War deg deg ah, War cusub oo ku soo kordhay doorashada Israa'iil iyo baaritaan lagu baaqay
Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa ku baaqay in si “dhammeystiran” loo baaro eedeymaha sheegaya faragelin shisheeye oo lagu sameeyay doorashooyinka dalka, balse wuxuu ka digay in baaritaanku uusan “sumcad xumo u horseedin” dhammaan bulshada Carabta ee Israa’iil.
Kadib markii Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisu ay ku eedeeyeen in bulshada Carabta ee Israa’iil loo sameeyay “laaluushyo doorashada ku saabsan” si loo kordhiyo ka-qaybgalkeeda codbixinta, hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil, Shin Bet, ayaa loo xil saaray inay baarto eedeymo sheegaya in lacag laga soo wareejinayay Turkiga iyo Qadar loona gudbinayay Israa’iil, si loo saameeyo codadka bulshada Carabta.
Xisbiga Joint List, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada Carabta ee Israa’iil, ayaa iska fogeeyay eedeymaha Netanyahu ee musuqmaasuqa iyo faragelinta shisheeye, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu shaki geliyo natiijada doorashada.
War uu isbahaysigu soo saaray ayaa lagu yiri: “Ololaha kicinta ah ee Netanyahu iyo isbahaysigiisa faashiistaha ah ay ku qaadeen codadka muwaadiniinta Carabta wuxuu muujinayaa cabsida ay ka qabaan awoodda siyaasadeed ee bulshadaas.”
Qadar ayaa iyaduna maanta bayaan ay soo saartay ku beenisay inay faragelin ku sameysay doorashooyinka Israa’iil.
Iyadoo inta badan codadka doorashada la tiriyay, xisbiyada Carabta ayaa ilaa hadda ku guuleystay 19 kursi. Tiradan oo aan horay loo arag ayaa siin karta door muhiim ah oo go’aamin kara awood-qaybsiga iyo dhismaha dowladda.
Sidoo kale sii akhri wararkan