Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Faahfaahin kasoo baxaysa hooyo loo xiray inay labadeeda carruurta ah ku dishay Minnesota
Laba carruur ah oo da'doodu kala tahay 3 iyo 5 sano jir ayaa subaxnimadii Arbacada lagu toogtay laguna dilay magaalada Savage ee gobolka Minnesota, ee dalka Mareykanka, halka hooyadood oo 33 jir ah ay booliisku xireen, sida ay booliisku sheegeen.
Toogashadu waxay dhacday wax yar ka hor 6:30 subaxnimo xilliga dalkaas, waxayna ka dhacday xaafadda 4000 block ee waddada 126th Street, sida ay sheegtay waaxda booliiska magaalada Savage.
Booliisku waxay sheegeen in haweeney ay wacday lambarka gurmadka degdegga ah ee 911, iyadoo sheegtay in carruurteeda la toogtay. Haweeneyda ayaa la xiray isla markii ay goobta soo gaareen saraakiisha ammaanku.
Mid ka mid ah carruurta ayaa ku dhintay isla goobta, halka ilmaha kale loola cararay isbitaalka, balse markii dambe uu isna u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.
"Waxaan xilligan codsaneynaa in aad u ducaysaan qoyska, dhammaan xubnaha qoyska ee ay arrintani saameysay, iyo saraakiishii booliiska ee ka jawaabay dhacdadan," ayuu yiri taliyaha booliiska Brady Juell.
"Waa sida aad qiyaasi kartaan, dhacdadu waxay ahayd mid argagax leh oo dhaawac maskaxeed iyo mid shucuureed oo aad u weyn reebaysa," ayuu raaciyay.
Booliisku waxay sheegeen in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan shacabka, balse waddada iyo aagga ay dhacdadu ka dhacday ay weli ka xiran yihiin gaadiidka iyo dadka lugeynaya, ilaa fiidnimadii hore ee Arbacada, iyadoo baaritaanno ay socdaan.
"Fadlan u duceeya bulshadeenna," ayuu yiri Juell. "Tani waa musiibo ay nagu qaadan doonto waqti inaan ka soo kabanno."
Booliisku waxay sheegeen in haweeneyda looga shakisan yahay dilka carruurta lagu hayo xabsiga degmada Scott County, iyadoo la sugayo in lagu soo oogo dacwado dembiyeed. Waxay intaas ku dareen in aysan hore u helin wax wicitaanno ah oo la xiriira haweeneyda ama guriga ay degganayd.
Booliisku ma shaacin magaca hooyada, balse xafiiska baaraha caafimaadka ee degmada Hennepin ayaa mar dambe shaacin doona aqoonsiga labada carruur ah iyo sababaha rasmiga ah ee dhimashadooda.
Kim Garland oo ah haweeney deris la ah qoyska ayaa sheegtay in markii ay aragtay booliis badan oo ku hareeraysan dhismaha dabaqyada ah ee ay qoysasku deggan yihiin, ay ka baqday in bulshada ay mar kale wajahayso howlgal ay wadaan saraakiisha dowladda federaalka ee qaabilsan fulinta shuruucda socdaalka.
"Isla markiiba waxaan ka fikiray carruurta u baahnayd inay geeska waddada baska ka raacaan. Waxaan u tagay guryaha, ama si kale haddii aan u dhigo, dabaqyada ay dadku deggan yihiin, si aan ula hadlo una ogeysiiyo in booliisku goobta joogaan, ayna isku dayayaan inay ogaadaan waxa dhacay, sidaas darteedna ay carruurtu u baahan yihiin inay ka fogaadaan aaggaas," ayay tiri Garland.
Iyadoo booliiska iyo hay'adda baarista dambiyada ee gobolka Minnesota ay baaritaanno ku wadaan dhacdada, bulshada deegaanka ayaa hadda wajahaysa su'aasha ah sida loogu sharraxi karo carruur badan oo yaryar waxa dhacay iyo sida ay arrintani u dhacday.
"Waxaan rajeynayaa in la helo hab bulshadeenna dib loogu mideeyo, waxaana kalsooni ku qabaa in waaxda booliiska Savage ay qaban doonto wixii looga baahan yahay," ayay tiri Garland.
"Isla markii ayay goobta yimaadeen, mar walbana siyaabo kala duwan ayay u garab istaageen bulshadeenna. Sidaas darteed, arrinta gacantooda ayaan u dhaafayaa, waxaana rajeynayaa in waalidiinta halkan ku nool ay carruurtooda la hadlaan oo ay isku dayaan inay u sharraxaan wixii dhacay," ayay raacisay.
Magaalada Savage waxay qiyaastii 20 mayl (32 kiiloomitir) koonfur ka xigtaa magaalada Minneapolis.