Muxuu Shiinuhu ka yiri eedda ah in uusan Nepal waqti fiican u dirin digniin, sideese yahay iskaashiga labada dal?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Daadadkii kediska ahaa ee ku dhacay Wabiga Bhotekoshi ee Nepal maalintii Arbacada ahayd ayaa saddex degmo khasaare weyn u geystay.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 160 qof, halka tiro badan oo ay ku jiraan ciidamo amni iyo dalxiisayaal ajnabi ah weli la la'yihiin.

Khasaarahan inta la eg gaarayay ma jirin wax digniin hore ah oo ka timid Nepal iyo Shiinaha toona.

Waaxda Biyaha iyo Saadaasha Hawada ee Nepal ayaa sheegtay in inkastoo Nepal iyo Shiinaha ay leeyihiin nidaam ay ku wadaagaan xogta cimilada, haddana masiibadan dhowaan dhacday wax xog ah oo horudhac ah laga heli waayay.

Si kastaba ha ahaatee, Safaaradda Shiinaha ee Nepal ayaa beenisay wararka baraha bulshada ku faafaya ee sheegaya in Shiinuhu uusan Nepal u soo dirin digniin hore oo ku saabsan musiibada, taasoo keentay burburka ballaaran ee ka dhacay Nepal.

Safaaradda Shiinaha waxay qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah, waxayna tiri "26-kii Agoosto waxaa xadka ka dhacay dhul-go' iyo baraf dhac keenay daadad dhoobo wata oo sababay dhimasho, taasoo keentay in dad badan ay ku maqan yihiin labada dhinac ee xadka Nepal iyo Shiinaha."

Saacado kooban kadib musiibadii Arbacada dhacday, Ra'iisul Wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa sheegay in musiibada Tibet ka dhacday ay khasaare weyn geysatay, wuxuuna amray in la bilaabo howlaha gurmadka iyo badbaadinta.

Dhanka sababta daadadku Nepal ugu dhaceen, xitaa waaxda cimilada ayaan wax faahfaahin cad ka bixin.

Muxuu Shiinuhu ka yiri arrintan?

Marka laga hadlayo arrintan oo dhan, Safaaradda Shiinaha ee ku taal Nepal waxay soo saartay bayaan ay ku beenineyso eedeymaha loo jeedinayo ee ah inaysan xogta la wadaagin.

Safaaradda Shiinaha ayaa bayaankeeda ku tiri, "Shiinaha aad ayuu uga murugooday daadadka degdegga ah ee ku dhuftay xadka Rasuwa-Gyirong, wuxuuna diyaar u yahay inuu Nepal siiyo kaalmo kasta oo suurtagal ah. Xogta horudhaca ah waxay tilmaameysaa in dhul-go' ka dhacay dhanka Nepal uu keenay baraf dhac iyo daadad burbur wata, taasoo sababtay dhimasho iyo dad badan oo la la'yahay labada dhinac ee xadka."

Safaaradda Shiinaha waxay tiri, "Wixii hadda ka dambeeya waxaan sii xoojin doonnaa wadaagista xogta cimilada, biyaha iyo khataraha dhulka la xiriira, gaar ahaan wadashaqeynta ku saabsan masiibooyinka ka gudba xuduudaha. Nepal iyo Shiinaha waa laba dal oo jaar ah oo juqraafi ahaan isku xiran. Sidaas darteed, cashar laga baranayo musiibadan, labada dal waa inay adkeeyaan u diyaargarowga si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida dadka ku nool labada dhinac ee xadka."

Maxay tahay sababta xogta loo wadaagi waayay?

Daadkii hore ee ku dhuftay Wabiga Bhotekoshi kadib, warbixintii uu diyaariyey Guddiga Maareynta Masiibooyinka Degmada ayaa sidoo kale ku talisay in la sameeyo nidaam digniin hore ah oo ka gudba xuduudaha caalamiga ah.

Warbixinta waxaa lagu yiri, "Waa in iskaashi labada dal ah la sameeyaa si loo abuuro nidaam digniin hore ah oo ka gudba xuduudda, gaar ahaan meelaha halista badan leh sida harooyinka barafka iyo webiyada ku yaal xadka Shiinaha iyo Nepal."

Nidaamkan wuxuu gacan ka geysan doonaa yareynta khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed, isagoo bixinaya xog hore oo ku saabsan daadadka, qaraxyada harooyinka barafka ama masiibooyinka kale ee dhici kara.

Gabagabadii warbixinta ayaa lagu sheegay in "iyadoo la tixgelinayo khatarta ka dhalata harooyinka barafka iyo ilaha biyaha ee ku yaal xadka Shiinaha, ay aad muhiim u tahay in la sameeyo nidaam digniin hore ah oo ku saleysan isku-dubarid caalami ah."

Waa maxay habka lagu ogeysiinayo Nepal marka dhacdo cimilo la xiriirta ay ka dhacdo dhinaca Tibet?

Saadaaliyaha cimilada Vibhuti Pokharel ayaa BBC Nepali u sheegay, "Waxaa jira nidaam xogta lagu helo. Laakiin haddii dhacdadu ay ka dhacday isla halkaas, markaas su'aashu waxay tahay in halkaas xog laga hayay iyo in kale."

Wuxuu yiri, "Arrintan cimilada la xiriirta horay ayaa looga hadlay in hadda xogta la bixin doono. Laakiin si xogta loo bixiyo, waa inay marka hore xogtu jirtaa."

Afhayeenka Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Shanti Mahat ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga wada hadlo is-dhaafsiga xogta xuduudaha ee Shiinaha.

Waxay tiri, "Maadaama dhacdadani ay ka dhacday dhinaca kale, waxaan ogaanay oo keliya kadib markii daadku uu yimid. Dhibaatooyinka noocan oo kale ah ayaa sii kordhaya, sidaa darteed waxaan u aragnaa in loo baahan yahay in hore loo sii socdo iyadoo heshiis laga gaarayo dowladda Shiinaha iyo tan Nepal."

Saacado yar kadib daadkii dhacay Arbacadii, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu sheegay in xaaladda hadda ee xakameynta daadadku ay ku jirto marxalad aad xasaasi u ah.

Sida laga soo xigtay CCTV, Madaxweyne Xi wuxuu ka codsaday dhammaan gobollada iyo hay'adaha ay khuseyso inay feejignaan dheeri ah muujiyaan oo ay xoojiyaan dadaallada lagu aqoonsanayo loogana hortagayo khataraha iyo halista.