Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Cuntooyinka ay tahay inaad joogto u cunto si aad u hesho maqaar qurux badan
Maqaarku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah jirkeenna, mana noolaan karno la'aantii. Marka laga soo tago inuu qurxiyo jirkeenna, daryeelka wanaagsan ee maqaarku wuxuu sidoo kale faa'iido u leeyahay caafimaadkeenna guud.
Maaddaama maqaarku yahay gaashaan u dhexeeya jirkeenna iyo deegaanka dibaddiisa, arrimo badan ayaa door ka ciyaara gabowga maqaarka ama dhaawiciisa. Arrimahaas waxaa ka mid ah wasakhowga hawada, heerka maaddada muhiimka ah ee loo yaqaan Ozone iyo isbeddelka cimilada, sida uu sheegay Jean Krutmann, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga maqaarka kana tirsan Machadka Cilmi-baarista Leibniz.
"Sanado badan waxaan aaminsanayn in shucaaca uu yahay sababta ugu weyn ee keenta gabowga degdegga ah ee maqaarka, balse hadda waxaan ogaannay in arrintu sidaas keliya ahayn," ayuu yiri Krutmann.
Shucaaca UV waa nooc ka mid ah tamarta ka timaadda qorraxda.
"Noocyada kale ee shucaaca qorraxda ayaa iyaguna door ka ciyaara beddelidda qaab-dhismeedka iyo muuqaalka maqaarka, iyagoo sidoo kale sababa gabowgiisa."
Waxyaabaha aanay dad badani si weyn ugu baraarugsanayn ee ka qayb qaata ilaalinta caafimaadka maqaarkeenna iyo guud ahaan jirkeenna waxaa ka mid ah cuntada aan cunno.
Laga soo bilaabo dufanka caafimaadka leh ilaa noocyada cuntooyinka taageera caafimaadka hab-dhiska dheefshiidka, halkan waxaa ku jira qaar ka mid ah cuntooyinka kala duwan ee gacan ka geysan kara ilaalinta caafimaadka maqaarka.
1. Miraha iyo khudaarta
Cilmi-baarisyo badan ayaa muujinaya in cunista khudaartu ay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka maqaarkeenna.
Waxay ka qayb qaadataa helitaanka maaddooyinka sunta ka hortaga oo awood badan, kuwaas oo maqaarka ka ilaaliya dhaawaca ay geystaan wasakhowga deegaanka iyo fallaadhaha qorraxda.
Karootada, basbaaska iyo yaanyada ayaa hodan ku ah maaddooyinka loo yaqaan carotenoids, oo ay ka mid yihiin lutein, lycopene iyo beta-carotene.
"Maaddooyinkan waxaa lagu kaydiyaa dufanka, waxayna maqaarka ka ilaaliyaan fallaadhaha UV," ayuu yiri Volker Böhm, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga kiimikada cuntada kana tirsan Jaamacadda Friedrich Schiller ee Jena.
Wuxuu sheegay in cunista joogtada ah ee cuntooyinka hodanka ku ah carotenoids ay gacan ka geysan karto kordhinta difaaca maqaarka ee fallaadhaha UV laba ilaa saddex jeer sannadkii.
Sidoo kale, ku darista saliidaha sida saliidda saytuunka ee yaanyada ama karootada waxay jidhka u fududaynaysaa inuu nuugo maaddooyinkan antioxidant-ka ah.
Maaddooyinka carotenoids-ka ayaa sidoo kale ka caawin kara unugyada maqaarka inay soo saaraan hyaluronic acid. Maaddadan dabiiciga ah waxay ka caawisaa maqaarka inuu ahaado mid jilicsan, waxaana laga helaa kareemo badan oo maqaarka la mariyo.
Midabbada dabiiciga ah ee ku jira khudaartan ayaa sidoo kale gacan ka geysan kara kordhinta soo saarista kolajenka. Daraasad yar oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dumarka maalin kasta qaadanayay carotenoids muddo toban bilood ah ay caafimaadka maqaarkoodu soo hagaagay, taasoo muujinaysa in maaddadani ay ka qayb qaadan karto ka hortagga burburka kolajenka.
Ugu dambayn, waxaa la ogaaday in cunista miraha iyo khudaartu ay maqaarka ka dhigto mid qurux badan oo dhalaalaya.
Waxaa la ogaaday in cunista canbuhu ay ka caawin karto maqaarkeenna inuu ahaado mid caafimaad qaba oo dhallinyaranimo u muuqda, xitaa marka aynu sii duqoobayno.
Tusaale ahaan, daraasad ay Jaamacadda California ku samaysay haweenka gaaray xilliga caado-go'a, oo uu hoggaaminayay khabiir lagu magacaabo Vivien Fam, ayaa arrintan lagu baaray.
Haweenka ka qaybgalay daraasadda ayaa cunayay 85 garaam oo canbe ah afar jeer toddobaadkii muddo 16 toddobaad ah. Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in cunista canbuhu ay yaraysay qoto-dheeraanta laalaabka maqaarka, isla markaana ay hagaajisay muuqaalkiisa.
Inkasta oo loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah, haddana cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in faa'iidadaasi ay ka dhalan karto maaddooyinka carotenoids-ka, iyo walxaha ka hortaga waxyeellada unugyada jirka ee loo yaqaan flavonoids iyo mangiferin.
Waxaase xiiso leh in daraasaddu sidoo kale ogaatay in cunista qiyaastii 250 garaam oo canbe ah maalintii ay kordhin karto laalaabka maqaarka.
Robert Hackman, oo ka mid ahaa qorayaasha daraasadda, isla markaana ah borofisar ku takhasusay cilmiga nafaqada ee Jaamacadda California, Davis, ayaa sheegay inaan weli la garanayn sababta arrintani u dhacdo, balse ay suuragal tahay inay la xiriirto sonkorta badan ee ku jirta canbaha.
Canbaha iyo miraha liinta ayaa sidoo kale hodan ku ah fitamiin C. Fitamiinkani wuxuu jirka ka caawiyaa soo saarista collagen-ka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii walax ka hortagta gabowga, taas oo maqaarka ka ilaalin karta waxyeellada ay qorraxdu keento.
Cilmi-baaris ayaa muujisay in fitamiin C uu gacan ka geysan karo kordhinta qoyaanka maqaarka iyo yaraynta midab-doorsoomka. Sidaas darteed, fitamiin C ayaa si weyn loogu isticmaalaa waxyaabaha la isku qurxiyo ee daryeelka maqaarka iyo sidoo kale kaabeyaasha nafaqada, ayuu yiri Krutmann.
2. Cunista cunto nafaqo leh
Cunista lawska, yicibta iyo miraha kale ee saliidda leh waxay faa'iido u leedahay maqaarkeenna.
Daraasad yar oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka cunayay yicibta muddo 16 toddobaad ah ay lahaayeen calaamado gabowga maqaarka oo ka yar kuwa cunayay cunto kale.
Fitamiin E, oo si badan looga helo lawska iyo miraha saliidda leh, ayaa maqaarka ka ilaalin kara waxyeellada unugyada iyo gabowga. Yaraanta fitamiinkan waxay saameyn kartaa caafimaadka maqaarka, oo ay ka mid tahay gaabis ku yimaada bogsashada nabarrada. Ilaha wanaagsan ee laga helo waxaa ka mid ah yicibta, lawska hazelnut, lawska pine nuts iyo saliidaha laga soo saaro miraha kala duwan.
Sidoo kale, lawska wuxuu ka kooban yahay asiidhyada dufanka leh ee Omega-6, kuwaas oo xoojin kara difaaca dabiiciga ah ee maqaarka, kana caawin kara inuu qoyaankiisa ilaashado.
Nooc kale oo dufan caafimaad leh oo faa'iido u leh maqaarka waa Omega-3, kaas oo laga helo kalluunka dufanka leh iyo algae (dhirta yaryar ee biyaha ku nool).