadkan, marka la eego xoogga codka,waxay u badan tahay inay ka fog yihiin magaalada Qeshm ama ay la xiriiraan dhaqdhaqaaqyada ka socda Hormuz, ” Faahfaahin dheeraad ah lama bixin.

    Subaxnimadii Arbacada, Maraykanka ayaa qaaday duqeymo cirka ah oo dhowr ah oo lagu beegsaday meelo ku yaalla koonfurta Iran, taasoo lagu sheegay inay jawaab u ahayd soo ridista mid ka mid ah Helockotarada oo ku dhacday Badda Cuman.

    Sidoo kale, xarunta Khatam al-Anbiya ayaa ku dhawaaqday in ilaalada Kacaanka Iran iyo ciidanka Iran ay qaadeen weerarro jawaab celin ah oo lagu beegsaday saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla Baxrain, Kuwait, iyo Urdun.

    Sii akhri:

  5. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka: Heshiiska Iran wuxuu dhici karaa bilaha soo socda

    Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka J. D. Vance

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka J. D. Vance

    Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka J. D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku aad ugu dhow yahay inuu gaaro heshiis si “waqti dheer” u xallin doona barnaamijka nukliyeerka Iran, balse heshiiskaasi uu suuragal noqon karo toddobaadyada ama bilaha soo socda.

    “Waqtigan, waxaan dareemayaa inaan ku jirno xaalad aan ku gaari karno heshiis u wanaagsan Maraykanka dhinaca dhaqaalaha, isla markaana si dhab ah u xallinaya barnaamijka nukliyeerka Iran," .

    Waxaa uu xusay in mustaqbalka ay Mareykanka faa'ido ugu jirto heshiiska lala gaari doono Iran.

    "ma aha kaliya hadda ama inta Donald Trump uu xilka hayo, balse mustaqbalka fog, ilaa heer carruurtaydu marka ay weynaadaan ay dhihi karaan: Iran ma yeelan doonto hub nukliyeer ah,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay CBS.

    “Taasi waa ujeeddada siyaasadda noocaas ah,” ayuu raaciyay. “Waxaan aaminsanahay inaan aad ugu dhow nahay gaarista yoolkaas. Laakiin weli shaqo badan ayaa naga hortaagan, waana sii wadeynaa.”

    Mr. Vance wuxuu sheegay in heshiiska uu “si dhab ah” u dhici karo ka hor doorashooyinka bartamaha xilliga ee bisha November.

    Sii akhri:

  6. Warbaahinta Iran oo baahisay muuqaalo lagu sheegay weeraradii Iran ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka

    Wakaaladaha wararka ee Tasnim News Agency iyo Fars News Agency, oo loo arko inay xiriir dhow la leeyihiin ilaalada Kacaanka Iran, iyo warbaahinta dowladda, ayaa subaxnimadii Arbacada daabacay muuqaallo badan oo ay sheegeen inay muujinayaan xilliyadii saldhigyada Maraykanka la beegsanayay iyo gantaallo marayay hawada Urdun.

    Si kastaba ha ahaatee,BBC Uma suuragalin inay si madax-bannaan u xaqiijiso saxnaanta muuqaalladan.

    Mid ka mid ah muuqaalladaas, oo laga arkayo wax u eg qarax meel fog ka dhacay, ayay wakaaladahan wararku ku sheegeen inuu la xiriiray weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada badda ee shanaad ee Maraykanka ee Baxreyn.

    Muuqaal kale ayaa muujinaya raadad ka muuqda cirka oo ay reebeen walxo duulaya. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in muuqaalkaasi laga duubay hawada Urdun isla markaana uu muujinayo raadadka gantaallo ay Iran ridday.

  7. UK: Doon yar ayaa rasaas is weydaarsaday markab xamuul oo marayay xeebaha Yemen

    Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa sheegtay in Arbacadii doon yar oo ay saarnaayeen lix nin oo hubeysan ay u soo dhawaatay markab xamuul ah oo ku sugnaa qiyaastii 88 mayl-badeed koonfur-galbeed kaga beegan Balhaf, dalka Yemen.

    Hay’addu waxay sheegtay in rasaas la isweydaarsaday doonta yar iyo kooxda ammaanka ee hubeysan ee saarnayd markabka. Intaas kadib, doontii weerarka soo qaaday ayaa dib uga laabatay goobta.

  8. Iran oo si kulul uga jawaatay weerarada Mareykanka

    Kadib weerarradii dhawaan ay Maraykanku fuliyeen, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ku tilmaantay weerarradaas “xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay.”

    Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay in weerarrada Maraykanka ee lagu qaaday deegaannada koonfurta dalka ay yihiin “jebin weyn oo lagu sameeyay United Nations Charter-ka, gaar ahaan Qodobka 2-aad, faqraddiisa 4-aad, iyo mabda’a aasaasiga ah ee mamnuucaya adeegsiga xoogga ee xiriirka caalamiga ah.”

    Bayaankaas, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxay sidoo kale ku xustay soo ridista diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykan leeyahay oo ka dhacday marin-biyoodka Strait of Hormuz, balse ma aysan aqbalin mas’uuliyadda weerarkaas.

    Bayaanku wuxuu saldhigyada iyo hantida Maraykanka ee gobolka ku tilmaamay “isha gardarrada,” halka weerarrada Iran lagu sheegay inay yihiin “xuquuq difaac oo dabiici ah.”

    Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ugu baaqday dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa ku yaalla xeebaha koonfureed ee Gacanka Faaris, inay ka hortagaan ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil inay isticmaalaan “dhulkooda iyo xarumahooda si loo qorsheeyo, loo abaabulo, loo fuliyo, loona taageero falal gardarro ah oo ka dhan ah Iran.”

    Mowjaddii ugu dambeysay ee weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah Iran ayaa la sheegay in lagu fuliyay jawaab ahaan soo ridista helicopter-ka nooca Apache ee Maraykanka oo ku sugnaa biyaha Gulf of Oman.

  9. Garsoore Cumar Cartan oo si wayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho si wayn loogu soo dhaweeyay garsoore Cumar cartan oo ka soo kicitimay Turkiga.

    Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.

    Hoos ka daawo sawirada soo dhaweynta

    Soo dhaweynta cumar Cartan
    Qoraalka sawirka, Soo dhaweynta cumar Cartan
    Soo dhaweynta cumar Cartan
    Qoraalka sawirka, Soo dhaweynta cumar Cartan
    Soo dhaweynta cumar Cartan
    Qoraalka sawirka, Soo dhaweynta cumar Cartan
    Soo dhaweynta cumar Cartan
    Qoraalka sawirka, Soo dhaweynta cumar Cartan
    Soo dhaweynta cumar Cartan
    Qoraalka sawirka, Soo dhaweynta cumar Cartan
    Soo dhaweynta cumar Cartan
    Qoraalka sawirka, Soo dhaweynta cumar Cartan
  10. Garsoore Cartan oo bbc uga warbixiyay dhacdadi ugu xanuunka badnayd ee soo marta

    Cumar cartan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cumar cartan

    Waxaa warbaahinta Caalamka oo dhan si wayn loo hadal hayaa dhacdadii garsoore Cumar Cartan loogu diiday galitaanka Mareykanka , halkaasi oo lagu wday in uu dhexdhexaadiye ka noqdo ciyaaraha Koobka Duunka.

    Cumar ayaa wareysi uu siiyya BBC laanta afka Soomaaliga waxaa uu kaga warbixiyay sida u u ku noqday garsoore isaga oo sheegay in si lama filaan ah uu howshan ku bilaabay.

    “Dhacdooyiinkii ugu horeeyay ee garsoor aan ku noqday waxay ahayd, aniga oo koox la jiro lugta ayaa waxyar iga soo gaaray ciyaarti ayaan ka fariistay markaan ka fariistay qoladii aan u baxaynay waxay tiri ninkan ciyaarta noo qabanaya oo garsoor noo noqonaya ka dib-na wana u qabtay , sidaa ayay ku bilaabatay in aan xafadaha ciyaaraha ka qabyo”. Ayuu yiri Cartan.

    Garsoore cumar Cartan ayaa dhanka kale BBC u sheegay in intii uu garsoorka ku jiray ay soo martay dhacdo aad u xanuun badan oo ah dilkii maclinkii isaga soo baray xirfadda garsoorannimada.

    “Cusmaan Jaamac Diraac oo ah aabaheyga garsoorka ah oo la’aantiis aanan halkan soo gareen, waxaa la dilay August 2017, waxay ahayd mid igu adag, anoo markaas waxaa ka dhinayd inaan calami noqdo saddex bilood laba bilood waxaana jeclaan lahaa inuu maanta arko meehsana soo gaaray” ayuu intaa ku daray.

  11. Kuwait oo soo riday gantaallo dalkeeda lagu garaacay

    Taliska Guud ee Ciidanka Kuwait ayaa ku dhawaaqay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay qabteen oo ay ka hortageen “gantaalo uu cadowka soo riday.”

    Qoraal lagu daabacay barta bulshada ee X, ciidamada Kuwait waxay dadka deggan dalka ku boorriyeen inay “raacaan tilmaamaha amniga iyo badbaadada ee ay soo saareen hay’adaha ay khusayso, isla markaana xogta ka helaan ilo rasmi ah oo la oggolaaday.”

    Saacadihii la soo dhaafay, warbaahinno ka tirsan Iran ayaa sheegayay in weerarro lagu qaaday “saldhigyada Mareykanka ee Kuwait iyo Bahrain.”

  12. Iran oo duqeysay saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay sadex dal

    Ila wareedyo Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 gantaalaha ballistic-ga ah iyo dhowr diyaaradood lagu weeraray saldhigyada Mareykanka ee Baxrayn, Kuwait iyo Jordan.

    Wariyaha warbaahinta Axios Brack Rawid ayaa kasoo xigtay saraakiil Mareykan ah in ugu yaraan afar gantaal oo ballistic ah iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn lagu garaacay saldhigyada Mareykanka ee Baxrain, Kuwait, iyo Jordan.

  13. War deg deg ah, Suudaani loo xiray weerar ka dhacay Waqooyiga Ireland iyo rabshado ka dhan ah soo-galootiga oo dhacay

    Belfast

    Xigashada Sawirka, PA

    Qoraalka sawirka, Belfast

    Guryo iyo gaadiid badan ayaa dab la qabadsiiyay magaalada Belfast, kadib weerar mindi oo dhacay habeenkii Isniinta kaas oo kiciyay rabshado ka dhan ah soo‑galootiga qaybo ka mid ah Waqooyiga Ireland.

    Qof Qaxooti ah oo u dhashay Suudaan ayaa lagu soo oogay dacwad iskuday dil ah.

    Belfast
    Qoraalka sawirka, Belfast
  14. War deg deg ah, Maraykanka oo dhamaystiray weerarkii aargudashada ahaa ee ay ku qaadeen Iiraan

    Maraykanka iyo Israa'iil ayaa qaaday weerar duqaymo ah oo ka dhan ah Iiraan bishii Febraayo 28

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maraykanka iyo Israa'iil ayaa qaaday weerar duqaymo ah oo ka dhan ah Iiraan bishii Febraayo 28

    Mareykanka ayaa sheegay inuu dhammaystireen weerarro ka dhan ah Iran. Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen nidaamyada difaaca cirka, xarumaha xakamaynta dhulka iyo goobaha raadaarka.

    Weerarradan ayaa lagu sheegay inay yihiin jawaab is le’eg oo ku saabsan diyaaradda qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo la soo riday Isniintii.

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay dhankooda weerar-aargudasho ku duqeeyeen saldhiga Mareykanka uu ku leeyahay Bahrain.

  15. Minnesota: Soomaali 54 jir ah oo kamid ah 17 qof oo Trump dhalashada kala noqonayo

    Nin Soomaali ah oo 54 jir ah oo ku nool gobolka Minnesota ayaa ka mid noqday 17 qof oo maamulka Trump uu ku bartilmaameedsaday ololahiisa cusub ee dadka lagala noqonayo dhalashada Maraykanka.

    Xeer-ilaaliyaha Maraykanka ee gobolka Minnesota ayaa dacwad madani ah ku soo oogay Abdikadir Kadiye Arbacadii, dacwaddaas oo ku saabsan kala noqoshada dhalashada. Waxaa lagu eedeeyay dhowr qodob, oo ay ku jiraan ku helitaanka dhalasho ee si sharci-darro ah iyo helitaanka dhalashada isaga oo qarinaya xaqiiqo muhiim ah.

    Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Kadiye uu isku dayay inuu dalkaasi galo sanadkii 1997 isagoo adeegsanaya laba aqoonsi oo kala duwan. Markii hore waxa uu sheegay in magaciisu yahay Liban M. Degel, isagoo sheegtay inuu guursaday balse aan carruur lahayn. Kadib markii garsoore socdaal uu diiday codsigiisa, waxa uu 1998 gudbiyay codsi labaad oo uu ku isticmaalayo magaca Kadiye, sida ku cad dacwadda.

    Mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegay in Kadiye uu u sheegay sarkaal ka tirsan Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha Maraykanka inuu horay u isticmaalay laba aqoonsi intii lagu jiray nidaamka codsiga.

    Sharciga federaalka ayaa u oggolaanaya dowladda inay ka xayuubiso dhalashada muwaadiniinta Maraykanka ee ku dhashay dibadda haddii ay aaminsan yihiin in muwaadinkaasi khiyaano ku helay dhalashada.

    Si kastaba ha ahaatee, habkan adag ee taariikh ahaan la adeegsado marar kooban ayaa la fuliyay; inta u dhaxaysay 1990 iyo ilaa 2017, Wasaaradda Cadaaladda waxay celcelis ahaan sanad walba gudbisay 11 dacwadood oo sharci ah oo lagu doonayay in lagu baabi’iyo dhalashada muwaadiniinta Maraykanka, sida ay muujinayso xogta taariikhiga ah. Bishii hore, mas’uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen in ay gudbiyeen 12 dacwadood oo cusub oo la xiriira dhalasho ka xayuubinta.

  16. War deg deg ah, Trump: Jawaabta Maraykanku waxay noqon doontaa mid 'aad u xooggan'

    Trump ayaa la hadlay ABC News, iyada oo lasoo sheegayo duqaymihii u dambeeyay ee Maraykanku qaadeen

    Xigashada Sawirka, US NAVY

    Qoraalka sawirka, Trump ayaa la hadlay ABC News, iyada oo lasoo sheegayo duqaymihii u dambeeyay ee Maraykanku qaadeen

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay warbaahinta ABC News in weerarka ay Maraykanku kaga jawaabayaan Iran uu noqon doono mid "aad u xoog badan, aad u awood badan" kadib markii dalkaasi uu soo riday helikabtar Maraykanku leeyahay habeenkii xalay.

    Intii lagu guda jiray wareysi dhanka taleefanka ah, Trump ayaa la sheegay inuu yiri waa "muhiim" in Maraykanku ka jawaabo dhacdada helikabtarka lasoo riday.

    Waxa uu ku dhawaaqay: "Waxaan hadda ku jirnaa jawaab celin."

    Madaxweynuhu waxa uu ku daray: "Tani waa jawaab ku wajahan wixii ay sameeyeen, wixii ay ku sameeyeen helikabtarteenna xalay, waxaana aaminsanahay in jawaabtu ay tahay in ay noqoto mid aad u xoog badan, aad u awood badan, waana tan ay tahay."

  17. War deg deg ah, Maraykanka oo beegsaday nidaamka difaaca Iiraan

    Sida ay sheegtay warbaahinta Axios dowladda Maraykanka ayaa duqaysay raadaarkii iyo nidaamka difaaca Iiraan.

    Ciidamada Maraykanka ayaa duqeeyay dhowr kamid ah nidaamyada difaacyada iyo raadaarka Iiraan., sida ay Axios kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah.

  18. Maraykanka oo qaaday weerar jawaab celin u ah diyaarada laga soo riday

    Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters ciidamada Maraykanka ayaa qaaday weerar 'isdifaac ah' oo jawaab u ah weerarkii looga soo riday diyaarada helikobtarka ah.

    Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay ciidamadoodu qaadeen weeraro duqayn ah oo isdifaac ah, oo ay kaga jawaabayaan soo ridistii diyaarada helikobtarka Apache.

  19. War deg deg ah, Madaxa QM: Colaada Bariga Dhexe Milatari laguma xallin karo

    Xooghayaha guud ee QM Antonio Guterres

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Xooghayaha guud ee QM Antonio Guterres

    Farriin ka timid, xooghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku qeexay walaaca uu ka qabo isku dhaca soo cusboonaaday ee ka taagan Barig Dhexe, waxaana uu ku baaqay in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo joojiyo dhammaan weerarada.

    ‘’Xabbad-joojinta Lubnaan, Iran iyo Qaza waa in si buuxda loo xushmeeyaa. Talaabo kasta oo dhaawacaysa dadaalada diblomaasiyadeed ee socda waa in laga hortagaa,’’ ayu uku qoray farriinta uu soo dhigay barta bulshada ee X.

    Waxaa uu intaas ku daray Guterres in si qotodheer uga walaacsan yahay go’aanka Israa’iil ee xiritaanka marinada tagaya Qaza, uuna ku baaqayo degdeg loo furo si gargaarka bini’aadanimo uu u tago Qaza

    Xooghayaha guud ee QM ayaa sheegay Milatari uusan xal u ahayn colaada Bariga Dhexe. Wadada kali ahna ee horay loogu socon karo ay tahay wadahadal. Wuxuuna dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan xal diblomaasiayadeed.

  20. War deg deg ah, Trump: Iiraan ayaa soo ridday diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykanku leeyahay, jawaabna ay bixin doonaan

    Trump ayaa sheegay in Iiraan ay soo ridday diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykan leeyahay, wuxuuna ballanqaaday in uu ka jawaabi doono

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran inay soo ridday diyaarad Helicopter ah oo uu Mareykanku leeyahay oo maraysay marin biyoodka Hormuz, waxaana uu wacad ku maray inay ka jawaabi doonaan weerarka.

    Laba kamid ah shaqaalaha diyaaradda helicopter-ka Apache ee burburtay ka dib weerarka ayaa waxaa badbaadiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykan leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Pentagon-ka.

    "Waxaa jiray laba duuliye oo ku lug lahaa, labaduba waa badqabaan iyaga oo aan dhaawac ahayn," ayuu Trump ku qoray Truth Social. "Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku waa, lagama maarmaan, inuu ka jawaabo weerarka."

    Ma cadda jawaabta Maraykanku waxa ay noqon doonto, laakiin tallaabo kasta oo milatari ayaa halis gelinaysa xabbad-joojinta aan cagaha badan ku taagnayn ee Iran mar kale. Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay Tehran oo ku aadan hadalka madaxweynaha Mareykanka.

    Warbaahinta Iran ayaa u muuqatay inay qiratay dhacdadan, iyadoo wakaaladda wararka ee Mehr ay sheegtay in Iran aysan sheegan mas'uuliyadda.

    Rajada laga qabo in Mareykanka uu qaado tallaabo ka dhan ah Iran ayaa soo shaac baxday iyadoo ciidamada Israel ay duqeymo ka fuliyeen koonfurta Lubnaan Talaadadii.

    Tehran ayaa ka digtay in weerarada Israel ee koonfurta Lubnaan ay dhalin doonaan mowjado kale oo weeraro aargoosi ah.

    Si aad wax badan u akhrido: