Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maxaa ku soo kordhay xaaladda Mooyaale iyo waxa laga yiri
Kumannaan qoys ayaa ka barakacay guryahoodii, ganacsiyo ayaa albaabada loo laabay, halka magaalo muhiim u ah isu-socodka xuduudaha ay fowdo gashay, kaddib markii rabshadaha ka dhacay Mooyaale ay sababeen barakac.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 50,000 oo qof ay u qaxeen dhanka xuduudda Kenya, kaddib dagaallo rabshado wata oo toddobaadkii hore ka dhacay Mooyaale.
Wakiilka hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Kenya, Fatima Maxamed-Cole, ayaa ka digtay in tirada dadka barakacaya ay si weyn u kordhi karto haddii rabshaduhu sii socdaan.
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in colaadda ay bilaabatay kaddib markii calanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga taagay dhul lagu muransan yahay oo ka tirsan Mooyaale. Magaaladaas waxaa maamula labada maamul ee Oromada iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu ku bilowday muran maxalli ah markii dambana isu beddelay dagaallo dhimasho sababay, kuwaas oo keenay khasaare nafeed, barakac ballaaran iyo burbur hantiyeed oo baahsan.
Madaxda Kenya oo ka digtay xaalad bani'aadannimo oo degdeg ah
Madaxda Kenya ayaa walaac isa soo taraya ka muujiyay qulqulka dadka rayidka ah ee ka soo gudbaya xuduudda, kuwaas oo ka cararaya colaadda.
Shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Nairobi, Xildhibaanka laga soo doortay Mooyaale, Guyo Waqo Jaldesa, iyo Xildhibaanka Saku, Dido Cali Rasso, ayaa ugu baaqay dowladda Kenya iyo hay'adaha caalamiga ah in ay taageero siiyaan dadka ay saameeyeen rabshaduhu.
"Waxaan si weyn uga walaacsannahay colaadda weli ka socota dhinaca Itoobiya ee xuduudda Mooyaale," ayuu yiri Rasso. "Colaadda ayaa sababtay in dad badan oo rayid ah ay Kenya u soo qaxaan iyagoo magangalyo raadinaya, taas oo cadaadis xooggan saartay kaabayaasha dhaqaalaha iyo kheyraadka deegaanka."
Xildhibaannadu waxay ka digeen in bulshooyinka ku nool waqooyiga Kenya ay ku dhibtoonayaan sidii ay u qaabili lahaayeen tirada sii kordhaysa ee dadka barakacaya, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar bani'aadannimo.
Itoobiya weli kama hadlin xaaladda
BBC-da ayaa dhowr jeer isku dayday inay ay wax ka waydiiso arrimahaan Wasaaradda Nabadda ee Itoobiya iyo mas'uuliyiinta dowladda federaalka u qaabilsan isgaarsiinta. Hase yeeshee, taleefoonnadii iyo farriimihii qoraalka ahaa ee loo diray wax jawaab ah kama aysan bixin.
Ilaa hadda, dowladda federaalka Itoobiya iyo hay'adaha ammaanka ayaan si rasmi ah uga hadlin xaaladda, iyadoo xildhibaanno iyo mas'uuliyiin ka tirsan dalalka deriska ah ay ku baaqayaan in xaaladda la dejiyo, gargaar bani'aadannimo la gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu saameysay, isla markaana wadahadal nabadeed la yeesho.
Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah ee ay wareysteen laamaha BBC-da ee luqadaha kala duwan ku shaqeeya ayaa bixiyay warar kala duwan oo ku saabsan sida ay rabshaduhu ku bilowdeen.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, xiisaddu waxay cirka isku shareertay kaddib markii calanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga taagay dhul ay sheegato dowlad deegaanka Oromada. Qof deggan Mooyaale oo lagu magacaabo Molu ayaa ku eedeeyay in gabar Oromo ah oo dhallinyaro ahayd, Jaatanii Aagaa, la dilay kaddib markii ay ka hortimid calanka halkaas laga taagay. Dhacdadaas ayaa dhalisay bannaanbaxyo iyo rabshado hor leh.
Duqa magaalada Mooyaale ee dowlad deegaanka Oromada, Galmaa Korophichaa, ayaa rabshadaha ku tilmaamay kuwo laga xumaado, wuxuuna ciidamada ammaanka ee ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida ku eedeeyay inay qayb ka qaateen sii hurinta colaadda.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in colaadda ay dhex martay bulshooyin qarniyo badan daris ahaa, isla markaana ay leeyihiin xiriirro qoys iyo bulsho oo dhow.
Dhanka kale, duqa magaalada Mooyaale ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Kualla Cali Cabdiraxmaan, ayaa beeniyay eedeymahaas. Wuxuu sheegay in rabshaduhu ay ka dhasheen diidmo laga muujiyay xafiis maamul oo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, halka dhinaca kale calan la taagay ay sheegeen.
"Waxaan ku noolayn nabad, balse si kedis ah ayaan isku aragnay annagoo ku dhex jirna colaad," ayuu yiri. "Khilaafku wuxuu ka bilowday xafiis maamul oo dhowaan laga furay magaalada."
Kuulla Cali ayaa sheegay in Dowlad Deegaanka Soomaalidu ay qaab-dhismeed maamul oo cusub hirgelisay qiyaastii sanad ka hor. Wuxuu ku dooday in kooxo qaarkood ay diiddan yihiin nidaamka muddada dheer lagu maamulayay Mooyaale, kaas oo labada dowlad deegaan ay si wadajir ah u maamulaan.
Sida uu sheegay, magaalada waxaa in ka badan afartan sano lagu maamulayay nidaam laba dhinac ah, iyadoo dowlad deegaanka Oromadu ay maamusho galbeedka magaalada, halka Dowlad Deegaanka Soomaalidu ay maamusho dhinaca bari.
Wuxuu sidoo kale dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay fuliyeen weerarro sababay dhimasho, isla markaana hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka iyo adeegyada korontada iyo biyaha.
Mas'uuliyiin Soomaaliya iyo Kenya ka kala tirsan oo ku baaqay in xaaladda la dejiyo
Soomaaliya Xildhibaan Dr Cabdullaahi Haashi Abiib oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Boorama ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in weerarro lagu qaaday dad rayid ah oo Oromo ah oo ku nool magaalada Boorama. Wuxuu sheegay in rabshadaha iyo burburinta hantidu ay yihiin falal aan la aqbali karin.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku muujiyay garab istaaggiisa qoysaska ay dhibaatadu saameysay, wuxuuna mas'uuliyiinta ugu baaqay inay si degdeg ah tallaabo uga qaadaan sidii loo ilaalin lahaa dadka rayidka ah, isla markaana sharciga loo hor keeni lahaa dadkii ka dambeeyay weerarrada.
"Waxaa aad ii murug geliyay wararka sheegaya in guryo la gubay, hanti la bililiqeystay, isla markaana weerarro lagu bartilmaameedsaday qoysaska Oromada ee Boorama," ayuu yiri. "Anigoo ku hadlaya magaca bulshooyinka Awdal, waxaan tacsi iyo garab istaag u dirayaa dadka ay dhibaatadu saameysay. Sharaftiinnu waa sharafteenna, badbaadadiinnuna waa mas'uuliyaddeenna."
Cabdullaahi ayaa ka digay in weerarradu ay dhaawacayaan qiyamka soo jireenka ah ee Boorama ee martigelinta iyo nabad ku wada noolaanshaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka rayidka ah ee Oromadu ay mudan yihiin in la ilaaliyo, dhibbanayaashana ay helaan caddaalad.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Marsabit ee dalka Kenya, Maxamuud Cali, ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah. Wuxuu ka digay in hadallada hurinaya colaadda ay xaaladda uga sii dari karaan.
Hay'adaha gargaarka bani'aadannimada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay baahiyaha sii kordhaya ee qoysaska barakacay, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa guryahooda ka cararay iyagoo aan si ku filan u heli karin cunto, hoy iyo adeegyo caafimaad.