Dalxiiska Soomaaliya: Sida Sucdi uga caawiso dalxiisayaasha inay arkaan dhanka qarsoon ee Muqdisho

    • Author, Fardowsa Hanshi
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Inkastoo Soomaaliya muddo dheer lala xiriirinayay colaado iyo amni darro, haddana xeebaheeda, goobaha taariikhiga ah iyo dhaqankeeda ayaa leh awood ay ku soo jiidan karaan dalxiisayaal.

Sucdi Cabdifatah, oo ka mid ah hagayaasha dalxiiska ee magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah dadka doonaya in dalxiisayaasha ay dalka ku bartaan waayo-aragnimo wanaagsan.

Marka Soomaaliya lagu xuso warbaahinta caalamka, waxaa inta badan waxaa la maqlaa wararka ku saabsan colaadaha, weerarrada iyo caqabadaha amni. Sawirkaas ayaa saameeyay sida dad badan oo dunida ku nool ay u arkaan dalka, iyadoo aan mar walba la helin fursad lagu soo bandhigo quruxda dabiiciga ah, taariikhda iyo nolosha maalinlaha ah ee dadka Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, waxaa jira dad imaanaya Muqdisho si ay iyagu u arkaan magaalada, una ogaadaan waxa ka baxsan sawirka ay horay uga haysteen warbaahinta. Sucdi, oo ah hage dhanka dalxiiska ee caasimadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah dadka ka shaqaynaya in dalxiisayaasha ay bartaan magaalada iyo goobaha ay caanka ku tahay.

Sucdi ayaa sheegtay inay ku dhowaad saddex sano ku jirtay shaqada hagidda dalxiisayaasha. Xirfaddan waxay ka baratay aabbaheed oo muddo ku dhow 30 sano ka shaqaynayay isla mihnaddan, welina sii wada.

Sida ay ii sheegtay, aabbaheed ayaa baray shaqada, iyadoo ay weli ka faa'iidaysato waayo-aragnimadiisa iyo hagitaankiisa. Xiriirkan qoys ayaa ka dhigaya shaqadeeda mid aan ku koobnayn dalxiis oo keliya, balse sidoo kale ah xirfad ay jiilba jiil u gudbinayaan.

Sucdi waxay sheegtay in waxyaabaha ugu badan ee dalxiisayaasha ka yaabiya ay tahay farqiga u dhexeeya waxa ay warbaahinta ka arkaan iyo waxa ay Muqdisho ku arkaan marka ay yimaadaan.

"Inta badan waxay la yaabaan waxa ay warbaahinta ka arkaan, sababtoo ah waxa ay dhab ahaan la kulmaan isku mid ma aha," ayay tiri.

Waxay sheegtay in dalxiisayaasha ay arkaan quruxda dalka iyo soo dhoweynta dadka, kuwaas oo ay aaminsan tahay inaysan mar walba ka muuqan wararka Soomaaliya laga baahiyo.

Dalxiiska Soomaaliya heerkee ayuu marayaa?

Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu gaarayo in ka badan 3,300 oo kiiloomitir, goobo taariikhi ah, dhulal dabiici ah iyo dhaqan soo jireen ah. Dalxiisku wuxuu dalka u noqon karaa il dhaqaale, shaqo-abuur iyo fursad ganacsi, gaar ahaan dhalinyarada iyo ganacsatada ka shaqeeya hoteellada, hagidda dalxiisayaasha, gaadiidka iyo adeegyada kale ee la xiriira booqdayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, dalxiiska Soomaaliya weli wuxuu wajahayaa caqabado waaweyn. Tobannaan sano oo colaado iyo xasillooni darro ah ayaa saameeyay kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada dalxiiska iyo sumcadda dalka ee caalamka. Warbixin ay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ka diyaarisay dalxiiska iyo adeegyada martigelinta ayaa tilmaamaysa in amniga, kaabayaasha aan ku filnayn iyo caqabadaha kale ay xaddideen horumarka waaxdan.

Tirooyinka rasmiga ah ee dalxiiska ayaa sidoo kale u baahan taxaddar. Bogga Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska wuxuu xusayaa in Soomaaliya ay heshay in ka badan 10,000 oo dalxiisayaal ah sannadkii 2024, isla markaana uu sheegay koror boqolkiiba 50 ah marka loo eego sannadkii ka horreeyay. In ka badan 125,000 oo dalxiisayaal caalami ah iyo dad qurbo-joog ah oo dalka yimid isla sannadkaas.

Dalxiisayaasha oo doonaya inay iyagu sheekada sheegaan

Dadka booqda Muqdisho qaarkood waxay sidoo kale door ka qaadanayaan sida Soomaaliya loogu soo bandhigo internetka. Christopher Reese, oo ah dalxiise isla markaana sameeya muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyo, ayaa sheegay in fikraddii uu Soomaaliya ka haystay ka hor booqashadiisa ay inta badan ku dhisnayd wararka taban ee uu arkay.

"Waxaa jira wax badan oo dalkan ku saabsan oo aan lagu soo bandhigin cinwaannada wararka," ayuu yiri Christopher, isagoo sharxaya sababta uu u doonayo inuu muuqaalladiisa ku soo bandhigo dadka, cuntada iyo goobaha uu booqdo.

Wuxuu sheegay in muuqaallada uu internetka ku baahiyay ay xiise geliyeen dad kale oo arkay wax ka duwan sawirkii ay horay uga haysteen Soomaaliya. Xiisahaas ayaa qayb ka noqday abaabulka safar kale oo ay kooxdu dalka ku timaaddo.

Dalxiise kale oo lagu magacaabo Miheala Patap ayaa iyaduna ka warrantay waayo-aragnimadeeda, iyadoo sheegtay in booqashadeeda Muqdisho ay fursad u siisay inay aragto dhulka bacaadka ah iyo xeebaha magaalada.

Waxay sheegtay inay aad ula dhacday quruxda saxaraha iyo badda, ayna jeclaan lahayd inay waqti dheeraad ah ku qaadato magaalada.

Waayo-aragnimada noocaas ah ayaa muujinaysa sida baraha bulshada iyo muuqaallada ay dadka safarka ahi sameeyaan ay uga qayb qaadan karaan soo bandhigidda goobaha dalxiiska.

Amniga iyo kaabayaasha oo weli caqabad ah

Inkasta oo ay jiraan dad booqanaya Muqdisho, haddana amniga ayaa weli ah caqabad weyn oo hor taagan horumarinta dalxiiska Soomaaliya. Digniinaha safarka ee dowlado shisheeye ayaa weli ka digaya khataraha argagixisada, afduubka, colaadaha iyo dambiyada qaarkood ee dalka ka jira.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo adeegyo dalxiis oo la isku halayn karo, hagayaal tababaran, gaadiid, hoy tayo leh, macluumaad sax ah oo loogu talagalay booqdayaasha iyo habab lagu ilaalinayo goobaha taariikhiga ah iyo deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u muujisay inay doonayso dib u soo nooleynta waaxdan. Sannadkii 2025, hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya waxay daahfurtay nidaamka oggolaanshaha safarka ee elektaroonigga ah, kaas oo loogu talagalay in dadka ajnabiga ah ay oggolaanshaha gelitaanka dalka ka codsadaan internetka ka hor safarkooda.

Hase yeeshee, fududeynta habraacyada safarka oo keliya kuma filna kobcinta dalxiiska. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay horumar amni, maalgashi, adeegyo wanaagsan iyo qorshe mideysan oo dalka loogu soo bandhigayo dalxiisayaasha.

Fursadda dhalinyarada Soomaaliyeed

Sucdi iyo hagayaasha kale ee maxalliga ah waxay tusaale u yihiin shaqooyinka ka dhalan kara waaxda dalxiiska haddii ay hesho taageero iyo maalgashi dheeraad ah. Shaqadani waxay sheegeen inay u abuuri karto fursado ay ku bartaan xirfado cusub, ku bilaabaan ganacsiyo yaryar, kuna soo bandhigaan taariikhda iyo dhaqanka dalka.

Sucdi waxay sheegtay shaqadan inay ka heshay waayo-aragnimo ay aabbaheed ka dhaxashay, iyadoo iyaduna sii baranaysa xirfadda. Sheekadeedu waxay muujinaysaa in dalxiisku uusan ku koobnayn dadka imanaya dalka, balse uu sidoo kale ku saabsan yahay dadka deegaanka ee soo dhoweynaya, hagaya, isla markaana la wadaagaya aqoontooda iyo dhaqankooda.

Sucdi iyo dalxiisayaasha ay hagto waxay bixinayaan aragti ku saabsan fursadda jirta. Laakiin si fursaddaasi ugu beddelanto waax dhaqaale oo waarta, waxaa loo baahan yahay dadaal ka ballaaran sheekooyinka shaqsiyaadka: mid ay dowladda, ganacsatada iyo bulshada deegaanka si wadajir ah uga shaqeeyaan.