Dumarka da'da labatameeyada ee qaba sonkorowga nooca 2aad ayaa dunida ku sii badanaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay ku wargaliyeen khubarada Jaamacadda Imperial College ee London, England waxaa ka jira "koror naxdin leh" oo ah dumarka da'doodu tahay 20 sano ee qaba sonkorowga nooca 2aad.
Kororkan inta badan wuxuu dhacay tan iyo markii cudurka Covid-19 uu adduunka ka dilaacay, wuxuuna si dhow ula xiriiraa kororka cayilka. Taasi waxaa lagu ogaaday falanqayn lagu sameeyay Xogta Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Ingiriiska ee loo soo gaabiyo NHS, waxaana xogtaasi la eegay laga soo bilaabo sanadka 2011 ilaa 2024.
Sonkorowga nooca 2 waa cudur halis ah oo sababi kara dhibaatooyin daran sida wadne-qabad iyo istaroog. Marka uu ku dhaco qof da'yar, cudurku wuxuu noqdaa mid aad u xoog badan oo si dhakhso ah uu dhibaateya jirka. Tani waxay kordhisaa khatarta dhibaatooyinka caafimaad ee daran iyo dhimashada dhakhsada ah, sida ay sheegtay hay'adda la tacaasha cudurka sonkorowga ee UK.
Sida ay sheegeen hay'adaha samafalka, waa lama huraan ah in dadka khatarta ugu jira cudurka waqti hore laga baaro. Taasi waxay ka caawinaysaa in laga hortago dhaawaca mudada dheer ee ku dhaci kara xubnaha jirka.
Sonkorowga nooca 2 mararka qaar waa laga bogsan karaa. Taasi waxay dhacdaa haddii qofku uu dadaalo inuu cuno cunto caafimaad leh iyo in jirkiisu ahaado mid caato ah, iyada oo aan loo baahanayn daawooyinka hoos u dhiga sonkorta.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in daawooyinka cusub ee cayilka sida irbado iyo kaniiniyada ka kooban hoormoonka dabiiciga ah ee jirka ka caawiya xakamaynta sonkorta iyo cuntada ay caawin karaan. Taasi waa inay la socotaa talooyin ku saabsan cunidda cunto caafimaad leh.
Ku dhawaad boqolkiiba 90 dadka 6-da milyan gaaraya ee UK ku nool ee qaba sonkorowga, waxay qabaan nooca 2aad. Ma aha nooca 1aad ee ku tiirsan insulin.
Inkastoo khatartu ay korodho marka da'du korodho, haddana dadka waaweyn ayaa weli ah qaybta ugu badan ee mar dhaw laga helay cudurka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin hadda waxaa jira 12 kun oo qof oo ka yar 30 sano oo qaba sonkorowga nooca 2aad. Dumarka ayaa ku badan kiisaska da'da yar, sida lagu sheegay xogta NHS England.
Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu aqoonsado waxaa ka mid ah dareemida daal daran, kaadida oo ka badan sida caadiga ah, iyo harraad joogto ah.
Cilmi-baarayaasha Imperial waxay falanqeeyeen xogta NHS ee ka timid Baaritaanka Qaranka ee Sonkorowga Ingiriiska si ay u ogaadaan isbedelada dhacaya waqti ka waqti.
Natiijooyinka waxay muujinayaan in cudurku xoogaa hoos ugu dhacay dadka waaweyn, kuwaas oo weli ah qaybta ugu badan ee qaba cudurka. Laakiin wuxuu si degdeg ah ugu kordhay dadka ka yar 40 sano. Kororka ugu weyn waxaa lagu arkay dumarka da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 29 sano.
Isla waqtigaas, waxaa la ogaaday in miisaanka jirka uu si degdeg ah ugu kordhay dadka da'da yar marka loo eego dadka waaweyn. Sababta ugu weynna waxaa la sheegay inay tahay cayilka faraha badan ee ku sii badanaya dhalinyarada.
Heerka cayilka ee England ayaa ka sii daray tan iyo xilligii cudurka faafay. Hadda qiyaastii saddexdii qof mid ayuu saameeyay, sida ay sheegayso xog kale oo laga helay NHS England. Kororka ugu weyn waxaa lagu arkay dadka da'da yar.
Laga soo bilaabo 2019 ilaa 2025, tirada kiisaska cusub ee cayilka ayaa kor ugu kacday boqolkiiba 16 dadka da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 29, iyo ku dhawaad boqolkiiba 20 kuwa da'doodu u dhaxayso 30 ilaa 39. Halka heerku uu hoos ugu dhacay dadka da'doodu u dhaxayso 60 ilaa 79.
Dr Shivani Misra oo ah cilmi-baare heer sare ah ayaa tiri: "Waxaan u malaynaynaa in dhalinyaradu hadda ay si daran u cayilaan oo ay aad u buuraadaan. Taasi awgeed waxay xilli hore qaadaan sonkorowga nooca 2. Markaa da'da uu cudurku dadka ku dhaco hoos ayay u dhacaysaa."
Waxay intaa ku dartay: "Tani runtii waa wax laga naxo. Sababtoo ah haddii qof da'yar uu qaado sonkorowga nooca 2, dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha way ka sii daran yihiin."
Horey dadku waxay u malaynayeen in kororka sonkorowga ee dhalinyarada uu ku dhici jiray kaliya kooxaha qoomiyadaha tirada yar. Sababtoo ah horey ayaa loo ogaa inay khatar sare ugu jiraan laakiin xogta cusub ee NHS waxay muujinaysaa in xaaladdu isbedeshay.
Dr Misra waxay tiri: "Hadda waxaan aragnaa in sonkorowgu uu sidoo kale ku sii kordhayo dadka cadaanka ah. Taasi waxay muujinaysaa in dhibaatadan caafimaad darrada ay hadda saamaysay jiilka oo dhan, ma aha koox gaar ah."
Hay'adda la tacaasha sonkorowga ee UK ayaa sidoo kale sheegtay in la siiyo daryeel fiican dumarka uurka leh ee laga baaro sonkorowga xilliga uurka. Sababtoo ah haddii haweeneyda uurka qabta lagu helo sonkorowga, khatarta ah inay mustaqbalka qaaddo sonkorowga nooca 2 ka dib dhalmada aad bay u badan tahay.
Ugu dambayn, daraasado qaar ayaa muujiyay in qofka markuu ku dhaco caabuqa Covid, khatarta ah inuu qaado sonkorowga nooca 2 ay kordhi karto laakiin xogtan weli si buuxda looma xaqiijin. Caddaynta weli ma aha mid sugan.














