Toddobo ka mid ah culimada diinta Islaamka ee lagu dilay waqooyiga Nigeria

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dilkii loo geystay wadaadkii caanka ahaa ee diinta Islaamka, Sheekh Yahaya Masusuka, oo ka dhacay gobolka Katsina ee dalka Nigeria, ayaa mar kale dhaliyey dood ku saabsan dilalka loo geysto culimada diinta ee caanka ka ah waqooyiga dalkaas.

Fiidnimadii Isniinta, koox hubaysan ayaa rasaas ku furtay wadaadka wax yar ka dib markii uu gurigiisa ka soo baxay si uu u tago goobta uu ka jeedin jiray duruusta diinta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wadaadka loola cararay isbitaal, halkaas oo dhakhaatiirtu ay ku xaqiijiyeen geeridiisa.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee dil qorshaysan loo geysto wadaad ka tirsan culimada diinta ee waqooyiga Nigeria.

Maqaalkan waxaan ku eegi doonnaa shan ka mid ah culimada diinta ee caanka ah ee hore dilal qorshaysan loogu geystay waqooyiga dalkaas.

Sheikh Yahaya Masussuka - 2026

Maalintii Isniinta ee 26-kii Oktoobar 2026, ayaa rag hubaysan oo mooto watay ay rasaas ku fureen wadaadka, xilli uu joogay albaabka gurigiisa.

Wadaadku wuxuu caan ku ahaa caqiidadiisa ah in la raaco Qur'aanka oo keliya, lagana tago axaadiista, arrintaas oo sababtay in qaar ka mid ah culimada diinta ay dhaliilaan.

Wuxuu in ka badan 30 sano ku soo jiray dacwada iyo wacdiga diinta, kaddib markii uu waxbarashadiisa ku soo qaatay goobo kala duwan, oo ay ku jirto Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar.

Intii uu ku guda jiray hawlihiisa dacwada, wuxuu la kulmay caqabado kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen isku dayo lagu doonayay in lagu xiro iyo yeeritaanno ay u soo jeedin jireen hay'adaha ammaanka.

Sheikh Albani Zariya - 2014

Bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, ayaa koox hubaysan waxay dishay wadaadkii caanka ahaa ee Sheekh Albani Zariya.

Wadaadka waxaa weerarka lagu dilay isaga iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa.

Goobjoogayaal ayaa xilligaas sheegay in kooxdii weerarka geysatay ay wadaadka iyo qoyskiisa ku dishay gaari ay saarnaayeen, xilli ay gurigooda ugu sii socdeen kaddib markii ay ka soo baxeen dugsigii uu wax ka dhigi jiray, kaas oo ku yaalla magaalada Zariya ee gobolka Kaduna.

Sheikh Goni Tijjani - 2011

Sheekh Goni Tijjani wuxuu ahaa wadaad caan ka ahaa gobolka Borno ee waqooyi-bari Nigeria.

Waxaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Maiduguri, 9-kii May 2011.

Baarayaashu waxay weerarrada la xiriiriyeen mucaaradnimada ay culimadu u muujiyeen kooxda Boko Haram, inkasta oo kooxdaasi aysan sheegan mas'uuliyadda dilka.

Wadaadka waxaa la dilay xilli ay sii kordhayeen weerarrada kooxda Boko Haram ee magaalada Maiduguri.

Sheikh Ali Jana'a - 2011

Sheekh Cali Jana'a ayaa lagu toogtay meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Bulabulin Ngarnam ee magaalada Maiduguri.

Wararka qaar ayaa kooxda Boko Haram ku eedeeyay inay weerarka ku qaaday wadaadka, kaddib markii la sheegay in kooxdu ay ku eedaysay inuu hay'adaha ammaanka siin jiray xog ku saabsan hawlaheeda.

Dilkiisu wuxuu dhacay xilli ay kooxda Boko Haram sii kordhinaysay weerarrada ay ku beegsanaysay dadka ay u aragto cadowgeeda ama kuwa gacan siiya hay'adaha ammaanka.

Sheikh Ibrahim Birkuti - 2011

Sheekh Ibrahim Birkuti wuxuu ahaa wadaad diinta Islaamka ku caan ahaa oo lagu eedeeyay inuu dhaliili jiray falalka kooxda Boko Haram ee magaalada Maiduguri.

Waxaa lagu dilay weerar lagu qaaday meel ka baxsan gurigiisa, bishii Juun 2011, magaalada Maiduguri.

Warbixin ay soo saartay xarunta Afrika ee la dagaallanka argagixisada ayaa dilkiisa ku dartay weerarradii lagu bartilmaameedsaday culimada diinta ee ka soo horjeeday fikirka kooxda Boko Haram.

Sheikh Ja'afar Mahmoud Adam - 2007

Sheekh Ja'afar wuxuu ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu caansan uguna saamaynta badan dalka Nigeria.

Wuxuu ahaa khabiir ku xeel dheer tafsiirka Qur'aanka, cilmiga xadiiska iyo fahamka axkaamta shareecada Islaamka.

13-kii Abriil 2007, rag hubaysan ayaa rasaas ku furay xilli uu Sheekh Ja'afar hoggaaminayay salaadda Subax ee masaajidkiisa ku yaalla xaafadda Gadon Kaya ee magaalada Kano.

Dilkiisa ayaa su'aalo badan ku dhaliyay taageerayaashiisa iyo dadka jeclaa, kuwaas oo isweydiinayay sababta loo dilay.

Sheekh Ja'afar wuxuu xilligaas caan ku ahaa dhaleecaynta caqiidada kooxda Boko Haram, oo bilowday inay soo shaac baxdo muddadaas.

Wuxuu ka mid ahaa culimada waaweyn ee mad-habta Sunniga, wuxuuna lahaa taageerayaal tiro badan.

Sheikh Umaru Ɗanmaishiyya - 2007

Sheekh Dan Maishiyya wuxuu ahaa wadaad caan ah oo diinta Islaamka ku soo caan baxay sannadihii 2000-meeyadii.

Kooxo hubaysan ayaa dilay 18-kii Luulyo 2007, xilli uu ku sii jeeday gurigiisa kaddib markii uu salaadda Cishaha ku tukaday masaajidkiisa oo ku yaalla magaalada Sokoto.

Dilkiisa ayaa sababay iska horimaadyo iyo rabshado dhexmaray taageerayaashiisa iyo dad kale oo aaminsanaa caqiidooyin ka duwan tiisa.